Quantcast
Channel: Somali RBC Radio » Bashiir Yuusuf
Viewing all 82 articles
Browse latest View live

Washington: Maxamed Adam Dini iyo Cumar Ismacil Cismaan oo ka qaybgalay shir looga hadlay xal u raadinta khilaafadka (Sawirro)

$
0
0

Woodrow wuilson Center for international Affairs

Madaxa Hay’ada nabada iyo cilmi baaris ee qaarada Afrika muddane Maxamed Adam Dini iyo Agaasimaha barnaamijka nabada dhalinyarada afrika muddane Cumar Ismacil Cismaan ayaa ka qaybgalay shir looga hadlay xal u raadinta khilaafadka ay sababaan dadka aan ka mid ahayn dowladaha ka jira qaarada Afrika. Kulankaas waxaa ka soo qayb galay safaaradaha dowladaha Africa iyo kuwa reer galbeedka ee fadhiya Washington, aqoonyahano iyo madax hore oo afrikan ah oo lagu casumay.

Woodrow Wilson center for international affairs ayaa ku martiqaaday madaxda hay’adan ka dib markay arkeen cilmi baarista ay ka sameeyeen horumarinta nabadeed ee Afrika.

African Union Embassy Ambassador in USA

Sidoo kale, Waxay xafiiskooda ku soo dhoweeyey ergada safaarada African union ee magaalada Washington DC, halkaasoo ay isku weydaarsadeen shahaadooyin abaalmarin ah oo ku saabsan nabada iyo sidii sumcada Africa mar kasta loo difaaci lahaa.

Use Facebook to Comment on this Post

FacebookTwitterGoogle+Share


Maqaamka Caasumadda iyo Maqnaanshaha Madaxweynaha. W/Q Abshir Ali Qood

$
0
0

Maqaamka Caasumadda iyo Maqnaanshaha Madaxweynaha
Abshir Ali Qood
Nofeembar 05 2015

GAROOWE GOOB GOBEED

qoodWaxaan aad ugu mahad celinaya shacabka puntland wanaaga iyo walal nimada jecel. Gaar ahaan shacabka xarunta puntand, xarunta dhaqanka, Xarunta, somaliyeed ee garoowe.

Waxaan rabaa inan dib u xasuusiyo reer puntland Kalintii wax ku oolka ahayid ee garoowe ku lahayid dhisida iyo jiritanka puntland.

Waxaan aminsanahay puntland ma jirteen ama wexey ku dhisantahay .saburka sinaanta sariigashada. Iyo sooryeyinta Shacab weynaha garoowe.

Wexeynu ognahay in askunkii iyo asaskii 1998 iyadoon dhaqale jirin hotelo iyo guryo badan jirin in garoowe u guntaday in gasiin iyo gabaadba.la garab joogtey ergadii ku dhoweyid kunka ee ka kala timi daafaha dhulka hada layisku yiraahdo puntland. Garoowe wexey ku guuleysaty 25, sano ka dib in lagu qabto shirar somali u dhantahay.
Garoowe wexey ku guuleystay ,,25 sano ka dib in koobka kubada cagta somaliya lagu qabto. Garoowe wexey ku guuleystay in lagu dhameystiro dastuurka puntland. In lagu asteeyo astanta calanka puntland.

Garoowe wexey ku guuleystay koobkana ku qaaday soo dhoweyin si mug iyo mamuus marwalba madaxda ama weftiyada kala duwan heer calam iyo heer federal.sidoo kale shakhsi walba oo lagu. Tebayo somalinimo tariikh iyo sumacdana ku dhex leh bulshada. Ma koobi karo wanaag iyo wax tarka ay garoowe u ledahay. Puntland.

NUXURKA QORALKAN

Bulsho walba oo ku heshiisa Mamul wadareed waxey qorataa dastuur iyo sharci qawaniin u dhexeeya, waxey astaystan xarun laga hago mamulkaas, hadaba Garoowe wey buuxisay inta badan shuruudahasi, islamarkaasna waxey mudantahay maal gelin iyo mamus dheeri ah.

Hadan mar labad u soo noqdo dulucda iyo ujeedka qoralkankan, Somalidu waxey tirahda wixii aragiisu ku deeqo ayaa oontiisuna ku deeqda.

Caasumadu waa murrayada puntland waxey xaq u leedahay in ay hesho dhamaan adeeg casumadeed waxey xaq u lahayid in ay hesho Airport waxey xaq u Leedahay maal gashi, waa Madaxii laga dheehanayey hananka Dawaladnimo ee Puntland.
Mana mutaysan in cid gaar ah iyo reer gaar ah lagu xagliyo. Waxaan orankraa intii ilahayKu abuurayna waa hormuudka puntland.

HADABA

Waxaa nasiib daro ah in Madaxweynihii ilalin lahaa sharciga kala dameyinta Ku tunto kuna gefo qodobo dastuuri ah Garowe ku Mudan tahay.

Waxaan mar labad u mahad naqaya shacabka xalasha ah guud ahaan reer puntland gaar ahaan reer Garoowe, waxan leeyahay sii wada kuna dadala midnimada xasi loonida iyo Kala dameyinta Puntland una dulqaata xukuumada dalan babiga oo qiil doonka ah iyo Wax-ma-garadka Insha allah waxaa sharciga
Iyo la xisaabtan la iman doona xildhibanada inta xalasha ah.

waad mahadsantihiin
Ilahay haynoo siyaadsho guusha iyo gobanimada.

Qalinkii: Aqoonyahan Abshir Ali Qood.

Use Facebook to Comment on this Post

FacebookTwitterGoogle+Share

Ma Burcad baddeed baa mise waa kaluumaysato…. W/Q Maxamed Cabdi Caynab

$
0
0

Burcad baddeed miyaa mise waa kaluumaysato la-il daran in ay quudiyaan caruurtooda
Maxamed Cabdi Caynab
Cabdi1@yahoo.co.uk
Nofeembar 05 2015

maqaal3Inkastoo war baahinta calaamka ay indha adduunka kusoo jeediyeen la haystayaal lagu haysto meelo ka mid Somaliya , haddana marka aynu si dhab u fiirino xaalad nololeedka kaluumaysata Somaliyeed , waxaan ogaanaynaa in ay kaluumaysatadu yihiin wadaniyiin difaacaya dalka, kana hortageen dhaca iyo qashinka baddeena la gu shubaayo intii tabartooda ah, lana il daran in ay helaan quutul yoomkoodii, walaw reer galbeedku ugu yeereen “Burcad badeed”

Beesha calaamku waxay weerar xoog leh ku hayaan badda Somalida iyagoo ku andoocaanya in ay maraakiibta ka difaacaya burcad baddeed Somaliyeed-waa been warkaasu. Balse xaqiiqadu waxay tahay in ay difaacayaan maraakib jiraaf oo xadaya khayraadka somaliya iyo in ay ku shubaan qashinka haraaga dilaaga ah ee warshadaha reer galbeedka.

Waxaa laga soo xigtay ama ay qoreen “High seas Task Force(HSTF) “ in in ka badan ilaa 800 doonyood oo jiraaf ay ku jiraan badda Somaliyeed , halkasoo laga dhaco Somaliya in ka badan 450 Million dollar/sanad walba laga billabo qaran jabkii Soomaaliya 1991 kii.

Waxay dhacayaan waa quudkii nafaqada protiinka laha marka Somalida ay la il daran yihiin nafaqo darro.

Dhaca iyo suunta la qubo waxay si buuxda usoo baxday markii duufaantii tsunami ee 2004kii ay ku dhifatay xeebaha Gobokii Bari (Today Puntland), tasoo lagu arkay in kontaynaro soo caariyay oo markii ay dilaaceen lagu arkay sun nooc walba leh:yuraaniyam, leed iyo biraha culus ee Cadmium iyo Merkuri, qashinka warshadaha, cusbitaaldda taasoo ah xasuuq dadban ee lagu hayo shacabka masaakinnta ah ee Somaliya.

Ahmed Ould Abdullah – wakiilkii UN-ka Somaliya mar uu ka hadlaayay arrintaan qashinka wuxuu yiri”shirkadaha qashinka ku quba Somaliya waxay lacag badan siiyaan wasiiradda dawladda ku meel gaar ka ah, dawlad goboleedyadda jira, madaxda maleeshiyo qabiileed “ wuxuuna ku daray Somalida manta waxa ku yar inta damiir iyo wadaniyad u haya dalkooda iyo dadkooda, wax kasta waxaa kala wayn in jeebkiisa lacag gasho!!

1992kii, waxaa ku shiray dalka Suisse, magalada BASEL in ka badan 168 dawladood , taasoo lagu mamnuucay in qashinka warshada iyo yuraaniyamka lagu shubbo badaha, Ayaan darro UN-ka way iska indha tirtay qaraaradii laga soo saaray Basel waxayna horseed UN-ka u noqotay in maraakiib dagaalka ee NATO(gumaysiga cusub) , iyagoo ka saxiixay si heel heel ah , Nur Hassan Husein(Nur cadde), muuqaalka Somali ka ah in la geeyo xeebaha Somaliya maraakiibta dagaalka ee NATO , taasoo afka ay ka leeyihiin waxay difaacayaan marakiibta xamuulka balse ay xaqiiqadu tahay in ay ilaaliyaan maraakiiba reer galbeedka ee jiraafka u jooga iyo in sunta ugu khatarsan lagu shubo biyaha Somaliya. Waxaa manta ku sugan baddeena oo ka wada dhaca iyo qashin ku shubid NATO, EEC, Russia,Japan, India, Malaysia, Massar iyo Yamen, Iraan etc.

Ilaa hadda lama hayo dawladda dhexe ee Somaliya ama kuwa maamul goboleedka oo ka dhidhinaaya dhibka la inoo geysanayo , ma lacag bay qaateen !! mise damiir baa jirin.

Waxaan kusoo koobaya , welli lama hayo dal islaam ah oo UN-ka uu faraha la galay oo ka guulaystay: dawlad la’aan, dhac, hagardaamo kama baxaan.

Waa siyaasadda guud ee USA , NATO , Yurub in ay Somali suuliyaan , sabatoo ah dad iyaguba qabiil qabiil isu nacay, tuugana sharfay oo madax ka dhigtay iyo calooshiisa la ciyaar aan cidna u naxayn ,aaway aayihii ubbadka Somaliyeed ama caruurta ay dhaleen kuwa lacagta siistay dalkii. Caruurtoodo berry xagee kunoolaan .

Somaliya waxay gelaysa taariikhda in dal Somali ah uu jiri jiray inta UN-ka , Ethiopia, Nicolas key la dabo caraarayo.

Haddii aynaan midoobin deg deg , wada jirin, isku xirnaan Somaliya ma jirayso.
Illaahaw Somali wada jirkoodi soo celli.

Kuwa dalka dhacaya oo cadwgii soo jireenka Somaliya la safan allow ummadda ka qabo.
Somaliya ha noolaato.

Wa bilaahi tawfiiq.

Qore:Maxamed cabdi caynab

Use Facebook to Comment on this Post

FacebookTwitterGoogle+Share

Kay iyo Keating: Kolayba Ingiriis waa ina soo aaday! W/Q Axmed-yaasiin Max’ed Sooyaan

$
0
0

Kay iyo Keating: Kolayba Ingiriis waa ina soo aaday!
Axmed-yaasiin Max’ed Sooyaan
alle_yaqaan99@yahoo.co.uk
Nofeembar 27 2015

maqaal311Odayaashii hore ee Soomaaliyeed Ingiriiska si fiican bay isu yaqaaneen, waxaan aad ula yaabay siyaabo badan oo ay u cabbireen fikirkiisa, dhaqankiisa, iyo guud ahaan xiriirka nololeed ee dunida kale uu la leeyahay, waxaana taas si fudud looga aqrisan karaa xudduudaha ka jira dalalka qaaradaha Afrika iyo Aasiya! Taasoo salka ku haysa in Ingiriiska uu mar kasta yahay marqaatiga iyo xog-ogaalka loogu noqonayo tallada dhibaatooyinka ka dhasha khilaafaadka xudduudaha iyo khariidadaha dunida ka jira.

Ingiriiska wuxu sir iyo saaqba ku bixiyay gobolo Soomaaliyeed, waliba bixin uguma harin wuxuu gacan ka geystay in Qarmmada Midoobay (QM) u aqoonsadaan inay ka tirsanyihiin dalalka uu ku daray, tan maanta taagan baase ka daran, bal inkaarta inta ay la egtahay! Sida aan u burburnay iyo cadowga aan ku hor kufnay!…kaaga daranee iyo nimanka aan maanta ka sugayno samata bixinta!.. DHereg Gunimo Leh Gaajo Gobanimo Leh Baan Ka Dooranay! Waa fikraddii ay ku soo shaqeeyeen, oo ay halganka ku soo galeen halgamayaashii Soomaaliyeed aakhirkiina ay ku hanteen qaranimmadii gacmaheenna ku burburtay…..

Ragga dhaxlay ilbaxnimmada laga soo min-guuriyay dhaqanka guumeystinimmada ee hadda hoggaamiya siyaasadda dalalkii wax guumeysan jiray badankood waxay rumaysanyihiin in habka ay ka dhaxleen awoowayaashood yahay siyaasadda haboon ee maanta lagu maamuli karo dalalkii ay soo guumaysan jireen. Annaga iyo Qarammada Midoobay; marka aad fiiriso sida uu ururkii League Of Nations ugu xuub siibtay ururka qarammada midoobay waxaad is leedayahay ama kuu muuqanaya in Qarammada midoobay ay samaysteen dalal rabay inay iyagana kala badbaadaan dunida kalana ay ku maamulaan waxay ay iyagu heshiis ku yihiin, waana dalalkii ku guuleystay dagaal-weynihii 2aad ee dunida, waxaana shardi ah in dal kasta oo soo codsada inuu xubin ka noqdo Qarammada Midoobay uu marka hore ku guuleysto 9 cod oo ka mid ah codadka 15ka xubnood ee Golaha Ammaanka ah, oo aysan ku jirin 5ta dal ee xubnaha joogtada ah….

Sidaasoo kalana nin kasta oo noqonaya Xoghayaha Guud ee Qarammada Midoobay wuxuu u baahanyahay oggollaanshe dhamays tiran ee dalalka leh codka VITO-ga kuwaasoo haddii uu midkood diido uusan isku soo ceebaynayn jagadaas, ama xataa uusan ku soo noqon karin xilka, waana sidii uu ku tegay Boutros Boutros-Ghali markii ay dowladda Maraykanka is khilaafeen oo waliba sida mararka qaar la sheego arrimaha ay isku qabteen ugu weyneyd aayaha Soomaaliya, waana sidii ku dhacday Xoghaye Guud ee ugu horeeyay ee ay yeealato Qarammada Midoobay, Trygve Halvdan Lie, oo isagu ka soo jeeday dalka Norway, ayaamar labaad markii xilkaas loo soo doortay diiday oo ka hor yimid Midowgii Soviet oo iyagu ugu caraysnaa ololihii uu ninkaas u galay in tallaabo military laga qaado dalka Woqooyiga Korea taasoo markii dambe keentay Lie inuu is cazilo.

