Quantcast
Channel: Somali RBC Radio » Bashiir Yuusuf
Viewing all articles
Browse latest Browse all 82

Gaal-Kacyo: Dagaal ujeeddo badan!. W/Q Axmed-Yaasiin Max’ed Sooyaan.

$
0
0

Gaal-Kacyo: Dagaal ujeeddo badan!
Axmed-Yaasiin Max’ed Sooyaan.
alle_yaqaan99@yahoo.co.uk
Diseembar 07 2015

maqaal31121Waxaad moodaa inaanan isku af ahayn, inaan u baahan cid inoo kala turjunta, mise?! Bal cibaarradan adigu micnee yaa eedda leh ma siyaasiyiinta mise innaga shacabka ah ee raba hoggaan siyaasadeed oo danahooda u adeega?!…aad baan uga xumahay waxa ina haysta, tan Gaal-Kacyo ka dhacday! Haddee intaa ma ku ekaysiin karnaa?!..….. jawaabta su’aashaas aad baa loogu kala duwanyahay, waxaase su’aashaas ka jawaabaya su’aasha kale ee ah nimanka siyaasiyiinta inoo ah ee arrintan laga sugayo inay maareeyaan waa kuwee, xaggee bay joogaan, 25kii sano ee dalku burburka ku jiray wax xal ah oo ay keeneen marna ma aragnay, ma uga baranay?! Haa iyo Maya, jawaabtu midkay doonto ha ahaatee, wali waxaa ina hor jooga raggii aan ku hingownay ama kuwo ay soo jaro bareen oo iyagii iska dhig-dhigaya!….

Waxay u egtahay arrinta Gaal-Kacyo inay ka mid noqotay mashruuca madax-weynaha dowladda federalka Soomaaliyeed Xasan SHiikh Max’ud ee Hiigsiga 2016, waxay u egtahay inay ka mid noqotay mashruuca Xasan SHiikh Max’ud iyo shirkadaha saliidda ee ay rabaan inay awooddooda ku fidiyaan gobolka Puntland, waxay u egtahay inay ka mid noqotay mashruuca waxa Beesha Caalamka loogu yeero ay doonayso inay dalka si dhamays-tiran gacanta ugu geliyaan cudud shisheeye oo ay ku xukumaan iyadoo Xasan SHiikh Max’ud uu taas u fududeynayo si uu garab uga helo 2016 yaraan si ay uga aqbalaan kororsiimada 2da sano ah ee uu muddad xusul-duubka ugu soo jiray, waxay u egtahay siyaasiyiinta nabadda Gaal-Kacyo laga sugayo oo uu u horeeya madax-weynaha DFS, ra’isal wazaare SHar-Ma-Arke, Cabdi-Kariim Xuseen Guuleed, iyo Cabdi-Wali Max’ed Cali, inaysan natiijo nabadeed halkaas ka keeni karin oo sida hadaba dhacday heshiis kasta oo ay gaaraan uu burbur ku imaan karo, maxaa yeelay nimankan waxba iskuma khilaafsana….ma rumaysnid inay saaxiibo yihiin?!…

Maalin kasta iyagaa gaar wax u saxiixda, go’aamo u gaara dalka iyo dadka iyadoo aan Golayaasha SHacabka mid heer federal ah iyo dowlad goboleed midna waxba lagala socodsiin, iyadoo waliba ay muuqato inay wax kasta ku dhamaystaan xeer-jajab hoose iyo saaxiibtinimo shakhsiyadeed oo ka dhexeysa iyagoo waliba garab maray wax kasta oo lagu heshiiyay, haddii ay ahaan lahayd dastuur iyo qawaaniinta dalka u degsan…..waxaase ayaan-daro weyn ah nimanka sidaas isugu Milan inaysan dadkooda isu keenin oo iyagii maadaama ay heshiiyeen aysan dad-weynihii aaminay heshiiskii u sheegin ama ayba dabka isugu dhiibaan!…waxaadna moodaa inay leeyihiin sidaas bay istaahilaan!….haddaadan rumaysnayn hadalkayga bal dabeecadda xiriirka nimankaas adigu macnee ma col baa mise waa heshiis?!……kolayba mid waa caddahay raggaas aan magacyadooda kor ku soo xusay inay yihiin xulufo Dan-Wadaag ku ah Hiigsiga 2016ka,…waa dhici kartaa in sida dadka qaarkii rumaysanyihiin dhegta wax loogu sheegay!

