Quantcast
Channel: Somali RBC Radio » Bashiir Yuusuf
Viewing all articles
Browse latest Browse all 82

Gaas nin kasta ka qaylasii koley wasiirradiisii tahay. W/Q Cali Cilmi Soomow

$
0
0

Gaas nin kasta ka qaylasii koley wasiirradiisii tahay.
Cali Cilmi Soomow
calisoomow@yahoo.com
Diseembar 26 2015

maqaalWasiirka amniga Puntland Cali Cabdi Xirsi waxaa shalay uu sii daayay war runtii u marqaati kacay in madax-weynaha Puntland Cabdiwali Gaas inuu marin habaabiyay dadkii iyo dalkii Puntland, wararkaas oo laguu faafiyay websaaydhyo badan oo Soomaaliyeed ayaa u ekaa sida loo sheegayba mid si aan sax ahayn uu uga qabta wasiirka qof aan xil kas ahayn xirfadda warfaafinta iyo sharcigeedana aan aqoon, waxaana eedda iyo ceebta la wadaagaya baraha warkaas faafiyay, hasa yeeshee Qarjab usagu ma aha nin warkiisa la gabbada oo socdaalkiisii u dambeeyay markuu Hindiya ka soo laabtay isla markiiba wuu ka horyimid siduu u dhaqmay ninka Puntland dumiyay ee Cabdi wali gaas.

Waxaan aad ugu amaanayaa Qarjab inuusan ra’yigiisa qarin marna, laakiin sida uu u hadlayo waxaad moodaa inuu wali Cabdi wali ka rajaynayo ama uu u haysto qof Puntland u adeegaya, guud ahaan dadka reer puntland tuhunka ay qabaan waa mid iska cad, waa run inuu taageera buuxdo ka haysto dadka ku nool magaalada gaalkacyo oo uu waliba colaaddii ka dhacday ku eeganaayay ilaa iyo markii ay balaabatay xabbadda ilaa intii ay joogsanaysay mar keliya askarta amar kuma siin inay dagaalamaan bal raggii magaalad ku soo duulay Cabdikariin guuleed quraac la raadsaday iyadoo dhaawacii aan wali la kala guran maydadkiina aan la aasin, hadana wali reer gaalkacyo kaabeed cas bay ku soo dhoweeyeen markuu soo laabtay, marka taas waxaan doonaynaa in ay inoo sheegaan wanaagsanaanta ay ka arkeen ee aanan annaga arag,oo uusan wasiirkiisii amniga arag, aad baan u yaabanahay! Runtii aad baan u yaabannahay, in reer Puntland cabdi wali gaas ama qof siyaasi uu maal kasta kala qaybiyo, waa dhaqan aan fiicnayn.

Qardho, boosaaso, gorowe, gaalkacyo, buuhoodle, Ciiri gaabo, laascaano, baarlamanka hurdaysan ee Puntland ha ogaado in magacyadaas xaashiyaha ugu qoran aysan gacantooda ku jirin, nimanka siyaasadda Puntland hogaaminayana ay balan qaadyo iyo heshiisyo la soo galeen Xasan sheikh iyo cabdi kariin guuleed oo ah ragga dekeddii muqdisho gigadeediiba shirkadaha shisheeyaha ka iibsaday, oo waxay ka naxaayaay aysan jirin, heshiisyana dowladha shisheeye kula soo galay shidaalka iyo macdanta dalka oo dhan oo uu ugu horeeyo shidaalka puntland, tuhunka ugu weyna wuxuu yahay oo aan weydiinayo cabdi wali gaas haddii hantida puntland la gadayo adigaaba madax ka ahee maad gadatid maxaad dulaal uga noqonaysaa?!

Cabdixakiin cameey, buuhoodle ayuu ku meermeeraysanayaa, wax ka weynba ma arko, wasiirrad waxaa warkooda inooga filan qarjab, laakiin bal guddoomiyaha baarlamanka Axmed cali xaashi iyo nimanka uu af hayeenka u yahay xaggee la,yihiin, sida uu sheekadiisa ku sheegay Qarjab, cabdiwal gaas wasiirada isagaa iska leh, xildhibaanada isagaa iska leh, cameey iskaba dhaaf, intaas nin ka mid ah oo uu la tashanayo ma jiro ama uu wax u sheegayo, keliya wuxuu wax weydiinayaa odayaal nabad doono ah oo uu rabo inay beri u ansixiyaan 4.5 dadka lagu soo xulayo si uu isaga codadka puntland keligiis ugu tartamo madaxweynaha federalka, oo yaa ku haysta isagaan fahminee.

Haddiise taladu halkaas taagantahay aaway shacabkii dalka lahaa ee Puntland dhistay? Madaxweyne aan lala hadli karin, baarlamaan kaa qabanay uusan jirin, wasiiro indho la’ haysta, sharcigii iyo wax kasta oo qaynuun ahaa oo jirayna cagtiisa hoos dhigay, canshuurtii uu qaaday aan ciidan iyo shaqaale midna mushaar ka helayn maxay tahay burhaanta uu ku joogo oo dalka uus ku xukumo, waa hal qurah, waa inuu ina kala qaybiyay, taasna guul buu ka gaaray, bal ee guushaasu ma aha mid ay Puntland ka dambeyn doonto, wuxuuna u loogayaa cadowgeeda, laakiin waxaan idin leeyahay wali hadda waan daba qaban karnaa, kuwa e-mailda caayda ah ii soo qorayana barito waxaan hadda ka digayo markay dhacaan inaad ii soo garaabtaan idinka dooni maayo, Allow yaa geela ciinka ka celiya!

Hoos ka dhegayso wasiirka amniga Puntland oo mar kale akiisa furtay:

http://allgalgaduud.com/2015/12/dhageyso-wasiirka-amniga-puntland-cabdi-xirsi-cali-oo-cod-sir-ah-laga-duubay-arrimaha-gaalkacyo/

Soomaaliya haa noolaato, Puntland ha noolaato.

Wa billaahi towfiiq.

Cali Cilmi Soomow

Use Facebook to Comment on this Post

FacebookTwitterGoogle+Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 82

Trending Articles