Quantcast
Channel: Somali RBC Radio » Bashiir Yuusuf
Viewing all 82 articles
Browse latest View live

SHirka wada tashiga Xasan wax ha garto waxna ha gato ! W/Q Axmed-yaasiin Max’ed Sooyaan

$
0
0

SHirka wada tashiga Xasan wax ha garto waxna ha gato !
Axmed-yaasiin Max’ed Sooyaan
alle_yaqaan99@yahoo.co.uk
Janaayo 18 2015

maqaal3112122-300x3001-300x300Waa Xasan SHiikh Max’uud , waa ninkii markii u horeysay ee uu inala hadlo inooga bilaabay dadka wax ka maqanyihiin ha u dhaafaan dadka ka haysta, haddii kale berrida soo socota ee fiican bay ka harayaan!…..Waa ninkii inooga bilaabay haddii qof Mooryaan ii yaqaan dad baa haystaa ii yaqaan “Xasan Hero” waxayse arrintu ka dar oo dib dhal noqotay markii uu Max’ed Cuthmaan Jaawri isna inoo noqday wakiilkii ama af-hayeenkeenii golaha shacabka!….oo ma guul baad sugayseen?! Oo yaad ka sugayseen? Oo ma waxaan la filayn baa dhacay?! Xasan iyo saaxiibbadiis Jawaari iyo Cabdi-Kariim in innagu filan waan ka naqaan, madaxnimmada iyo xilka loo dhiibay waxay ka fekereen oo keliya inay iyaga naftooda ugu shaqaystaan, cid kasta oo la hadashana ama isku dayda inay kala hadlaan danah dalka iyo dadkana waxy u qaateen, inay ku qabsadeen waxay gaar u leeyihiin!

SHirkii wada tashiga ee magaallada Kismaayo inuusan burburayn waxaa filayay oo keliya madax-weyne Xasan SHiikh Max’ud oo isagu u haystay inuu awaamir wax kasta ku dhamayniyo, tanaasulaadkii badnaa ee shacabka Soomaaliyeedna u macnaystay in wax kasta uu xoog ku fushaday intiinii xasuusan baa garanaysee, bishaan January 8da madaxtooyada Boosaaso xafladdii uu Cabdi-Wali Maxamed Cali Gaas ugu dabbaal degayay sanad guurradii 2aad ee ka soo wareegtay maalintii la doortay hadalkii uu ka jeediyay Xasan wauxuu aad ula hadlay Cabd-Wali Maxamed Cali Gaas, si dadban iyo si toos ahba, isagoo u sheegaya inay waajib ku tahay inuu tanaazulo, isagoo u sheegaya inuu yahay ninka wax haysta ee ay waajibka ku tahay inuu tanaazulo, laakiin wuxuu garan waayay in la soo gaaray waqtigii la sugayay ee ay sugaayeen ururrada ama siyaasiyiinta mucaaradka ah kolkooda si ay talo ugu yeeshaan hannaanka siyaasadeed ee ummadooda.

Waa xilligii uu isaga irridaha u furi lahaa qof kasta si uu ugu yaraan u helo wadiiqo ay isugu soo dhowaadaan shacabka, waa xilligii uu siyaasiyiinta dalka ee ka soo horjeeda uu tusi lahaa ugu yaraan inuu diyaar u yahay inuu garab ka helo, waa xilligii uu ugu yraan tix gelin siin lahaa waxyaabaha ay tabanayaan, waa xilligii uu isaga wax badan ka tanaazuli lahaa, oo indhaha shacabka tusi lahaa inuu yahay hoggaamiye mas’uul ah, laakiin muddadii uu xilka hayay wuxuu ku soo dhamaystay hab keligii talisnimo ah oo uusan u aabo yeelaynin ama xeerin wax kasta oo danaha ummadda ah, taasoo horseeday natiijada uu maanta ku dhammaaday shirkii wada tashiga ahaa ee Kismaayo, waliba haddii la helo rag la xisaabtama Xasan SHiikh Max’ud iyo Jawaari iyo ragga ay xulufada yihiin wax kasta aad bay u adkaanayaan, maxaa yeelay maba aysan arag cid la xisaabtanta intii ay xilka hayeen, qof uga carara dalka iyo qof tooda ku raaca mooyee, marka ma garan karaan in talada lala wadaago, sidaas daraadeed shir kasta oo lala galo wuxuu ku dhammaanayaa in lagu kala tago ama tooda loo raaco!…adigu haddee Sur DHagax Gashay Ma Aragtay?!

Sida ay damceen madax-weynaha iyo saaxiibadiisa Jawaari iyo Cabdi-Kariim waa shax aad u sahlan oo uusan qofna shaki ka galayn….Ama 2sano ha la kordhiyo ama habka 4.5 doorashada ha laga dhigo!….dad badan oo aad uga war qaba qorshaha Xasan SHiikh Max’ud iyo saaxiibbadiis ayaa rumaysan labada arrinba dalka kuma cusba, muddo la kordhiyo iyo habka 4.5 oo hadaba ilaa sanadkii 2000 Soomaalida waa ay ku soo dhaqmaysay, hasa ahaatee bal hadda Xasan 2sano ha loo kordhiyee maxaa loogu xilanayaa oo loogu kordhiyaa?! Mase Jawaari baad hadda ku talin lahayd 2sano loo kordhiyo?!…Haddii habka 4.5 la raacana waa hubaal madaxda soo baxaysaa inay noqonayaan kuwo aan la aqoon oo ay shisheeyaha ama waxa isugu yeera Beesha Caalamka ay soo lacageeyaan waana sababta ugu weyn ee inta uu qarankeenii jabay aan u la’nnahay mas’uul ay damqayso dhibaatada dadka iyo dalka.

