4.5KA AMA DEGAAN, WAA LABO DARAN MID DOORO: AFAR IYO BAR BAA ROON.
Abdisalan Said Garawaan
abdigarawaan@yahoo.com
Diseembar 22 2015
Waxaa socda doodda nidaamka awood qeybsiga ee 2016; qayb waxay leedahay nidaamkii hore ee 4.5 wax halagu qeybsaddo kuwana gobol iyo deegaan. Waxaan jeclahay in aan fikirkeyga ku cabiro anigoo cidna ka wakiil ahayn, Labbadda nidaam kee cadaalad u dhow. Waxaan aamin sanahay in labbaduba xaraan yihiin balse labba daran mid dooro 4.5ka ayaa cadaalad u dhow.
Sababaha dumiyey Soomaaliya welina gilgilaya waxaa ka midda cadaalad daro, sadbursi xagga awood qeybsiga, eex iyo qabyaalad. Waana sii soconeysaa ilaa la hello nidaam dimoqraadi ah oo HAL-COD-HAL-QOF ah. Qofkasta iyo beelkasta oo Soomaali ah waxay xaq u leedahay in ay hesho saamiga kaga aadan awood qeybsiga dalkeedda.
SAAMI-QEYBSIGA 4.5
Nidaamka 4.5 wuxuu soo bilaamey shirkii Kenya wixii ka dambeeyeyna habkan ayaa wax lagu qeybnsanayey. Nidaam sax ah ma aha balse waxaa loo arkayey habka keliya ee Soomaali la isugu keeni karo. Sadddex madaxweyne iyo baarlamaan ayaa lagu soo dhisey samiqeybsiga 4.5. Waxay ahayd in looga gudbo dimoqraadiyad buuxda 2016. Ma dhicin.
4.5 wuxuu dulmi ku yahay soomaali badan oo xaqoodii la duudsiyey; Gaar ahaan beelaha loogu yeerey (0.5) Nus. Beelahan soomaaliyeed waa kuwa ilbaxnimadda, ganacsiga, difaaca,tacliinta, farsamadda gacanta iyo mihnadaha Soomaali ku faanto leh. Waa kuwa aan ka qeybqaadan duminta dalka si toos ah iyo si dadbanba. Waa kuwo ka tiro iyo tayo badan labbo la isku darey kuwa sheeganaya 4ka. Waa kuwo ayagoo og in ay dulmanyihiin u tanaasula danta guud ee dalka iyo dadka Soomaaliyeed.
Waxaan ognahay xumaanaha badan ee 4.5 leeyahay sida kuwa aan kor ku soo sheegney iyo wixii la midda. Waxaase cad in nidaamkan uu yahay mid mudo lagu soo dhaqmayey, la fahansanyahay formuladdiisa iyo qaacidda wax lagu qeybsaddo; laguma dagaalin oo khilaafaad beeleed ma keenin. Waa nidaam ay isla garanayaan maddaxdda soomaalidda oo aan waxba ku heshiin. Waa nidaam si jaban loo dhaqan gelinkaro. Waxaa lagu sugi karaa dimoqraadiyad buuxda 2020 wixii gaara.
DEEGAAN
Habraaca deegaan waa “kut ka guur oo Qanjo u guur” waxaan ka carareyney cadaalad xummo iyo sad-bursi-Deegaan waa aabihii iyo hooyaddii cadaalad xumo. Inta aanan u gelin doodeyda aan kaga soo horjeedo Awood qeybsiga Deegaanka waxaan idinla wadaagayaa sheeko dhacdey hadda ka hor.
Dhalinyaro laga soo raafey Xamar ayaa loo soo qaadey Hargeysa si ay uga mid noqdaan ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed. Sida caadiga ah magaaladey soo maraanba waxay is weydiinayeen beesha iska leh ayagoo ula jeedda qabiilka. Markii lasoo gaarey Caynabo oo burco u dhow ayaa sheekaddii waxaa kusoo biirey wiil Jareerweyn ah wuxuuna weydiiyey cidda iska leh Caynaba, Jawaabtu waa ISAAQ, Burco yaa iska leh, Jawaabtu waa ISAAQ, Berbera yaa iska leh Jawaabtu waa ISAAQ. Xariifka Jareerweyn ISAAQ wuxuu u haystaa hal Nin. Waxaa laga hayaa ARKAAN ISAAQA MAAL MAXAAS LOO DHIIBEY waxaan oo magaalaa ABEY ABEY!
Sheekadan waxaan ula jeedaa Soomaalidu waxay caado u leedahay in Magaalo ama deegaan hal reer isaga magacaabaan iyagoon wax caddeyn ah u hayn (Scientific evidence) sida tirokoob iyo IWM.
Waxaa laga yabaa reerka lagu magacaabey in ay yihiin 20% am aka yar. Waa dhaqan soo jireen ah welina jiri doona sheegashadda aan xaqiiqda loo hayn ilaa HAL-COD-HAL-QOF lagu kala baxo.
Hoos waxaan kusoo gaabinayaa qodobo aan uga soo horjeedo Sami-qeybsiga DEEGAAN ee 2016 kaasoo dhibaato hor leh, cadaalad darro, iyo ismariwaa u keenaaya Soomaalidda la ildaran dhibka aafeeyey muddo ka badan 25 sanno.