Waxaa sidaasoo kale xeerarka Qarammada Midoobay ka mid ah in dalalka dhaqaalaha ugu badan siiya qarammada midoobay ay iyagu ka mudanyihiin dalalka kale jagooyinka muhiimka ah ee hay’addaas,…..laakiin annagu iyo dunida dhammaanteedba xubnaan ka nahay, sidaa daraadeed waad garan karaysaa Banki Moon inuusan cidna inoo soo magacaabin, waad garan karaysaa kaalintiisu waxay tahay, waad garan karaysaa cidda iska soo hormarisay, wax kale ma aha ee waa sida kuwa inoo yimaada iyagoo hor kacay hay’ado ay leeyihiin dad shisheeye ah ee annagana inoo sheega inay hay’adaha iyga leeyihiin ama madax ka yihiin!….

Waxaan shaki ku jirin istaraatiijiyadii reer Galbeedku ay Soomaaliya ka lahaayeen ay soo gabagabowday, haddii ay ahaan lahayd; in magaca Xasan SHiikh Max’ud wax lagu xalaalaysto iyadoo la huwinayo magaca madax-weynihii Soomaaliya, haddii ay ahaan lahayd in ciidammada la keenayo afka Soomaaliga iyo dhaqanka shacabka la baro, haddii ay ahaan lahayd turjubaano Soomaali ah oo siyaabo badan loo soo taba-baray, iyo haddii ay ahaan lahayd ciidamo Afrikaan oo la soo qalabeeyay una badan waddammada deriska ah sida Itoobiya, Kenya, iyo Djibouti…

David Cameron, ninka madaxda ka ah qolka 10aad ee looga arrimiyo boqortooyada Ingiriiska waxaa hor yaala khariidad aad uga baaxad weyn kana qoto dheer tii awoowayaashii ay dhulka Soomaaliyeed horay ugu bixiyeen, waxaadna moodaa in wajigii hore ee ahaa diyaarinta danaha sida sharci darrada ah la rabo in Soomaaliya looga fushado uu soo dhamays tiray Nicholas Kay, sida dadku qaar sheegayaan ama ay u malayniyaana ma aha in Kay uu ku fashilmay arrimihii laga sugayay inuu qabto, waxa si walba u fashilmay waa Xasan SHiikh, laakiin Nicholas Kay aan is weydiin hawlaha ay Soomaalida ka sugaysay oo ay isku ogaayeen maxay ahaayeen?!….Xataa ninka la leeyahay Banki Moon baan sheegi karin Kay sababaha uu Soomaaliya u joogay, waayo markii horaba isaga soo ma dirin waajibaadna ma soo siin.

Nicholas Kay, waxaad moodaa inay soo gabagabowday hawshiisii hadana uu xilka kala wareegayo nin ku dhashay magaallada Kampala ee dalka Uganda, ninkaan la yiraahdo Michael Keating, waxaa la oran kara waa nin loo diyaariyay inuu horseed ka noqon karo dhamays tirka barnaamijada ay dowladda Ingiriiska ka lahayd Soomaaliya, isla markaasna uu David Cameron rumaysanyahay inuu ka soo dhalaali karo.

annan

Keating, wuxuu muddo dheer la soo shaqeeyay QM, wuxuuna horay u soo noqday ku-simaha wakiilka xoghayaha guud ee QM u joogay dalka Afghanistan, isla markaasna ahaa u qaybsanaha xagga deegaanka, wuxuu sanadihii 1999kii-2001dii ahaa la taliyaha maamulaha xafiiska waaxda barnaamijada horumarint ee QM (UNDP) xarunteeda New York, wuxuu madax ka soo noqday Chatham House, The Royal Institute Of International Affairs (waa guriga in-dheer garadka,iyo xubnaha khubarada ee ka baaraan dega arrimaha dunida ee dalka Ingiriiska) halkaas oo uu ka sameeyay ama uu isagu lahaa fikradaha dhowr barnaamij oo ay ka mid ahaayeen barnaamijka siyaasadeed ee ku-meel gaarka ah ee Afghanistan, iyo qodobo kale oo ay ka mid ahaayeen, KHayraadka Dabiiciga ah, Tamarta (Energy) iyo Xuquuqul-insaanka, wuxuuna sidaasoo kale ka soo shaqeeyay Bariga DHexe, Afrika, Geneva, iyo New York, oo dhammaantood uu ka soo qabtay mas’uuliyado la xiriira siyaasadda, horumarinta, iyo Bin-aadanimmada…

Keating, sida lagu soo xulay inta badan way ka duwantahay inuu natiijooyin siyaasadeed ka gaaro arrimaha Soomaaliya, hasa ahaatee waxaa loo qaadan karaa in waxa ugu weyn hawshiisa ay noqoto inuu fuliyo heshiisyada ay gudcurka ku wada saxiixdeen David Cameron iyo Xasan SHiikh Max’ud ee la xiriira sidii dowladda Ingiriiska u soo saari lahayd khayraadka Soomaaliya, ee uu ugu horeeyo shidaalka, iyadoo danaha u weyn ee laga sugayana ay tahay mas’uuliyadda arrintaas in lagu saleeyo oo keliya heshiisyada laga qarsaday ummadda Soomaaliyeed.

Waad arkaysay oo Nicholas Kay wuxuu ka qayliyay shalay hal doon oo niman Soomaaliyeed oo xeebahooda loogu yimid ay qabsadeen (Soomaalida ha ka fiirsato in Burcad-Badeed loogu yeero dhallin yarada ilaashanaya xeebahooda, hana u aqoonsadaan inay hayaan adeeg dalkooda uga baahanayahay iyadoo waliba la siinayo taba-bar lagu tayeyniyo hawlaha ay qabanayaan) muddadii uu Kay joogay maalin keliya sooma hadal qaadin Burcad-Badeedda ka socda shirkadaha waaweyn ee kaluumaysiga ee dalalka horumaray ku jariifayaan xeebaheenna, ee sanad kasta ka sameeya Billions-ka dollar, waxay inoo dhiibeen kutub aysan iyaga rumaysnayn oo la kala yiraahdo Argagixiso iyo Burcad Badeed oo loo isticmaalay inaan dalku yeelan jiho siyaasadeed joogitaanka shisheeyahana sharci ka dhigaysa.

Bal is weydii maxay salka ku hayn kartaa booqashada wadaadkaan kaniisadda Lutheran-ka ah ka socday ahaana ra’iisal-wazaarihii hore ee Norway, Kjell Magne Bondevik, waa yaab!…. Bondevik hadda wuxuu leeyahay hay’ad ku salaysan Nabad Gelyada Dimuqraadiyadda iyo xuquuqda Aadanaha, mise u malaynaysaa Xasan Inuu marna ku soo hadal qaadi karo ama uu wax ka weydiin karo xad gudubyada ay shirkadaha Norwegian-ka ku hayaan khayraadka iyo badaha Soomaaliya?!….

SHacabku waa gablamiyay dalkii! Maalin keliya Xasan SHiikh kama hadlin Burcad-Badeeddaas dunida ka soo duushay ee badaheena jariifay xataa haddii uu Jawaari u sheegi lahaa inuu ka hadlo waxbay ahaan lahayd!….balse ka waran kuwa xil-dhibaannada ah ee maalin kasta shirarka beenta ah u fadhiya oo wax ka soo baxa oo macna leh aan wali la hayn inay Xasan SHiikh Max’ud iyo nin kale oo muransan la kala saftaan mooyee, maxay uga hadli waayeen Burcad-Badeedda biyaheenna ku soo duushay?! Mise wax kalaa jira?!

David Cameron waa ay muuqataa sida uu damacsanyahay, waana uu diyaarsaday raggi hawlaha u qaban lahaa, sida xawliga ah ee uu arrimaha ku wadanna waxay cadayn u tahay in Ingiriiska uu si bareer ah ugu soo qalkab qaatay dano aan loo sheegin dadka Soomaaliyeed iyo kuwa hadda siyaasaddooda hoggaaminaya, hasa yeeshee waxaa rajayniyaa in shacabka ay isku dayaan waxyaabaha socda iyo waliba inay fahmaan in waxa Beesha Caalamka loogu yeero inay heshiis ku yihiin in la boobo khayraadka Soomaaliya, xuddudihiisana waxaa loo fasaxay cid kasta iyadoo lagu sharciyeeysanayo sababo aan xaqiiq ku salaysnayn iyo xaallado horay loo sii abuuray….

Use Facebook to Comment on this Post

FacebookTwitterGoogle+Share

Madaxweynaha GalMudug oo ka hadlay xiisadda ka aloolsan magaalada Gaalkacyo

$
0
0

28 November 2015 – Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug, Mudane Cabdikarin Xuseen Guuleed, ayaa shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Cadaado, waxa uu uga hadlay dagaallada dib uga qarxay magaalada Gaalkacyo, isaga oo sheegay in ay ciidamada Puntiland saakay aroornimadii duullaan ku soo qaadeen fariismo ay ciidamada Galmudug ku sugnaayeen.

Madaxweynaha oo hadalkiisa sii wata ayaa intaa raaciyay in uu aad uga xunyahay waxa dhacay, uuna ku baaqayo in si degdeg ah loo joojiyo dagaalka. Madaxweyne C/kariin ayaa sidoo kale sheegay in Galmudug ay horay ugu hoggaansantay, una dhaqangalisay dhankeeda qodobbadii ay odayaashu soo bandhigeen oo kala ahaa:

1) Xabbad-joojin
2) Ku-celinta ciidamada barahoodii hore iyo
3) Ka wada hadlidda wixii keenay dagaalka
Waxaase nasiib darro ah in Puntiland ay ku gacan seyrtay dadaalladii ay duqeydu wadeen, waanwaantii nabadeedna ay ku baddashay guluf colaadeed.

Dhanka kale Madaxweynaha ayaa tilmaamay in kulankii ay shalay magaalada Cadaado ku yeeshen isaga iyo R/wasaare Cumar C/rashiid ay isku afgarteen in la dajiyo xiisadda taagan, islamarahaantaana ay Galmudug aqbashay in si shuruud la’aan loo kala qaado ciidamada is hor fadhiya, islamar-ahaantaana miiska wadahadalka la isugu yimaado.

Madaxweynuhu wuxuu intaa ku daray in qorshuhu uu ahaa in R/wasaaruhu uu maamulka Garoowe ku soo qanciyo qodobadii ay isku afgarteen isaga iyo R/wasaaraha, magaalada Gaalkacyana la dhigo gogol wada xaajood oo looga arrinsanayo dhibka dhacay balse aysan taa dhicin oo Galmudug ay saakay ka warsheshay duullaan qaawan oo Puntilanda ay ku soo qaaday iyo R/wasaarihii oo dib Muqdisho ugu laabtay. Madaxweynaha ayaa wax lalayaabo ku tilmaamay sida xushmo darrada ah ee Puntiland ay ula dhaqantay R/wasaare Cumar C/rashiid.

Madaxwynaha ayaa ugu danbeyntii ku baaqay in si deg-deg ah loo joojiyo colaadda ka aloolsan Gaalkacyo, kana codsaday dawladda federaalka iyo bulshada caalmkaba in ay qaataan dawrkooda ku aaddan nabadeynta.

DHAMAAD

Wixii faafaahin dheeraad ah kala xiriir
Wasiirka Warfaafinta Dowlad Gobolleedka Galmudug
Mudane Maxmuud Aadan Cusmaan
Email: mesagaway2@gmail.com
Tell: +252616562950

Use Facebook to Comment on this Post

FacebookTwitterGoogle+Share

Sahankii Damaaci oo ku soo dhamaaday Puntland. W/Q Yuusuf Omar

$
0
0

Sahankii Damaaci oo ku soo dhamaaday Puntland
Yuusuf Omar
mashruuc5@hotmail.com>
Diseembar 6 2015

Yuusuf  Cumar

Yuusuf Cumar

Soomaalidu waa dad isku diin ah,isku dad ah,isku af ah.soomaalidu waxay leedahay dhaqan soo jireen ah oo marka loo eego dhaqamada ka jira dadyawga caalamka noqonaya kuwooda uu gu qiimo badan.hayeeshee dhaqankii soomaaliyeed waxaa dhexda ugalay oo wiiqay shisheeyaha cadaanka ah ee ku soo duulay gayigii soomaaliyeed.Gumaystuhu waxa uu u qaybiyay gayigii soomaaliyeed 5 qaybood isagoo u jeedadiisu ahayd in uu qaybiyo dabadeedna uu xukumo iyo in wada jirkooda iyo xoogooda daciifiyo si aysan uuga muuqan afrika iyo caalamkaba oo aysan u noqon soomaaliweyn dawlad xoogleh oo laga haybaysto caalamka siyaaso wayna ku yeelata talada dawladaha waawayn.

Gumaysigu marlabaad waxa uu burburiyay dawladii soomaaliyeed ee ku midaysnayd jamhuuriyada dimiquraadiga ee soomaaliya caasimadeeduna ahayd Mogdisho.caado waxaa u ah gumaysiga in uu isticmaalo dadka ka fikira calooshooda iyo lacag uun oo ku badasha diinkooda,dalkooda,dadnimadooda. wuuna kala yaqaan dadka.

Puntland

Puntland markii dagaaladii sokeeye dhaceen,waxay dagaan keeda kasamaysatay maamul iyo kala danbayn,waxayna ka shaqaysay oo ay mudo dheer baadi goobayaan sidii soomaaliya ay uga bixi lahayd dhibaatada dawlad la aanta iyo aafada iyo dhibka nidaam darada iyo fawdada.Puntland waxay sida dhaqanka soo jireenka u ah ayadoo raacaysa nabad galisay dariskeeda dhanwalba ka jira,waxayna horseed katahay nabad marwalba. Puntland waligeed kuma duulin taako,tuulo,dagmo,iyo gobol ay leeyihiin beelaha soomaaliyeed ee walaalaha ah,taariikhda laguma hayo waligeedna maba dhicin suura galna kama aha oo aqlgaan sina u ogolayn iyo diinta iyo iimaanka.

Puntland kalin wayn bay ku lahayd xoriyadii iyo qaranimadii soomaaliyeed.hadana in dalkeena dhibka kabaxo waxay ku leedahay kaalin wayn burburkii wixii kadanbeeyay.Puntland waxay u aragtaa in xalku yahay hadii soomaali dagaashay,oo aynu iska burburinay dawladnimadeenii in aan is aamino oo xal gaarnana ay adkaatay bal in aan isugu nimaad nidaam fadaraal ah oo ah in deegaanada ay israacaan oo samaystaan dawlad goboleed fadaraalka kamid noqota intii israaci kartaaba oo is rabtaa.waxaana soomaali samaysatay dastuur ay isku raacsantahay oo dawlada fadaraalka ahi ku shaqayso oo u yaal kaasoo dhigaya in laba gobol iyo wixii kabadan ay dhisan karaan dawlad goboleed wxii kayar maya.

Puntland waxay xaqdhawraysaa oo tix galinaysaa wixii sharci ah ee dastuur ah ee dalku leeyahay sida caalamkuba ugu dhaqmo sharci iyo nidaam.dalwalbaa oo dhisan tastuur buuleeyahay oo ah sharci u dagsan oo dalkaasi ku dhaqmo lana tix galiyo.Puntland horana uma doonin hadana ma doonayso dhul aysan lahayn wayna taqaan dhulkeeda.

