Quantcast
Channel: Somali RBC Radio » Bashiir Yuusuf
Viewing all articles
Browse latest Browse all 82

Socdaalkii Gaas ee Nabadeynta Gaalkacyo iyo shirarkii hiigsiga Muqdisho. W/Q Maxamed Xirsi Jabra

$
0
0

Socdaalkii Gaas ee Nabadeynta Gaalkacyo iyo shirarkii hiigsiga Muqdisho
Maxamed Xirsi Jabra
jabra444@gmail.com
Diseembar 26 2015

maqaal31121230-11-2015 ayey aheyd markii uu madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli maxamed Cali Gaas iyo wefdi balaaran oo uu kamid ahaa Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaan Madoobe ay kaga ambabaxeen magaalada Garoowe iyagoona ku sii jeeday magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug-Puntland.

Safarkaan waxaa uu aad uga duwanaa safarkii shaqo ee madaxweyne Gaas 11-8-2015 ku tagey magaalada Gaalkacyo , waayo waxaa uu ku soo aaday xili ay taagneyd xiisad colaadeed oo kaliftay in shacabkii magaalada ee bilo kahor ka reystay dhibkii iyo colaadii , indhahana ku kala qaaday horumarkii soconayey ay halmar tafta rogteen , islamarkaana bilaabeen qax iyo kala carar.

Xiisadii colaadeed waa mid galaafatay naf iyo maal , waxayna shacabku bilaabeen inay banaanka uga baxaaan magaalada , halka maamulada Puntland iyo Galmudug isa soo hor fariisiyeen ciidamo udiyaarsan dagaal , xaalku wakhtigaasi waxaa uu gaaray car iyo wir , socdaalka madaxduna waxaa uu salka ku hayey in xal aan dagaal aheyn la qorsheeyo lagana waantoobo colaada.

Maxaa ka hirgalay Socdaalka .

Madaxweyne Gaas oo garowsan khasaaraha uu leeyahay dagaalku , waxaa uu soo jeediyey in mar walba uu diyaar layahay Nabad iyo wada nolaansho , arrintaasi waxay sii dhiirigelisay madaxdii ka socotay Federaalka , beesha caalamka iyo maamulada Jubbaland iyo koonfur galbeed , waana tan suuragelisay in siwanaagsan loo dhameeyey colaadii taagneyd.

4-12-2015 waxaa garoonka diyaaradaha Cabdullaahi Yuusuf ee Gaalkacyo isugu yimi Raysal-wasaara DF Cumar Cabdirashiid , Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiweli Gaas, Madaxweynaha Galmudug Cabdikariin Guuleed, Madaxweynayaasha jubbaland iyo koonfur-galbeed, culimo, waxgarad , saraakiil ciidan iyo masuuliyiin kale , waxaana uu kullankaasi salka ku hayey soo afjarista colaadii taagneyd.

Waxaa lagaaray markaan hashiis ay wada saxiixdeen madaxda Puntland iyo Galmudug , kaasi oo lagu soo afjarayey xiisadii colaadeed ee taagneyd , si laabxaaran ayaana loo wada hadlay , waxaana loo balamay kala qaadista ciidamadii is horfadhiyey oo hada ugu dambeyn lagu guuleystay.

Hashiiskii Gaalkacyo kadib.

7-12-2015 waxaa magaalada Gaalkacyo siwadajir ah uga dhoofay Raysal-wasaaraha Dawladda Federaalka Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo madaxweynaha Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed , waxaana ay ku sii jeedeen magaalada Muqdisho oo ay u tageen ka qeyb-galka shirar muhiim ah oo arrimaha Soomaaliya looga hadlayey.

8-12-2015 Muqdisho waxaa si rasmi ah uga furmay shirkii madasha wadatashiga doorashooyinka 2016- , kaasi oo qaaatay maalmo badan , kadib markii xalwaara ilaa iyo hada laga gaari waayey nooca doorasho ee larabo in soomaaliya ay ka dhacdo iyo habka soo xulista mudanayaasha cusub ee badalaya Golaha wakiilada Dawladda dhexe ee Soomaaliya .

18-12-2015 ayaa waxaa magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug dib ugu soo laabtay madaxweyne Gaas iyo wefdi balaaran oo uu hogaaminayo , waxaana si weyn gegida diyaaradaha ee cabdullaahi yuusuf ugu soo dhaweeyey , madax iyo bulshada qeybaheeda kala duwan oo maqsuud ka ahaa diidmada ay maamulada Puntland iyo Jubbaland ka muujiyeen in markale aan dib loogu noqon nidaamka 4.5.

Soo laabashada madaxweynaha kadib waxaa magaalooyin ay Gaalkacyo kujirto ka dhacay dibadbaxyo waaweyn oo looga soo horjeeday nidaamka 4.5 , waxaana ay shacabku dalbanayeen in hab deegaan lagu soo xulo xubnaha cusub ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

23-12-2015 ayaa Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas xarigga ka jaray suuq weyn oo laga hirgeliyey xero dayax, suuqaas oo ka kooban 17dhisme oo isu jira kow iyo toban bakhaar oo waaweyn oo midkiiba ku fadhiyo 8X10-mitir ,iyo lix hool ama firsho oo waaweyn kana kooban 15X24-mitir kuwaas oo loogu tala galay midkiiba inay ku ganacsadaan 400 oo qoys oo marka tiro ahaan loo fiiriyo noqonaya 2400 oo qof.

Islamaalintaa waxaa uu madaxweynuhu kormeeray mashaariicdii horumarineed ee dawladdu ka fulisey magaalada Gaalkacyo sida Madaxtooyada oo dhismeheedii meel wanaagsan marayo, dhismaha Wasaaradda Hawlaha Guud oo geba-gebo ah, Dhismaha Wasaaradda Kalluumaysiga, Hay’adda Waddooyinka iyo dhismaha maktabadda .

24-12-2015 Madaxweyne Gaas ayaa si rasmi ah u daahfuray xafiiska sanduukha horumarinta Gobalka Mudug , kaasi oo loogu talagalay in laguhorumariyo Gobalka , waxaana uu kaalin lixaadleh ka qaadanayaa derdergelinta mashaariicda halkaasi ka soconaya.

W/Q Maxamed Xirsi Jabra

Use Facebook to Comment on this Post

FacebookTwitterGoogle+Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 82

Trending Articles