Quantcast
Channel: Somali RBC Radio » Bashiir Yuusuf
Viewing all articles
Browse latest Browse all 82

Hormar ka ay gaartay iyo dhacdooyin kii ka dhacay dagmada Galdogob ee gobolka Mudug sanad kii la soo dhaafay ee 2015

$
0
0

Hordhac

Gudoomiyaha Degmada GaldogobDagmada Galdogob ee gobol ka mudug ayaa sanadkii la soo dhaafay ee 2015 gaartay hormaro kala duwan oo ay kamid yihiin waxbarshada, caafimaad ka, amniga, bilicda magaalada, dhaqaalaha ,caqabadaha.

Hormarka ay samaysay dagmadu waxaa uu kala yahay mid ay dawladda hoose ee dagmada iyo hay’adaha la shaqeeya ay ka hirgaliyeen iyo mid ay dadku si isku tashiya u qabsadeen.
Waxbarashada

Magaalada Galdogob oo ah magaalo aad ugu horaysa waxbarashada lehna iskuullo aad u fac wayn ayaa waxaa laga xusi karaa sanad kii tagay waxyaabihii ugu waaweeyna ee u hirgalay maamulka waxbarasha iyo kan degmada oo iskaashanaya in la kordhiyey qaar ka mid ah iskuullada oo la daalaa dhacayey fasal yari kuwo kalana loo dayactiray kuwii horay u jiray. Iskuullada dayactir ka iyo kordhinta fasallada helay waxaa kamid ahaa kuwaan soo socda.

Iskuul ka Hoose/Dhexe iyo Sare ee Cirro iskuul, Bursaalax waxaa lagu daray 3 fasal iyo qol gabdhaha khaas u ah.

Iskuul ka Hoose/Dhexe ee Dr: Axmed Xaaji waxaa lagu daray 2 fasal iyo barkad

Iskuul ka Hoose/Dhexe iyo Sare ee Einushamsi waxaa lagu daray 5 fasal iyo qol gabdhaha khaas u ah.

Iskuul ka Hoose/Dhexe ee Riigoomane waxaa loo dayactiray 6 fasal iyo 2 suuli.

Iskuul ka Hoose/Dhexe ee Imaamunawaawi waxaa lagu daray 2 fasal,barkad iyo 2 suuli.

Iskuul ka Hoose/Dhexe ee Imaamu-Shaafici waxaa lagu daray 2 fasal, barkad iyo 2 suuli.

Iskuul ka Hoose/Dhexe iyo Sare ee Galdogob Iskuul waxaa lagu daray 3 fasal iyo qol gabdhaha ugaara.

Xerajaalle waxaa loo dhisay iskuul hoose oo ka kooban 2 fasal iyo suuli.

Iskuul Bursaalax ku yaalla waxaa lagu daray 2 fasal, suuli iyo lix qol oo loo dayactiray

Daarusalaam waxaa loo dhisay iskuul Hoose/Dhexe oo ka kooban 5 fasal iyo 2 suuli.

ardayda degmada goldogob

05 September 2015 in ka badan 30 arday oo bachelor degree ah oo ka qalin jabisay Jaamacadda Bariga Africa faraca Galdogob oo ah abid ardayd degree ah oo jaamacad ka qalin jabisa Galdogob ku taal.

Waxaa sanad kan dabayaaqadiisi xaflad furitaan loo qabtay machad ka Imaamu-bukhaari ee barashada luqadda carabiga iyo daraasaad ka Islaam ka, Machad kaas oo dhismihiisu muddo soo jiitamayey ayey dad ka reer Galdogob ku guulaysteen dal iyo dibad inay dhistaan ayadoo cid ka caawisay aysan jirin.

Machad ka Imaamu-bukhaari oo ah machad aad u facwayn ayaa waxaa ka qalinbiyey arday aad u badan oo qaar kood ay immin ka yihiin macalimiin wax ka dhigta jaamacadaha iyo xarumaha kale ee lagu barto shareecada islaam ka.

Caafimaad ka

Sidaan wada ogsoonahay caafimaad ku waa lafdhabarta nolasha, caafimaad haduusan jirinna nolol ma jirteen. Galdogob waa magaalo hormar badan ka samaysay dhanka caafimaad ka waxaana ku yaalla isbitaal ka ugu wayn gobolka Mudug iyo qaybo kamid ah bartamaha Soomaaliya. Isbitaal Galdogob waxa uu u adeega dhammaan umadda Soomaaliyeed ee gobol ka Mudug iyo dawlad deegaan ka Soomaalida Ethopia.

Waxa magaalada ku yaalla xarumo caafimaad oo gaar loo leeyahay oo ay hirgaliyeen dhakhaatiir da’yar oo dadka iyo dalka wax u soo bartay.

Sidoo kale waxa ka jira magaalada labo MCH oo inta badan wax ka qabta hooyada iyo dhallaanka.

