Quantcast
Channel: Somali RBC Radio » Bashiir Yuusuf
Viewing all articles
Browse latest Browse all 82

Furitaankii Gigada Boosaaso waxay muujisay in Soomaalidu tashan karto! W/Q Axmed-Yaasiin Max’ed Sooyaan

$
0
0

Furitaankii Gigada Boosaaso waxay muujisay in Soomaalidu tashan karto!
Axmed-Yaasiin Max’ed Sooyaan
alle_yaqaan99@yahoo.co.uk
Janaayo 10 2015

maqaal3112122-300x300Ishii buktaay ku bikaacso!….Run ahaan hadaan lays yeel-yeelayn waayeel waa innaga! Waa dhab nin kastana waa ogyahay in furitaankii Gigada Diyaardaha ee Boosaasoay soo jiidatay dad badan oo danayniya inay mansab siyaasadeed ka gaaraan Soomaaliya, laakiin taas lafteeda baa dad badan oo ay dhibayso inay dadka siyaasiyiinta Soomaaliyeed wada hadlaan, ama ay wada qaxweeyaan ay ku ahayd arrin lama filaan ah inay tiro intaas la eg oo aan waligood talo iyo hadal aan wadaagin ay isugu yimaadaan munaasibadda furitaanka gigadaas, waliba iyaga keliya ma ahee malaha dad badan oo Soomaali ah bay sidaas oo kale ku ahayd waxaan dhici karin ama aysan samayn karay siyaasiyiinteenna manta.

Sida hadallada loo jeediyay, sida ninba wuxuu tabanayay u tilmaamay, sida nin kasta taladiisa iyo waxay la tahay u sheegay!…Dhaqan soo jireen ah oo gaamuray iyo in Soomaalidu lahayd walina tayada wada xaajoodka iyo….waxaa laga dheehan karay xirfad qoto dheer oo ka soo bilaabatay in geedka hoostiisa lagu arrinsado, in kasto wali ay jiraan dhaliilo inaan la fulin waxyaabaha lagu balamo ama ka soo baxa kulannada siyaasiyiinteena taasna runtii ay sabab u tahay burburka dhan kasta innaga aafeeyay ee ummadeena ku dhacay.

Waxaa iyada lafteeda wax weyn ahayd In madax-weynaha Xasan SHiikh Max’ud uu garowsaday inaan looga dheerayn ololaha tartanka doorashada 2016ka ee aad moodaysay inuu shalay ka bilowday Gugada Diyaaradaha Boosaaso dusheeda, in kasta oo Madax-weyne Xasan SHiikh uu ragaadiyay dalkii, oo uu waliba kala fogeeyay shacabkii isagoo waliba awoodi karay inuu habeenba gobol u hoydo oo uu bilaabo socod dheer oo nabadeed oo uu kaga talaabayo kuna jabinayo xudduudaha beenta ah ee kala qaqobaya ummaddiisa, hadana wali fursaduu waa ay furantahay isagaana laga rabaa inuu garto alaab uu si uusan ka fiirsan uu horay isaga xiray inuu u furmay, oo usanu noqon tukihii caanaha helay ee dhiilkii qarka kaga istaagay!

Waxaana loo baahanyahay madax-weyne Xasan SHiikh la yimaado geesinimo, ka qayb geliddiisi furitaankii Gigada Diyaaradaha ee Boosaaso waxay iyo siyaabihii loo wada hadlay waxay Xasan iyo cid kasta oo madax-weyne noqoto tusaalayniyeen inay soo dhammaadeen waayihii keli talisnimmada, sababtu waxay tahay dad badan oo uusan jeclayn inay munaasibaddas ka soo qayb galaan baa fadhiyay isla markaasna lagu soo dhoweeyay, waxay kaloo munaasabadaas bartay siyaasiyiintii ka soo qayb galay inaysan muhiim ahayn shakhsiyaad is jeclaada ama is necbaadaan, laakiin ay muhiim tahay si aan shuruud ku xirnayn inaan wada hadalano, is dhaliilno, shaki la’aan markaas waxaa deg-deg loo gaari karaa inaan is aamino.

Waxaan wali ii cadayn waxa ay dareemeen siyaasiyiintii Soomaaliyeed ee ka soo qayb galay munaasibaddaas, waxaan is leeyahay in guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ay dareemayeen in kulankii munaasibadii furitaanka Gigada Boosaaso uu ahaa kulan khayreed oo haddii siyaasiyiinta meeshaas isugu yimid ay daacad u yihiin ummadda Soomaaliyeed inay u adeegaan ay runtii halkaas ka sii amba qaadi karaan talaabooyin waaweyn oo keeni kara inay si madax banaani ah oo aan shisheeye u kala dab qaadayn danahooda uga wada hadlaan, taasina ma aha wax cusub oo ay maanta baranayaan oo waligoodba .