Seerada dhuleed ee beelaha soomaaliyeed

Soomaalidu dad hada uun dhashay maha,beelaha soomaaliyeed waxay leeyihiin ood wadaag,silsilad darisnimo oo isku xiran oo reerba reer daris layahay.waxay leeyihiin dhul daaqsin,ceelal iyo deegaan xuduudaysan oo soo jireen ah beelina aanay ku haysan beesha kale maadaama lays yaqaan ka ab ka awoow.beelaha soomaaliyeed si cad bay u yaqaan sida ay ukala dagan yihiin mana aha mid ahada la baranayo.soomaalidu waxay leeyihiin is xurmayn iyo isqadarin xuquuq dhuleed oo layska duud siyana kamid maha waxa soomaalida lagu yaqaan waligeedba,ayagoo fahan san in diinteenu inoo sheegtay ninkii dhul haltaako ah kudurka dhul walaalkii jano carafteed urin maayo waana ehelka naareed.soomaalidu waa dad diinleh tanay ogyihiin.

Sahankii dhuldoon ee damaaci

Hobyo ilaa Mogdisho beelaha dagan ee soomaaliyeed markay burburtay dawladii soomaaliyeed1991dii,waxaa galay damaacinimo ah dhulkaa idinku yaree dhuldoonta,dhulkiinu barwaaqo malaha ee mid ka barwaaqo badan doonta,dhul xoog ku hela intaysan dhalan dawlad soomaaliyeed oo rasmi ah!! waxay iloobeen oo arki waayeen diintii islaamka,karaamadii iyo is qadarintii beelaha soomaaliyeed ileen wax waa laga bixiye,waxay kasariigan waayeen,xurmo tirka beelihii soomaaliyeed,dhaqan bi isnimada,karaamo beelka,sharaf dhaca intan oo soomaalida aan u ahayn dhaqan iyo diin midna. tani waxay sababtay in dhuldoonkii horaba lagu duulay dhulka digil iyo mirif si xaqdaro iyo xumo daro ah waxay kasameeyeen ka sheekayn mayno,waxay qaateen,wixii beer iyo xoolo nool ahaa iyo guryaba.waxay usii gudbeen iyagoo u arkaya in wali intani ku yartahay dhulka jubaland sidii si lamid ah ayay ku sameeyeen dad iyo duunyaba iyagoon u xeer dhigan cidna kamana sheekaynayno.waxaan maqli jiray niman bad maaxyo ah oo dhulmareeno ah sida kolonbos iyo fasgadagaama ayaa helay qaarada america hade mataasaa khalad loo fahmay waa sidee soomaaliya gudaheeda dhulka laga raadinayaa? oo beel soomaaliyeed baadi goobayso?

beelwalba oo soomaaliyeed waa garanaynaa kuligeen deegaanka ay leedahay iyo xadkeeda.damaaci sidii uu wax u maleeyay noqon wayday oo jubaland dhulkeedii kasoo caydhisay iyagoo leh walaal ku noqono gurigaagii waa taqaane!! sidaa si lamid ah koonfurgalbeed illaahay mahadii oo yeelatay dawlad iyo maamul kasoo saartay dhulkeedii oo ku yiraahe walaale orod ku noqo dhulkaagii waa taqaane. waloow wali hada uu si dhuumaalaysi ah kusii joogo shabeelada hoose isagoo mar dhaw duruufuhu kasoo saari doonaan. damaaci wali dhul waa u kordhi layahay oo sahankiisii sidii u dhulku heli lahaa oo beelaha soomaaliyeed u boobilahaa kama bixin laabtiisa,waxaa layiri “Daqsi duul duulbadan aflibaax buu ku dhacaa” hada wuxuu ku soo gaba gabeeyay sahankiisii ninkii hobyo daganaa dhulka puntland anaa leh oo kol hadiiba layiri laba gobol way israaci karaan maxaa hobyo idhigay iyo cadaado waa inaan iraahdaa anaa leh mudug iyo galguduud si halkaa aan u helo dhulka puntland. waxaa carabtu tiraahdaa “Damac kathiir yamuud fi shaaric” ninka daaciga ahi oo damaca badani wado laami ah dhexdeed buu ku dhintaa” oo u jeedadu tahay isagoo fakaraya oo isleh xageed dhacdaa iloobayna in laami goynayo oo dhabanada haystay ayaa baabuur kadulboodaa!!

Waxaa intaan u dheer gumaysiga oo ka ilhelay oo si ba`an u adeegsanaya uguna shaqaynaya si aan soomaaliya u helin nabad iyo dawladnimo, damaaci hadii meelkasta laga soo yureeyay hada waxa uu dul fadhiyaa puntland oo waad aragteen damaaci isagoo og in uusan lahayn dhulka puntland isagoo og sida ay soomaali uwada ogtahay siday uwada dagto,ayaad arkaysaa gaal ingiriis ah oo ay mogdisho kula shireen beesha hiraab oo leh dhulka puntland ku darsada oo kadib noqda mudug iyo galguduud halkaa ka hela dawlad goboleed iyagoo meeshaba kasaaraya darisnimadii,diintii,soomaalinimadii,xurmadii iyo isqadarintii oo gaalkaa u riyaaqaya mana oga raga ay dhulkooda doonayaan in ay yihiin ragii ingiriis iyo talyaaniba kasaaray soomaaliya.

Gabagabadii

Deegaan dhan warkii iska daaye ma dhacayso mana dhici karto in cid ay sheegato taako kamid ah deegaanka puntland.puntland marna ma aqbalayso deegaankeeda warkiiba daaye in beel soomaaliyeed ay beelkale oo soomaaliyeed deegaankeed ku qabsato waan na qaan beelkasta oo soomaaliyeed barta ay dagto oo ay leedahay,soomaaliduna way iswada taqaan hada maynaan dhalan,dhul cusub oo la halayna hada majiro ninkii indha cadeeyaana ciduu u indha cadayn hade isagaa og kolay soomaali maha cidaasi. waxaan qabaa waqti haynaga dhuminina,karaamada iyo darisnimada iyo sharafka soomaaliyeedna yaan wax loo dhimin,in aan dawlad noqono oo dalkeena aan wada ilaashana ayaa laynaga rabaa,maha waxaan soconayn dhici karayn in aan waqti kale kusii dhumino.

waa isnaqaan shisheeyuhuna waa ina yaqaan ee iska horkeenka soomaalida danuu kaleeyahay taa in lafhmo waa danta soomaaliyeed.damaacigu waa ninka wixiisa kuudiida oo kaala bakhayla,hadana aan kuu daynin waxaaga ee jecl in uu kaa qaato haduu helikaro waxaad haysato, haduu kaa qaatana aan qancin ee raba in uu nafta kaaqaado kaasi waa damaaci.runta haloo soonoqdo ninwalbaa gurigiisa waayaqaane haku ekaado,ayadoon cid cid waxka haysataa jirin aan dawlad dhexe wada dhisano oo aayar wada noolaano dalkeena shisheeyaha kawada difaacano wakaa taladii puntland iyo go aankeeduba.puntland dadkeedu way dagan yihiin baydhabo,way daganyihiin,balad Wayne,marka,jawhar,mogdisho iyo magaalo kasta inta badan oo soomaaliyeed taasi macnaheedu maha umana fasarinayno waa dagaan puntland!! waxaan si sharafleh ula noolahay beelaha soomaaliyeed ee leh dagaankaas iyagoo na og iyo anagoo og.xaqa iyo baadilkuna meel mawada joogi karaan oo baadilkaa baxaya kolka xaqu yimaad.soomaali hays qadariso ayaan leenahay khiyaalka iyo dhalnteedkana hakabaxdo dadku waa wada ehel yaan lakala fogayn.

Use Facebook to Comment on this Post

FacebookTwitterGoogle+Share

Gaal-Kacyo: Dagaal ujeeddo badan!. W/Q Axmed-Yaasiin Max’ed Sooyaan.

$
0
0

Gaal-Kacyo: Dagaal ujeeddo badan!
Axmed-Yaasiin Max’ed Sooyaan.
alle_yaqaan99@yahoo.co.uk
Diseembar 07 2015

maqaal31121Waxaad moodaa inaanan isku af ahayn, inaan u baahan cid inoo kala turjunta, mise?! Bal cibaarradan adigu micnee yaa eedda leh ma siyaasiyiinta mise innaga shacabka ah ee raba hoggaan siyaasadeed oo danahooda u adeega?!…aad baan uga xumahay waxa ina haysta, tan Gaal-Kacyo ka dhacday! Haddee intaa ma ku ekaysiin karnaa?!..….. jawaabta su’aashaas aad baa loogu kala duwanyahay, waxaase su’aashaas ka jawaabaya su’aasha kale ee ah nimanka siyaasiyiinta inoo ah ee arrintan laga sugayo inay maareeyaan waa kuwee, xaggee bay joogaan, 25kii sano ee dalku burburka ku jiray wax xal ah oo ay keeneen marna ma aragnay, ma uga baranay?! Haa iyo Maya, jawaabtu midkay doonto ha ahaatee, wali waxaa ina hor jooga raggii aan ku hingownay ama kuwo ay soo jaro bareen oo iyagii iska dhig-dhigaya!….

Waxay u egtahay arrinta Gaal-Kacyo inay ka mid noqotay mashruuca madax-weynaha dowladda federalka Soomaaliyeed Xasan SHiikh Max’ud ee Hiigsiga 2016, waxay u egtahay inay ka mid noqotay mashruuca Xasan SHiikh Max’ud iyo shirkadaha saliidda ee ay rabaan inay awooddooda ku fidiyaan gobolka Puntland, waxay u egtahay inay ka mid noqotay mashruuca waxa Beesha Caalamka loogu yeero ay doonayso inay dalka si dhamays-tiran gacanta ugu geliyaan cudud shisheeye oo ay ku xukumaan iyadoo Xasan SHiikh Max’ud uu taas u fududeynayo si uu garab uga helo 2016 yaraan si ay uga aqbalaan kororsiimada 2da sano ah ee uu muddad xusul-duubka ugu soo jiray, waxay u egtahay siyaasiyiinta nabadda Gaal-Kacyo laga sugayo oo uu u horeeya madax-weynaha DFS, ra’isal wazaare SHar-Ma-Arke, Cabdi-Kariim Xuseen Guuleed, iyo Cabdi-Wali Max’ed Cali, inaysan natiijo nabadeed halkaas ka keeni karin oo sida hadaba dhacday heshiis kasta oo ay gaaraan uu burbur ku imaan karo, maxaa yeelay nimankan waxba iskuma khilaafsana….ma rumaysnid inay saaxiibo yihiin?!…

Maalin kasta iyagaa gaar wax u saxiixda, go’aamo u gaara dalka iyo dadka iyadoo aan Golayaasha SHacabka mid heer federal ah iyo dowlad goboleed midna waxba lagala socodsiin, iyadoo waliba ay muuqato inay wax kasta ku dhamaystaan xeer-jajab hoose iyo saaxiibtinimo shakhsiyadeed oo ka dhexeysa iyagoo waliba garab maray wax kasta oo lagu heshiiyay, haddii ay ahaan lahayd dastuur iyo qawaaniinta dalka u degsan…..waxaase ayaan-daro weyn ah nimanka sidaas isugu Milan inaysan dadkooda isu keenin oo iyagii maadaama ay heshiiyeen aysan dad-weynihii aaminay heshiiskii u sheegin ama ayba dabka isugu dhiibaan!…waxaadna moodaa inay leeyihiin sidaas bay istaahilaan!….haddaadan rumaysnayn hadalkayga bal dabeecadda xiriirka nimankaas adigu macnee ma col baa mise waa heshiis?!……kolayba mid waa caddahay raggaas aan magacyadooda kor ku soo xusay inay yihiin xulufo Dan-Wadaag ku ah Hiigsiga 2016ka,…waa dhici kartaa in sida dadka qaarkii rumaysanyihiin dhegta wax loogu sheegay!

Nimanka shirka qabsaday waa siyaabo badan sheeko wadaag u ah, iyagana aysan wax khilaaf ahna uusan ka dhexeyn, waxaadna ka garanaysaa midkoodna uma baahan rag xaajada iyo talada uu kala noqdo haddii sidii uu ku soo talo galay ay wax iska bedelaan, mar keliya oo wax laysku khilaaf intii uu shirka socday ma jirin, qodobbada afarta ah ee la gaarayna maba aha kuwo abbaaray xalka wixii uu dagaalku ka kacay, mana aha kuwo sida dabeecaddoodu tahay kuwo bogtii jirtay looga hadlay, ma maamulaa wada hadlay? Jawaabtu waa maya….ma deegaan baa wada hadlay? Waa may, Yaa wada hadlay?!…ee waxaa wada hadlay Cabdi-Wali iyo Cabdi-Kariim, waxaana goob joog ka ahaa IGAD iyo Midowga Yurub!…bal adigu macnee….wax wanaagsan inaysan jirin waxaad ka garanaysaa labada maamul golayaashooda wax taageera ah kama soo yeerin, sidaasoo dadka deegaanka ahaa wax taageera ah kama soo yeerin, taasi macnaheeda waxaa weeye in wax badan oo madmadow ah ay jiraan, sheekaduna ay ku soo dhamaatay Mire Barde Canyayuub Baa Lagu Cunaa!….marse haddii la wada fariistay waxay ku fiicnayd dhibaatada dhacday in si qoto dheer looga baaraan dego.

Midda kale waxa aan sheegayo waa dhaqan aan horay u soo aragnay, waxaan garanaya 1994kii labo nin oo ka mid ahaa raggii kala hoggaaminayay kooxihii ku dagaalamayay Soomaaliya oo ka qayb gelayay shir-nabadeed waqtigaas ka socday hotel-kii Lenana Tower, ee magaallada Nairobi, nimankaas ayaa markuu shirkii dhammaaday muddo sii joogay magaalada waxaana dhacday in iyagoo wada qayilaya oo wada fadhiya qol ka mid ah hotel-ka Safari-Park oo isla magaallada Nairobi ah uu dagaal dhex maray ciidammadooda!….oo kaaga daranee iyagoo wada qoslaya idaacadda ka wada dhegaysanayay!…..

Tan kale ee yaabka leh waxay tahay shacabka magaallada wada dega dhammaantood kii hadlaa nabad buu ku yaboohayaa!….waa hagaagee yaa dagaalsan?! Wixii innaga qarsoon waa meeshooda qiyaasteena iyo dareenkeena waxay inoo sheegayaan in shacabka Soomaaliyeed ay meel kasta ha joogaaneee nabad diyaar u yihiin, anigaa ka mid ah oo adigaa ka mid ah, maanta ayaana ugu baahi badnnahay nabad inaan helo, maanta ayaan ugu baahi badannahay qof Soomaaliyeed oo aan garabsano, maanta gurigaygii inaan nabd ugu noqdo oo ku joogo!…..in jiritaankayga oo huwan sharaftaydii Qaranimo uu muuqdo….runtii maanta ayaan ugu baahi badnahay!….