Cisbitaalka MCH degmada goldogob01/08/2014 waxaa si rasmiya ula wareegtay isbitaal ka Galdogob General Hospital, Bursalax Hospital iyo labada MCH ee degmada ha’yadda Save the children waxay ka faala qaaday mushaar ka 57 qof oo isbitaal ka Galdogob General Hospital, Bursalax Hosital iyo labada MCH ka shaqeeya iyo dhammaan daawada labada isbitaal iyo labada MCH.

Ayada oo ay degmada hoos yimaadaan deegaanno badan ayaa sanad kii la soo dhaafay waxaa deegaanada qaar kood laga hirgaliyey MCH yo la aaminsan yahay wax badan inay wax ka tari doonaan dhan ka caafimaad ka deegaanadaas waxaana kamid kuwaan soo socda.

Laanmadaw MCH
Riigoomane MCH
Xerajaalle MCH
Daarusalaam MCH iyo Qansaxle MCH

Biyaha

GEEL KA CABAYA degmada goldogobMagaalada Galdogob waxaa ku soo kordhaya sanadihii u dambeeyay ceelsha riigga ah ee biyaha laga cabo sanad kaan ka soo gudubnay waxaa lagu soo kordhiyey Galdogob iyo deegaanada hoos yimaada ceelal cusub kuwo horay u jirayna waxay heleen dayactir sida kuwan.
Waxaa ceel loo dhisay Xerojaalle

Dayactir ceel Ciid
Dayactir ceel Qorax
Dayactir ceel Booc
Dayactir Ceel ka Riigoomane

Amniga

Amnigu waa furaha nolosha haddi uusan amni jirina wax hormar ah oo la samayn karo ma jiraan.
Maamul ka dagmada Galdogob, waxgarad ka, cuqaasha iyo qaar ka mid qurbo joogta magaalada waxay wakhti iyo juhdi badan ku bixiyeen inay u sameeyaan ciidan Police ah oo ilaaliya nabad galyada dagmada.

Isla sanad kii la soo dhaafay dabayaaqadiisi waxa uu saxaafadda u soo bandhigay gudoomiyaha dagmada Galdogob Xasan Faarax Maxamed (Ayaxle) ciidan Police ah oo ay dagmadu leedahay oo ay u dhammaystiranyihiin wixii agab ahaa ee ciidan u baahna wuxuuna kula dardaarmay ciidan kaas inay waajibaad kooda u gutaan si hufan.

Waxaana si wayn looga dareemay magaalada shaqada amni ee ay ciidan kaas ka hayaan ayagoo habeen kii roondo ku sameeya xaafadaha kala duwan ee magaalada.

Sidoo kale waxaa dad ka magaalada iyo maamul kooda oo iskaashanaya ay dayactir ku sameeyeen istayshan kii degmada.

Bilicda, dib-u-dhiska iyo hormaka guud

Waxaa maalinba maalinta ka danbaysah sii hagaagayah bilicda guud ee degmada waxaana magaalada muddooyinkii danbe ka socday dib udhis xoogleh,dib u dhiskaas waxaa ka mid ah dabaq 4biyaano ah oo ay dhisatay shirkadda Tawakal kaas oo noqon doona bank tawakal ee galdogob. Xaflad wayn lagu qabtay magaalada laguna dhagaxdhigay,waxaana xafladdii lagu dhagaxdhigayay ka soo qayb galay dad badan oo bulshada magac kuleh waxaana kamid ahaa gudoomiyaha degmada, salaadiin, culimaa’udin iyo ururada bulshada waxaa xafladaas ugu horayn ka hadlay wakiilka shirkadda Tawakal ee Galdogob C/salan khalif xaashi asaga oo sheegay in dhismahaan oo kakooban 4 dabaq uu wax wayn kusoo kordhin doono bilicda magaalada waxaa kale oo intaas ku daray in dhismahaan looga faa’iidaysan doono qaybo badan sida hotel,xarumo ganacsi, iyo hoolal lagu shiro ama siminaarada lagu qabsado.

Waxaa sidoo kale munaasabaddaas ka hadlay guddoomiyaha degmada Xasan Farah (Ayaxle) waxuuna ugu horayn umahadceliyay shirkadda Tawakal qaybta lixaadka leh ee ay kaga jirto horumarinta deeganka iyo qurxinta bilicda magaalada.

Waxaa isbadal wayn laga dareemaya quruxda iyo bilicda magaalada gaar ahaan xarumaha ganacsiga oo laga dhisay dhismayaal fooqyaa.

BILICDA degmada goldogob

1 September 2015 wafdi ballaaran oo uu hogaaminayay Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa soo gaaray dagmada Galdogb ee gobolka Mudug, Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa si heer sare ah loogu soo dhaweeyay degmada Galdogob, waxaana wadooyinka magaaladaas safnaa dadweyne farabadan oo lulaya caleemo qoyan, sawirka madaxweynaha iyo calanka Puntland iyo kan Soomaaliya. .

Masuuliyiinta degmada iyo qaar ka mid ah odayaasha iyo waxgaradka Galdogob ayaa ka qeyb ahaa soo dhaweynta diiran ee loo sameeyay madaxweynaha Puntland Dr C/wali Maxamed Cali.