Habka 4.5 waa habaar, mana aha hab u cuntami kara ummad qarnigan nool oo rabta in ay la jaan qaado aduunka horu maray ee isla xisaabtanku ka jiro, sida wada hadalku hadda yahayna ma jirto cid diidan in laga baxao habkaas ee waxaa la leeyahay waqtigii baa ciriiri ah, marka mar hadaan wada oggolnahay ama aan isku raacsannahay 4.5 inaysan ahayn hab dowladnimo oo wax ku ool ah si kastaba ha loo tashadee waa in laga gudbaa, taasi ma aha in Xasan SHiikh maalin keliya loogu daro ama muddo loo kordhiyo Jawaari iyo nimanka iska caadaystay inay hoos joogaan sidii ilmo yar-yar oo xarunta agoonta lagu hayo, laakiin dad baa Alle innaga dhigay ee waa in laga gudbaa arrintaas iyadoo tallada loo simmanyahay, waayo waan ka war haynaa ma jiraan wax ay hay’ad sida maxkammadii sare oo muranka immaanaya go’aan sharci ah ka gaari kara, waana qayb ka mid ah Xasan SHiikh Max’ud ku talo galkiisa isagoo is leh sidaas baad waxaad ku gaari kartaa in muddada laguu kordhiyo ama barlamaanka joogo inta muddada loo kordhiyo codeeyo la dhaho, ama 4.5 la qaato….

Bal Xasan SHiikh Max’ud hal sabab oo aan ugu xilanno inuu soo noqdo maxay tahay? Bal adigu ii sheeg, Jubaland baa la dhisayaa baa la yiri waa la ogaa wixii uu dhigay, SHabeelada Hoose ilaa iyo hadda colaaddii uu ka bilaabay baa ka aloosan, gobollada dhexe Gal-Mudug iyo Ahlu- Sunno iyagoo nabad ah oo xiriirkooda wanaagsanyahay buu yimid maantana waan ka war-qabnaa xaalkooda!..Gaalkacyo dagaal labo saf ah waxaa ugu dambaysay 1991kii maantana …..dhaqaalihii dalka, maanta Muqdisho keliya waxa ka jira waa shirkado dalkii iska qaatay meel kastana lska dhisanaya madaxda dowladdana ay dulaal ka yihiin, laakiin wax kale oo horumar oo ay dadku leeyihiin kama jiraan, waxa uu ku faanayo oo dhan waa wax ay leeyihiin dalal shisheeye ah oo ay dowladda Soomaaliyeed kaalinteedu tahay inay dulaal uga ahaato fullintiisa, berina raba inay wax kasta innagu qabsadaan, dhul beereedyada, xoolaha nool, kalluumaysiga, iyo waliba ganacsiga iyo bankiyada, ummadda oo dhanna ay shaqaale ka noqoto noloshoodana ay hoos tagto shirkadahaas. Xataa nabad gelyada Muqdisho ka jirta sal-dhigeedu waa in waxa Beesha Caalamka loogu yeero danahooda la ilaaliyo, Xasan SHiikh mas’uuliyaddiisii ma dhaafsana danihiisa gaarka ah isagoo aan waliba waxba u xeerinayn, marka muxuu shirka la imaan karaa oo tala ah oo aan ahayn aniga iyo Cabdi-Kariim Xuseen Guuleed iyo Jawaari muddada ha laynoo kordhiyo!….

Sanadkii 4aad baa hadda Xasan SHiikh Max’ud uu dalka madax-weynihiisa ahaa, maalin keliyana ha ahaatee yaa sheegi kara isagoo ka hadlay Burcad-Badeedda sida xoog sheegashada ah uga kallumaysanaya xeebaheenna, yaase sheegi kara isagoo dib-u-heshiisiin si gaar ah isula raad-raadinaya dadkiisa oo isku dayaya inuu ama abuuro kalsoonidii ay isugu imaan lahaayeen, kalsoonida sida xeeladaysan nidaamka 4.5 loogu burburiyay, inuu ku fekerayba u malayn maayo maxaa yeelay waligiisba soo ma hadal qaadin wax la xiriira in mujtamacan burburay la dhiso, iyo in la soo nooleeyo hankii Soomaalinimmada .

Sida ay muujinayaan wararka laga helayo magaallada Kismaayo, Xasan SHiikh iyo raggiisa iyagu taladoodu waa labo in muddada loo kordhiyo iyo nidaamka 4.5 la qaato, waliba markii u dambaysay waxaa lala soo gaaray nidaamka 4.5 ha lagu dabaqo aqalka sare xubnihiis laakiin golaha barlamanka deegaan ha laga dhigo!…oo maxay rabaan?! Waxaa wax aad loogu qoslo ah in Xasan SHiikh uu ku beer laxawsado Puntland inay tahay meel horumartay sidaas daraadeedna loo baahanyahay inay u tanaazusho nidaamka 4.5….Puntland waa gobol yar oo ka mid ah dalka horumarkiisa laga sugayay isaga iyo dowladiisa!….. Xasan marka hore isaguu ahaa ninka ay gobollada oo dhan ka sugayeen inuu horumariyo oo wax lagu tuhmayay,…

Waxaan shaki ku jirin in natiijada soo baxaysa aysan wax weyn ka duwanayn qaabkii iyo hannaankii doorashada intii uu dalka ku jiray colaadaha iyo jah-wareerka siyaasadeed, waxaase loo baahanyahay in madaxda maamul goboleeddada ay istaagaan mowqif awoodda iyo habka doorashada ku soo celinaya ummadda gacanteeda, madax-weyne Xasan SHiikh Max’ud iyo ragga ay isku gashaan buurta yihiin iyagana sidoo kale waxaa looga baahanyahay inay fahmaan talada dalka in looga horeeyay loogana dambeyn doono sidaas daraadeedna ay ummadda uga tanaazulaan oo u horseedaan nidaam iyo dowlad wanaag.