Nimanka shirka qabsaday waa siyaabo badan sheeko wadaag u ah, iyagana aysan wax khilaaf ahna uusan ka dhexeyn, waxaadna ka garanaysaa midkoodna uma baahan rag xaajada iyo talada uu kala noqdo haddii sidii uu ku soo talo galay ay wax iska bedelaan, mar keliya oo wax laysku khilaaf intii uu shirka socday ma jirin, qodobbada afarta ah ee la gaarayna maba aha kuwo abbaaray xalka wixii uu dagaalku ka kacay, mana aha kuwo sida dabeecaddoodu tahay kuwo bogtii jirtay looga hadlay, ma maamulaa wada hadlay? Jawaabtu waa maya….ma deegaan baa wada hadlay? Waa may, Yaa wada hadlay?!…ee waxaa wada hadlay Cabdi-Wali iyo Cabdi-Kariim, waxaana goob joog ka ahaa IGAD iyo Midowga Yurub!…bal adigu macnee….wax wanaagsan inaysan jirin waxaad ka garanaysaa labada maamul golayaashooda wax taageera ah kama soo yeerin, sidaasoo dadka deegaanka ahaa wax taageera ah kama soo yeerin, taasi macnaheeda waxaa weeye in wax badan oo madmadow ah ay jiraan, sheekaduna ay ku soo dhamaatay Mire Barde Canyayuub Baa Lagu Cunaa!….marse haddii la wada fariistay waxay ku fiicnayd dhibaatada dhacday in si qoto dheer looga baaraan dego.

Midda kale waxa aan sheegayo waa dhaqan aan horay u soo aragnay, waxaan garanaya 1994kii labo nin oo ka mid ahaa raggii kala hoggaaminayay kooxihii ku dagaalamayay Soomaaliya oo ka qayb gelayay shir-nabadeed waqtigaas ka socday hotel-kii Lenana Tower, ee magaallada Nairobi, nimankaas ayaa markuu shirkii dhammaaday muddo sii joogay magaalada waxaana dhacday in iyagoo wada qayilaya oo wada fadhiya qol ka mid ah hotel-ka Safari-Park oo isla magaallada Nairobi ah uu dagaal dhex maray ciidammadooda!….oo kaaga daranee iyagoo wada qoslaya idaacadda ka wada dhegaysanayay!…..

Tan kale ee yaabka leh waxay tahay shacabka magaallada wada dega dhammaantood kii hadlaa nabad buu ku yaboohayaa!….waa hagaagee yaa dagaalsan?! Wixii innaga qarsoon waa meeshooda qiyaasteena iyo dareenkeena waxay inoo sheegayaan in shacabka Soomaaliyeed ay meel kasta ha joogaaneee nabad diyaar u yihiin, anigaa ka mid ah oo adigaa ka mid ah, maanta ayaana ugu baahi badnnahay nabad inaan helo, maanta ayaan ugu baahi badannahay qof Soomaaliyeed oo aan garabsano, maanta gurigaygii inaan nabd ugu noqdo oo ku joogo!…..in jiritaankayga oo huwan sharaftaydii Qaranimo uu muuqdo….runtii maanta ayaan ugu baahi badnahay!….

Xilliyadii ay dagaallada sokeeye socdeen wax kasta macquul bay ahaayeen oo nidaam iyo cid sheeganaysay mas’uuliyad dalku ma lahayn, laakiin hadda waxaa jira nidaam dowladeed in kastoo madaxda hoggaanka ka ah aysan ka muuqan xil-kasnimo, iyo culays mas’uuliyadeed oo ay dareemayaan, marka waxay is weydiin mudan haddii deegaano dalkii ka mid ah colaado ka bilowdeen miyeysan haboonaan lahayn in fadhiyo aan caadi ahayn ay isugu yimaadaan golayaasha shacabka heer maamul goboleed iyo mid federal-ba oo codkooda la maqlo oo ay wax weydiiyaan madaxda oo ay shacabka la hadlaan ama farriin mas’uulinimo u gudbiyaan, anigu ka hadli mayo Max’ed Cusmaan Jawaari, waayo ninkaas sida aan ku baranay waa xubin ka tirsan xafiiska madaxtooyada ee Xasan SHiikh Max’ud, waxaana ka war haynaa in Xasan SHiikh Max’ud uu yahay qofka ugu horeeya lagu tuhunsanyahay inuu soo abaabulay fidnnada iyo colaadaha hadda ka aloosan Gaal-Kacyo, waliba ma aha markii ugu horeysay ee eedaha noocaan ah lagu eedeeyo, waxaan ogeyn SHabeellada Hoose, Jubba-Land, iyo Hiiraan, waliba SHabeelaha-Hoose maba ahayn arrinteedu mid qarsoodi ah, SHar-Ma-Arke Yare waxaa looga baahanayahay inuu ka digtoonaado arrinta Gaal-Kacyo oo ka ciyaarin kaalin la mid ah tii uu Cabdi Faarax SHir-Doon (Saacid) isku dayay inuu ka ciyaaro arrintii Jubba-Land taasoo horseedday in dagaalladu soo noqnoqdaan.