Dr :Gaas ayaa u tagay Degmada Galdogob hawlo shaqo oo ay ugu muhiim sanaayeen dhagaxdhig xarun cusub oo yeelan doonto dawladda hoose ee dagmada Galdogob,guriga hooyooyin ka, iyo garoon caalamiya ee kubadda cagta, sidoo kale waxa uu xariga ka jaray isbitaal ka dad ka dhimir ka qaba, isagoo inta uu ku sugnaau kuurgalay xaaladaha kala duwan ee ka jira, kulamana la qaatay qeybaha kala duwan ee bulshada, maamulka iyo odayasha.

Waxaa iyana xusid mudan in sanad kan gudihiisa uu maamul ka dagmada uu lahaa hirgalinta iyo dhaqan galinta mashaariicda uu madaxweynuhu dhagax dhigayiyadoo dhawaan la filayo in uu xariga ka jaro mashaariicdii uu horay madaxwaynuhu u dhagaxdhigay ayagoo imminka gabogabo ah.

Madaxweyne Gaas oo booqday degmada goldogob

July 29, 2015 waxaa Olole nadaafadeed ooloogu talagalay in qashinka looga nadiifiyo 4ta xaafadood ee Degmada Galdogob ay ka kooban tahay ayaa waxa uu degmada ka socdaymuddo sadex maalmood ah.

Ololahaas waxaa iska kaashanaya Dawlada Hoose Ee Degmada Galdogob , Hay’adda USAID iyo qaybaha kala duwan ee bulshada Degmada Galdogob.

Hay’adda USIADayaa bixinaysayqalabka lagu shaqaynayo sida , gaari gacamada , badeellada fuustooyinka qashinka lagu guro iyo wixii lamida, Dawlada Hoose Ee Degmada Galdogob ayaduna waxay bixinaysayshidaalka gawaarida qashinka qaadaya,halka bulshaduna ay si iskaa wax uqabso ah ku shaqaynayeen isla markaana ay xirnaayeen funaanado cad cad oo ay ku qornaayeen erayo lagu dhiiragalinayo kor uqaadida nadaafada.

Dhaqaalaha

Wufuud balaaran oo ka kala soctay Puntland iyo Ethiopia ayaa 12 January 2015 soo gaartay Degmadda Galdogob ee Gobalka,waxayna xariga ka jareen Kastam markii ugu horaysay laga hirgelinayo Degaanka Tuurdibi.

Degmadda Galdogob ee Gobalka Mudug waxaa soo gaaray ganacsato kala duwan,waxaana si wayn loogu soo dhaweeyey wafuudi ka kala socotay Puntland iyo dawlad deegaan ka Soomaalida Ethopia.

Mas’uuliyiin ka kala soccota Puntland iyo Ethiopia ayaa markay xariga ka jareen Kastam ka Tuurdibi ka dib waxaa xaflad furitaan lagu qabtay Galdogob oo ay ka soo qayb galeen dawladda Puntland iyo dawlad deegaan ka Soomaalida Ethopia iyo ganacsatada labada dhinac.

furitaankii kastamka Goldogob

Caqabadaha hortaagan dagmada

Dagmada Galdogob oo aad u koraysa ayaan lahayn wadooyin waaweyn oo dhexmara magaalada iyo xaafadaheeda, arrintaas oo ah caqabad ay wax ka qaban waayeen maamuladii soo maray dagmada,odayaasha iyo waxgarad ka magaalada. waana wax aad looga xumaado magaalada inaysan isku dhaafi kari labo gaari. Xiritaan ka wadooyin ka iyo isku qabqabsiga dhul ka ayaa waxay tahay Galdogob mushkilad aan dhammaan oo ay xal u la’yihiin dad ka deegaan ka.

Galdogob waa magaalo ka tirsan gobol ka mudug Puntland, Puntland waa dawlad jirsatay 17 sano oo haykal iyo dawladnimo ay ka jireen, magaalada Galdogob dad ka ku nool waa dad aan wax badan ka fahansanayn nidaam ka dawliga ah waa mushkiladda ay la shaqayn waayeen maamuladii hore ee dagmada soo maray iyo kan hadda jiraba.

Caqabadaha ugu waaweeyn ee maamuladu la shaqayn waayeen waxaa ka mid ah dad ka oo aan ogolayn inay cashuurta bixiyaan, kontorolada magaalada oo ay ka taliyaan malayshiyaad aan ka amar qaadan maamul ka dagmda.

Haddii aan la helin maamul, kala dambayn, haykal dawladnimo, magaaladu waxay u muuqanaysa magaalo fawdo ah oo aan dad keedu u bislayn hormar keeda.

Guul iyo barwaaqo ayaan u rajanaynaa sanadkaan 2016 gacmo wadajir bay wax ku go’yaan.

Mahadsanadiin
Xafiiska xiriirka dadweynaha dagamada Galdogob

Use Facebook to Comment on this Post

FacebookTwitterGoogle+Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 82

Trending Articles