Xilliyadii ay dagaallada sokeeye socdeen wax kasta macquul bay ahaayeen oo nidaam iyo cid sheeganaysay mas’uuliyad dalku ma lahayn, laakiin hadda waxaa jira nidaam dowladeed in kastoo madaxda hoggaanka ka ah aysan ka muuqan xil-kasnimo, iyo culays mas’uuliyadeed oo ay dareemayaan, marka waxay is weydiin mudan haddii deegaano dalkii ka mid ah colaado ka bilowdeen miyeysan haboonaan lahayn in fadhiyo aan caadi ahayn ay isugu yimaadaan golayaasha shacabka heer maamul goboleed iyo mid federal-ba oo codkooda la maqlo oo ay wax weydiiyaan madaxda oo ay shacabka la hadlaan ama farriin mas’uulinimo u gudbiyaan, anigu ka hadli mayo Max’ed Cusmaan Jawaari, waayo ninkaas sida aan ku baranay waa xubin ka tirsan xafiiska madaxtooyada ee Xasan SHiikh Max’ud, waxaana ka war haynaa in Xasan SHiikh Max’ud uu yahay qofka ugu horeeya lagu tuhunsanyahay inuu soo abaabulay fidnnada iyo colaadaha hadda ka aloosan Gaal-Kacyo, waliba ma aha markii ugu horeysay ee eedaha noocaan ah lagu eedeeyo, waxaan ogeyn SHabeellada Hoose, Jubba-Land, iyo Hiiraan, waliba SHabeelaha-Hoose maba ahayn arrinteedu mid qarsoodi ah, SHar-Ma-Arke Yare waxaa looga baahanayahay inuu ka digtoonaado arrinta Gaal-Kacyo oo ka ciyaarin kaalin la mid ah tii uu Cabdi Faarax SHir-Doon (Saacid) isku dayay inuu ka ciyaaro arrintii Jubba-Land taasoo horseedday in dagaalladu soo noqnoqdaan.

Waxaa is weydiin mudan in qolaaca dagaallada Gaal-Kacyo ay ka bilowdeen markii ay dowladda Federal-ka iyo madaxdeeda go’aansadeen in gobolka Mudug la raaciyo Gal-Mudug iyadoo uu muddo dheer ka soo tirsanaa maamulka Puntland, arrintaas oo aad moodaysay inay tahay midda ugu fudud oo ay Xasan SHiikh Max’ud iyo Saaxiibbadii u arkeen inay ku burburin karaan ama kaga hor tagaan nidaamka Federal-ka ah ee lagu soo heshiiyay, ka dib marka ay bilaabato colaad qasab ka dhigaysa in wax kasta dib loogu noqdo sharci ahaantooda, haddii aan arrintaas xummaan looga jeedin maxaa intii aan lagu dhawaaqin loo talo gelin waayay ama wax loo weydiin waayay maamulka Puntland ee ay ka tirsanayd magaalada?!…..u fiirso marka Xasan SHiikh Max’ud iyo waziirkiisii hore ee arrimaha gudaha Cabdullaahi Goodax Barre ay gobolka Mudug oo muddo dheer ka soo tirsanayd maamulka Puntland raacinayeen Gal-Mudug, waxaan wali maamul lahayn Hiiraan, SHabeelaha-DHexe, iyo Gal-Gaduud, waxaana sida saxda ah ay ahayd oo caqli kasta si dhib yar ugu muuqanaysa in lays raaciyo seddexdaas gobol si ay u dhistaan hal maamul goboleed, waxaase nasiib daro ah in si ula kac ah arrintaas loo garab maray, walise waa arrin furan.

Sida hadda xaalku yahay ciidammada AMISOM joogitaankooda gobollada koonfureed wuxuu ku soo ururay heer aad is leedahay waxaa suuro gal noqonaysa in dhowaan laga maarmo, mana jirto hawl galo waaweyn oo ay hadda galaan, dal sida Soomaaliya oo kale burburay hubkiina uu gacan kasta galay waa hubaal wax waa iska jirayaan, laakiin ciidammada AMISOM gobollada ay hadda joogaan ka badan in la geeyo ama dalka lagu baahiyo talo fiican ma aha waana mid macnayaal badan lagala bixi karo haddii ay dhaqanka iyo dhawrsanaanta, ama inaysan u ekaan arrintu inay tahay wax ka badan nabad ilaalinta ay ku magacaabanyihiin, mana aha in la yeelo haba yaraatee in ciidammadaas la geeyo meelo cusub oo aysan horay dalka uga joogin…..

Nabad gelyada dad-weynaha waxaa kafaala qaaday sharciga Eebbe iyo heshiisyada iyo xeerarka ay dadku wada dhigteen, sidaas aawadeed ma aha mid baryo ah, ama Puntland ha ku noolaado ama Gal-Mudug, Cabdi-Wali Max’ed Cali baysan magan u ahayn, Cabdi-Kariim Xuseen Guuleed baysan magan u ahayn!…..Xasan SHiikh Max’ud, isaga waaba ninka eedda la saaray ilaa iyo hadana nasiib darrada jirta cid wax weydiisay ma laha labada shacabna waxay wali u aqoonsanyihiin inuu madax-weynahoodii yahay!…..waxaase intaas oo dhan ka daran Cabdi-Wali Max’ed Cali, oo isagu ah madax-weynaha Puntland isla markaasna eeddaas soo jeediyay inuusan eeddaas ka noqon, mar kastana gacanta haysto ra’iisal wazaarihii iyo xubnihii kale ee dowladda uu eedeeyay, sidaasoo kalana Xasan SHiikh Max’ud eeddaas uu soo jeediyay Cabdi-Wali Max’ed waxba kama soo qaadin isagana!…..marka cidda aan waxba la socon waa dad-weynaha oo iyagu dhaqankoodu ku soo koobmay “Maxaa la yiri?” iyagoo taageerayaal keliya ka ah talladii aayahooda!…….

Axmed-Yaasiin Max’ed Sooyaan.
alle_yaqaan99@yahoo.co.uk

Use Facebook to Comment on this Post

FacebookTwitterGoogle+Share

Ogeysiis: Guri iib ah oo ku yaala Magaalada Gaalkacyo [Sawirro]

$
0
0

Guri iib ah Gaalkacyo.

Tell 1(612) 483-2428.Ku yaal xaafada Garsoor.
ka soo horjeedka warshadii hore ee galayda.
Cabirka 22mt x 16.
Dhisma ka kooban Saddex Qol oo laba Laamiga haysata iyo musqul.
Iyo barando u habaysan Barxad makhaayadeed, lehna Arkooyin.
Dhamaan qolalka iyo barxadu waa wada marmar
Ganjeel 4mt. ah balac iyo dherarba.
Darbi wareegsan oo dhan 2mt. oo leh Silig is haysta isla markaana salaaxan.
Galbeed wadada laamigii hore ee aada dhanka xamar.
Bari wado .
Koofur wado.
Waqooyi guriga ilma haasshi jaamac weyne.

Fadlan, wixii intaa dheer la xiriir.
Tell 1(612) 483-2428.

1a 2a 3a 4a 5a

Use Facebook to Comment on this Post

FacebookTwitterGoogle+Share


Ogeysiis: Amal Express oo Shaqooyin ka Banaan

$
0
0

Shirkada Amal Express xafiiskeeda weyn ee Garowe wuxuu shacabka usoo bandhigaysaa fursado shaqo oo bannaan oo ay ka faa’idaysan karaan cid walba oo aqoonteeda leh, waana todobo shaqo.

Send your CV/Resume to: info@amalgroup.net before 26 December, 2015.
Mention the specific position you are applying or requesting.
Please read the Job Descriptions before you send your Application.

1. Deputy Manager/Head of Treasury: one position

2. Senior Compliance Officer: one position

3. Senior Accountant: one position

4. Internal Auditor: one position

5. Junior Accountants: Two positions

6. Customer-Agents Relationship Person: one position

7. Administrative Assistant: one position

Send your CV/Resume to: info@amalgroup.net before 26 December, 2015.
Mention the specific position you are applying or requesting.
Please read the Job Descriptions before you send your Application.

Use Facebook to Comment on this Post

FacebookTwitterGoogle+Share

OGEYSIIS: Wasaarada Haweenka Puntland oo Fursado Waxbarasho usoo Bandhigtay Shacabka Puntland.

$
0
0

Subject: Scholarships for higher education is available now! Re-advertisement!

Beginning 2016, Ministry of Women Development and Family Affairs is proud to offer higher education (Master level) education scholarship to three eligible female undergraduate students.

Qualified candidates will be given ONLY USD 5,000 tuition fee for all their study period.
Applicants must be:

Officially admitted by a recognized higher learning institute for the course she is applying.

With experience in working in the field she is going for and or possesses bachelors from the field.

Can afford to cover other study-related expenses including traveling/living/health care costs.

Core areas of study that will be considered include but not limited to; medicine, engineering, economic planning and policy, women studies. However, scholarship recipients will be selected based on their academic performance during their study period, extracurricular and level of community involvement activities, personalities and willingness to study further, and aspirations to contribute to the society. Applicants will have to promise and demonstrate talent in their area of interest and their financial gap to continue their educational ambition.

Applications should be submitted in person or online using mowdafa.hr@gmail.com not later than 25th December 2015 at 5pm, Somalia local time.

Best regards

Use Facebook to Comment on this Post

FacebookTwitterGoogle+Share

4.5ka ama Deegaan, waa labo daran mid dooro: AFAR IYO BAR BAA ROON. W/Q Abdisalan Said Garawaan

$
0
0

4.5KA AMA DEGAAN, WAA LABO DARAN MID DOORO: AFAR IYO BAR BAA ROON.
Abdisalan Said Garawaan
abdigarawaan@yahoo.com
Diseembar 22 2015

maqaal311212Waxaa socda doodda nidaamka awood qeybsiga ee 2016; qayb waxay leedahay nidaamkii hore ee 4.5 wax halagu qeybsaddo kuwana gobol iyo deegaan. Waxaan jeclahay in aan fikirkeyga ku cabiro anigoo cidna ka wakiil ahayn, Labbadda nidaam kee cadaalad u dhow. Waxaan aamin sanahay in labbaduba xaraan yihiin balse labba daran mid dooro 4.5ka ayaa cadaalad u dhow.

Sababaha dumiyey Soomaaliya welina gilgilaya waxaa ka midda cadaalad daro, sadbursi xagga awood qeybsiga, eex iyo qabyaalad. Waana sii soconeysaa ilaa la hello nidaam dimoqraadi ah oo HAL-COD-HAL-QOF ah. Qofkasta iyo beelkasta oo Soomaali ah waxay xaq u leedahay in ay hesho saamiga kaga aadan awood qeybsiga dalkeedda.

SAAMI-QEYBSIGA 4.5

Nidaamka 4.5 wuxuu soo bilaamey shirkii Kenya wixii ka dambeeyeyna habkan ayaa wax lagu qeybnsanayey. Nidaam sax ah ma aha balse waxaa loo arkayey habka keliya ee Soomaali la isugu keeni karo. Sadddex madaxweyne iyo baarlamaan ayaa lagu soo dhisey samiqeybsiga 4.5. Waxay ahayd in looga gudbo dimoqraadiyad buuxda 2016. Ma dhicin.

4.5 wuxuu dulmi ku yahay soomaali badan oo xaqoodii la duudsiyey; Gaar ahaan beelaha loogu yeerey (0.5) Nus. Beelahan soomaaliyeed waa kuwa ilbaxnimadda, ganacsiga, difaaca,tacliinta, farsamadda gacanta iyo mihnadaha Soomaali ku faanto leh. Waa kuwa aan ka qeybqaadan duminta dalka si toos ah iyo si dadbanba. Waa kuwo ka tiro iyo tayo badan labbo la isku darey kuwa sheeganaya 4ka. Waa kuwo ayagoo og in ay dulmanyihiin u tanaasula danta guud ee dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Waxaan ognahay xumaanaha badan ee 4.5 leeyahay sida kuwa aan kor ku soo sheegney iyo wixii la midda. Waxaase cad in nidaamkan uu yahay mid mudo lagu soo dhaqmayey, la fahansanyahay formuladdiisa iyo qaacidda wax lagu qeybsaddo; laguma dagaalin oo khilaafaad beeleed ma keenin. Waa nidaam ay isla garanayaan maddaxdda soomaalidda oo aan waxba ku heshiin. Waa nidaam si jaban loo dhaqan gelinkaro. Waxaa lagu sugi karaa dimoqraadiyad buuxda 2020 wixii gaara.
DEEGAAN

Habraaca deegaan waa “kut ka guur oo Qanjo u guur” waxaan ka carareyney cadaalad xummo iyo sad-bursi-Deegaan waa aabihii iyo hooyaddii cadaalad xumo. Inta aanan u gelin doodeyda aan kaga soo horjeedo Awood qeybsiga Deegaanka waxaan idinla wadaagayaa sheeko dhacdey hadda ka hor.

Dhalinyaro laga soo raafey Xamar ayaa loo soo qaadey Hargeysa si ay uga mid noqdaan ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed. Sida caadiga ah magaaladey soo maraanba waxay is weydiinayeen beesha iska leh ayagoo ula jeedda qabiilka. Markii lasoo gaarey Caynabo oo burco u dhow ayaa sheekaddii waxaa kusoo biirey wiil Jareerweyn ah wuxuuna weydiiyey cidda iska leh Caynaba, Jawaabtu waa ISAAQ, Burco yaa iska leh, Jawaabtu waa ISAAQ, Berbera yaa iska leh Jawaabtu waa ISAAQ. Xariifka Jareerweyn ISAAQ wuxuu u haystaa hal Nin. Waxaa laga hayaa ARKAAN ISAAQA MAAL MAXAAS LOO DHIIBEY waxaan oo magaalaa ABEY ABEY!

Sheekadan waxaan ula jeedaa Soomaalidu waxay caado u leedahay in Magaalo ama deegaan hal reer isaga magacaabaan iyagoon wax caddeyn ah u hayn (Scientific evidence) sida tirokoob iyo IWM.

Waxaa laga yabaa reerka lagu magacaabey in ay yihiin 20% am aka yar. Waa dhaqan soo jireen ah welina jiri doona sheegashadda aan xaqiiqda loo hayn ilaa HAL-COD-HAL-QOF lagu kala baxo.

Hoos waxaan kusoo gaabinayaa qodobo aan uga soo horjeedo Sami-qeybsiga DEEGAAN ee 2016 kaasoo dhibaato hor leh, cadaalad darro, iyo ismariwaa u keenaaya Soomaalidda la ildaran dhibka aafeeyey muddo ka badan 25 sanno.

1. Waxaa isweydiin leh dawladdii dhexe ee soomaaliya ma u bixin jirtey goboladda iyo degmooyinka si ku saleysan cadaalad ayadoo loo eegayo tiradda dadka, wax soo saarka iyo IWM. Jawaabtu waa MAYA. Waxaa loo bixin jirey hab siyaasadeysan oo eex ah. Waxaa degmo ama gobol lagga dhigi jirey meel aan waxba ahayn ayadoo meelaha kalena aan loo juuqi jirin. Tusaale ahaan Gobolka Barri wuxuu u qalmey labo Gobol iyo Bar maxaa loo xaqirey sabab siyaasadeed. Fiirsha meelaha Goboladda iyo Degmooyinka sheeganaya ee xitaa aan istaahilin heer Tuulo. Wax xaq-daradaa lagu helley miyaa wax lagu doonayaa.

