Quantcast
Channel: Somali RBC Radio » Bashiir Yuusuf
Viewing all articles
Browse latest Browse all 82

Kay iyo Keating: Kolayba Ingiriis waa ina soo aaday! W/Q Axmed-yaasiin Max’ed Sooyaan

$
0
0

Kay iyo Keating: Kolayba Ingiriis waa ina soo aaday!
Axmed-yaasiin Max’ed Sooyaan
alle_yaqaan99@yahoo.co.uk
Nofeembar 27 2015

maqaal311Odayaashii hore ee Soomaaliyeed Ingiriiska si fiican bay isu yaqaaneen, waxaan aad ula yaabay siyaabo badan oo ay u cabbireen fikirkiisa, dhaqankiisa, iyo guud ahaan xiriirka nololeed ee dunida kale uu la leeyahay, waxaana taas si fudud looga aqrisan karaa xudduudaha ka jira dalalka qaaradaha Afrika iyo Aasiya! Taasoo salka ku haysa in Ingiriiska uu mar kasta yahay marqaatiga iyo xog-ogaalka loogu noqonayo tallada dhibaatooyinka ka dhasha khilaafaadka xudduudaha iyo khariidadaha dunida ka jira.

Ingiriiska wuxu sir iyo saaqba ku bixiyay gobolo Soomaaliyeed, waliba bixin uguma harin wuxuu gacan ka geystay in Qarmmada Midoobay (QM) u aqoonsadaan inay ka tirsanyihiin dalalka uu ku daray, tan maanta taagan baase ka daran, bal inkaarta inta ay la egtahay! Sida aan u burburnay iyo cadowga aan ku hor kufnay!…kaaga daranee iyo nimanka aan maanta ka sugayno samata bixinta!.. DHereg Gunimo Leh Gaajo Gobanimo Leh Baan Ka Dooranay! Waa fikraddii ay ku soo shaqeeyeen, oo ay halganka ku soo galeen halgamayaashii Soomaaliyeed aakhirkiina ay ku hanteen qaranimmadii gacmaheenna ku burburtay…..

Ragga dhaxlay ilbaxnimmada laga soo min-guuriyay dhaqanka guumeystinimmada ee hadda hoggaamiya siyaasadda dalalkii wax guumeysan jiray badankood waxay rumaysanyihiin in habka ay ka dhaxleen awoowayaashood yahay siyaasadda haboon ee maanta lagu maamuli karo dalalkii ay soo guumaysan jireen. Annaga iyo Qarammada Midoobay; marka aad fiiriso sida uu ururkii League Of Nations ugu xuub siibtay ururka qarammada midoobay waxaad is leedayahay ama kuu muuqanaya in Qarammada midoobay ay samaysteen dalal rabay inay iyagana kala badbaadaan dunida kalana ay ku maamulaan waxay ay iyagu heshiis ku yihiin, waana dalalkii ku guuleystay dagaal-weynihii 2aad ee dunida, waxaana shardi ah in dal kasta oo soo codsada inuu xubin ka noqdo Qarammada Midoobay uu marka hore ku guuleysto 9 cod oo ka mid ah codadka 15ka xubnood ee Golaha Ammaanka ah, oo aysan ku jirin 5ta dal ee xubnaha joogtada ah….

Sidaasoo kalana nin kasta oo noqonaya Xoghayaha Guud ee Qarammada Midoobay wuxuu u baahanyahay oggollaanshe dhamays tiran ee dalalka leh codka VITO-ga kuwaasoo haddii uu midkood diido uusan isku soo ceebaynayn jagadaas, ama xataa uusan ku soo noqon karin xilka, waana sidii uu ku tegay Boutros Boutros-Ghali markii ay dowladda Maraykanka is khilaafeen oo waliba sida mararka qaar la sheego arrimaha ay isku qabteen ugu weyneyd aayaha Soomaaliya, waana sidii ku dhacday Xoghaye Guud ee ugu horeeyay ee ay yeealato Qarammada Midoobay, Trygve Halvdan Lie, oo isagu ka soo jeeday dalka Norway, ayaamar labaad markii xilkaas loo soo doortay diiday oo ka hor yimid Midowgii Soviet oo iyagu ugu caraysnaa ololihii uu ninkaas u galay in tallaabo military laga qaado dalka Woqooyiga Korea taasoo markii dambe keentay Lie inuu is cazilo.

