Gaas aan hubsano 7da February!
Cali Soomow
calisoomow@yahoo.com
Febraayo 01 2016
Cabdi Wali Gaas, wali run inooma sheegin, waa dhab waa uu yimid asagoo isu ekeysiinaya nin dagaalsan, hasa yeeshee anigu u hadli mayo sidii nimankii siyaasiyiinta ahaa ama sidii ni Gaas jago ka raba, hasa yeeshee maxaa diidadaya inaan wax badan is weydiino, Gaas waa uu soo noqday, sida uu sheegay go’aan buum ka soo gaaraya xumaantii aguugnayd ee Xasan Shiikh Maxamuud dadka iyo dalka, Allah fiicannaa, waxaase weeye hadalka runtiisa waxyaabo lagu cabbiro ayaa jira gaas ma laha indho dagaalsan, wali sidii buu buuro faganayaa oo inta isku soo sawiro la leeyahay madax-weynihii shaqo ayuu ku jiraa, sidii u sii kacsanaa Boosaaso ayuu fariisttay, anigu ma aqaan xaqiiqdii Gaas waxa ka daacadda ah.
Gaas sababta u weyn ee hadda uu Boosaaso u warwareegayo waa khayaano hor leh, waa dhagar uu dalka Soomaaliya oo dhan uu ka galayo, beenta uu u sheegay Puntland ma u socon doontaa, reer Puntland bay u taal, balse indhaha ha la kala qaado, is weydii Xasan Shiikh muxuu la aamusanyahay? Wuxuu hubuu hayaa oo Gaas buu ogyahay inuusan waxba diidanayn, waxaana taas daliil u ah shirkii shalay midowga Arika Addis Ababa ugu dhammaaday oo uu kula kulmay Banki Moon ninka madaxda ka ah qarammada midoobay wuxuu u sheegay in dhamaan laysku af gartay 4.5 in wax lagu qaybsado.
Gaas, wuxuu khayaanay raggii wafdigiisa ahaa ee Puntland kala yimid oo aan ilaa iyo hadda ogeyn heshiiska ay wada galeen isaga iyo Cumar Cabdirasheed Cali Sharma arke oo isagu ahaa ninka sidii arrintaan Puntland loo oggoleysiin lahaa u xil saarnaa, xanta qaarkeed ayaa sheegaysa in xubno ka mid ah beesha caalamka ,Cumar Cabdirashiid iyo xasan Shiikh ay siiyeen Cabdi wali gaas lacag gaaraysa ilaa $4milion lacagta Maraykanka ah lacago kalana ay dhowaan soo gaarayaan, sida la ii sheegay lacagaha ayaa loo qoondeeyay in Gaas uu magacaabo gole been ah oo dhexdhexaadiya dowladda federalka iyo Puntland kuwaas oo lacgtaas uu u qaybinayo lagana ansixinayo oggolaanshaha habka foosha xun ee 4.5, waana sababta keentay in gaas uu hadda fariisto Boosaaso isagoo ka fogaanaya Garowe golaha mudanayaasha, iyo Gaalkacyo labadaba, waxaana hadda si hoose u socda xulasho uu Gaas samaynayo oo uu ku dhisayo golahaas uu ugu magac darayo golaha la xaajoodka dowladda federal-ka ee Puntland.
Siyaabaha loo xisaabtamay, kolayba nin caadhiifadaysan warkaygu ka daadegi maayo waxayse iga tahay xilka xogta is dhaafi oo dadka Soomaaliyeed ama reer Puntland yaan lagu hodin ama aan lagu khayaanin xog aad ogtahay, adinkana waxaan idinka codsanayaa inaydaan iga didin ee aad u toog haysaan warka iyo xogta aan idin sheegayo, aqriste waxaan kuu sheegayaa Cumar Cabdi rashiid inuu u ololeyniyo sidii uu mar kale Xasan Shiikh madaxwenenimada ugu soo noqon lahaa, wuxuuna ka haystaa baaln qaad ah jagada uu hadda hayo inuu sii haysanayo, Gaas, wuxuu ka hor tagayaa inuu nin ama qof ka soo jeeda Puntland uu soo fariisto xafiiska madaxnimmada Soomaaliya, wuxuuna run ahaan taas ka doo bidayaa inuu Xasan Shiikh Max,uud ku soo laabto xukunka, wuxuuna rumaysanyahay in habka keliya ee taasi ku imaan kartana ay tahay mudanayaasha lagu soo xulo 4.5, isagana uu soo xulo kuwa Puntland, waana nidaamka Xasan Shiikh laftiisa uu rumaysanyahay inuu mar kale u suuro gelin karo inuu ku soo noqdo xukunka, Galmudug oo Mudug ay ku jirto cabdikariim Xuseen Guuleed baa u soo xulaya, Koonfur galbeed Shariif Xasan baa u soo xulaya, inta kale 30% waa la gadanayaa, waa niman meel wax wada dhigtay.
