Safiyo Ashkir Cali Seed, oo gacanta ku haysa xarunta Agoonta ee deeggaanka Cagaaran ee Gobolka Mudug ayaa baaq u dirtay qurba jogta Puntland inay ka qeyb qataan dhamaystirka Collge-ka agoonta ee gobolka Mudug gaar ahaana Deeggeenka Caagaran..
Xarunta oo loo dhisaayo Carruurta agoonta ee aan awoodin waxbarashada Asaasigaa ayaa waxaa gacanta ku haya Safiyo Ashkir Cali Seed waxaana dhismmaheedu soo bilowday 21,diseebar 2013, Safiyo Ashkir Cali ayaa baaq), u diraysa Qurba jogta Puntland , meel kasta oo ay adduunka ka jogaan inay gacan ka gestaan kuna sadaqaystaan maalkooda xarunta agoonta loo dhisaayo..
Safiyo Ashkir Cali Seed ayaa waxay tiri dadka Puntland waa inay ka dhabeeyaan Hadalkii Madaxwaynaha Puntland ku dhawaaqay ee ahaa in la isku tashado waa in la isku tashado oo si wada jira wax loo qabsado ayey tiri Safiya Akshir oo bookhasho ku jogta Australia gaar ahaan Magaallada Melbourne. Si ay ula kulanto Jaaliyadda Puntland ee dalka Australia..
Waxaad kala soo xiriiri kartaa’
Hormuudka Xarunta Agoon daryeel”
Safiyo Ashkir Cali Seed
Telefoonadan Australia
+0061499280668 ama +447415314674– Uk