Waxaa sidaasoo kale xeerarka Qarammada Midoobay ka mid ah in dalalka dhaqaalaha ugu badan siiya qarammada midoobay ay iyagu ka mudanyihiin dalalka kale jagooyinka muhiimka ah ee hay’addaas,…..laakiin annagu iyo dunida dhammaanteedba xubnaan ka nahay, sidaa daraadeed waad garan karaysaa Banki Moon inuusan cidna inoo soo magacaabin, waad garan karaysaa kaalintiisu waxay tahay, waad garan karaysaa cidda iska soo hormarisay, wax kale ma aha ee waa sida kuwa inoo yimaada iyagoo hor kacay hay’ado ay leeyihiin dad shisheeye ah ee annagana inoo sheega inay hay’adaha iyga leeyihiin ama madax ka yihiin!….

Waxaan shaki ku jirin istaraatiijiyadii reer Galbeedku ay Soomaaliya ka lahaayeen ay soo gabagabowday, haddii ay ahaan lahayd; in magaca Xasan SHiikh Max’ud wax lagu xalaalaysto iyadoo la huwinayo magaca madax-weynihii Soomaaliya, haddii ay ahaan lahayd in ciidammada la keenayo afka Soomaaliga iyo dhaqanka shacabka la baro, haddii ay ahaan lahayd turjubaano Soomaali ah oo siyaabo badan loo soo taba-baray, iyo haddii ay ahaan lahayd ciidamo Afrikaan oo la soo qalabeeyay una badan waddammada deriska ah sida Itoobiya, Kenya, iyo Djibouti…

David Cameron, ninka madaxda ka ah qolka 10aad ee looga arrimiyo boqortooyada Ingiriiska waxaa hor yaala khariidad aad uga baaxad weyn kana qoto dheer tii awoowayaashii ay dhulka Soomaaliyeed horay ugu bixiyeen, waxaadna moodaa in wajigii hore ee ahaa diyaarinta danaha sida sharci darrada ah la rabo in Soomaaliya looga fushado uu soo dhamays tiray Nicholas Kay, sida dadku qaar sheegayaan ama ay u malayniyaana ma aha in Kay uu ku fashilmay arrimihii laga sugayay inuu qabto, waxa si walba u fashilmay waa Xasan SHiikh, laakiin Nicholas Kay aan is weydiin hawlaha ay Soomaalida ka sugaysay oo ay isku ogaayeen maxay ahaayeen?!….Xataa ninka la leeyahay Banki Moon baan sheegi karin Kay sababaha uu Soomaaliya u joogay, waayo markii horaba isaga soo ma dirin waajibaadna ma soo siin.

Nicholas Kay, waxaad moodaa inay soo gabagabowday hawshiisii hadana uu xilka kala wareegayo nin ku dhashay magaallada Kampala ee dalka Uganda, ninkaan la yiraahdo Michael Keating, waxaa la oran kara waa nin loo diyaariyay inuu horseed ka noqon karo dhamays tirka barnaamijada ay dowladda Ingiriiska ka lahayd Soomaaliya, isla markaasna uu David Cameron rumaysanyahay inuu ka soo dhalaali karo.

annan

Keating, wuxuu muddo dheer la soo shaqeeyay QM, wuxuuna horay u soo noqday ku-simaha wakiilka xoghayaha guud ee QM u joogay dalka Afghanistan, isla markaasna ahaa u qaybsanaha xagga deegaanka, wuxuu sanadihii 1999kii-2001dii ahaa la taliyaha maamulaha xafiiska waaxda barnaamijada horumarint ee QM (UNDP) xarunteeda New York, wuxuu madax ka soo noqday Chatham House, The Royal Institute Of International Affairs (waa guriga in-dheer garadka,iyo xubnaha khubarada ee ka baaraan dega arrimaha dunida ee dalka Ingiriiska) halkaas oo uu ka sameeyay ama uu isagu lahaa fikradaha dhowr barnaamij oo ay ka mid ahaayeen barnaamijka siyaasadeed ee ku-meel gaarka ah ee Afghanistan, iyo qodobo kale oo ay ka mid ahaayeen, KHayraadka Dabiiciga ah, Tamarta (Energy) iyo Xuquuqul-insaanka, wuxuuna sidaasoo kale ka soo shaqeeyay Bariga DHexe, Afrika, Geneva, iyo New York, oo dhammaantood uu ka soo qabtay mas’uuliyado la xiriira siyaasadda, horumarinta, iyo Bin-aadanimmada…