Midna waa iga xasuusin, marka laysu soo noqdo ragga fadhiya shirka wada-tashiga ka qayb galaya waxaan xasuusinayaa inay ka sii fekeraan siday abaal gashan lahaayeen shacabka Soomaaliyeed, tanaazulba waxba loogama baahna ee nin kasta oo idinka mid ah xaqiisa ha ka garto xaqa dadka kale , Xasan SHiikh Max’ud waxaan isaga si gaar ah ugu sheegayaa muddadii xilkiisa inay dhammaad tahay si kastaba ha ahaatee maraan fogeynna xafiiska uu joogo uu banaynayo oo loo tartamayo, sidaa daraadeed uu marka hore xaqiiqdaas oggolaado uuna ku talo galo si geesinimo leh in ummadda xilkeeda uu qaaday isagoo ka faa’idaysanaya dib u dhigista shirka ku timid uu wax ka badelo sida uu u fekerayo oo uu kulanka soo socda soo fariisto isagoo miyir qaba oo u tanaazulaya wax kasta oo nidaam wanaagsan ku hoggaamin kara ummadda……. Xasanow waxna garo waxna gado!

Use Facebook to Comment on this Post

FacebookTwitterGoogle+Share


Shirka Kismaayo Maxaa fashiliyey? W/Q Sh. Hassan A. Mohamud (Jaamici)

$
0
0

Shirka Kismaayo Maxaa fashiliyey?
Hassan Mohamud (Xassan Jaamici)
xasanjaamici@gmail.com
Janaayo 19 2015

Prof. IMAAM XASAN JAAMICI

Prof. IMAAM XASAN JAAMICI

Shirka madasha wada tashiga ee Kismaayo lagu soo gabagabeyn lahaa yaa fashiliyey? Sayid Cumar (Ilaahey ha ka raali noqdo) wuxuu yiray: Islaam ma jirayo midnimo la’aan, midnimo lama helaayo hadduusan jiraan hogaan fiican, hogaan fiican ma jirayo hadduusan jirin nidaam iyo kala dambyen”. Midnimada Soomaalida ayaa xal u ah dhibaatooyika faraha badan ee Soomaaliya heysto. Laakiin waddada lagu gaarayo midnimada waa waddo dheer oo intaan la gaarin midnimada uu ka horeeyo 3 joogsi oo waa weyn oo waqti u baahan (3 stops):

1. In la abuuro dood wanaagsan oo la baahiyey oo loo siman yahay oo xalka la wada raadinayo oo waqti la siiyey (oo aan lagu xirin waqti dowlad ay leedahay si laysku fahmo) si biseyl munaasab ah loo gaaro.

2- In nidaamka hadda jiro ee dastruuriga ah oo shareecada saldhig u ah la dhameystiro si loo helo nidaam dhameystiran oo abuuri karo jawi doorasho xor ah ee cadaalad ku salaysan.

3- In xalka Soomaaliya ay soomaali keliya lahaato oo laga ilaaliyo faragelinta shisheeye.

Akhristow jawaabta munaasabka kula ah dooro oo: Maxay kula tahay oo fashiliyey shirkii Kismaayo oo la filayey inuu noqdo kii gabagabada:

A- Faragelinta shisheeyaha oo leh ajendooyinka iska wada soo horjeedo.

B- Shacabka Soomaalida oo aan laga wada qeyb gelin shirka aaya ka tashiga mustaqbalka Soomaaliya.

C- Dowlad goboleedyada Soomaaliyeed oo leh agendooyinka iska soo horjeeda.

D- Dastuurkii ku meel gaarka ahaa oo la dhinac maray sida:

1- Dastuurka in la dhameystiro qeybaha muhimka ee ka harsanaa sida in nidaam xisbiyeed loo gudbo oo laga gudbo nidaamka 4.5 ee qabaliga ah.

2. In loo gudbo 1 qof iyo hal cod siiba qeybaha nabada ay ka jirto oo ah Soomaali inteeda badan.

3. In baarlamaanka uu noqdo marjiciyad xal raadiye haddii uu khilaafka dowlad goboleedyada uu hor istaago hanaanka ama hiigsiga dowladnimo.

Use Facebook to Comment on this Post

FacebookTwitterGoogle+Share

Xog: Cabdiweli Gaas iyo Axmed Madoobe oo u tanaasulay habka 4.5. doorashada inay noqoto

$
0
0

IMG_9329

Kismaayo (RBC Radio) Wararka innaga soo gaaraya magaallada Kismaayo ayaa xaqiijinaya in labada hoggaamiye maamullada Puntland iyo Jubbaland ay si buuxda ugu tanaasuleen dhameen wixii laysku hayay oo ahaa habka doorshada u dhici doonta sanakan 2016ka, madax-weynaha maamulka Puntland Cabdi Wali Gaas iyo madax weynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa markii ay dhinacyadii kale ee Federal-ka, maamullada Gal-Mudug, iyo Koonfur-Glbeed diideen inay haba yaraatee wax tanaasul sameeyaan ayaa markii dambe sida la xigtay ilo shirka goob joog ka ahaa waxaa tanaasulay madax-weynaha Puntland Cabdi Wali Gaas, deedna waxaa taas si dhib yar ugu raacay madax-weynaha Jubbaland.

