Quantcast
Channel: Somali RBC Radio » Bashiir Yuusuf
Viewing all articles
Browse latest Browse all 82

Il-Duufka Siyaasadeed ee Dr Gaas Dhaawac intee Le’eg bey u Geysankartaa Maqaamka Siyaasadeed ee Puntland? Mase Laga Kaban Karaa? W/Q Abdisalan Said Garawaan

$
0
0

IL-DUUFKA SIYAASADEED ee DR. GAAS DHAAWAC INTEE LE’EG BEY U GEYSANKARTAA MAQAAMKA SIYAASADEED EE PUNTLAND? MASE LAGA KABAN KARAA?
Abdisalan Said Garawaan
abdigarawaan@yahoo.com
Diseembar 31 2015

maqaal311212Dad badan ayey layaab ku noqotey warsaxaafadeedkii golaha wasiiradda ee Puntland 27 Diseember 2015 ee lagu aqoonsanayey Maamul- Goboleedka Bakool Sare oo aan buuxin sharuudihii dastuuriga ahaa. Puntland waa mandaqadda keliya ee ay kasoo jeedaan madaxweynayasha iyo reysal-wasaarayaashii ugu badnaa ee soo mara Soomaaliya 55 sanno ee ay xorta ahayd.

Puntland waa gardaadiyaha, aabaha iyo hooyadda dawladda Federalka ah ee hadda jirta. Puntland waxay gelisey maal iyo mood sidii loo dhisi lahaa dawlad Soomaaliyeed oo dastuur iyo nidaam ku ku qotonta. Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cabdillaahi Yuusuf Axmed (Allah Naxariistee) ayuu ahaa kii ka taagey calanka bluuga ah Villa Somalia markii ugu horeysey muddo 20 sanno ah.

Shirarkii Roadmapkii Garoowe I & II oo lagu qabtey caasimadda Puntland ee Garoowe waxa ay dhashey dawladda federalka ah ee Soomaaliya.Waxaa la oran karaa madaxda iyo shacabka Puntland la’aantood dawlad Soomaaliyeed ma dhisanteen. Arintaan waxay ka dhigeysaa Puntland ilaaliyaha dastuurka iyo sharuucda u degan nidaamka lagu heshiiyey ee Federalka ku saleysan. Marka laga gudbo xaqirida iyo xiqdigga hadda jira, Puntland waxaa usoo hoyan- lahayd sharaf iyo ciso Soomaali oo dhan qirto.

Waxaan shaki ku jirin horumarka dhaqaale ee Puntland gaartey 2 sanno ee Dr. Gaas sida mashaariicda kaabayaasha dhaqaalaha, wacyi-gelinta isku tashiga Puntland iyo kuwo badan.

Taariikhda ayaa qoreysa horumarka muuqda ee xagga dhaqaalaha ee Dr. Gaas ku soo kordhiyey Puntland mudadii uu xilka hayey. Waxaase la bariiqatey siyaasadda qaabka xun ee Soomaaliya ka jirta mudooyinka dambe. Waa mid u baahan fakar iyo talo dheeraad ah sidii loo hanan lahaa. Il-duufka siyaasadeed ee Dr. Gaas waxay dhaawac weyn ku tahay maqaamka siyaasadeed ee lagu yiqiin siyaasiyiinta reer puntland. Waxaan hoos ku soo koobayaa arimaha siyaasadeed ee GAAS ka hoos baxdey;

1. Aqoonsiga Bakool Sare lagama fiirsan, wuxuu ahaa ficil ku qotoma caadufad qabiil iyo salfudeyd. Puntland waa ilaaliyaha iyo custodianka dastuurka. Waxay aqoonsatey maamul aan buuxin sharuudihii federal iyadoo la ficiltameysa Galmudug. Tani waxay ceeb ku tahay madaxdii iyo shacabkii reer puntland ee kasoo shaqeeyey dastuurka dhibta badan loo marey.