Keating, sida lagu soo xulay inta badan way ka duwantahay inuu natiijooyin siyaasadeed ka gaaro arrimaha Soomaaliya, hasa ahaatee waxaa loo qaadan karaa in waxa ugu weyn hawshiisa ay noqoto inuu fuliyo heshiisyada ay gudcurka ku wada saxiixdeen David Cameron iyo Xasan SHiikh Max’ud ee la xiriira sidii dowladda Ingiriiska u soo saari lahayd khayraadka Soomaaliya, ee uu ugu horeeyo shidaalka, iyadoo danaha u weyn ee laga sugayana ay tahay mas’uuliyadda arrintaas in lagu saleeyo oo keliya heshiisyada laga qarsaday ummadda Soomaaliyeed.

Waad arkaysay oo Nicholas Kay wuxuu ka qayliyay shalay hal doon oo niman Soomaaliyeed oo xeebahooda loogu yimid ay qabsadeen (Soomaalida ha ka fiirsato in Burcad-Badeed loogu yeero dhallin yarada ilaashanaya xeebahooda, hana u aqoonsadaan inay hayaan adeeg dalkooda uga baahanayahay iyadoo waliba la siinayo taba-bar lagu tayeyniyo hawlaha ay qabanayaan) muddadii uu Kay joogay maalin keliya sooma hadal qaadin Burcad-Badeedda ka socda shirkadaha waaweyn ee kaluumaysiga ee dalalka horumaray ku jariifayaan xeebaheenna, ee sanad kasta ka sameeya Billions-ka dollar, waxay inoo dhiibeen kutub aysan iyaga rumaysnayn oo la kala yiraahdo Argagixiso iyo Burcad Badeed oo loo isticmaalay inaan dalku yeelan jiho siyaasadeed joogitaanka shisheeyahana sharci ka dhigaysa.

Bal is weydii maxay salka ku hayn kartaa booqashada wadaadkaan kaniisadda Lutheran-ka ah ka socday ahaana ra’iisal-wazaarihii hore ee Norway, Kjell Magne Bondevik, waa yaab!…. Bondevik hadda wuxuu leeyahay hay’ad ku salaysan Nabad Gelyada Dimuqraadiyadda iyo xuquuqda Aadanaha, mise u malaynaysaa Xasan Inuu marna ku soo hadal qaadi karo ama uu wax ka weydiin karo xad gudubyada ay shirkadaha Norwegian-ka ku hayaan khayraadka iyo badaha Soomaaliya?!….

SHacabku waa gablamiyay dalkii! Maalin keliya Xasan SHiikh kama hadlin Burcad-Badeeddaas dunida ka soo duushay ee badaheena jariifay xataa haddii uu Jawaari u sheegi lahaa inuu ka hadlo waxbay ahaan lahayd!….balse ka waran kuwa xil-dhibaannada ah ee maalin kasta shirarka beenta ah u fadhiya oo wax ka soo baxa oo macna leh aan wali la hayn inay Xasan SHiikh Max’ud iyo nin kale oo muransan la kala saftaan mooyee, maxay uga hadli waayeen Burcad-Badeedda biyaheenna ku soo duushay?! Mise wax kalaa jira?!

David Cameron waa ay muuqataa sida uu damacsanyahay, waana uu diyaarsaday raggi hawlaha u qaban lahaa, sida xawliga ah ee uu arrimaha ku wadanna waxay cadayn u tahay in Ingiriiska uu si bareer ah ugu soo qalkab qaatay dano aan loo sheegin dadka Soomaaliyeed iyo kuwa hadda siyaasaddooda hoggaaminaya, hasa yeeshee waxaa rajayniyaa in shacabka ay isku dayaan waxyaabaha socda iyo waliba inay fahmaan in waxa Beesha Caalamka loogu yeero inay heshiis ku yihiin in la boobo khayraadka Soomaaliya, xuddudihiisana waxaa loo fasaxay cid kasta iyadoo lagu sharciyeeysanayo sababo aan xaqiiq ku salaysnayn iyo xaallado horay loo sii abuuray….

Use Facebook to Comment on this Post

FacebookTwitterGoogle+Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 82

Trending Articles