Quantcast
Channel: Somali RBC Radio » Bashiir Yuusuf
Viewing all articles
Browse latest Browse all 82

Faahfaahin: Warar ka soo kordhay Booqashadii Madaxweynaha Puntland C/Wali Gaas ee Degmada Galdogob

$
0
0

WAR-HADA-SOO-DHACAY-RBC13Booqashadii madaxweynaha Puntland mudane Cabdiweli Maxamed Caligas uu ku tegay degmada Goldogob oo ka tirsan Gobolka Mudug barqanimaddii maanta illaa caawa fiidkii waxaa socdey shirar isdaba jooga asagoo shirkaas xoogiisa la qaatey Odayaasha iyo waxgaradka Beesha Leelkase ee Gobolka Mudug kuwaas oo hore tabashooyin ka tirsanayey maamulka Puntland , guud ahaana ay wada qabeen Beesha guud ee Leelkase ee deegaamadda Puntland dega isla markaasna qaadacey ama aanba ka qayb gelin shirkii wada tashiga ee uu madaxweynuhu ku qabtey magaalada Gaalkacyo.

Sida ay shabakada Raxanreeb wararku ku soo gaarayaan waxaan caawa magaalada laga dareemayaa mashquul aad u badan , shirar gooni gooni ah, iska daba wareeg badan iyo waxgarad badan oo Beelaha degaanka degan ah oo ka kala yimid magaalooyinka Puntland si ay ula kulmaan madaxweynaha Puntland mudane Cabdiweli Maxamed Caligas.

Shir kowaad ee wada galeen Beesha Leelkase ee Goldogob iyo Madaxweynaha markii uu soo idlaadey ayaa waxaa shirar wadajir iyo kuwa gooni gooni galey jilibadii beesha dhexdoodii halkaas oo laga dheehan karey inuu jiro qorshayaal la kala riixanayo.

Dhanka kale Madaxweynaha Cabdiweli Maxamed Caligas ayaa shirkii Beesha Leelkase ka dib la kulmey Odayaasha iyo waxgaradka kale ee beelaha degaanka hoos yimaada degmada Goldogob kuwaas oo kala hadlay arimo khuseeya beelahooda , wararka xaqiiqa ah ayaa sheegaya Beelaha qaarkood inay codsadeen in loo kordhiyo xubnaha Golaha deegaan ee ay ku leeyihiin magaalada Goldogob, Beelo ku cusub deegaankana waxay codsadeen in Xubno laga siiyo Golaha degaanka kaasoo la sheegay in uu balanqaad siiyey.

Dhanka kale warar isa soo taraya ayaa sheegaya in mudo 35 daqiiqo ah ay Caawa magaalada Korantadu ka maqneyd taasoo cabsi ku beertey bulshadii reer Goldogob oo ay naftooda uga darneyd martida uu u yahay Madaxweyne Cabdiweli Maxamed Caligas iyo waftigiisaba, inkasto waqtigaasi ka dib ay timid markii ay dadaal galeen dad waxgarad ah, ilaa hada lama cadeyn karayo in ciladi ku timi.

Booqashadan madaxweynaha ayaa la filayaa inay qaboojiso ama ay wax ka tarto quustii iyo rajo beelkii soo kordhayey oo ay ka qabeen saami qaybsigii dhisitaankii Puntland ilaa maanta.

Dhanka kale weli waxaa jira beelo ka mid ah Beesha Leelkase oo dega Nugaal iyo Bari oo eedaymo u soo jeedinaya beesha Leelkase ee Galbeedka Mudug oo tabashadii guud ee beeshu kawada tabaneysay maamulka Puntland ayay keligood ku gorgortameen ayadoo lawada ogyahay maalintii Puntland la aasaasey inay inay ayagu ahaayeen kuwii saamiga yar Beesha guud u soo qaadey.

Waxaa xusid mudan in Madaxweyne C/Wali uu Dhagax dhigay mashaariic adeega Degmada lagu hormarinayo, Madaxweyne Cabdweli ayaa waxaa la rajeynayaa inuu maalinta beri ah u soo baqoolo halkaas iyo magaalada Gaalkacyo.

C/Qaadir Ciise
Raxabreeb Online
Garoowe Puntland

Use Facebook to Comment on this Post

FacebookTwitterGoogle+Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 82

Trending Articles