Quantcast
Channel: Somali RBC Radio » Bashiir Yuusuf
Viewing all articles
Browse latest Browse all 82

Soomaaliya mar kale dhiig waa loogu Wan-qali! ( Qaybtii VI-aad). W/Q Axmed-yaasiin Max’ed Sooyaan

$
0
0

Soomaaliya mar kale dhiig waa loogu Wan-qali! ( Qaybtii VI-aad)
Axmed-yaasiin Max’ed Sooyaan
alle_yaqaan99@yahoo.co.uk
Maajo 17 2014

{Qarammada Midoobay, dowlad kasta waa ka xubin, Soomaaliyana dadka Soomaaliyeed baa iska leh, sida dad kasta dalkooda u leeyihiin!}

maqaalIfafaalaha muuqdaa qaranimmada Soomaaliya shaki baa la geliyay, walina waxaa si xawli ah u socda dhaqan dumin looga dan leeyahay in dadka lagu oggoleysiiyo wax kasta oo Qaranimadooda lid ku ah, waxaa ka mid ah waxyaabaha hadda dhegahooda la maqashiisiiyo madax-weynaha runta ah ee dalka waa Nicholas Kay!. .Allaylahay isagana waa isu ekeysiiyaa…

Ciidammada AMISOM Quruxdii ay ku yimaadeen ee ahayd inay ammaanka sugayaan waxaa ka soke maray fool xumada xaqiiqda ay u socdeen oo ah in lagu cabburiyo dadka Soomaaliyeed, la yaab ma lahayn in waajibaadkii askariga Soomaaliyeed lahaa iyaga la siiyo, la yaab ma lahayn in mushaarka Dablaha ciidamada AMISOM uu ka bilowdo $1050 halka kan Soomaaliga ah ee dhinaciisa ka dagaalamayay loo qoray $100-$150, maxaa yeelay sida muuqata waxa lagu tala galay ayaa ka duwanaa waxa laynoo sheegayo!….

Waxaa laynoo sheegay in ciidmmada AMISOM ay ammaanka suayaan lana dagaalamayaan Al-shabaab si dowladdu cagaha u dhigato, laakiin waxay noqdeen taba-barayaashii Al-shabaab!….waxaa laynoo sheegay in askar Soomaaliyeed la soo taba-barayo si ay gacan uga geystaan hawl galada amaanka lagu sugaayo laakiin inta hub la siiyay baa iyagoo gaajaysan oo aan wax dar-yeel ah haysan suuqa lagu sii daayay! Bal micnee adiga maxaa loola jeedaana….ma wax qarsoon baa jira?… waa ka xumahay! Waxa Beesha Caalamka loogu yeero inay intaas ka xariifsanyihiin baan moodayay!…

Hay’adaha aan dowliga ahayn (NGO), Xuquuqda Aadanaha (Human Rights) Xuquuqda Haweenka (Women Rights) Xuquuqda Dadka Laga Badanyahay ( Minority Rights) Xoriyadda Saxaafadda (Press Freedom)…Xuquuqda…yaa dhamayn kara, waa dad xoog is biday oo si ay u helaan sabab ay wax ku dilaan magacyadaas iyo kuwo la mid ah oo xiisado horseedi kara ku adeegta! Beesha Caalamka!.. hadda ogow dal kasta dastuurkiisa waxyaabahaas waa cadeeyay hadana waxa Beesha Caalamka la yiraahdo waxay u isticmaaleen sababo ay ku burburiyaan…waana sababihii asalka ahaa ee lagu burburiyay qarankii Soomaaliyeed walina iyagii baa laynagu wadaa!……

Marka caqliga iyo laga soo tago farsamooyinka xayladaysan ee laynagu kala dilay dhexdeenna haddan nahay Soomaali, marka laga soo tago sida loo dhaqan-dooriyay dhalin-yaradii ahayd laf-dhabrkii mujtamaca iyo horumarka dalka,(Qaad iyo Maan-dooriyeyaal kale), bal u fiirso maxaa ka socda degmooyink dalka eek u yaala xuddudaha dalalka deriska inala ah, ciidamo Itoobiyaan ah baa soo galay ciidamo Itoobiyaan ah baa ka baxay! Diyaarad Kenyaan ah baa duqaysay, diyaarad markab ka soo kacday baa duqaysay…. Dad baab’a , duunyo baab’aday, wax ku dhintay lama yaqaan, cid dishay lama yaqaan…. Waxa u dambeeya ee laguu sheegayana waxaa weeye in la beegsaday ARGAGIXISO!….

Marka aad adiga oo ah qof bini aadam ah, Muslim ah, Soomaali ah, xil-kas ah, wadankiissa iyo dadkiisaba jecel, waliba miyir qaba aad isku daydo inaad qiimayso arrintaas waxaad garowsanaysaa in dalkii laynaga qabsaday! Waxaad garowsanaysaa in dadkeenii la dulaystay loona duleyniyo sababo dhaqaale iyo kuwo diineedba!…

Ceebta ugu weyn waxay tahay in dowladda dhan(waa sida loogu yeero e’) ee meesha joogta, madax-weynaheeda, Ra’iisal wazaaraheeda, Af-hayeenka barlamankeeda, waziirradeeda, iyo xil-dhibaanadeeda ay gacmaha ka saarteen indhaha meel-ka-dhacyadaas khatarta ku ah jiritaankeena iyo qaranimadeenaba….

SHarafta aan lahayn iyo qaranimadii aan duminay waxaa lagu helay markii hore hawl adag, ilaa iyo maantadan dad baa sabteeda loo handadaa, loo xiraa, ama loo dilaa, sharafta ilmaha dhasho uu Eebbe ku karaameeyay in wan qalo waxaa ka horeysay in Eebe uu Bini –aadamka ku karaameeyay fadli uu dheeraysiiyay in badan oo uunkiisa ka mid ah, laakiin waxaa intaas oo dhan ka duwan in Guumeysigu sharafta qofka bini aadamka ah uu leeyahay uu ku garto marka dhiigiisa la daadsho!!… Waana….

{Dalkii in lagu soo noqdo baa Hiil u noqonaysa badbaadinta Qaranimadeenii}

Axmed-yaasiin Max’ed Sooyaan.
alle_yaqaan99@yahoo.co.uk

_______________

Raxanreeb.com Waxa ay Tixgelin Gaara Siinaysaa Maqaaladaha Sida Gaarka ah Loogu soo Diro ee aan Lagu Daabicin Mareego kale.

QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM

Use Facebook to Comment on this Post

FacebookTwitterGoogle+Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 82

Trending Articles