Puntland golaheeda fulinta maxay go’aan ay xiriirka ugu jarayaan Xasan Shiikh iyo xukuumaddiisa u gaari waayeen oo loo sheegi waayay, muxuu Gaas irridaha wali ugu furayaa Xasan Shiikh Maxud iyo dhagar qabayaasha la socda haddii uusan ka mid ahayn? Reer Puntland, waa dad fiican, laakiin caadhiifad baa qaribtay, musuqmaasuq weyn baa galay barlamaankooda , ninka la yiraahdo Axmed Cali Xaashi muxuu barlamanka u fadhiisin waayay, maxay u jari waayeen xiriirka ilaa haddaba xiriir ma jiree, mise waxaas oo dhan waa is maahintii cabdiwali Gaas iyo aamusnaantii, iyo in xilkasnimada iyo waajibaadkii lagu dayaco eed iska fogeynta reer Puntland?! War nin sigtay ma noolo?! War ninkaan Ilaah baa idiin soo qabtay ee yuusan idinka baxsan, war adinkoo taagtaagan oo nool oo soo jeedo yuusan idin gadan, war Allah u mahad celiya oo yuusan mar kale idinkala baxsan talada aayihiin, Allow ma idin digay.
Cumar Cabdirasheed ninkaas warkiisa waa iska cadyahay, raggiisuu dhinaca ka raacay, laakiin marka aad fiiriso cumar waxa uu hadda leeyahay Jawaari baan hor dhigayaa maxay yihiin haddii Gaas aysan waxba isku ogeyn?! Tan kale Gaas muxuu xildhibaanada Puntland war bixin u sii waayay? Muxuu si cad xiriirka ugu jari waayay Xasan sheikh iyo inta daba socota oo uu u horeeyo ina Cabdirashiid Cali Sharmarke, muxuu xudduudaha ciidamo u dhigi waayay, muxuu beesha caalamka u siin waayay go,aan qoraal ah oo si rasmi ah uu ku xeeriyo qodobo ka mid ah dastuurka Puntland u yaal uuna si cad ugu qeexayo waxyaabaha uu diidanyahay oo sababaysan, war ma la hubiyayay Gaas inuusan safar dambe Muqdisho ugu socon? Waxaan leeyahay Gaas aan hubsano.
Waxaa arrin muhiim ah hadalka ka soo yeeray Cabdiraxmaan Jibriil Xoosh oo ahaa wasiirkii dastuurka markii uu Gaas ahaa wasiirka koowaad ee dowladdii ku meel gaarka, ee uu ku sheegay inuu Gaas been u sheegay reer Puntland, Nin kuu digay kuma dilin, warka Xoosh ma aha mid ciyaar ah, wax badan buuna ka war qabaa haday ahaan lahayd Xasan Shiikh iyo hadii ay ahaan lahayd Gaas ama beesha caalamka, xaaladda khayaannada Gaas inta ay la egtahay waan garan karaa oo wax uu qof weyn rumaysan karo ma aha, laakiin sida la soo qorsheeyay waa in golo been ah uu dhisaa, deedna shirar beenbeen ah la gala lacagna lagu qaybiyaa dadka reer Puntlandna la maqashiiyaa golahaas baa oggolaaday, warka wuxuu ku gaabanyahay talad maantay gacmihiina ku jirtaa, waxaana si gaar ah ula hadlayaa siyaasiyiinta uu u horeeyo Cali Xaaji Warsame, waxaan idinku dhiiri gelin lahaa inaad xubno ka ahaataan golaha uu Gaas u diyaarinayo la xaajoodka Michael Keating iyo Cumar cabdirasheed, iyo inaad Soomaaliya ka badbaadisaan ceelka loo qoday!
Soomaaliya Ha Noolaato! Puntland Ha Noolaato!
Wa-billaahi towfiiq