2. Marka la yiraahdo DEEGAAN baa wax lagu qeybsanayaa oo Xamar la tago 2016 waxaa imaneysa in La yiraahdo magaalo hebla yaa degga jawaantu waa sheeko Soomaaligii reer lajecleysigii khiyaaliga ahaa ee ah REER QURAC waxaa xaq u yeelateen 4 xildhibaan. La isweydiin maayo immissa reer baa degga, maxay kala yihiin; maxaa cadeyn ah in REER QURAC leeyihiin ama ugu badan yihiin deegaanka. Waxaa miyaa cadaalad keeneysa iyo wadda noolaasho nabadeed. Raali ahow Cadaaladeey!

3. Mudaddii dagaalkii sokeeye ee Soomaaliya waxaa deegaankooddii laga barakiciyey qaarna la laayey dad badan oo Soomaaliyeed waxaana dhulkoodii iyo deegaankoodii sheegtey, sheeganayana dad kale oo meelo kale ka yimid. 2016 Sami-qeybsiga waxaa xildhinaanadda qaadanaya kuwii dambiilayaasha ahaa. Waxaasi xalaal ah ma tahay saaxiib!

4. Saami-qeybsiga DEEGAANKU waxay horseedi kartaa dagaal sokeeye oo hor leh si loo kala qabsaddo magaalooyinka iyo tuulooyinka sidii ka dhacdey Galkacayo iyo Baledweyne, mudana kasocodey Shabeelooyinka iyo Jubooyinka. Waa dhiig iyo dhib hor leh salaamaad.

5. Waxaynu ka hadleyney xaq-daradda beelo Soomaaliyeed looga dhigey NUS, Marka ay deegaan noqoto waa ku daayeen xitaa HAL xildhibaan ma helli doonaan iska ilaawa hadda waaba soddomeeyo(30) waayo deegaankoodii waxaa sheeganaya kuwo dhacey ama lala jecleystey. Qabiiladda ugu badan ee doonaya in Deegaan waxlagu qaybsaddo waxay u socdaan Xoogaaga NUSKA la degga.

Fiiri Mudooloodka Abgaal waxay rabaan iney Xamar iyo Xamar-dayaba afka u dhigtaan-Shaanshi, Baraawey- reer xammar Sheekhaal waa ku daayeen.

Daaroodku ma yareysto- Axmed Dhuux iyo Juba maxaa looma ooyaan jooga.

Puntland waa sidoo kale- Magaalooyinka Puntland sida Garoowe, Eyl, Bander-Qaasim dadkii asaasey waxaa u badnaa CARABTA MAXAMUUD SAALAX. Garoowe waxaa kasoo geli jirey xildhibaandda ilaa dawladdii hore CARABTA MAXAMUD SAALAX. Welina waa joogaan. Waxaa lagu darey NUS halkii la raacin lahaa DAAROOD ay la dhasheen.

Hadda 0.5 waxbaa kasoo gaara sida Agaasime IWM. Markey noqoto DEEGAAN cirkaa loo fiirinayaa. LEELKASE magaalo kasta oo Puntland waa degaa haku kala badnaadee haddana wuxuu wax ku helaa kaarka DAAROODKA. Sheekaddu markey DEEGAAN noqoto saaxiib waa ku daayeen aan ka aheyn GALDOGOB.

6. Gobolka Barri, Gaar ahaan Boosaaso waxaa dega qabiilo badan oo Harti ah waa dad xadaaradda iyo ganacsiga aad ugu horeeya waana dad asxaan badan dadkoo dhana soo dhaweeya, la’aantoodna xaaladda Puntlaand waa adkaan lahayd. Kuma firfircoona in ay cayrsadaan arimaha siyaasadda waana iska samraan. Hadda waxay wax ku helaan Magaca Harti. Markey DEEGAAN noqoto haddii lagu weydiiyo Boosaaso yaa iska leh adigoo Xamar Jooga waxaa la soo Boodeysaa HALreer REER QANSAX waa hal reer-Waxaa xigta 4 xildhibaan ee Boosaaso QAATA. Wadan iyo Cadaalad miyaa sidaas lagu dhisaa.

Waxaan soo qaatey saddex tusaale iyo qabiilo aan magacaabey balse waxaan ula jeedaa tuulo kasta iyo degma kasta oo Soomaaliyaa ah waxaa ka jiri doonaa arimahan kuwo kasii fool xun in ay dhacaan oo waxaan hubaa Puntland dadkeedu aad buu isu qadariyaa wax wadaagna yihiin ineysan dhaceyna waa xubaa.

Waxaan kusoo gabagabeynayaa Soomaali tabar uma hayso colaad sokeeye, muran degaan oo horleh, shirar aan dhamaan, nidaam aan la aqoon iyo isqabqabsi siyaasadeed. Ee aan ku meel gaaro 4.5Ka aan naqaan shanta sanno ee soo socota.

Abdisalan Said Garawaan
abdigarawaan@yahoo.com

Use Facebook to Comment on this Post

FacebookTwitterGoogle+Share

Gaas nin kasta ka qaylasii koley wasiirradiisii tahay. W/Q Cali Cilmi Soomow

$
0
0

Gaas nin kasta ka qaylasii koley wasiirradiisii tahay.
Cali Cilmi Soomow
calisoomow@yahoo.com
Diseembar 26 2015

maqaalWasiirka amniga Puntland Cali Cabdi Xirsi waxaa shalay uu sii daayay war runtii u marqaati kacay in madax-weynaha Puntland Cabdiwali Gaas inuu marin habaabiyay dadkii iyo dalkii Puntland, wararkaas oo laguu faafiyay websaaydhyo badan oo Soomaaliyeed ayaa u ekaa sida loo sheegayba mid si aan sax ahayn uu uga qabta wasiirka qof aan xil kas ahayn xirfadda warfaafinta iyo sharcigeedana aan aqoon, waxaana eedda iyo ceebta la wadaagaya baraha warkaas faafiyay, hasa yeeshee Qarjab usagu ma aha nin warkiisa la gabbada oo socdaalkiisii u dambeeyay markuu Hindiya ka soo laabtay isla markiiba wuu ka horyimid siduu u dhaqmay ninka Puntland dumiyay ee Cabdi wali gaas.

Waxaan aad ugu amaanayaa Qarjab inuusan ra’yigiisa qarin marna, laakiin sida uu u hadlayo waxaad moodaa inuu wali Cabdi wali ka rajaynayo ama uu u haysto qof Puntland u adeegaya, guud ahaan dadka reer puntland tuhunka ay qabaan waa mid iska cad, waa run inuu taageera buuxdo ka haysto dadka ku nool magaalada gaalkacyo oo uu waliba colaaddii ka dhacday ku eeganaayay ilaa iyo markii ay balaabatay xabbadda ilaa intii ay joogsanaysay mar keliya askarta amar kuma siin inay dagaalamaan bal raggii magaalad ku soo duulay Cabdikariin guuleed quraac la raadsaday iyadoo dhaawacii aan wali la kala guran maydadkiina aan la aasin, hadana wali reer gaalkacyo kaabeed cas bay ku soo dhoweeyeen markuu soo laabtay, marka taas waxaan doonaynaa in ay inoo sheegaan wanaagsanaanta ay ka arkeen ee aanan annaga arag,oo uusan wasiirkiisii amniga arag, aad baan u yaabanahay! Runtii aad baan u yaabannahay, in reer Puntland cabdi wali gaas ama qof siyaasi uu maal kasta kala qaybiyo, waa dhaqan aan fiicnayn.

Qardho, boosaaso, gorowe, gaalkacyo, buuhoodle, Ciiri gaabo, laascaano, baarlamanka hurdaysan ee Puntland ha ogaado in magacyadaas xaashiyaha ugu qoran aysan gacantooda ku jirin, nimanka siyaasadda Puntland hogaaminayana ay balan qaadyo iyo heshiisyo la soo galeen Xasan sheikh iyo cabdi kariin guuleed oo ah ragga dekeddii muqdisho gigadeediiba shirkadaha shisheeyaha ka iibsaday, oo waxay ka naxaayaay aysan jirin, heshiisyana dowladha shisheeye kula soo galay shidaalka iyo macdanta dalka oo dhan oo uu ugu horeeyo shidaalka puntland, tuhunka ugu weyna wuxuu yahay oo aan weydiinayo cabdi wali gaas haddii hantida puntland la gadayo adigaaba madax ka ahee maad gadatid maxaad dulaal uga noqonaysaa?!

Cabdixakiin cameey, buuhoodle ayuu ku meermeeraysanayaa, wax ka weynba ma arko, wasiirrad waxaa warkooda inooga filan qarjab, laakiin bal guddoomiyaha baarlamanka Axmed cali xaashi iyo nimanka uu af hayeenka u yahay xaggee la,yihiin, sida uu sheekadiisa ku sheegay Qarjab, cabdiwal gaas wasiirada isagaa iska leh, xildhibaanada isagaa iska leh, cameey iskaba dhaaf, intaas nin ka mid ah oo uu la tashanayo ma jiro ama uu wax u sheegayo, keliya wuxuu wax weydiinayaa odayaal nabad doono ah oo uu rabo inay beri u ansixiyaan 4.5 dadka lagu soo xulayo si uu isaga codadka puntland keligiis ugu tartamo madaxweynaha federalka, oo yaa ku haysta isagaan fahminee.

Haddiise taladu halkaas taagantahay aaway shacabkii dalka lahaa ee Puntland dhistay? Madaxweyne aan lala hadli karin, baarlamaan kaa qabanay uusan jirin, wasiiro indho la’ haysta, sharcigii iyo wax kasta oo qaynuun ahaa oo jirayna cagtiisa hoos dhigay, canshuurtii uu qaaday aan ciidan iyo shaqaale midna mushaar ka helayn maxay tahay burhaanta uu ku joogo oo dalka uus ku xukumo, waa hal qurah, waa inuu ina kala qaybiyay, taasna guul buu ka gaaray, bal ee guushaasu ma aha mid ay Puntland ka dambeyn doonto, wuxuuna u loogayaa cadowgeeda, laakiin waxaan idin leeyahay wali hadda waan daba qaban karnaa, kuwa e-mailda caayda ah ii soo qorayana barito waxaan hadda ka digayo markay dhacaan inaad ii soo garaabtaan idinka dooni maayo, Allow yaa geela ciinka ka celiya!

Hoos ka dhegayso wasiirka amniga Puntland oo mar kale akiisa furtay:

http://allgalgaduud.com/2015/12/dhageyso-wasiirka-amniga-puntland-cabdi-xirsi-cali-oo-cod-sir-ah-laga-duubay-arrimaha-gaalkacyo/

Soomaaliya haa noolaato, Puntland ha noolaato.

Wa billaahi towfiiq.

Cali Cilmi Soomow

Use Facebook to Comment on this Post

FacebookTwitterGoogle+Share

Socdaalkii Gaas ee Nabadeynta Gaalkacyo iyo shirarkii hiigsiga Muqdisho. W/Q Maxamed Xirsi Jabra

$
0
0

Socdaalkii Gaas ee Nabadeynta Gaalkacyo iyo shirarkii hiigsiga Muqdisho
Maxamed Xirsi Jabra
jabra444@gmail.com
Diseembar 26 2015

maqaal31121230-11-2015 ayey aheyd markii uu madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli maxamed Cali Gaas iyo wefdi balaaran oo uu kamid ahaa Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaan Madoobe ay kaga ambabaxeen magaalada Garoowe iyagoona ku sii jeeday magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug-Puntland.

Safarkaan waxaa uu aad uga duwanaa safarkii shaqo ee madaxweyne Gaas 11-8-2015 ku tagey magaalada Gaalkacyo , waayo waxaa uu ku soo aaday xili ay taagneyd xiisad colaadeed oo kaliftay in shacabkii magaalada ee bilo kahor ka reystay dhibkii iyo colaadii , indhahana ku kala qaaday horumarkii soconayey ay halmar tafta rogteen , islamarkaana bilaabeen qax iyo kala carar.

Xiisadii colaadeed waa mid galaafatay naf iyo maal , waxayna shacabku bilaabeen inay banaanka uga baxaaan magaalada , halka maamulada Puntland iyo Galmudug isa soo hor fariisiyeen ciidamo udiyaarsan dagaal , xaalku wakhtigaasi waxaa uu gaaray car iyo wir , socdaalka madaxduna waxaa uu salka ku hayey in xal aan dagaal aheyn la qorsheeyo lagana waantoobo colaada.

Maxaa ka hirgalay Socdaalka .

Madaxweyne Gaas oo garowsan khasaaraha uu leeyahay dagaalku , waxaa uu soo jeediyey in mar walba uu diyaar layahay Nabad iyo wada nolaansho , arrintaasi waxay sii dhiirigelisay madaxdii ka socotay Federaalka , beesha caalamka iyo maamulada Jubbaland iyo koonfur galbeed , waana tan suuragelisay in siwanaagsan loo dhameeyey colaadii taagneyd.

4-12-2015 waxaa garoonka diyaaradaha Cabdullaahi Yuusuf ee Gaalkacyo isugu yimi Raysal-wasaara DF Cumar Cabdirashiid , Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiweli Gaas, Madaxweynaha Galmudug Cabdikariin Guuleed, Madaxweynayaasha jubbaland iyo koonfur-galbeed, culimo, waxgarad , saraakiil ciidan iyo masuuliyiin kale , waxaana uu kullankaasi salka ku hayey soo afjarista colaadii taagneyd.

Waxaa lagaaray markaan hashiis ay wada saxiixdeen madaxda Puntland iyo Galmudug , kaasi oo lagu soo afjarayey xiisadii colaadeed ee taagneyd , si laabxaaran ayaana loo wada hadlay , waxaana loo balamay kala qaadista ciidamadii is horfadhiyey oo hada ugu dambeyn lagu guuleystay.

Hashiiskii Gaalkacyo kadib.

7-12-2015 waxaa magaalada Gaalkacyo siwadajir ah uga dhoofay Raysal-wasaaraha Dawladda Federaalka Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo madaxweynaha Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed , waxaana ay ku sii jeedeen magaalada Muqdisho oo ay u tageen ka qeyb-galka shirar muhiim ah oo arrimaha Soomaaliya looga hadlayey.

8-12-2015 Muqdisho waxaa si rasmi ah uga furmay shirkii madasha wadatashiga doorashooyinka 2016- , kaasi oo qaaatay maalmo badan , kadib markii xalwaara ilaa iyo hada laga gaari waayey nooca doorasho ee larabo in soomaaliya ay ka dhacdo iyo habka soo xulista mudanayaasha cusub ee badalaya Golaha wakiilada Dawladda dhexe ee Soomaaliya .

