Quantcast
Channel: Somali RBC Radio » Bashiir Yuusuf
Viewing all articles
Browse latest Browse all 82

XOG: Axmed Ciise, safiirka Soomaaliya ee Washington oo lagu wado inuu Puntland ku qanciyo 4.5

$
0
0

axmad ciise cawadIstanbul (RBC Radio) Sida aan ka soo xiganay ilo ku sugan mgaalada Istanbul ee dalka Turkiga, isla markaasna ka mid ahaa wafdigii dowladda ee uu madax-weyne Xasan Shiikh Max’ud hor kacayay ee ka qayb galay shirkii Soomaalida loogu qabtay magaaladaas, madax-weynaha ayaa Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Maraykanka, Axmed Ciise Cawad u xil saaray inuu madaxda iyo shacabka Puntland ku soo qanciyo inay ka tanaasulaan go’aanka ay ku diideen in wax lagu qaybsado nidaamka 4.5 ee ku salaysan beelaha, warkan ayaa intaas ku daraya in safiirka oo dabayaaqadii shirka ku soo biiray wafdiga dowladda oo ku hor mari doono isla markaasna uu gogol xaar u sii samayn doono wafdi balaaran ee sida lagu wado uu hor kacayo madax-weynaha madaxweyne-gaasXasan Shiikh Max’ud, oo doonaya inay Puntland kala xaajoodaan arintaas, warkan ayaa si cad loogu sheegay in Axmed Ciise loo soo dhiibay lacago iyo barnaamij loogu talo galay in lagu kala qaybiyo mowqifka Puntland ee ku aaddan arrimaha ay isku hayaan dowladda federalka.

Isla warkan ayaa lagu sheegay in booqashada madax-weynaha iyo wafdigiisa oo ku beegan marka uu soo laabto madax-weynaha Puntland, Cabdi wali Max’ed Gaas oo hadda dalka Maraykanka ku yimid booqasho gaaban oo uu ku soo gaaray qoyskiisa. Madax-weyne Gaas, oo February 22keedii soo gaaray dalka Maraykanka ayaa waxaa gigada diyaaradaha ee magaallada Washington ku soo dhoweyay safiirka Soomaaliya u jooga dalka Maraykanka Axmed Ciise Cawad, kaasoo madax-weyne Gaas iyo wafdigii la socdayba dejiyay hotel dalxiisayaasha loogu talo galay ee The Ritz Carlton, Axmed Ciise Cawad oo isla saacad iyo afartan shan daqiiqo ka dib soo Xassan Sheekhdhoweyntii Gaas u amba baxay magaallada Istanbul oo looga yeeray ayaa inuusan ka dhoofin Washington shir albaabada u xiranyihiin la qaatay madax-weyne Gaas iyadoo warar aan sugnaynna ay sheegayaan inuu wada hadalsiiyaya isaga iyo madax-weyne Xasan Shiikh Max’ud.

Axmed Ciise Cawad oo uu la socda taliyaha waaxda Socdaalka Soomaaliya Gen. Cabdullaahi Gaafow, ayaa bishii December 2015kii soo gaaray magaallada Minneapolis ee gobolka Minnesota, waxaana jiray warar horay u soo baxay oo sheegayay in Axmed Ciise Cawad uu kulan gaar ah la qaatay wax-garadka iyo odayaasha jaaliyadda Puntland ee ku dhaqan Minneapolis isagoo markaas ka codsaday inay gacan siiyaan una ololeeyaan sidii mar labaad dib loogu soo dooran lahaa madax-weyne Xasan Shiikh Max’ud.

__
RBC Radio

Use Facebook to Comment on this Post

FacebookTwitterGoogle+Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 82

Trending Articles