Sida warku sheegay maalmihii kowaad iyo labaad madax-weynaha Puntland Cabdi wali Maxamed Gaas ayaa taagnaa in uusan aqbalayn in wax lagu qaybsado nidaamka 4.5 haba yaraatee, hasa yeeshee markii ay taas si buuxdo uga hor yimaadeen dhinacii kale Dowladda Federalka, Gal-Mudug, iyo Koonfur -Galbeed (DF GM KG) ayaa la galay wada tashiyo kala gaar-gaar ah, taasoo markii laysu soo noqday uu madax-weyne Gaas la yimid tanaasul ah in xil-dhibaannada lagu soo xulay hab deegaan maadaama uu yahiin golihii sharci dejinta, aqalka sarana lagu soo xulo gobol kasta iyadoo lagu salayniyo nidaamka ah 4.5, hasa yeeshee waxaa mar labaad taas gaashaanka u daruuray DF GM KG oo iyaga inaba ha yaraatee aysan waxba iska bedelin taladii ay meesha la yimaadeen, waxaana ugu dambayntii lagu soo gunaannaday in laysku raacay 4.5, hasa yeeshee Axmed Maxmed Islaam madax-weynaha Jubba- land ayaa shuruud raaciyay isagoo leh hana noqoto xilligii ugu dambeeyay ee waxa la yiraahdo 4.5, hasa yeeshee dhinicii kale DF GM KG ayaa iyadana diiday oo gaashaanka u daruuray.

Warar kale oo aan la xaqiijin ayaa sheegay in markii u dambaysay madax weynaha Puntland lagu qanciyay 3 xubnood oo dheeri ah in Puntland ay ka helayso aqalka sare. Waxaana sidoo kale soo baxaya in odayaal iyo siyaasiyiin ka soo kala jeeda Puntland iyo Jubbaland ay isku dayeen inay la kulmaan Gaas iyo Axmed madoobe, hasa ahaatee aysan taasna suuro gelin iyadoo sababo aan la garanayn aawgeed ay labada nin ka biyo diideen la kulanka odayaashaas.

Use Facebook to Comment on this Post

FacebookTwitterGoogle+Share

Ogeysiis: Amal Express oo Shaqooyin ka Banaan

$
0
0

Shirkada Amal Express xafiiskeeda weyn ee Garowe wuxuu shacabka usoo bandhigaysaa fursado shaqo oo bannaan oo ay ka faa’idaysan karaan cid walba oo aqoonteeda leh, waana todobo shaqo.

Send your CV/Resume to: info@amalgroup.net before 26 December, 2015.
Mention the specific position you are applying or requesting.
Please read the Job Descriptions before you send your Application.

1. Deputy Manager/Head of Treasury: one position

2. Senior Compliance Officer: one position

3. Senior Accountant: one position

4. Internal Auditor: one position

5. Junior Accountants: Two positions

6. Customer-Agents Relationship Person: one position

7. Administrative Assistant: one position

Send your CV/Resume to: info@amalgroup.net before 26 December, 2015.
Mention the specific position you are applying or requesting.
Please read the Job Descriptions before you send your Application.

Use Facebook to Comment on this Post

FacebookTwitterGoogle+Share

Shirka Kismaayo ma fashilmay mise waa kashifmay…???? W/Q Mahdi Muse

$
0
0

Shirka Kismaayo ma fashilmay mise waa kashifmay…????
Mahdi Muse
mahdimuse@hotmail.com
Janaayo 21 2015

maqaal3112122-300x3001-300x3002-300x3001Cinwaanka Shirka waa Hiigsiga 2016, qorshaha doorashada & waliba qaabka ay dawladdu noqon, wajiga ka muuqdase waxuu ahaa mid ka duwan, oo u dhigan shirka awood qeybsiga Beelaha Soomaaliyeed, taa oo la dhihi karo, waa mid noociisa ugu horeeyay oo ay soomaali qabsato, ama loo qabto.

Awood qeybsiga soomaaliya, waa goobta ay sirrtu ka quruntay, waxaana oran karnaa waa dhex galka hardanka Siyaasi ee soomaaliya, taa oo waqtigeedu uu Qarni ku dhow yahay. dagaalka siyaasi ee ka dhaxeeya soomaalidu waa mid u dhigan qaab qabiil, waxaa uu kulan saday tiro dad ah oo magac & deegaan wadaagta, haddana leh qorshe siyaasi oo aan dhaafsiisneyn waxa ay rabaan bes, tusaale, deegaanka reeer hebel (ReerLand) waa Maamul dhisan, oo qorshe siyaasi ka leh Hiigsiga 2016, laakin qorshahaa ma ahan mid xaald ahaan u jooga deegaankooda, waa mala,awaal loo diyaariyay shirarka awood qeybsi ee dalka, si beeshu sad burrsi u hesho, waana qorshe inta dalka bur-bursanaa loo aqrinayay bulshada deegaanka, halka qaarkood ay u arkeen muqadas u dhigan kitaabka Qur,aanka oo aan la dhaafi Karin, haddi la dhaafana beesha la khiyaamay oo la hoojiyay, fahmkan waa midka noo fasiraya waxii ka dhacay shirka kismaayo & natiijo la,aanta uu ku dhamaaday, taaa oo abuurtay su,aalo & qoraalo badan oo aan is iri waa hareeer mareeen Jawaabteedi saxda ah .

Shirka madasha wadatashiga qaran waa uu badnaa, Billowgii dadku waxay ku daaleen doorasho qof & cod waa muhim, Xisbiyada mucaaradka qaarkood ayaa ka dhigtay Ajande siyaasi oo ay ku quutaan, wax buufis u eg ayuu ahaa in lagu fakaro doorasho qof & ocd xilligan, iska daa Aduunka uu u baahan yahay, qofka soomaaliga ma u diyaarsan yahay in uu codkiisa dhiibto..?? waxaa jira jiil dhan oo aan cod laheyn, Intii dhalatay dabayaaqadi qarnigii tagay, oo bulshada uga dhigan 30% waa haddan yareyno, codkooodu waa kan beeshoooda (waa cod buray) sidoo kale inta hartayna waa la mid, oo kas & ogaal ayuu beeshiisa ugu codeyn, maxaa yeelay saaxada siyaasadeed ee soomaaliya waxaan qabiil aheyn ma yaalo, 4.5 waa tirade beelaha ee soomaliya, waliba dowladdeena ayaa hadda ku dhisan, sidaa ayaa jabaq la,aan looga gudbay xeerkii ahaa doorasho qof & cod, laakin waxaa lagu xiiqay waxii lagu badali lahaa, taa oo aheyd muhiimadda ugu badan ee loo qabanayay shirarka wada tashi ee Qorshaha 2016.

