Ku : Waxgaradka Beesha Tanade
Og :Maamulka Degmadda Bender Bayla
Og:Hay’adaha Amaanka Dowladda Puntland
Og:Isimada Puntland
Uj: Iska horkeenid dadka walaalaha ee Degmadda Bender beyla
Waxaa magaalada Bander-Bayla ka bilowday iska horkeenid iyo colaad kala dhexdhigid dadka deggan degmadda Bender beila ee walaalaha ah taasoo ay ka dambeyso beecii jagada xildhibaanada Beesha Tanade ee 2016 halkaas oo ay gaartay ilaa dhowr dhowr kun oo dollar.
Waxaa magaalada Bander-Bayla yimi Xildhibaan Cali Ilka dheere iyo Suldaan Zubayr, iyo Nabadoonkii hore Reer beesha Xassan abdirashiid Faradhuub iyo wafdi kaloo xamar laga soo diray.
Wuxuu warqad ka watay Wasiirka Waxbarasha ee Dowlada Dhexe Dr Khadra Bashiir Cali. Inuu Zubayr yahay Wakiilka Ugaaska asaga Kaliyana Magacaabi karo xildhibaanada baarlamaanka ee beesha Tanada.
Waxayna ka Codsadeen nabadoonada beelaha Tanade ee gobolka Bari inay saxiixaan warqado magaalada Muqdishu laga sameeyey.
Waxaana loo balanqaaday in Dr Khadra oo kasoo jeeda beesha Tanade ahna wasiirka waxbarashada ee dowlada federaaka Somalia in xildhibaankii Tanade ee gobolka Bari la siin doono. waxaa kaloo loo balan qaaday dhaqaale faro badan. Waxaan cambaaraynaynaa qorshahaas xamar laga soo abaabulay oo buuq iyo dhibaato gobokayaga lagaga abuurayo. waxaana kula talinaynaa leelkase Isimadooda inay shir degdega isugu yimaadaan Magaalada garoowe si ay uga arrin sadaan xaalada socoda
Saxiixayaal:
Dr Mohamed Adam Dini (Wakiilka garaadka Leelkase ee North America)
Eng Jama Cali Jama
Cabdirashiid Axmed Ismaaciil
Muse Jama Dini
Mohamed Ciise Dini
Cabdirashid Ali Jama Dini
Mohammud Nur Dini
Ali Xasan Dini
Mohamud Adam DIni
Cabdiqadir Adam Dini
C/risaq Muse Jama
Mohamed Ali
Rashid Muse Gudcur
Cisman Ali Muse
Zakariye Adam Dini
Cabdulqadir Adam DIni