18-12-2015 ayaa waxaa magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug dib ugu soo laabtay madaxweyne Gaas iyo wefdi balaaran oo uu hogaaminayo , waxaana si weyn gegida diyaaradaha ee cabdullaahi yuusuf ugu soo dhaweeyey , madax iyo bulshada qeybaheeda kala duwan oo maqsuud ka ahaa diidmada ay maamulada Puntland iyo Jubbaland ka muujiyeen in markale aan dib loogu noqon nidaamka 4.5.

Soo laabashada madaxweynaha kadib waxaa magaalooyin ay Gaalkacyo kujirto ka dhacay dibadbaxyo waaweyn oo looga soo horjeeday nidaamka 4.5 , waxaana ay shacabku dalbanayeen in hab deegaan lagu soo xulo xubnaha cusub ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

23-12-2015 ayaa Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas xarigga ka jaray suuq weyn oo laga hirgeliyey xero dayax, suuqaas oo ka kooban 17dhisme oo isu jira kow iyo toban bakhaar oo waaweyn oo midkiiba ku fadhiyo 8X10-mitir ,iyo lix hool ama firsho oo waaweyn kana kooban 15X24-mitir kuwaas oo loogu tala galay midkiiba inay ku ganacsadaan 400 oo qoys oo marka tiro ahaan loo fiiriyo noqonaya 2400 oo qof.

Islamaalintaa waxaa uu madaxweynuhu kormeeray mashaariicdii horumarineed ee dawladdu ka fulisey magaalada Gaalkacyo sida Madaxtooyada oo dhismeheedii meel wanaagsan marayo, dhismaha Wasaaradda Hawlaha Guud oo geba-gebo ah, Dhismaha Wasaaradda Kalluumaysiga, Hay’adda Waddooyinka iyo dhismaha maktabadda .

24-12-2015 Madaxweyne Gaas ayaa si rasmi ah u daahfuray xafiiska sanduukha horumarinta Gobalka Mudug , kaasi oo loogu talagalay in laguhorumariyo Gobalka , waxaana uu kaalin lixaadleh ka qaadanayaa derdergelinta mashaariicda halkaasi ka soconaya.

W/Q Maxamed Xirsi Jabra

Use Facebook to Comment on this Post

FacebookTwitterGoogle+Share

Xisbiga Kulmiyaa Kala Yaaciyay. W/Q Aadam Zaki

$
0
0

Xisbiga Kulmiyaa Kala Yaaciyay
Aadam Zaki
Aadan17@yahoo.com
Diseembar 26 2015

maqaal311212Markii la doortay durba waxaa la bilaabay in xoog loo soo dhaweeyo huteeladana xaflado aan horay loo aqoon loogu sameeyo albaab walbana si fudud loogu furo dad loo bixiyay ‘’Qurbo-Joog’’ durba mirihii kasoo baxay soo dhawayntaas waxay gaartay Aqal walba , Xukuumadda Kulmiye waxay ula jeedday garan maayo laakiin waxay arintaas dhalisay inay dhalin yaradii dhulka aan ka dhoofin ay mar kaliya dhaqaaqaan , Bad iyo Barri qofba taagtii ayuu ruqaan saday , magaalooyinka dalka oo dhan ayaa laga dareemay dareenka hiyi kaca ah ee galay xooggii iyo xoolihii dadku haysteen.

Suudaanta madaw ilaa cawaanta Liibiya ayay dhalin yaradii lab iyo dhadigba u gacan galeen , sidii la doono ayaa laga yeelay dhul , xoolo iyo xatooyo wixii la heli karo ayuu qof waliba isku dayay inuu maxbuuskiisa madax furasho kaga bixiyo bal si uun mar uu cagaha u dhigo dhulka lacagta iyo nolosha lagu sheegay Yurub.

Mar labaad ayay xukuumadda Kulmiye gaf kale ka gashay mustaqbalka dadka ay xukunto, intay ku mashquul sanaayeen Faysal Cali Waraabe muxuu Xassan Sheekha xamar ula fariistay iyo xoolaha laga gurto xeebeheenna dhaa dhaca kasoo baxa ayay xabashi shaarar kale noo soo gashatay dhul badanna ka iibsattay dhalinta hayaanka ah qoysaskooda aan taagta kale hayn ee duruufu ku kaliftay inay xaraashaan xoolo waxay layaaheen guri iyo gayr banaan wixii la heli karo.

Qul qulka dhalin yarada ee sida sahalkaa ku dhex jeexa Itoobiya waxaa sidoo kale ama ka badan soo waydaaranaya qul qulka itoobiyaanka mustaqbalka fog ka fakaraya siday ku hanan lahaayeen dhulkaan dadkiisii dawarsiga ka door biday.

Caaqil ayay haattan maraysaa barrina waa xildhibaan saad danbana waa wasiirro iyo wixii ka sareeya sidaas hadday ku socotana gobol ka mida ah Abasiiniya ayaan noqon doonnaa , caqligu haddaanu shaqayn ciiddaan sii lahaan maynno, Xukuumadda Kulmiye xiligeedii ayaa la xaraashay dhulkii ugu badnaa, Dhalin yaradii ugu badnaydna ka yaaceen dalka,

Aragtida Aadam Zaki
Aadan17@yahoo.com

Use Facebook to Comment on this Post

FacebookTwitterGoogle+Share

Laaca aragtaye lunta ma,ogtahay. W/Q Cabdikariin Maxamuud Maxamed (Caynte)

$
0
0

Laaca aragtaye lunta ma,ogtahay
Cabdikariin Maxamuud Maxamed (Caynte)
Cabdicaynte@gmail.com
December 26 2015

Cabdikariim Balowbalow Caynte

Cabdikariim Balowbalow Caynte

Xoolaha, khaas ahaan geela ayaa xiliga barwaaqa da ah ee tigaadu dheeraato ku jaba, kadib markii hashu ay damacdo inay tiigsato laac ku yaala laan gabi ka laadlaada balse haadaan ka hoosayso, ayay iyadoo isha ku haysa laaca sare haadaan laduushaa kadibna surka kajabtaa ama muuqeedaba lawaayaa. Neefku muusan ogayn godka hoose balse waxaa umuuqday laanta sare ee cagaarka iyo caleenta laliicaysa. Sidaas daraadeed afsoomaliga oo ah Af hodan ah waxaa kujirta maahmaah oranaysa LAACA ARAGTAYE LUNTA MA,OGTAHAY. Taas oo micneheedu yahay barwaaqada ganka sare kuyaal aragtaye ma,ogtahay hadimada kahoosaysa.

waxaan tusaalahaan usoo qaatay, markaan arkay xaalada wadanka soomaaliya ku suganyahay siyaasad ahaan ayaan dareemay in dadka badankiisu ujeedaaan laaca sare balse aysan hoos u,eegayn hadimada kahoosaysa. Waxaa inta badan maqalnaa wax layiraahdo beesha caalamka ( international community). Waa maxay ujeedka beesha caalamku soomaaliya karabto?. Marunbaa inay dowlad inoo dhisayaan sida warbaahinta laga sheego?. Yaa weeyese cidda sida rasmiga ah ugu adeegta beesha caalamka iyo jamciyada quruumaha ka dhaxaysa?. Muwaadin hanoqon qof maqla oo kaliya laakiin waxaan kugula talinayaa inaad wax akhriso oo wax baadho si,aad xogta rasmiga ah uhesho. Beesha caalamka iyo jamciyada quruumaha ka dhaxaysaba waa haayado reer galbeedka oo uu ugu horeeye maraykanku u,adeega si,ay dantooda ugu fushaan ayagoo isticmaalaya macagaca beesha caalamka iyo qaramada midowbay si,ay indhaha caalamka utusaan in tilaabadaas ama go,aankaas uu kasoo baxay madal aduunku udhanyahay sidaas darteedna ay tahay tilaabada saxda ah.

Wadanka soomaaliya oo dadkiisu leeyahay hal Diin, hal Dhaqan, hal Af, hal Midab iyo asal ahaanba hal Isir ayaa layiri waxaa qaadataan fadareeshin ( Federal). Tani waa qorshe katimid beesha caalamka laakiin maaha go,aan lafalanqeeyay oo kayimid maskax soomaaliyeed oo nadiif ah. Hadaba arintaan ayaa loosoo maray siyaasi aan muwaadin ahayn oo latusay laaca sare kasoo aan ogayn hadimada kuhoos duugan. kii ogna waxaa lagu qanciyay sandareerto aan sii jirayn. Fadereeshinku waa arin loo fakaray kaasoo lagu kala gaynayo umada soomaaliyeed. Waayo waxaa daraasad lagu sameeyay oo la,ogaaday in soomaalidu udagantahay gobalada qaab qabaa`il ah, isla markaasna ay yihiin dad aad ugu adag qabiilka iyo qabyaalada. Marka sifudud ayaa qabiiladii xuduudo loogu saameeyay ayagoo la`isticmaalayo maamul goboleed.

khilaafka arinkaan marhore ayuu bilowday oo waxaa tusaale inooku filan khilaafkii maamulada Puntland iyo Galmudug oo ismaan dhaafkoodu ka dhashay waddo ladhisayay. Bal eeg waa waddo oo ah kaabayaasha dhaqaalaha kuwa ugu muhiimsan ee cidwalba faa`ido u`ah. Waxaa kale oo hadda wali taagan xalna buuxana aan loo heli hanaanka lagusoo dooranayo xildhibaanada dowlada dhexe ee federalka. Taasoo ayjirto kala aragti duwanaan salka kuhaysa yaan lagaa xildhibaano badan beel ahaan. Waxaa muuqata in puntland iyo jubaland ay isku dan yihiin. Maamulada koonfur galbeed iyo Galmudugna ay isku dan yihiin. Markii uurka hoose ee arintaan ladooxo waxaan shaki kujirin in maamulkasta tirsanayo inta dagmo ee uu heli karo halkaas oo uu ka,ogaanayo tirada xildhibaanada uu ku yeelan doono dowlada dhexe.

Waxaa siguud dadka soomaaliyeed loogu micneeyaa in faderaalku yahay hab cadaalad ah oo qof walba xaqiisa helayo. Waa run in ay muhiim tahay in shacbigu doortaan qofka ay masiirkooda ku,aaminayaa lkn waa wadan noocee ah wadanka federalku ku haboonyahay?. fadlan iskuday inaad su,aashaas jawaabteeda raadiso adigoon usacab tumin federalnimada. Way adagtahay in wadanka soomaliya federaalnimadu ka hanaqaado waxayna abuuraysaa kala fogaansho iyo inaysan xuduuda labada maamul udhaxaysa aysan xooluhu ka tilaabin dad iska dhaafe. Ugu dambayntii, Waxaan shacbiga soomaaliyeed usheegayaa inay ogaadaan inay wax yeeli karaan waxna diidi karaan laakiin maaha in wax walba oo siyaasiinta lagusoo qanciyo ay taageeraan. Siyaasigu waa danayste, waa nin la latusayo laaca sare lagana daboolayo haadaanta hoose. Laakiin adiga, muwaadin ahaan waa inaad awoodaa inaad aragto hadimada, kan aan fahansanayn ee sikale wax loogu sheegayna usheegtaa.

Use Facebook to Comment on this Post

FacebookTwitterGoogle+Share


Baaq Ka hortag colaadeed: Iska horkeenid dadka walaalaha ee Degmadda Bender Beyla

$
0
0

Ku : Waxgaradka Beesha Tanade
Og :Maamulka Degmadda Bender Bayla
Og:Hay’adaha Amaanka Dowladda Puntland
Og:Isimada Puntland

Uj: Iska horkeenid dadka walaalaha ee Degmadda Bender beyla

baaqWaxaa magaalada Bander-Bayla ka bilowday iska horkeenid iyo colaad kala dhexdhigid dadka deggan degmadda Bender beila ee walaalaha ah taasoo ay ka dambeyso beecii jagada xildhibaanada Beesha Tanade ee 2016 halkaas oo ay gaartay ilaa dhowr dhowr kun oo dollar.

Waxaa magaalada Bander-Bayla yimi Xildhibaan Cali Ilka dheere iyo Suldaan Zubayr, iyo Nabadoonkii hore Reer beesha Xassan abdirashiid Faradhuub iyo wafdi kaloo xamar laga soo diray.

Wuxuu warqad ka watay Wasiirka Waxbarasha ee Dowlada Dhexe Dr Khadra Bashiir Cali. Inuu Zubayr yahay Wakiilka Ugaaska asaga Kaliyana Magacaabi karo xildhibaanada baarlamaanka ee beesha Tanada.

Waxayna ka Codsadeen nabadoonada beelaha Tanade ee gobolka Bari inay saxiixaan warqado magaalada Muqdishu laga sameeyey.

Waxaana loo balanqaaday in Dr Khadra oo kasoo jeeda beesha Tanade ahna wasiirka waxbarashada ee dowlada federaaka Somalia in xildhibaankii Tanade ee gobolka Bari la siin doono. waxaa kaloo loo balan qaaday dhaqaale faro badan. Waxaan cambaaraynaynaa qorshahaas xamar laga soo abaabulay oo buuq iyo dhibaato gobokayaga lagaga abuurayo. waxaana kula talinaynaa leelkase Isimadooda inay shir degdega isugu yimaadaan Magaalada garoowe si ay uga arrin sadaan xaalada socoda

Saxiixayaal:

Dr Mohamed Adam Dini (Wakiilka garaadka Leelkase ee North America)
Eng Jama Cali Jama
Cabdirashiid Axmed Ismaaciil
Muse Jama Dini
Mohamed Ciise Dini
Cabdirashid Ali Jama Dini
Mohammud Nur Dini
Ali Xasan Dini
Mohamud Adam DIni
Cabdiqadir Adam Dini
C/risaq Muse Jama
Mohamed Ali
Rashid Muse Gudcur
Cisman Ali Muse
Zakariye Adam Dini
Cabdulqadir Adam DIni

Use Facebook to Comment on this Post

FacebookTwitterGoogle+Share

Waxaan uga Digayaa Beelaha Puntland Dhibaatooyinka iyo shirqooladda Suldaan Zubeyr. W/Q Mohamed Ali Madhoodhe

$
0
0

Dhibaatooyinka iyo shirqooladda Suldaan Zubeyr uga digey Beelaha Puntland
Mohamed Ali Madhoodhe
madhoodhe_251@hotmail.de
Diseembar 31 2015

maqaal

Waxaan saxaafadda halkan ugu soo gudbinayaa qoraal aan uga digayo beesha Leelkase iyo Guud ahaan Bulshooyinka ku nool geyiga Puntland Dhibaatooyinka iyo Shirqooladda uu maalin walba u maleegayo ninkaas Issinka ah ee Suldaan Zubeyr Xaaji Maxamuud. Waxaan halkan ku soo gudbinayaa dhowr qodob oo aan beesha leelkase iyo Ummadda Puntland ee walaalaha ah uga digayo waxa ay wadaan Suldaan Zubeyr iyo kooxo la socda oo meelo kale laga adeegsanayo dhibaatana ku ah Bulshada guud ahaan ku nool degaanka Puntland.

1. Waxaa Bil ka hor ay Waxgaradka iyo Aqooyahanadda Beesha Maxamuud Cali ee degta Goboladda Bari iyo Karkaar ay u soo gudbiyeen beelaha leelkase ee Nugaal iyo Mudug caabasho iyo qoraal cadeynaya inuu Suldan Zubeyr dhibaato iyo shirqoolo ka abuurayo beesha Maxamuud Cali dhexdooda iyo Beelaha ay wada deegaanba labadaba.

