Laaca aragtaye lunta ma,ogtahay
Cabdikariin Maxamuud Maxamed (Caynte)
Cabdicaynte@gmail.com
December 26 2015
Xoolaha, khaas ahaan geela ayaa xiliga barwaaqa da ah ee tigaadu dheeraato ku jaba, kadib markii hashu ay damacdo inay tiigsato laac ku yaala laan gabi ka laadlaada balse haadaan ka hoosayso, ayay iyadoo isha ku haysa laaca sare haadaan laduushaa kadibna surka kajabtaa ama muuqeedaba lawaayaa. Neefku muusan ogayn godka hoose balse waxaa umuuqday laanta sare ee cagaarka iyo caleenta laliicaysa. Sidaas daraadeed afsoomaliga oo ah Af hodan ah waxaa kujirta maahmaah oranaysa LAACA ARAGTAYE LUNTA MA,OGTAHAY. Taas oo micneheedu yahay barwaaqada ganka sare kuyaal aragtaye ma,ogtahay hadimada kahoosaysa.
waxaan tusaalahaan usoo qaatay, markaan arkay xaalada wadanka soomaaliya ku suganyahay siyaasad ahaan ayaan dareemay in dadka badankiisu ujeedaaan laaca sare balse aysan hoos u,eegayn hadimada kahoosaysa. Waxaa inta badan maqalnaa wax layiraahdo beesha caalamka ( international community). Waa maxay ujeedka beesha caalamku soomaaliya karabto?. Marunbaa inay dowlad inoo dhisayaan sida warbaahinta laga sheego?. Yaa weeyese cidda sida rasmiga ah ugu adeegta beesha caalamka iyo jamciyada quruumaha ka dhaxaysa?. Muwaadin hanoqon qof maqla oo kaliya laakiin waxaan kugula talinayaa inaad wax akhriso oo wax baadho si,aad xogta rasmiga ah uhesho. Beesha caalamka iyo jamciyada quruumaha ka dhaxaysaba waa haayado reer galbeedka oo uu ugu horeeye maraykanku u,adeega si,ay dantooda ugu fushaan ayagoo isticmaalaya macagaca beesha caalamka iyo qaramada midowbay si,ay indhaha caalamka utusaan in tilaabadaas ama go,aankaas uu kasoo baxay madal aduunku udhanyahay sidaas darteedna ay tahay tilaabada saxda ah.
Wadanka soomaaliya oo dadkiisu leeyahay hal Diin, hal Dhaqan, hal Af, hal Midab iyo asal ahaanba hal Isir ayaa layiri waxaa qaadataan fadareeshin ( Federal). Tani waa qorshe katimid beesha caalamka laakiin maaha go,aan lafalanqeeyay oo kayimid maskax soomaaliyeed oo nadiif ah. Hadaba arintaan ayaa loosoo maray siyaasi aan muwaadin ahayn oo latusay laaca sare kasoo aan ogayn hadimada kuhoos duugan. kii ogna waxaa lagu qanciyay sandareerto aan sii jirayn. Fadereeshinku waa arin loo fakaray kaasoo lagu kala gaynayo umada soomaaliyeed. Waayo waxaa daraasad lagu sameeyay oo la,ogaaday in soomaalidu udagantahay gobalada qaab qabaa`il ah, isla markaasna ay yihiin dad aad ugu adag qabiilka iyo qabyaalada. Marka sifudud ayaa qabiiladii xuduudo loogu saameeyay ayagoo la`isticmaalayo maamul goboleed.
khilaafka arinkaan marhore ayuu bilowday oo waxaa tusaale inooku filan khilaafkii maamulada Puntland iyo Galmudug oo ismaan dhaafkoodu ka dhashay waddo ladhisayay. Bal eeg waa waddo oo ah kaabayaasha dhaqaalaha kuwa ugu muhiimsan ee cidwalba faa`ido u`ah. Waxaa kale oo hadda wali taagan xalna buuxana aan loo heli hanaanka lagusoo dooranayo xildhibaanada dowlada dhexe ee federalka. Taasoo ayjirto kala aragti duwanaan salka kuhaysa yaan lagaa xildhibaano badan beel ahaan. Waxaa muuqata in puntland iyo jubaland ay isku dan yihiin. Maamulada koonfur galbeed iyo Galmudugna ay isku dan yihiin. Markii uurka hoose ee arintaan ladooxo waxaan shaki kujirin in maamulkasta tirsanayo inta dagmo ee uu heli karo halkaas oo uu ka,ogaanayo tirada xildhibaanada uu ku yeelan doono dowlada dhexe.
Waxaa siguud dadka soomaaliyeed loogu micneeyaa in faderaalku yahay hab cadaalad ah oo qof walba xaqiisa helayo. Waa run in ay muhiim tahay in shacbigu doortaan qofka ay masiirkooda ku,aaminayaa lkn waa wadan noocee ah wadanka federalku ku haboonyahay?. fadlan iskuday inaad su,aashaas jawaabteeda raadiso adigoon usacab tumin federalnimada. Way adagtahay in wadanka soomaliya federaalnimadu ka hanaqaado waxayna abuuraysaa kala fogaansho iyo inaysan xuduuda labada maamul udhaxaysa aysan xooluhu ka tilaabin dad iska dhaafe. Ugu dambayntii, Waxaan shacbiga soomaaliyeed usheegayaa inay ogaadaan inay wax yeeli karaan waxna diidi karaan laakiin maaha in wax walba oo siyaasiinta lagusoo qanciyo ay taageeraan. Siyaasigu waa danayste, waa nin la latusayo laaca sare lagana daboolayo haadaanta hoose. Laakiin adiga, muwaadin ahaan waa inaad awoodaa inaad aragto hadimada, kan aan fahansanayn ee sikale wax loogu sheegayna usheegtaa.