1. Waxaa isweydiin leh dawladdii dhexe ee soomaaliya ma u bixin jirtey goboladda iyo degmooyinka si ku saleysan cadaalad ayadoo loo eegayo tiradda dadka, wax soo saarka iyo IWM. Jawaabtu waa MAYA. Waxaa loo bixin jirey hab siyaasadeysan oo eex ah. Waxaa degmo ama gobol lagga dhigi jirey meel aan waxba ahayn ayadoo meelaha kalena aan loo juuqi jirin. Tusaale ahaan Gobolka Barri wuxuu u qalmey labo Gobol iyo Bar maxaa loo xaqirey sabab siyaasadeed. Fiirsha meelaha Goboladda iyo Degmooyinka sheeganaya ee xitaa aan istaahilin heer Tuulo. Wax xaq-daradaa lagu helley miyaa wax lagu doonayaa.
2. Marka la yiraahdo DEEGAAN baa wax lagu qeybsanayaa oo Xamar la tago 2016 waxaa imaneysa in La yiraahdo magaalo hebla yaa degga jawaantu waa sheeko Soomaaligii reer lajecleysigii khiyaaliga ahaa ee ah REER QURAC waxaa xaq u yeelateen 4 xildhibaan. La isweydiin maayo immissa reer baa degga, maxay kala yihiin; maxaa cadeyn ah in REER QURAC leeyihiin ama ugu badan yihiin deegaanka. Waxaa miyaa cadaalad keeneysa iyo wadda noolaasho nabadeed. Raali ahow Cadaaladeey!
3. Mudaddii dagaalkii sokeeye ee Soomaaliya waxaa deegaankooddii laga barakiciyey qaarna la laayey dad badan oo Soomaaliyeed waxaana dhulkoodii iyo deegaankoodii sheegtey, sheeganayana dad kale oo meelo kale ka yimid. 2016 Sami-qeybsiga waxaa xildhinaanadda qaadanaya kuwii dambiilayaasha ahaa. Waxaasi xalaal ah ma tahay saaxiib!
4. Saami-qeybsiga DEEGAANKU waxay horseedi kartaa dagaal sokeeye oo hor leh si loo kala qabsaddo magaalooyinka iyo tuulooyinka sidii ka dhacdey Galkacayo iyo Baledweyne, mudana kasocodey Shabeelooyinka iyo Jubooyinka. Waa dhiig iyo dhib hor leh salaamaad.
5. Waxaynu ka hadleyney xaq-daradda beelo Soomaaliyeed looga dhigey NUS, Marka ay deegaan noqoto waa ku daayeen xitaa HAL xildhibaan ma helli doonaan iska ilaawa hadda waaba soddomeeyo(30) waayo deegaankoodii waxaa sheeganaya kuwo dhacey ama lala jecleystey. Qabiiladda ugu badan ee doonaya in Deegaan waxlagu qaybsaddo waxay u socdaan Xoogaaga NUSKA la degga.
Fiiri Mudooloodka Abgaal waxay rabaan iney Xamar iyo Xamar-dayaba afka u dhigtaan-Shaanshi, Baraawey- reer xammar Sheekhaal waa ku daayeen.
Daaroodku ma yareysto- Axmed Dhuux iyo Juba maxaa looma ooyaan jooga.
Puntland waa sidoo kale- Magaalooyinka Puntland sida Garoowe, Eyl, Bander-Qaasim dadkii asaasey waxaa u badnaa CARABTA MAXAMUUD SAALAX. Garoowe waxaa kasoo geli jirey xildhibaandda ilaa dawladdii hore CARABTA MAXAMUD SAALAX. Welina waa joogaan. Waxaa lagu darey NUS halkii la raacin lahaa DAAROOD ay la dhasheen.
Hadda 0.5 waxbaa kasoo gaara sida Agaasime IWM. Markey noqoto DEEGAAN cirkaa loo fiirinayaa. LEELKASE magaalo kasta oo Puntland waa degaa haku kala badnaadee haddana wuxuu wax ku helaa kaarka DAAROODKA. Sheekaddu markey DEEGAAN noqoto saaxiib waa ku daayeen aan ka aheyn GALDOGOB.
6. Gobolka Barri, Gaar ahaan Boosaaso waxaa dega qabiilo badan oo Harti ah waa dad xadaaradda iyo ganacsiga aad ugu horeeya waana dad asxaan badan dadkoo dhana soo dhaweeya, la’aantoodna xaaladda Puntlaand waa adkaan lahayd. Kuma firfircoona in ay cayrsadaan arimaha siyaasadda waana iska samraan. Hadda waxay wax ku helaan Magaca Harti. Markey DEEGAAN noqoto haddii lagu weydiiyo Boosaaso yaa iska leh adigoo Xamar Jooga waxaa la soo Boodeysaa HALreer REER QANSAX waa hal reer-Waxaa xigta 4 xildhibaan ee Boosaaso QAATA. Wadan iyo Cadaalad miyaa sidaas lagu dhisaa.
Waxaan soo qaatey saddex tusaale iyo qabiilo aan magacaabey balse waxaan ula jeedaa tuulo kasta iyo degma kasta oo Soomaaliyaa ah waxaa ka jiri doonaa arimahan kuwo kasii fool xun in ay dhacaan oo waxaan hubaa Puntland dadkeedu aad buu isu qadariyaa wax wadaagna yihiin ineysan dhaceyna waa xubaa.
Waxaan kusoo gabagabeynayaa Soomaali tabar uma hayso colaad sokeeye, muran degaan oo horleh, shirar aan dhamaan, nidaam aan la aqoon iyo isqabqabsi siyaasadeed. Ee aan ku meel gaaro 4.5Ka aan naqaan shanta sanno ee soo socota.
Abdisalan Said Garawaan
abdigarawaan@yahoo.com