Quantcast
Channel: Somali RBC Radio » Bashiir Yuusuf
Viewing all articles
Browse latest Browse all 82

Xog: Cabdiweli Gaas iyo Axmed Madoobe oo u tanaasulay habka 4.5. doorashada inay noqoto

$
0
0

IMG_9329

Kismaayo (RBC Radio) Wararka innaga soo gaaraya magaallada Kismaayo ayaa xaqiijinaya in labada hoggaamiye maamullada Puntland iyo Jubbaland ay si buuxda ugu tanaasuleen dhameen wixii laysku hayay oo ahaa habka doorshada u dhici doonta sanakan 2016ka, madax-weynaha maamulka Puntland Cabdi Wali Gaas iyo madax weynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa markii ay dhinacyadii kale ee Federal-ka, maamullada Gal-Mudug, iyo Koonfur-Glbeed diideen inay haba yaraatee wax tanaasul sameeyaan ayaa markii dambe sida la xigtay ilo shirka goob joog ka ahaa waxaa tanaasulay madax-weynaha Puntland Cabdi Wali Gaas, deedna waxaa taas si dhib yar ugu raacay madax-weynaha Jubbaland.

Sida warku sheegay maalmihii kowaad iyo labaad madax-weynaha Puntland Cabdi wali Maxamed Gaas ayaa taagnaa in uusan aqbalayn in wax lagu qaybsado nidaamka 4.5 haba yaraatee, hasa yeeshee markii ay taas si buuxdo uga hor yimaadeen dhinacii kale Dowladda Federalka, Gal-Mudug, iyo Koonfur -Galbeed (DF GM KG) ayaa la galay wada tashiyo kala gaar-gaar ah, taasoo markii laysu soo noqday uu madax-weyne Gaas la yimid tanaasul ah in xil-dhibaannada lagu soo xulay hab deegaan maadaama uu yahiin golihii sharci dejinta, aqalka sarana lagu soo xulo gobol kasta iyadoo lagu salayniyo nidaamka ah 4.5, hasa yeeshee waxaa mar labaad taas gaashaanka u daruuray DF GM KG oo iyaga inaba ha yaraatee aysan waxba iska bedelin taladii ay meesha la yimaadeen, waxaana ugu dambayntii lagu soo gunaannaday in laysku raacay 4.5, hasa yeeshee Axmed Maxmed Islaam madax-weynaha Jubba- land ayaa shuruud raaciyay isagoo leh hana noqoto xilligii ugu dambeeyay ee waxa la yiraahdo 4.5, hasa yeeshee dhinicii kale DF GM KG ayaa iyadana diiday oo gaashaanka u daruuray.

Warar kale oo aan la xaqiijin ayaa sheegay in markii u dambaysay madax weynaha Puntland lagu qanciyay 3 xubnood oo dheeri ah in Puntland ay ka helayso aqalka sare. Waxaana sidoo kale soo baxaya in odayaal iyo siyaasiyiin ka soo kala jeeda Puntland iyo Jubbaland ay isku dayeen inay la kulmaan Gaas iyo Axmed madoobe, hasa ahaatee aysan taasna suuro gelin iyadoo sababo aan la garanayn aawgeed ay labada nin ka biyo diideen la kulanka odayaashaas.

Use Facebook to Comment on this Post

FacebookTwitterGoogle+Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 82

Trending Articles