Shirkan waxuu ku soo aaday xaalad siyaasadeed oo ka duwan kuwii hore, waxaa inta badan dhameystirmay maamul goboleedyadi, waxaa ayana mideysan hey,adaha dowladda, sida Golaha wasiirada, Golaha Shacabka & Aqalka Madaxtooyada, taa waxa ay fursad siisay Madaxweyne Xasan sheikh, waxaa sii dheer kalsoonida uu ka helay madaxda maamul goboleedyada qaar, si gaarr ah kuwa uu asaga dhisay, oo ay u badan tahay in ballan wadaag la yahay, intaa waxaa sii raaca, in Isdiidka siyaasi uu noqday mid lagu daalay oo waliba dhacay, beesha caalamka oo u dhigan awoodda dhabta ah ee dalka, ayaduna waxay xoogga saartay ama ay ku talo bixisay in aan wax la isku diidin, haddii la isku diidana aan la kala xanaaqin, waa suuro gal in ay bixiyeen siminaaro tusaya in aad codkaado dhiibato, laakiin aadan xanaaqin, oo aadan warbaahinta ka naaalooon, intaba waxay koobtay khilaafka dhabta ah ee ka jira qaabka awood qeybsi ee dalka, waxayna abuurtay is faham hoggaamiyaasha Jiilka cusub. Laakin su,aasha taagan ayaa ah maxaa gogosha shirka badiyay, meer-meerkana keenay…???

Shirkii wada tashi ee Muqdisho u dambeeyay,Mudane Axmed Madoobe waxuu soo jeediyay in afka soomaaliga lagu hadlo, Laaakiin Mudane Key afkiisa ayuu ku hadlay, waxuu sheeegay in aysan jiri doonin waqti loo kordhinayo Golayaasha Dowladda, taa waxay jawaab u aheyd marki la isku raacay in haddana qaabka 4.5 la qaato, laakiin waxaa muuqanaya markaa, haddiiba 4.5 la qaato, maxaa looga baaahan yahay in aduun malaayiin doolar ah loogu bixiyo shirar lagu soo xulayo xubnaha baarlamaanka oo isla qaabkan ku jooga hadda, barrtaa ayeey ku timid jawaabta Key ah ee ah in aan waqti loo kordhin karin Dowladda hadda jirta, waana fikrad suuro gal ah in ay dib ka soo noqoto, marka waxaa muuqata in qorshaha Hiigsiga 2016 uu go,an yahay, 4.5 haddi uusan noqon waa in loo korrdhiyaa dolwadda hadda jirta waqtiga, si ay u gaarsiiso xaalad uu ku hirrgali karo qorshe siyaasadeed oo ay madaxda Soomaali ku mideysan yihiin, laaakin meer-meerka & gogol baddelku uu yahay sida & qaabka ugu fiican ee loo soo bandhigi karo.

Kismaayo waa Goob raacsan dadka u ololeeynaya in deegaan lagu soo xulo golayaasha dowladda, waxaana la qaba dadka dega Puntland, oo ah halka ay ka curatay fikradda deegaanka, si loo koobo carada ka iman karta deegaanadaa & dadkooda , ayaa waxaa shirka loogu wareejiyay Kismayo, si magaaladaa u noqoto halka uu ku dhashay go,aanka 4.5 ama waqti korrdhinta, taa oo xoogaa dambi dhaafsiin karta Madaxda Puntland & Juba land, mar haddii go,aanku uu ku dhacay deegaankooda, sidaa darteeed shirka Kismaayo ma fashilmin ee waa uu kashifmay..!!!!!!!!!!!!!

Use Facebook to Comment on this Post

FacebookTwitterGoogle+Share

Shirkii Kismaayo iyo Damaca xil kororsiga Dawladda” W/Q Cabdinuur Faarax Maxamuud

$
0
0

Shirkii Kismaayo iyo Damaca xil kororsiga Dawladda”
Cabdinuur Faarax Maxamuud
guuleed72@hotmail.com
Janaayo 21 2015

Cabdinuur Faarax maxamuud

Cabdinuur Faarax maxamuud

Shirkii Kisamaayo waa markii ugu horaysay ee hoggaamiyayaasha Soomaalida loodaayo go, aan ka gaarista masiirka ummadooda tan iyo xiligii ay burburtay Dawladdii dhexe ee Soomaaliya..

Wuxuu ahaa shir Qaran oo ay isku yimadeen hoggaanka dalka heer Qaran ilaa heer maamul gobolleedyo, waxaana ka sugayney go. Aan taariikhiya ummadduna ay ku faraxdo..

Abwaankii Soomaaliyeed AUN Abwaan Yamyam, gabay uu tiriyey 1993, shirkii Addis sabab, Tix kamida ayaa waxay ahayd Haddaan weynay maan iyo aqli noo maqoorada ma inaan gobnahaybaan Martitiyo Shisheeyaha Masawira nirahnaa ,(AUN)

Kismaayo waxaa isku tagay oo ku shiray hoggaamiyayaasha Soomaalida oo kala ah Madaxwaynaha Jamuuriyada Federalka ee SoomaaliyaXassan Shiikh Maxamuud iyo Madaxwayneyaasha Dawladdaha Xubnaha ka ah Dawladda Federalka dhammaantood ujeedo kala gaara ayey wateen guwo rabay in ay xilka kororsadaan kuwo rabay in mooqofkoodu socdo iyo kuwo kale oo rabay in Soomaali jaha wareerka iska jirto..

Shirkaan wuxuu daba socday shirar hore oo lagu kala qabtay Muqdisho iyo Garoowe, Shirkaan waxaa ujeeddadiisu ahayd in la isla meel dhigo habka doorsho 2016, kadhici doonta Soomaaliya haddiiba ay suura gasho..