Waxaa is weydiin mudan in qolaaca dagaallada Gaal-Kacyo ay ka bilowdeen markii ay dowladda Federal-ka iyo madaxdeeda go’aansadeen in gobolka Mudug la raaciyo Gal-Mudug iyadoo uu muddo dheer ka soo tirsanaa maamulka Puntland, arrintaas oo aad moodaysay inay tahay midda ugu fudud oo ay Xasan SHiikh Max’ud iyo Saaxiibbadii u arkeen inay ku burburin karaan ama kaga hor tagaan nidaamka Federal-ka ah ee lagu soo heshiiyay, ka dib marka ay bilaabato colaad qasab ka dhigaysa in wax kasta dib loogu noqdo sharci ahaantooda, haddii aan arrintaas xummaan looga jeedin maxaa intii aan lagu dhawaaqin loo talo gelin waayay ama wax loo weydiin waayay maamulka Puntland ee ay ka tirsanayd magaalada?!…..u fiirso marka Xasan SHiikh Max’ud iyo waziirkiisii hore ee arrimaha gudaha Cabdullaahi Goodax Barre ay gobolka Mudug oo muddo dheer ka soo tirsanayd maamulka Puntland raacinayeen Gal-Mudug, waxaan wali maamul lahayn Hiiraan, SHabeelaha-DHexe, iyo Gal-Gaduud, waxaana sida saxda ah ay ahayd oo caqli kasta si dhib yar ugu muuqanaysa in lays raaciyo seddexdaas gobol si ay u dhistaan hal maamul goboleed, waxaase nasiib daro ah in si ula kac ah arrintaas loo garab maray, walise waa arrin furan.

Sida hadda xaalku yahay ciidammada AMISOM joogitaankooda gobollada koonfureed wuxuu ku soo ururay heer aad is leedahay waxaa suuro gal noqonaysa in dhowaan laga maarmo, mana jirto hawl galo waaweyn oo ay hadda galaan, dal sida Soomaaliya oo kale burburay hubkiina uu gacan kasta galay waa hubaal wax waa iska jirayaan, laakiin ciidammada AMISOM gobollada ay hadda joogaan ka badan in la geeyo ama dalka lagu baahiyo talo fiican ma aha waana mid macnayaal badan lagala bixi karo haddii ay dhaqanka iyo dhawrsanaanta, ama inaysan u ekaan arrintu inay tahay wax ka badan nabad ilaalinta ay ku magacaabanyihiin, mana aha in la yeelo haba yaraatee in ciidammadaas la geeyo meelo cusub oo aysan horay dalka uga joogin…..

Nabad gelyada dad-weynaha waxaa kafaala qaaday sharciga Eebbe iyo heshiisyada iyo xeerarka ay dadku wada dhigteen, sidaas aawadeed ma aha mid baryo ah, ama Puntland ha ku noolaado ama Gal-Mudug, Cabdi-Wali Max’ed Cali baysan magan u ahayn, Cabdi-Kariim Xuseen Guuleed baysan magan u ahayn!…..Xasan SHiikh Max’ud, isaga waaba ninka eedda la saaray ilaa iyo hadana nasiib darrada jirta cid wax weydiisay ma laha labada shacabna waxay wali u aqoonsanyihiin inuu madax-weynahoodii yahay!…..waxaase intaas oo dhan ka daran Cabdi-Wali Max’ed Cali, oo isagu ah madax-weynaha Puntland isla markaasna eeddaas soo jeediyay inuusan eeddaas ka noqon, mar kastana gacanta haysto ra’iisal wazaarihii iyo xubnihii kale ee dowladda uu eedeeyay, sidaasoo kalana Xasan SHiikh Max’ud eeddaas uu soo jeediyay Cabdi-Wali Max’ed waxba kama soo qaadin isagana!…..marka cidda aan waxba la socon waa dad-weynaha oo iyagu dhaqankoodu ku soo koobmay “Maxaa la yiri?” iyagoo taageerayaal keliya ka ah talladii aayahooda!…….

Axmed-Yaasiin Max’ed Sooyaan.
alle_yaqaan99@yahoo.co.uk

Use Facebook to Comment on this Post

FacebookTwitterGoogle+Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 82

Trending Articles