Waxaa kaloo iyadana munaasibaddas ay noqotay meeshii ugu horeysay oo ay ka bilaabatay baaqyadii hiigsiga 2016, madax-weyne Xasan SHiikh wuxuu balan qaaday inay dolwadda federal-ka Soomaaliyeed ay dhamays tirayso waxyaabaha ka dhimman dhismaha Gigada Diyaaradaha Boosaaso, sida muuqatay ma jirin eedaymo iyo jawaabo, hasa ahaatee waxaa muuqday dhambaalo uu nin kasta gudbiyay, waxaana balan qaadkii ugu horeeyay bixiyay Xasan SHiikh Max’ud, waxaanamunaasibaddii hareeyay gorgortan iyo hoose oo gogol dhig u ahaa tartanka Hiigsiga 2016ka.

Waxaan shaki ku jirin in munaasibaddaas ay cadaysay bisayl la gaaray oo horseedi kara in la soo nooleeyo isku kalsoonidii iyo is aaminaaddii iyo in la garto in danaha iyo siraha dalka laga wada qarsado shisheeyaha, waxaana rajayniyaa in siyaasiyiinteenu ay halkaas ka sii wadaan, oo aysan arrintu noqon sidii horay u dhici jirtay inta la wada qadeeyo marka la kacana la kala showro, lays xanto war-baahinta laysu mariyo oraaho iyo fariimo colaadeed!…..

Markii Xasan SHiikh Max’ud la dooranayay, arrimaha dalka waxay marayeen meel aad moodo siyaasiyiinta markaas hoggaaminayay dalka inay gaareen heer ay wadaagaan mas’uuliyadda, heer ay wax kasta oo yar ama weyn ay iska waraysan karaan, waxay soo gaareen dhaqan dowladnimo, oo si cad uga duwanaa kii qab-qablayaashii dagaalka ee ku dhisnaa is caannaadka, waxayna siyaasadda dalka saareen wadda cad, waa dhab inaysan wada socon laakiin waxaa taas ka muhiimsanaa inay ka gudbeen heer loo kala turjamo, ha heshiin waayaan, ha kala kacaan, hadana ilaa meel natiijo leh isla gaaraan wada hadalkooda waa socon jiray, waxaana marar badan adkayn jiray far-gelinta joogtada ah ee waxa Beesha Caalamka loogu yeero.

Marka aad dhuuxdo hadalka madax-weyne Xasan SHiikh uu ka jeediyay madaxtooyada Puntland, munaasabaddii dabbaal deggii Gaas uu u samayniyay sanad guurradii 2aad ka soo wareegtay maalintii loo doortay madax weynenimmada waxaakuu soo baxay in madax-weynuhu marka laga soo tago ammaantii badnayd ee uu jeediyay Puntland inuusan ku talo gelin inuu wax dhaqaale ah ku bixiyo gobollada dalka intooda kale, waxaa kuu soo baxay inuusan rabin in haba yaraatee inuusan waxna ka tanaasulin, wuxuuna inkirayaa in maanta cidda la tuhmayo hadday dhaqaale tahay, iyo haday horu mar kale tahay ay dowladda federal-ka tahay.

Waa hubaal in madax-weynaha Puntland Cabdi-Wali Max’ed Cali Gaas iyo madax-weynaha dowladda federal-ka Xasan Shiikh Max’ud ay saxiibo dhow yihiin, runtiina ay taas ku timid tanasul badan oo uu madax-weyne Gaas la yimid, inkastoo ay fiicnayd in arrintaas ay ka mid ahaato hadalladii cad-cadaa ee madax-weyne Xasan SHiikh Max’ud uu jeediyay, waxaan madax-weyne Xasan SHiikh loo baahanyahay inuu ogaad in qofka keliya ee inuu wax haysta maanta la tuhunsanyahay dalka ay dowladda federal-ka tahay, sidaa daraadeedna loo baahanyahay inay gacan ka geysato baahida gobollada ka jirto xag wax-barasho, caafimaad iyo cuntaba oo dad badan baa gaajaysan haba ugu darnaadaan dadka dalka gudihiisa ku bara-kacay, sidaasoo kalana madax-weynaha isaga laga sugayo inuu fuliyo ballanta uu ku qaaday inuu dhamays tiri doono halka kilo meter ee ka dhimman gigada diyaarradaha Boosaaso.

Madax-weyne Xasan SHiikh, ha bilaabo tanaasulka, ha laga arko oo saaxiibo badan ha ku yeesho dadka ay siyaasadda ku kala boodsanyihiin ee aan ka mid ahayn xizbigiisii Nabadda iyo Horumarka! Hana ku ixtiraamo siyaasiyiinta kale ee isaga mucaaradka ku ah inay muwaadhiniin talada dalka kaalin ku leh, waxaana talo wanaagsan ahaan lahayd wax kasta oo uu sheegay oo wanaagsan inuusan dib u dhigin ee uu maantaba bilaabo oo ku dhaqaaqo.

Use Facebook to Comment on this Post

FacebookTwitterGoogle+Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 82

Trending Articles