Jawaari ma ogyahay inuu Xil-DHibaan yahay?…ha la xasuusiyo!
Axmed-yaasiin Max’ed Sooyaan
alle_yaqaan99@yahoo.co.uk
Sabteembar 27 2015
Max’ed Cusmaan Jawaari waxa qasbaya weynin badanaa, mar kasta oo madax-weynaha Xasan Shiikh Max’ud Xil-DHibaannadu mooshin ka keenaan isagaa is hor taagaya waliba si sharci darro ah oo qarda jeex ah oo aan qaynuun iyo xeer midna la ilaalinayn isu soo mutaxaya, maxaa qasbaya?!…ma cabsanayaa?! Waa wax dhici kara oo dad badan oo xil-dhibaano ahaa baa madasha laga waayay inatay waxay la ahayd sheegeen! Ma laaluush buu qaatay?! Waa laga shakin karaa, aad baa looga shakin karaa, mar haddii waxa uu samayniyo ay xeerka daba marsanyihiin, waa musuqmaasuq! Ama ha ka yimaado madaxtooyada musuqmaasuqaas ama waxa Beesha Caalamka loogu yeero ha ka yimaado!…Waa Yaab Mana Yara! Wax socdaa Jawaari waa lagu wehliyaa oo shaki kuma jiro, Xil-DHibaannadana wuxuu soo ogaaday inay yihiin Xil-Ma-DHibayaal!
Max’ed Cusmaan Jawaari, waayo aragnimo la’aan ma hayso, muddo waa soo shaqeeyay, mana garan waayin meesha ay Soomaaliya maanta taalo inay isaga hiil uga baahantahay, mana garan waayin Xasan SHiikh Max’ud inuusan ahayn nin xilkaas ka bixi kara, oo innaga iyo asgaba 3sano ayaan arkaynay Xasan SHiikh Max’ud iyo siyaasaddiisa foorarta, marka intaas laga soo tagana ma garan waayin in codka Xil-DHIbaannada uu yahay awood qaynuun ah oo ka mid ah seddexda hay’adood ee ay u qaybsantahay awoodda dowladda, marka in maalin kasta intuu xeerka hareer maro oo isagoo xubin ka ah Xil-DHibaannada (marka laga reebo inuu af-hayeenkoodii yahay) uu hadana si aan sharci ahayn ama aan ahayn go’aan maxkammadda sare ka yimid, ama aan ahayn go’aan loo codeeyay uu taladooda ku jebiyo macnaheedu waxay noqonaysaa si cad in Keli Talisnimmadii ay wali nooshahay shacabkana uusan wax cod ah iyo xuquuq yeelan .
Jawaari laba mooshin oo laga kala keenay labo ra’iisal wazaare oo labadaba aan qiil sharci ah loo hayn waa uu fuliyay, waa run in tirooyin la soo saaray laakiin sida loogu ololeeyay iyo kaalintii muuqatay ee uu ka ciyaaray ololihii loo galay labadaas mooshin baan ahayn sharci, waayo isagoo ah af-hayeenkii golaha Xil-DHibaannada ayuu qayb muuqata ka ahaa mooshinnadii labadaas ra’iisal wazaare lagu tuuray.
Jawaari wuxuu kaloo horay u joojiyay mooshin midkaan ka horeeyay oo ay Xasan SHiikh Max’uud ka keeneen Xil-DHibaano, maantana waa kii labaad oo laga keeno Xasan SHiikh oo uu ka hor yimaaday isagoo aan wax xeer ah oo jira ama awood qaynuun ah oo uu ku hor joogsanayo, ama wax xeer ah oo uu magacaabayo aan isku hor taagayn, isla markaasna aan oggoleyn in sida dhaqanka dunida oo dhan ka jira ee gaalo iyo Islaamba goleyaashooda looga dhaqmo ay arrinta mudannayaasha ka doodaan isla markaasna go’aan ka gaaran isna lagu sharfo inuu ku dhawaaqo sharci ahaanshaha go’aanka ay u codeeyaan mudannayaasha……
Waa Yaab Mana Yara!….Waxaa iyadana dabeecad iska ah marka uu hor joogsado Jawaari in isla markiiba in Xil-DHibaannadii mooshinka ku wada qornaa ay is qabqabsadaan oo kala qaybsamaan, waana cibaaro macna badan ku tusaysa si dhab ahna u qeexaysa baaxadda musuqmaasuqa ee ay Jawaari Xasan SHiikh ka dhex wadaan mudanayaasha golaha Xil-dhibaannada, sidaasoo kalana astaan cad u noqon karta caga-juglaynta la sheego in lagu hayo mudanayaasha !….Waase weydiin Jawaari haddii uu daacad yahay muxuu mar kasta ugu kalsoonaan la’yahay golaha dhan ee isaga soo doortay ee uu af-hayeenka u yahay inay ka doodaan, go’aan ka gaaraan arrimaha waajibaadkooda ah ee ka mid ah hawl maalmeedkooda?!…