2. Waxaanu waxgaradkii walaalahayo Beesha Maxamuud Cali u sheegney inaysan guud ahaan Beesha Leelkase meel walba ha degtee inaysan ku garabsiineyn dhibaatadaas raalina laga noqondaanin haddii uu ku dhaqaaqo arrintaasna meel looga soo wada jeesan doono, balse nasiib darro waa uu ku dhiiradey kuna dhaqaaqey asaga iyo kooxdaas Muqdisho laga soo direy oo uu Xildhibaanku ku jiro, waxaa kaloo nasiib darro ah oo ay khayaamo iyo been abuur cad ay u sheegeen Nabadoonka Nugaal Cabdirashiid Garawan iyo ergo kale inay raacaan ayagoo u sheegay in laga marti qaadey magaaladda Banderbeyla oo ay casuumad ka heleen Guud ahaan Beesha Maxamuud Cali ee goboladaas degata. Waxaanu walaalahayo Maxamuud Cali u cadeynaynaa kana raali gelineynaa inaysan waxba kala socon Ergada uu Nabadoonku hogaaminayey ee Nugaal ka raacdey shirqooladda u qarsoon iyo dhibka uu idinkugu soo safrey Zubeyr.

Siyaasi Maxamed Cali Madhoodhe

Siyaasi Maxamed Cali Madhoodhe

3.Waxaa kale oo dhibaato, shirqool iyo wax isdaba-maris ah inuu Bulshadii uu kula kulmey Degmadda Banderbeyla iyo kuwo meelo kale uu been uga soo sheegay oo yimid Degmada uu ku yiraahdo Leelkase Ugaas iyo Issim kale ma lahan xilligan aniga ayaa DFS ay isoo wakiilatey inaan xulo 5 tii xubin ee beesha Leelkase uga mid noqon lahaa Baarlamaanka Federalka Soomaaliya 2016, kana wata cadeyn masuuliyiinta ugu sareysa DFS sida( Madaxweyne Xassan Sheekh , Odawa iyo Khadra).

4. Waxaa isweydiin mudan goorna ayaa Beesha Leelkase ka shirtay ama ay go`aan mideysan ka qaadatey wixii ay ka yeeli lahaayeen Doorashada 2016 ha noqoto 4.5 ama Degaan qaybsi,taas waxay cadeyn u tahay qayaamo iyo danbiyo uu ka gelayo Beesha leelkase iyo Ummadda Puntland degta guud ahaan asagoo u adeegaya dad cadow ku ah dadka iyo degaan Puntland, hore ayuu 2012kii uga mid ahaa Issimaddii Puntland uga qayb gashey soo xulista BFS wixii uu ku sameeyey Issimmaddii la socdey iyo beesha Leelkaseba waa la ogaa.

5. Waxaan shiki qofna uga jirin ama uusan caad ka saarneyn Suldaan Zubeyr wax uu Muqdisho ka sameeyo oo ay shaqadiisu tahay asagoo magaca Beesha xambaarsan kuna shaqeysanaya, waxa uu caan ku yahay Boono la gado inta wasiir laga soo qaado sida(Kaalimaha shidaal boonadeeda, boonooyinka qandaraasyada),boos Scholership oo la gato, dhul ummadda laga masuqmaasuqey iyo dhaqmo aad u xun oo hadda Muqdisho ka socda. haddaba qofka noocaas ku caan baxey sidee baa masiirka ummadda iyo deegaanba leedahay loogu aamini karaa, sow ma fiicna in la iska qabto ummaddana laga qabto , hore ayaa 2012 beelaha Tanade ee Nugaal dega kala laabteen xasaanadii ka dib markii uu dhibaatooyin iyo iska horkeen aad u badan kala dhexdhigey.

Waxaana qoraalkeyga aan kusoo gabagabeynaya Guud ahaan waxaan Beesha leelkase ku wargelinayaa uguna baaqayaa in Issimadda fiican ee aad doorataan iyo kuwa Isku caana shubey, kuwa Boobka isku magacaabey iyo kuwa magaca ku shaqeysta oo boonooyinka iyo boobka u isticmaala inaad kala saartaan mid walbana wax iyo meekhaanka uu leeyahay ku ekeysaan, koley waa dhibaato beelaha deriska nala ah iyo kuwa Soomaaliyeedba ku habsatey oo aan la qabno weeye waana model socda xilligan(Kooxo qowlaysato ah oo magac Issim la baxa, qaatana koofid,cimaamad iyo garguduudan) .

Hoos ka akhriso qoraalkii cadeynta ahaa ee ay bil ka hor noo soo direen waxgaradka Beesha Maxamuud Cali ee Goballadda Bari iyo Karkaar.

qoraalkii cadeynta ahaa ee ay bil ka hor noo soo direen waxgaradka Beesha Maxamuud Cali ee Goballadda Bari iyo Karkaar

Use Facebook to Comment on this Post

FacebookTwitterGoogle+Share

Il-Duufka Siyaasadeed ee Dr Gaas Dhaawac intee Le’eg bey u Geysankartaa Maqaamka Siyaasadeed ee Puntland? Mase Laga Kaban Karaa? W/Q Abdisalan Said Garawaan

$
0
0

IL-DUUFKA SIYAASADEED ee DR. GAAS DHAAWAC INTEE LE’EG BEY U GEYSANKARTAA MAQAAMKA SIYAASADEED EE PUNTLAND? MASE LAGA KABAN KARAA?
Abdisalan Said Garawaan
abdigarawaan@yahoo.com
Diseembar 31 2015

maqaal311212Dad badan ayey layaab ku noqotey warsaxaafadeedkii golaha wasiiradda ee Puntland 27 Diseember 2015 ee lagu aqoonsanayey Maamul- Goboleedka Bakool Sare oo aan buuxin sharuudihii dastuuriga ahaa. Puntland waa mandaqadda keliya ee ay kasoo jeedaan madaxweynayasha iyo reysal-wasaarayaashii ugu badnaa ee soo mara Soomaaliya 55 sanno ee ay xorta ahayd.

Puntland waa gardaadiyaha, aabaha iyo hooyadda dawladda Federalka ah ee hadda jirta. Puntland waxay gelisey maal iyo mood sidii loo dhisi lahaa dawlad Soomaaliyeed oo dastuur iyo nidaam ku ku qotonta. Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cabdillaahi Yuusuf Axmed (Allah Naxariistee) ayuu ahaa kii ka taagey calanka bluuga ah Villa Somalia markii ugu horeysey muddo 20 sanno ah.

Shirarkii Roadmapkii Garoowe I & II oo lagu qabtey caasimadda Puntland ee Garoowe waxa ay dhashey dawladda federalka ah ee Soomaaliya.Waxaa la oran karaa madaxda iyo shacabka Puntland la’aantood dawlad Soomaaliyeed ma dhisanteen. Arintaan waxay ka dhigeysaa Puntland ilaaliyaha dastuurka iyo sharuucda u degan nidaamka lagu heshiiyey ee Federalka ku saleysan. Marka laga gudbo xaqirida iyo xiqdigga hadda jira, Puntland waxaa usoo hoyan- lahayd sharaf iyo ciso Soomaali oo dhan qirto.

Waxaan shaki ku jirin horumarka dhaqaale ee Puntland gaartey 2 sanno ee Dr. Gaas sida mashaariicda kaabayaasha dhaqaalaha, wacyi-gelinta isku tashiga Puntland iyo kuwo badan.

Taariikhda ayaa qoreysa horumarka muuqda ee xagga dhaqaalaha ee Dr. Gaas ku soo kordhiyey Puntland mudadii uu xilka hayey. Waxaase la bariiqatey siyaasadda qaabka xun ee Soomaaliya ka jirta mudooyinka dambe. Waa mid u baahan fakar iyo talo dheeraad ah sidii loo hanan lahaa. Il-duufka siyaasadeed ee Dr. Gaas waxay dhaawac weyn ku tahay maqaamka siyaasadeed ee lagu yiqiin siyaasiyiinta reer puntland. Waxaan hoos ku soo koobayaa arimaha siyaasadeed ee GAAS ka hoos baxdey;

1. Aqoonsiga Bakool Sare lagama fiirsan, wuxuu ahaa ficil ku qotoma caadufad qabiil iyo salfudeyd. Puntland waa ilaaliyaha iyo custodianka dastuurka. Waxay aqoonsatey maamul aan buuxin sharuudihii federal iyadoo la ficiltameysa Galmudug. Tani waxay ceeb ku tahay madaxdii iyo shacabkii reer puntland ee kasoo shaqeeyey dastuurka dhibta badan loo marey.

2. Dr. Gaas iyo lataliyayaashiisu waxay si khalad ah isugu dhufteen maamulka Galmudug. Welina kusocdaan khaladkaas. Waxay ahayd in ay waxka dhisaan maamulka Galmudug, soo dhaweeyaan sidii Dr. Faroole Caalim iyo Galmudugtiisii; mudug iyo Galgaduudna lakala reebin. Waxaa 100% suurto gal noqon lahaa in Madaxweynaha Galmudug uu ku Guuleysan lahaa Dr. Ali Xaaji Warsame. Haddii ay ciyaaraan kaarkii Daaroodismka. Waxaa kale oo suurtoobi lahayd in Galkacyo noqonto Magaalamadaxda Galmudug, Madaxweynana nin Reer Puntland ah. Odeyga waa ka hoos baxdey.

3. Mudaddii Dr. Faroole puntland waxay gaartey heerkii ugu sareeyey ee siyaasadda dibadda iyo federalka. Waxaa saaxiib dhow iyo jaal siyaasadeed lala lahaa Dawlad-Goboleedka Koonfur-Galbeed iyo Horjoogeheedda Mr. Sharif . Dr. Gaas waa dayacay Gobolkaas wuxuuna hadda ku bilaabey dagaal hor-leh. Nin laga macaasho maaha waa soo maqan yahay.

Kuwa aan kor ku xusey iyo kuwo kale waxaa ka daran waxa soo socda oo Dr. Gaas sugaya sidii uu ugu babacdhigi lahaa sida; Afar madaxweyne iyo afar maamul-goboleed oo isku jaal siyaasadeed ah. Waa Galmudug, Hiiraan, Banaadir Sare iyo Banaadir Hoose iyo Shariifkeenii oo Gadoodsan. Dr. Gas iyo Sheikh Axmed waa NUS. Waxaa Soconaya majority vote 5/2 Kuwa International Community la yiraahdana madaxa maddaxweynayaasha bey tirsanayaan Boowe.

MAXAA TALA AMA MALAGA KABSAN KARAA?

Puntland waxaa la asaasey 17 sanno ka hor waxaana ku midoobey beelo wadda dhashey oo isku deegaana. Waxay sameysteen maamul u dhexeeya oo iyagana kala ilaaliya wixii dibadanna ka horjoogsadda. Waa lagu soo moodey alle Mahadiis balse ma aha waxaan wax laga bedeli Karin.

Puntland waa deegaan balaaran lagagana faa’iidaysan karo nidaamka awood qeybsiga ee hadda socda. Dastuurka Puntland waa in dhaqso loo bedelaa si loola jaan-qaado dabeysha siyaasadeed ee Soomaaliya. Waa saddex Maamul-Goboleed oo deg-dega.

1. Koonfurta-Puntland oo ah Nugaal iyo Nus Mudug. Waa bareejo Galmudug saga. Madaxweyne cusub iyo Barlamaan dhan 20 mudane. Weeso ma dhawra hadda.

2. Bariga-Puntland waa Karkaar iy Barri- Madaxweyne Cadde iyo 20 Barlamaan ah. Dawladdii dhexe ee Soomaaliya waxay Karkaar noqotey Gobol waxayna kusoo baxdey wareegto Madaxweyne waana la hayaa warqadaas baan maqley-sidaas bey ansax ku noqoneysaa.

3. Khaatumo/Maakhir, haloo yeero Cali iyo Qoorsheel Garoowe hawsha tolka halkaa halagu dhameeyo. 2016ka Madaxweynayaasha puntlanads iyo khaatumo/maakhir.

Sheekaddu waa dhow-dhow-dahay waxaana la joogaa meel cid lala hadli karo. Dr. Gaas waxaa kale oo laga rabaa in uu xabad joojin ku dhawaaqo xagga Shariifka Koonfur-Galbeed ama Dr. Faroole baa kuu joogee la tasho. Tala adigaa ku nool ee ayadu kuguma noola. GOOD LUCK!

Use Facebook to Comment on this Post

FacebookTwitterGoogle+Share

Furitaankii Gigada Boosaaso waxay muujisay in Soomaalidu tashan karto! W/Q Axmed-Yaasiin Max’ed Sooyaan

$
0
0

Furitaankii Gigada Boosaaso waxay muujisay in Soomaalidu tashan karto!
Axmed-Yaasiin Max’ed Sooyaan
alle_yaqaan99@yahoo.co.uk
Janaayo 10 2015

maqaal3112122-300x300Ishii buktaay ku bikaacso!….Run ahaan hadaan lays yeel-yeelayn waayeel waa innaga! Waa dhab nin kastana waa ogyahay in furitaankii Gigada Diyaardaha ee Boosaasoay soo jiidatay dad badan oo danayniya inay mansab siyaasadeed ka gaaraan Soomaaliya, laakiin taas lafteeda baa dad badan oo ay dhibayso inay dadka siyaasiyiinta Soomaaliyeed wada hadlaan, ama ay wada qaxweeyaan ay ku ahayd arrin lama filaan ah inay tiro intaas la eg oo aan waligood talo iyo hadal aan wadaagin ay isugu yimaadaan munaasibadda furitaanka gigadaas, waliba iyaga keliya ma ahee malaha dad badan oo Soomaali ah bay sidaas oo kale ku ahayd waxaan dhici karin ama aysan samayn karay siyaasiyiinteenna manta.

Sida hadallada loo jeediyay, sida ninba wuxuu tabanayay u tilmaamay, sida nin kasta taladiisa iyo waxay la tahay u sheegay!…Dhaqan soo jireen ah oo gaamuray iyo in Soomaalidu lahayd walina tayada wada xaajoodka iyo….waxaa laga dheehan karay xirfad qoto dheer oo ka soo bilaabatay in geedka hoostiisa lagu arrinsado, in kasto wali ay jiraan dhaliilo inaan la fulin waxyaabaha lagu balamo ama ka soo baxa kulannada siyaasiyiinteena taasna runtii ay sabab u tahay burburka dhan kasta innaga aafeeyay ee ummadeena ku dhacay.

Waxaa iyada lafteeda wax weyn ahayd In madax-weynaha Xasan SHiikh Max’ud uu garowsaday inaan looga dheerayn ololaha tartanka doorashada 2016ka ee aad moodaysay inuu shalay ka bilowday Gugada Diyaaradaha Boosaaso dusheeda, in kasta oo Madax-weyne Xasan SHiikh uu ragaadiyay dalkii, oo uu waliba kala fogeeyay shacabkii isagoo waliba awoodi karay inuu habeenba gobol u hoydo oo uu bilaabo socod dheer oo nabadeed oo uu kaga talaabayo kuna jabinayo xudduudaha beenta ah ee kala qaqobaya ummaddiisa, hadana wali fursaduu waa ay furantahay isagaana laga rabaa inuu garto alaab uu si uusan ka fiirsan uu horay isaga xiray inuu u furmay, oo usanu noqon tukihii caanaha helay ee dhiilkii qarka kaga istaagay!