Shirka Kismaayo ee` ay isku tageen Hoggaamiyayaasha dhanka Siyaasadda ee Soomaaliya wuxuu ballantiisu ahaayd inuu furmo 10,01 2016, hayeeshee wuxuu furmay 14,janaayo wuxuuna dib u dhacay 4maalin” ujeedka shirku uu dib ugu dhacay ayaa ahayd in uu shirku kusoo dhamaado sidan uu hadda ku soo dhamaaday oo ah natiijo la`aan..

Ujeedooyin kala duwan

Waa maxay sababta warmurtiyeed iyo go, aan mideysan looga soo saari waayey Shirkii Madasha wada tashiga qaran? su’aashaas ayaan hoos ku sharrixi doona siday aniga ila tahay..

Koow shirka waxaa la furay markii xubnihii Beesha Caalamka kasocday ay katageen Kismaayo kadib markii uu Madaxwaynaha Soomaaliya kadaahay ballantii shirku ku furmi lahaa..

Labo Inta badan hoggaamiyayaasha hadda talada dalka hayaa waxay u gogol xaarrayaan inay muddada xilka kororsi samaystaan ayaga marmarsiino u yeelaya adduunkana tusaaya in Shirkii Kisaamyo la isla meel dhigi waayey hannaanka doorasho.

Seddex Madaxwayne Xassan Shiikh , Guddoomiyaha Barlamaanka iyo Raiisul wasaaraha xukumadda waxay doonayaan inay ayagu jaheeyaan hannaanka doorasho ee Soomaaliya ka dhici doonta haddiiba ay dhacdo..

Sidan anigu is leeyahay ujeedka ugu weyn ee shirka loo fashiliyey ayaa ah in caalamka la tuso inaan xiligaan doorsho laqaban karin loona baahan yahay in hay,addaha Dawladda xilka loo kordhiyo si ay shaqada u sii wadaan ilaa la helo doorasho la isku raacsan yahay…

Damaca siyaasiinka hoggaanka dalka haya.

Damac siyaasiinta hoggaanka noo haya waxaan isleeyahay ILKO ABEESO) hoos bay ka xiriirsan yihiin oo dhammaan hoggaamiyayaasha Kismaayo isku tagay waxay ku mideysanyihiin in xilka loo wada kordhiyo waana sababta kaliftay inay ummadda Soomaaliyeed tusaan in shirkii lagu heshiin waayey..

Waase dadnimo xumo iyo ceeb in siyaasiinta Soomaali aysan wili fahmin danta ummaddooda iyo sharafta dalkooda waa shirkii koobaad ee Siyaasiinta iyo madaxwayne yaasha Soomaalidu isku yimaden ayaga oo aan beesha caalamku ku kala dhex jirin hadana ku dhamaada natiijo la`aan..

Waxaan ku soo koobaya

Soomaalidu waxay ku maahmaahda Rag yari wax kuma yeeshee Rag xumaa ku disha Hoggaanka dalkeenu waa inuu ka gudbaa in ajanabi u kala turjumo in beesha caalamku maalin kasta ugu hanjabto saas yeela iyo in farta wax loogu fiiqo Soomaali gab bay ahaan jirtay Go, aankeeda ayadaa lahaan jirtay waa inay karteen hoggaamiyayaasha Soomaalida sharafta ummaddooda dalkooda iyo sharaftooda–baa..

Cabdinuur Faarax Maxamuud
Falanqeeye arrimaha bulshada..

Use Facebook to Comment on this Post

FacebookTwitterGoogle+Share

DAWLADNIMADEENII YAA DHALIYAY? YAA DHUMIYAY? YAASE DIB U DHISI KARA? W/Q Saxardiid Kilwe

$
0
0

DAWLADNIMADEENII YAA DHALIYAY? YAA DHUMIYAY? YAASE DIB U DHISI KARA?
Saxardiid Kilwe
ssaxardiid@gmail.com
Janaayo 21 2016

maqaal3112122-300x3001-300x3002-300x3001Hadii la rabo in guri dhisan la dumiyo waxa dubbaha lala beegsada halka ugu sarraysa ee inay dunto u nugul. Hadii la dooni in aqal cusub la dhisana waxa loogu hormaraa adkaynta asaaska uu aqalku ku taagnaan doono. Dadkana sidoo kale waayeelku wa nugulka bulshada cadowgu kasoo abaaro. dhallintuna wa lixaadkeeda ka difaaca khatar kasta. Wa haday is abaabulaan!!!

Gumaystihii yurub markuu kuso duulay qaarada Africa, si uu u dumiyo ilbaxnimadeeda, boqortoyooyinkeeda, dhaqamadeeda iyo diimaheeda oo u qabsado dabeedna u gumaysto khayradkoodana u boobo, wuxuu abaaray odayaasha iyo boqorada Africa oo uu heshiisyo maldahan la galay. Sababtoo ah duqooshinkaasi ayuu u arkayey inay yihiin -wayna ahaayeen dhabtii-halka qaarada cagaarani ka nugushahay. Somaliana sidoo kale ayuu ka wareemay odayaashoodii iyo boqoradii u talinayey.

Dhanka kalena dhaqdhaqaaqyadii gobanimodoonka Africa ragii hogaaminayey oo doonayey inay so ceshaan wixii duqowdoodu dayacday waxay ahayeen ama cudud iyo ciidan u ahaa dhallinyarada oo ah lixaadka ummada iyo asaaska ay ku taagan tahay. Eeg tusaale ahaan dhaqdhaqaaqyadii Axmed Gurey, Sayid Maxamed, SYL iyo kuwo kale oo dhamaantood usoo halgamay gobanimada dalkeena, waxa hormuud ama xoog iyo laxaad u ahaa dhallinyaro.

