Quantcast
Channel: Somali RBC Radio » Bashiir Yuusuf
Viewing all articles
Browse latest Browse all 82

Soomaaliya mar kale dhiig waa loogu Wan-qali! ( Qaybtii III-aad) W/Q Axmed-yaasiin Max’ed Sooyaan

$
0
0

Soomaaliya mar kale dhiig waa loogu Wan-qali! ( Qaybtii III-aad)
Axmed-yaasiin Max’ed Sooyaan
alle_yaqaan99@yahoo.co.uk
Maajo 14 2014

{ argagixiso!! Ma moodaa in eryganuu yahay midka dunida reer galbeedka looga yaqaan magac ahaan muslimiinta, maxaa marka diidaya annaaga oo dhan oo Soomaali ah, inay inoo yaqaanaan Al-shabaab?!…. }

maqaal1Maxaa loo Keenay ciidmmada Afrikaanka?! Kaaf iyo kala dheeri!!… meesha laynoo wado iyo waxa laynaga damcay iyo dakayaga waxa ay ku dhaqmayaan aad bay u kala fogyihiin, taariikhda dib u fiiri, wali lama hayo dal la qabsaday oo baryo looga kacay, aad waxaan ugu niyad samahay in guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ay fahamsanyihiin xaaladda guud ee dalka ka jirta, mar haddii ay garashadaas jirtana iguma jirto wax baqdin ah ee aayaha dadkayga iyo dalkayga, waxaanse ogahay in laynoo hayo kuwo badan oo ina lug-gooya, oo la siinayo magacyo; sida; Madax-weyne, Ra’iisal wazaare, Gudoomiye Barlaman, Waziir,… Hagar-daamooyin aan wali ka il-bixi la’nahay!….

Markii la doortay Cabdullaahi Yuusuf Axmed, ayaan waxaan aad ula yaabay in dowladda Maraykanka oo markii horaba dabeecadda ay shirka Mbagathi ku joogtay aad moodaysay inay kor-joogto ahayd ayaa ka caga-jiiday inay si cad u soo dhoweyso madax-weynaha la doortay, arrintan waxay hor joogsatay taageero xagga ciidammada ahayd oo ay balan qaadeen madaxdii Afrikaanka ahayd ee shirka fadhiday, siiba Yuweri Kaguta Musevane, madax-weynaha Uganda, oo isagu aad ugu cad-caddaa arrintaas.

Hasa ahaatee waxay arrimuhu is bedeleen markii uu shaqayn waayay Hawl-gal ay diyaarisay dowladda Maraykanka oo loo baxshay Golaha La Dagaalanka Argagixisada! Oo ay hor kacayeen qab-qablayaashii Muqdisho si loo burburiyo cududdii Ururkii Midowga Maxkamadaha, tani waxay soo dedejisay in dowladda Maraykanka ay aqoonsato dowladdii iyo madaxdii maamulkii lagu soo dhisay Mbagathi ee ay hor kacayeen Cabdullaahi Yuusuf Axmed iyo Cali Max’ed Geeddi, waxay isla markiiba dowladda Itoobiya ka codsatay ciidamo taageerra dowladdaas….. laakiin dhab ahaan taageerrada Maraykanka waxay ku salaysnayd in ciidammada Itoobiya ay fuliyaan hawl-galkii ay fulin waayeen qab-qablayaashii Muqdisho…..

Waxaa arrinta uga sii daray soo shaac bixii Al-shabaab, waxaana loo fasaxay ciidmmada Itoobiya inay gudaha ciidda Soomaaliya ka soo qabsan karaan wixii ka gala sababo lagu qeexay ammaanka Itoobiya ilaa markii dambe hawl-galkii la ballaariyay oo ciidamo midowga Afrika ah la keenay (African Union Mission In Somalia) AMISOM, hasayeeshee hadafku wali wuxuu yahay la dagaalanka Argagixisada!….Haa Xasan SHiikh Max’ud bay ilaaliyaan, madaxda kale oo dhan bay ilaaliyaan, iyo waliba dhismayaasha muhiimka ah…waxyse u joogaan la dagaalanka Argagixisada?!….

Argagixisada la-dagaalankeeda goormuu Soomaaliya ka dhamaanayaa?! Bal adigu malee!….dad wada Muslim ah (99.9%)….1991-2006 waxaan ku jirnay dagaal laysku kaaya fiirsanayay, markii la soo gaaray 2006, waxaa bilowday la dagaalanka Argagixisada iyadoo waliba uu dagaalkii dhexdeena ahaa wali marar badan sidii u qarxaayo, waliba mar kastana laysku keen fiirsanayo siyaasadda ciidammada dalka lagu soo gurayana lagu macnaynayo inay tahay Nabd-Gelyo Ilaalin!! Yaab!.. Waali aan kaa yaabin waali ma aha…..

La-dagaalanka Argagixisada ee ka socda Soomaaliya mid dhowaanahan dhammaanaya ma aha….bal fiiri dalalka sababah noocaan oo kale ah lagu galay….Afghanistaan sanadkii 2001, muddo 14sano ah ka hor baa la galay walina fari kama qodna, macnaha inta Afghanistaan la haystay iyo in ka badan qiyaastii waa layna sii haysanayaa sida shaxda la jeexay ay tahay ilaa inta…. Maxaa intaas ka daran?!

Malaha waxa dalkeena lagu samayniyo waxay tijaabo u yihiin hir gelinta waxaa loogu yeero Nidaamka Dunida Cusub (New World Order), mushaar baa lagu siinayaa, beero ma falanaysid, waa laguu falayaa, warshado ma yeelanaysid laakiin warshadaha Beesha Caalamka !…. Ciidan ma yeelanaysid, madaxdaada iyo xil-dhibaannadaada annaga ayaa mushaarka siinayna, laakiin dowlad baad tahay!…Waa Nidaamka Dunida Cusub! Fari kama qodna siyaasadda Beesha Caalamka ee ku wajahan Soomaaliya.

“ Gudini Geed Ma Gooyso Ee Geed Kalaa Ku Gooya Hadaan Gaalo Islaam Wadan Nama Soo Gasheen!”
In-dheer Garad Soomaaliyeed.

Axmed-yaasiin Max’ed Sooyaan.
alle_yaqaan99@yahoo.co.uk

_______________

Raxanreeb.com Waxa ay Tixgelin Gaara Siinaysaa Maqaaladaha Sida Gaarka ah Loogu soo Diro ee aan Lagu Daabicin Mareego kale.

QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM

Use Facebook to Comment on this Post

FacebookTwitterGoogle+Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 82

Trending Articles