Waxaana loo baahanyahay madax-weyne Xasan SHiikh la yimaado geesinimo, ka qayb geliddiisi furitaankii Gigada Diyaaradaha ee Boosaaso waxay iyo siyaabihii loo wada hadlay waxay Xasan iyo cid kasta oo madax-weyne noqoto tusaalayniyeen inay soo dhammaadeen waayihii keli talisnimmada, sababtu waxay tahay dad badan oo uusan jeclayn inay munaasibaddas ka soo qayb galaan baa fadhiyay isla markaasna lagu soo dhoweeyay, waxay kaloo munaasabadaas bartay siyaasiyiintii ka soo qayb galay inaysan muhiim ahayn shakhsiyaad is jeclaada ama is necbaadaan, laakiin ay muhiim tahay si aan shuruud ku xirnayn inaan wada hadalano, is dhaliilno, shaki la’aan markaas waxaa deg-deg loo gaari karaa inaan is aamino.

Waxaan wali ii cadayn waxa ay dareemeen siyaasiyiintii Soomaaliyeed ee ka soo qayb galay munaasibaddaas, waxaan is leeyahay in guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ay dareemayeen in kulankii munaasibadii furitaanka Gigada Boosaaso uu ahaa kulan khayreed oo haddii siyaasiyiinta meeshaas isugu yimid ay daacad u yihiin ummadda Soomaaliyeed inay u adeegaan ay runtii halkaas ka sii amba qaadi karaan talaabooyin waaweyn oo keeni kara inay si madax banaani ah oo aan shisheeye u kala dab qaadayn danahooda uga wada hadlaan, taasina ma aha wax cusub oo ay maanta baranayaan oo waligoodba .

Waxaa kaloo iyadana munaasibaddas ay noqotay meeshii ugu horeysay oo ay ka bilaabatay baaqyadii hiigsiga 2016, madax-weyne Xasan SHiikh wuxuu balan qaaday inay dolwadda federal-ka Soomaaliyeed ay dhamays tirayso waxyaabaha ka dhimman dhismaha Gigada Diyaaradaha Boosaaso, sida muuqatay ma jirin eedaymo iyo jawaabo, hasa ahaatee waxaa muuqday dhambaalo uu nin kasta gudbiyay, waxaana balan qaadkii ugu horeeyay bixiyay Xasan SHiikh Max’ud, waxaanamunaasibaddii hareeyay gorgortan iyo hoose oo gogol dhig u ahaa tartanka Hiigsiga 2016ka.

Waxaan shaki ku jirin in munaasibaddaas ay cadaysay bisayl la gaaray oo horseedi kara in la soo nooleeyo isku kalsoonidii iyo is aaminaaddii iyo in la garto in danaha iyo siraha dalka laga wada qarsado shisheeyaha, waxaana rajayniyaa in siyaasiyiinteenu ay halkaas ka sii wadaan, oo aysan arrintu noqon sidii horay u dhici jirtay inta la wada qadeeyo marka la kacana la kala showro, lays xanto war-baahinta laysu mariyo oraaho iyo fariimo colaadeed!…..

Markii Xasan SHiikh Max’ud la dooranayay, arrimaha dalka waxay marayeen meel aad moodo siyaasiyiinta markaas hoggaaminayay dalka inay gaareen heer ay wadaagaan mas’uuliyadda, heer ay wax kasta oo yar ama weyn ay iska waraysan karaan, waxay soo gaareen dhaqan dowladnimo, oo si cad uga duwanaa kii qab-qablayaashii dagaalka ee ku dhisnaa is caannaadka, waxayna siyaasadda dalka saareen wadda cad, waa dhab inaysan wada socon laakiin waxaa taas ka muhiimsanaa inay ka gudbeen heer loo kala turjamo, ha heshiin waayaan, ha kala kacaan, hadana ilaa meel natiijo leh isla gaaraan wada hadalkooda waa socon jiray, waxaana marar badan adkayn jiray far-gelinta joogtada ah ee waxa Beesha Caalamka loogu yeero.

Marka aad dhuuxdo hadalka madax-weyne Xasan SHiikh uu ka jeediyay madaxtooyada Puntland, munaasabaddii dabbaal deggii Gaas uu u samayniyay sanad guurradii 2aad ka soo wareegtay maalintii loo doortay madax weynenimmada waxaakuu soo baxay in madax-weynuhu marka laga soo tago ammaantii badnayd ee uu jeediyay Puntland inuusan ku talo gelin inuu wax dhaqaale ah ku bixiyo gobollada dalka intooda kale, waxaa kuu soo baxay inuusan rabin in haba yaraatee inuusan waxna ka tanaasulin, wuxuuna inkirayaa in maanta cidda la tuhmayo hadday dhaqaale tahay, iyo haday horu mar kale tahay ay dowladda federal-ka tahay.

Waa hubaal in madax-weynaha Puntland Cabdi-Wali Max’ed Cali Gaas iyo madax-weynaha dowladda federal-ka Xasan Shiikh Max’ud ay saxiibo dhow yihiin, runtiina ay taas ku timid tanasul badan oo uu madax-weyne Gaas la yimid, inkastoo ay fiicnayd in arrintaas ay ka mid ahaato hadalladii cad-cadaa ee madax-weyne Xasan SHiikh Max’ud uu jeediyay, waxaan madax-weyne Xasan SHiikh loo baahanyahay inuu ogaad in qofka keliya ee inuu wax haysta maanta la tuhunsanyahay dalka ay dowladda federal-ka tahay, sidaa daraadeedna loo baahanyahay inay gacan ka geysato baahida gobollada ka jirto xag wax-barasho, caafimaad iyo cuntaba oo dad badan baa gaajaysan haba ugu darnaadaan dadka dalka gudihiisa ku bara-kacay, sidaasoo kalana madax-weynaha isaga laga sugayo inuu fuliyo ballanta uu ku qaaday inuu dhamays tiri doono halka kilo meter ee ka dhimman gigada diyaarradaha Boosaaso.

Madax-weyne Xasan SHiikh, ha bilaabo tanaasulka, ha laga arko oo saaxiibo badan ha ku yeesho dadka ay siyaasadda ku kala boodsanyihiin ee aan ka mid ahayn xizbigiisii Nabadda iyo Horumarka! Hana ku ixtiraamo siyaasiyiinta kale ee isaga mucaaradka ku ah inay muwaadhiniin talada dalka kaalin ku leh, waxaana talo wanaagsan ahaan lahayd wax kasta oo uu sheegay oo wanaagsan inuusan dib u dhigin ee uu maantaba bilaabo oo ku dhaqaaqo.

Use Facebook to Comment on this Post

FacebookTwitterGoogle+Share

Jaamacadda Ugu tayada liidata Uganda oo la geeyay Garoowe iyo Muqdisho- Cavendish University. W/Q Cabdulqaadir Cabdulxakiim

$
0
0

Jaamacadda Ugu tayada liidata Uganda oo la geeyay Garoowe iyo Muqdisho- Cavendish University.
Cabdulqaadir Cabdulxakiim
abdulkadirone@gmail.com
Janaayo 18 2015

maqaal3112122-300x3001-300x3004Waxaa magaalooyinka Garoowe iyo Muqdisho laga furay jaamacadda Cavendish University oo ah jaamacadda ugu tayada hoosaysa dalka Uganda, Taasi oo ah jaamacad aan aqoonsi ka haysan guddiga tacliinta Sarre ee Uganda, waxaana dalka Uganda laga furay Jaamacaddaas sannadkii 2008, iyada oo uu madax ka yahay Benjamin William Mkapa.

Cavendish University waa jaamacad khaas loo leeyahay waxaana markii ugu horraysay laga furay carriga ingiriiska sanadkii 1985 oo asal ahaan laga leeyahay, hase yeeshee maamulka iyo mulkiilayaasha jaamacaddaas ayaa waxay go’aansadeen in magacooda ay hor mariyaan iyagoo u ogalaaday dadyow kale in ay magacooda ku furtaan jaamacaddo iska bixiya lacag magaca looga kiraynayo, waxaana laga furay meelo kala duwan ka mid Asia iyo Africa, marka la yimaado qaaradda Africa waxaa hormuud u noqotay dalka Uganda oo ah dal ay ardo badan oo waddamo kala duwan u soo raadsadaan wax barasho.

Kadib aasaaskii Cavendish University ee dalka Uganda waxaa ay ogaadeen in ardada ugu badan ee soo gashaa Jaamacaddaas ay jahiin Somali iyo South Sudan, waxayna jaamacaddu ku tillaabsatay sidii ay waddamadaas u gayn lahayd xarumo wax barasho, iyadoo sidoo kalena ku fakartay in ay waddamo badan geeyaan jaamacaddaas waxayna ka fureen xarumo dalaka South Sudan, Zambia iyo Somalia, melaha ay Somaliya ka tagtay Jaamacadda Cavendish ayaa waxaa kamid ah magaalooyinka Mogadisho iyo Garoowe.

Maxay tahay tayo xumada lagu eedaynayo Cavendish University?

Cavendish university waa jaamacad private ah, waxaana jaamacaddaha khaaska loo leeyahay caan ku yahiin tayo wax barineed oo sarraysa, haddaba Cavendish University taas lagama hayo, waxayna ku sii darsatay musuqmaasuq baahsan oo ardadu waxay gataan imtixaankii ayagoo aan soo xaadirin bay inta macalimiinta lacag siiyaan helayaan darajada ugu sarraysa, waxaase intaa sii dheer in qofku haddii uu lacag la yimaado laga iibinayo shahaadadii uu muddo inta wax barto shahaado caddaynaysa heli lahaa.

Dalka Uganda ardada Soomaaliyeed ee Jaamacaddaas dhigta ayaa ah kuwo u door biday sahlanaanshaha wax barideeda iyo iyada oo aan la dhicin, halka xilliyada qaarkood ay lacagtooda inta baxshaan maadooyinka oo dhan la siinayo darajo sarraysa, iyo sidoo kale in aad xilligaa rabto imaan karto xiligaa rabtana maqnaan karto aysana jirin xisaabtan ardada ee dhanka soo xaadirida fasalka.

Tayo la’aanta jaamacadda Cavendish markii ay qiimeeyeen guddiga tacliinta sarre ee Uganda waxay u diideen aqoonsigii, hase yeeshee waxay u ogolaadeen in ay sii jirto ayna isku daydo in ay soo buuxiso sharuudo jaaamcadda laga rabo markii la furo in ay la timaado si aqoonsi loo siiyo.

Talo iyo digniin ku socota Ardada Reer Puntland iyo kuwa Soomaaliyeed ba.

Ardada waxaa looga digayaa in ay lacag iyo wakhti iskaga khasaariyaan Jaamacaddaas tayadeedu liidato, waayo waa go’aan mustaqbalkooda saamaynaya, hana ogaadeen in ay jiraan jaamacado badan oo tayo leh dalka sida kuwa India ee Mashruuca Pan Africa E- network Project, sidoo kale ay dunida daafaheeda ka jiraan jaamacaddo adoo gurigaaga jooga aad dhigan karto, sidoo kale halka kuwa Uganda yimaada looga digayo in ay jaamacaddaas galaan, iyagoo ka fakaraya lacagta badan ee ka soo baxaysa safarka iyo muhiimada weyn ee ah in uu dalka Uganda u imaanayo wax barasho ayna tahay in uu kala laabto wax barasho tayo leh, mid kaliya oo ay ku door bidaan ardada Uganda ayaa ah wakhtiga la barto oo kooban taasina ma noqon karto, wax ardaygu ku salayn karo mustaqbalkiisa oo dhan waayo waa go;aan saamayn ku yeelanaya ardayga noloshiisa oo dhan. Waxaana lagula talin ardad Uganda timaada in ay galaan jaamacaddaha tayada leh ee isugu jira kuwa dowladda iyo kuwa gaarka loo leeyahay (private universities)

Talo ku socota Waalidiinta

Waalidiintu waxay jecel yahiin markasta ilmahoodu in ay helaan mustaqbal wanaagsan, arkaane ilmahooda oo ka miro dhaliya juhdigii dheeraa ee ay ku bixinayeen si ay u noqdaan kuwo wax bartay naftooda, qosykooda iyo bulshadoodane anfaca, haddaba waalidiintu haka digtoonaadeen in ay ilmahoodu galaan jaamacadda Cavendish University hadday ahaan lahayd dalka gudihiisa ama ay wax barasho ugu soo dirsadaan Uganda, waalidkuna ha ogaado waxaa masuuliyad ka saarantahay tayay in ay ogaadaan meesha carruurtoodu wax ka baranayso, hana ogaadeen in Cavendish University ay jiraan jaamacado badan oo ka tayo wanaagsan kana jaban kharash ahaan halka gudihiisa iyo Ugandaba.


Talo ku socota Dowladda Puntland/ waasaarad waxbarashada Puntland iyo dowladda Soomaaliya.

Dowladda Puntland iyo dowladda Soomaaliyaba Masuuliyad baa ka saaran in ay hubiyaan tayada waxbarasho ee xarumaha laga furayo dalka, iyo cid kasta oo wax baraysa ardada reer dalka, masuuliyad gaarana waxay ka sii saaran tahay wasaaradda waxbarashada Puntland, iyo tan dowladda federaalka waayo waa cidda kaliya ee leh ogalaanshaha go’aanka furitaanka xarun waxbarasho ama xiritaankeedaba, haddii awal loo ogolaaday Cavendish University in laga furo Puntland iyo moqdisho wasaaraddahu ha soo hubiyaan tayadeeda hana ka gaareen go’aan u qalma jaamacaddaas khasaarinaysa wakhtiga iyo lacagta Bulshada reer Puntland iyo tan soomaaliyeedba.

Baaq ku socda Somalida keentay dalka Jaamacadda Cavendish University

Dalkeenu waa burburay, dowlad xooggan oo kala ogaan karta xuramaha wax barasho ee dibada ka imaanaya ma jirta, waxaa masuulyad ka saaran tahay qof walba in uu dalkiisa waxa uu keenayo ay yahiin wax wanaagsan bulshadana aan khiyaano iyo dibin daabyo ku ahayn, haddaba waxaan idiin ku baaqaynaa ina aad jaamacaddaas dalka ka xirtaan, Jaamacado badan oo tayo leh, lana keeni karo baa Uganda ku yaala iyo waddamada kaleba, haddii aad door bideen in aad jaamacad keentaan dalka fadlan keena jaamacaddaha tayada leh, bulshadeeno ka faa’iidi karto, idinkuna aad ka faa’iidaysaan adduun iyo aakhiraba, Allaha idin tuso wanaagee.

W/Q Cabdulqaadir Cabdulxakiim

Use Facebook to Comment on this Post

FacebookTwitterGoogle+Share

Viewing all 82 articles
Browse latest View live