Astaan kale oo muujinasa in weligeed danta cadawgu duqoshinka la tiil, da’yartuna halgan kula jirtay waxay tahay:

Somalia markay xorriyada qaadatay iskuna darsameen labadii gobol ee waqooyiga iyo koonfurta somalia 1dii July 1960, dawladihii gumaystay ee ay ka xorowday weli saamayn ayay kusii lahaayeen siyasada, maamulka iyo dhaqaalaha dalka. Sababta miyaynu sheegna!?

Waxay ahayd: In xafiisyadii dawlada ay haysteen khubaro rer galbeed ah oo la taliyayaal ugu magacawnaa iyo somali ay iyagu laylyadeen fartana bareen oo maskaxdoodii iyo dhaqankoodii wata. Sidaa darteed inkastoo labadaas gobol guud ahan xoroobeen hoos ahaan gumaystuhu tabtiisii hore ayuu danihiisa uga qunsanayey.

Shaki maleh inkastaba ha le’kaadeene inay jireen wadaniyiin dareemayey inan hankii la filayey xorriyada la helay gaarsiisnayn. Abwaano badan ayaa suuganta somalida ku shegay qawadka jiray. Siyaasiyiin golayaasha dawlada ku jiray iyo saraakiil ciidamada kamid ahaa oo da’ yar ayaa isbedel siyaasiya iyo afgambi millatery dhawr jeer hoos ahan isugu dayay.

Guuxaasi wuxu markii u horreysay dibeda usoo baxay, taageero shacab oo lixaad lehna helay markii 1963kii halgankii dhallinyaro u kacday xoraynta NFD, oo ahayd dhul somaliyeed oo gumaystihii ingiriisku raacshay Kenya, ay ingiriiskii ku sanduleeyeen in afti loo qaado dadka halkaas dega rabitaankooda. Hase yeeshee dawladii ingiriisku markay aragtay natiijadii aftida oo 87% dadkii degaankaasi doorteen inay Somalia ku biiraan ay si bareera u qaadacday natiijadii, kuna dhawaqay in NFD ay tahay gobolka 7aad ee Kenya. Raiisulwasaarihii Somalia ee xilligaas Dr. C/rashiid Cali Sharmaarke ayaa isla markiiba kaga jawabay gaboodfalka ingiriiska in xukuumadiisu xiriirkii u jartay London. Intaa kagama harine wuxu mawqifkiisas durba hordhigay golihii shacabka oo xisbiga SYL ubadnaa, iyana cod loo dhanyahay ayay ku ansaxiyeen mawqifkaas xiriirkii logu jaray ingiriiska.

Tallaabada raiisulwasaaraha, ansixinta baarlamaanka iyo soo dhaweynta go’aankaas oo shacabka somaliyeed meel kasta bannaan baxyo ku taageeray waxay muujisay caradii loo qabay faragelinta joogtada ah ee gumaystuhu weli waday xorriyadii kadib.

Sanado kooban kadib markii xiriirkii ingiriiska lasoo ceshay, ayay faragelintiina halkii kasii socotay. Markale ayayse da’yartii saraakiisha ciidanka xooga dalka oo hogaanka u dhiibtay taliyahoodii,sareeye gaas Maxamed Siyad Barre, 21 October, 1969kii afgembi millatery oo aan dhiig ku daadan taladii dalka kagala wareegeen xukuumadii rayidka ahayd. Kadib markii lagu dhaliilay inaysan madax banaanayn ee ay amarada iyo tilmaamaha gumaysiga ku shaqayso.

Sidaa darteed ayuu kacaankii Oktober caradii u horreysay kula dhacay joogitankii rer galbeedka. Kuwaasoo hantidoodii iyo hantidii somalidii gacan saarka la lahaydba si aan soo noqod lahayn loo qarameeyay dawladuna ula wareegtay.

Inkastoo kacaanku taageeradii shacabka ee uu durba hantiyay wax badan ku qabtay sannadihii u horrayay xukunkiisa. Tasoo an si kooban uga xusi karno mashaariic horumarineed iyo kaabayaal dhaqaale oo ISKAA WAX U QABSO lagu dhisay. Deeqo dibadeed oo iyana qaab lunsashada hantiyeed ku yar tahay looga faaideeyay dalka iyo dadkaba. Ololayaal kicin iyo baraarujin shacab makaabsaday oo lagu xalliyay musiibooyin waweyn oo dalka hore uga jiray iyo qaar ku habsaday xilliyadaas. Dhismaha ciidamada oo xag tiro, tayo, qalab, tababar iyo xiriirada siyaasada dibeda oo horumar weyn laga gaaray.

Hase yeeshee dawladii kacaanku laga bilaabo 1975kii dilkii xaqdarro oo ay ku fulisay culimadii kaga hortimid wax ka bedelka sharciga islamka, waxay ku lumisay taageeradii dadweynaha, waxqabadkeedii shacabka ku tiirsanaana waa gabaabsiyay. Dagaalkii 1977-78 oo ay dawladu u gashay inay kusoo ceshato taageeradii shacabkuna waba ugasii daray. Wuxuu dhalay isku day afgembi millatery iyo jabhado hubaysan oo toos uga horyimid kacaanka.

Run ahaantii waxa la oran karaa, amaba ay tahay in burburka qaranimadii Somalia xilligaas uu kasoo bilaabmay. Sababtoo ah waa markay dawladii taageeradii shacabkeeda iyo ciidankeedaba lumisay bilowday inay hubka wax gumaada oo afar nooc ah adeegsato. Iyadoo illowsan in hubkaas ridihiisa iyo lagu ridihiisuba ku gablamaan:

1) dawlaadii waxay dib u faagtay qabrigii qabyaalada, oo ay 10 sano kahor tiri wan ku duugnay. Taasoo ay uga dan lahayd inay kukala furfurto mucaaradkeeda. Somalidiina waxay u kala saartay qabiil kacaana iyo qabiil kacaandiid ah. Sidaas ayayna dadkii wada deganaa colaad aan harin iyo isnacayb u dhex dhigtay.