DHab ahaan arrintani ma aha mid la fududaysan karo, shakina kuma jiro inay raad weyn ku yeelanayso xilliga kala guurka ee loogu hayaamayo waxa lagu magacaabay Hiigsga 2016ka!..sida uu hadda u shaqaynayo Max’ed Cusmaan Jawaari iyo dabeecadaha is xulufaysiga ah ee durba muuqda waxay ku tusayaan in Jawaari iyo Xasan ay dantu is baday isla markaasna ay jirto dan isku haysa oo ah in ay si wada jir ah uga shaqeeyaan iyadoo midba uu kan kale gacan siinayo sidii ay ugu soo noqon lahaayeen jagooyinkooda, taasi maba xumaan lahayn, waxaase aan xeer ahayn meel ka dhac weynna ku ah danihii loo socday oo ahaa sidii mar labaad loo soo unkami lahaa qarnimadeenii burburtay sharaftii golaha mudanayaasha in af-hayeenkii dhammaa uu ka soo jeesto xafiiskii madaxtooyada!…..oo yaa qaynuunka ilaalinaya marka?!…..oo yaa farskaan aan laylsanayn xakamaha ku hayniya marka?!… oo yaa qaynuunkaan isagaba Looma Ooyaanka Ah u hiilinaya marka?…..
Waxaa iyagu laftoodu fari- ku-godantahay Xeer Ilaaliyaha Guud iyo Maxkamadda Sare oo ay ahayd inay wax ka yiraahdaan xeer-jajabka uu caadaystay Af-hayeenka Barlamanka marka golaha qaynuun dejinta mooshin ka keenaan madax-weynaha, xataa waxaa haboonayd haddii aan dacwad loo soo gudbin ugu yaraan inay faaleeyaan dabeecadda iyo saamaynta ay leedahay arrintan ama ay cannaan u jeediyaan kolba dhanka ay u arkaan inuu dhaliisha leeyahay, inkastoo aysan jirin wax madmadow uu ku jiro marka la eego sida uu u dhaqmayo Jawaari.
Xil-DHibaannada manta ku fadhiya kuraasta golaha waad ka war haysaan sumacad ahaan waxa laydinka aaminsanyahay, dad-weynuhu iyagoon idin dooran bay waxay oggolaadeen inaad wakiil ka noqotaan maadaama aysan awoodayn inay keensadaan kuwii iyaga ay wakiillan lahaayeen, waxayna rumaysnaayeen intiina badan inaad dantii qaranka iyo ummadda aad wakiilka u noqoteen garan doontaan, inkastoo Jawaariba ha idinku horeeyee laydinka waayay, hadana wali waxay rumaysanyihiin inaad mar un ku baraarugi doontaan khataraha ina hor yaal iyo xaaladda dalka meesha ay marayso!….waa haddii aad rumaysnaydeen dhaartii aad marten!….waa haddii aad u damqanayseen Dadkiina, Diintiina, iyo Dalkiina!….waa laydin sugayaa!…
Af-hayeenka, Jawaari, armaad ambatay?!…. laakiin mid ma u malaynaysaa in shacabka Soomaaliyeed ay sidaas damiin u yihiin oo aysan kala ogeyn cid gentay iyo cid galladday!….midna aan ku xasuusiyo Mar I Dage Alle Ha Dago, Laakiin Mar Labaad I Dage Anaa Is Dagay!…shacabku waa shacabka oraahdaas ku hal qabsada marka uu si lama filaan ah u dhagro mid iyaga ka mid ah oo ay aamineen!….Xubno badan oo golaha mudanayaasha ka mid ahna hadaysan wax ka bedelin sida dhaqankoodu yahay waa hubaal inay adkaanayso inay soo laabtaan, sida la qorsheyniyo waa laga gudbiya doorashada soo socota in qaabkii hor oo kale xubnaha xil-dhibaannada lagu soo xulo!…..Mudane Jawaari, waxaanjeclaan lahaa inaan ku xasuusiyo inaadan ka tirsanayn xafiiska madaxtooyada ee Xasan SHiikh Max’ud laakiin aad tahay Xil-DHibaan golahaas Af-hayeen u ah hawsha xafiiskaadana ay dayacantahay.