2. Dr. Gaas iyo lataliyayaashiisu waxay si khalad ah isugu dhufteen maamulka Galmudug. Welina kusocdaan khaladkaas. Waxay ahayd in ay waxka dhisaan maamulka Galmudug, soo dhaweeyaan sidii Dr. Faroole Caalim iyo Galmudugtiisii; mudug iyo Galgaduudna lakala reebin. Waxaa 100% suurto gal noqon lahaa in Madaxweynaha Galmudug uu ku Guuleysan lahaa Dr. Ali Xaaji Warsame. Haddii ay ciyaaraan kaarkii Daaroodismka. Waxaa kale oo suurtoobi lahayd in Galkacyo noqonto Magaalamadaxda Galmudug, Madaxweynana nin Reer Puntland ah. Odeyga waa ka hoos baxdey.

3. Mudaddii Dr. Faroole puntland waxay gaartey heerkii ugu sareeyey ee siyaasadda dibadda iyo federalka. Waxaa saaxiib dhow iyo jaal siyaasadeed lala lahaa Dawlad-Goboleedka Koonfur-Galbeed iyo Horjoogeheedda Mr. Sharif . Dr. Gaas waa dayacay Gobolkaas wuxuuna hadda ku bilaabey dagaal hor-leh. Nin laga macaasho maaha waa soo maqan yahay.

Kuwa aan kor ku xusey iyo kuwo kale waxaa ka daran waxa soo socda oo Dr. Gaas sugaya sidii uu ugu babacdhigi lahaa sida; Afar madaxweyne iyo afar maamul-goboleed oo isku jaal siyaasadeed ah. Waa Galmudug, Hiiraan, Banaadir Sare iyo Banaadir Hoose iyo Shariifkeenii oo Gadoodsan. Dr. Gas iyo Sheikh Axmed waa NUS. Waxaa Soconaya majority vote 5/2 Kuwa International Community la yiraahdana madaxa maddaxweynayaasha bey tirsanayaan Boowe.

MAXAA TALA AMA MALAGA KABSAN KARAA?

Puntland waxaa la asaasey 17 sanno ka hor waxaana ku midoobey beelo wadda dhashey oo isku deegaana. Waxay sameysteen maamul u dhexeeya oo iyagana kala ilaaliya wixii dibadanna ka horjoogsadda. Waa lagu soo moodey alle Mahadiis balse ma aha waxaan wax laga bedeli Karin.

Puntland waa deegaan balaaran lagagana faa’iidaysan karo nidaamka awood qeybsiga ee hadda socda. Dastuurka Puntland waa in dhaqso loo bedelaa si loola jaan-qaado dabeysha siyaasadeed ee Soomaaliya. Waa saddex Maamul-Goboleed oo deg-dega.

1. Koonfurta-Puntland oo ah Nugaal iyo Nus Mudug. Waa bareejo Galmudug saga. Madaxweyne cusub iyo Barlamaan dhan 20 mudane. Weeso ma dhawra hadda.

2. Bariga-Puntland waa Karkaar iy Barri- Madaxweyne Cadde iyo 20 Barlamaan ah. Dawladdii dhexe ee Soomaaliya waxay Karkaar noqotey Gobol waxayna kusoo baxdey wareegto Madaxweyne waana la hayaa warqadaas baan maqley-sidaas bey ansax ku noqoneysaa.

3. Khaatumo/Maakhir, haloo yeero Cali iyo Qoorsheel Garoowe hawsha tolka halkaa halagu dhameeyo. 2016ka Madaxweynayaasha puntlanads iyo khaatumo/maakhir.

Sheekaddu waa dhow-dhow-dahay waxaana la joogaa meel cid lala hadli karo. Dr. Gaas waxaa kale oo laga rabaa in uu xabad joojin ku dhawaaqo xagga Shariifka Koonfur-Galbeed ama Dr. Faroole baa kuu joogee la tasho. Tala adigaa ku nool ee ayadu kuguma noola. GOOD LUCK!

Use Facebook to Comment on this Post

FacebookTwitterGoogle+Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 82

Trending Articles