2) musuqmaasuqii iyo lunsigii hantida dadweynaha oo ay shaqaalaheeda ku maxkamadayn jirtay, qaarna kuba dishay sunuud buu lunsaday keliya, waxa bedelay khasnadihii bangiga dhexe, kii ganacsiga iyo kii horumarinta oo loo daabulay xaaraan ku naaxyo sheganayey inay damin karan dabka shacabka iyo jabhadaha ee meel walba kaga shidmay kacanka. 3) Kaydadkii hubka ayaa iyagana albaabada loo ballaqay qabiilooyin qaar loo aqoonsaday kacaanimo. Kuwaasoo loo xalaaleeyay dhiiga qabiilada kale oo iyaga lagu shaabadeeyay kacaan diidnimo. 4) Waxa kaloo kacaanku cagta mariyay cunsurkii isbedelka oo ah dhallinyarada. Wuxu ka dhigay xaabo dawlada iyo jabhaduhu dabka ku shitaan. Intii ka badbaadayna ama dibed bay u dhoofeen ama jeelashay ku abadeen fikirkooda darti.

Maadaama uu xilligaasi ahaa markii qabyaalada, lacagta iyo hubkuba faraha dawlada ka baxeen ee shacabka lagu fidneeyay, Islamarkaana dhallintii ka dhiidhiyi lahayd oo isbedel keeni kartayna gumaad, caburin iyo colaadi u diiday, wuxu mudan yahay in loo aqoonsado bilowga xillligii burburka. Hada ogow waa isla sababahaas qudhooda waxa waqtigaas ilaa hadeer loo la’yahay kacaan dhallinyaroo dambe, shacab ama ciidan kuu doonaba, oo ka gilgisha dhaqamada xilliga burrburka oo sidaan wada ognahay boqol jeer ka liita kana xun kuwii kahor laga kacdoomi jiray. Si kale hadan u dhahno, waa Afartaas qodob (qabyaalad, musuqmaasuq, hub iyo dhallintii oo ku dhex dhuntay) waxa ka horjooga somaalida maanta inay ka baxaan dulligay hor u diidi jireen oo kun jibaarmay.

Tusaale ahaan, waxan waa hore ka dhiidhinay faragelin ingiriis oo aayaha dad somaliyeed oo xuduuda jamhuuriyada ka baxsan la is hortaagay. Mantana jamhuuriyadii qudheedii ayaa faragelin waa sahale waxa toos uga taliya yamyam iyo qadaad weyn gumaysigu soo dirtay, deerana deero uma hardido.

GEBAGABO: Qormadan waxan kula hadlayey dhallinyarada somaliyeed. Waxan taariikh ahaan u tusaaleeyay doorkay lahan jireen oo dayacan iyo cilladaha da’yarta manta ka dhigay maato caana leh, oo kuwa dalka joogana duud xamaal uga dhigay danayste an u naxayn iyo gumayste ku adeeganaya. Kuwa dibeda jirana baday dawarsi iyo dhalan doorin. Waxan dhallinta somaliyeed meel ay joganba ku leeyahay: Kakaca fadhiga, ka saara dalka xaalada rajo la’aanta ah. Taasoo waayeelkiinu ku fashilay inay bedelaan 25 sanoo inaka luntay. Kuwaad wax ka sugaysaan ma dedi karaan daar inay dumiyaan mooyane, ma tashan karaan jeer in loo taliyo mooyane, ma heshiin karan waana in lakala horjoogo mooyane, ma bedeli karaan waxna in la bedelo mooyane. Dhallinyarooy rag iyo dumarba idinkaa isbedel dhalin kara hadaad halkudheg ka dhigataan (DH a LL i N Y a R o) oo ah: (DHiga qoriga, Laala musuqa, Naca eexda, Yeela talada, Raacda tiina.)

Saxardiid Kilwe
ssaxardiid@gmail.com
256 791 467628

Use Facebook to Comment on this Post

FacebookTwitterGoogle+Share

NUURKU INTUUSAN IMAN KAHOR DUNIDA WAXAA KA JIRAY 4.5 W/Q Yuusuf Cumar

$
0
0

NUURKU INTUUSAN IMAN KAHOR DUNIDA WAXAA KA JIRAY 4.5
Yuusuf Cumar
Mashruuc5@hotmail.com
Janaayo 22 2015

Yuusuf  Cumar

Yuusuf Cumar

War wayn ayuu xanbaar san yahay maqaalkani,sidaa daraadeed waan sookoobay si aadan uuga wahsan akhris dheer. waxaa ka jiray caalamka guud ahaan dhaqamo aad u fool xun oo ahaa in laysu dilo qabiil,lays dhaco,lays xaqiro,lays yaso,qabiil ku duulo qabiilka kale lays gumaado,xukun iyo nidaam la diido,lagu noolaado nidaam daro iyo fawdo joogta ah iyo qabyaalad kaliya kahor 1437 dii hijriyada.Jaahilnimadaas iyo mugdigaas waxaa aadamuhu ka baxay oo ka xoroobay markii uu yimid nuurkii ilaahay waa diinka ee oo uu noosoo diray nabigeena muxamed scw iyo kitaab. markaa waxaa bilaabantay in dadku ka baxo mugdigii oo ubaxo iftiin dhanka kale dadku kabaxo jaahilnamadii oo u baxo cilmi iyo aqoon uu ku noolaado iskuna maamulo.

xiligaa mugdiga ah ee mudada dheer laga joogo,dadku waxay ahaa yeen kuwo ku dhaqma tusaale ahaan labadii wada dhalatay kii wiilashiisu kabadan yihiin kan kale waxa uu ka dhacyaa waxa uu haysto,taladana isagaa maroorsan,qabiilkii tira yar marka qabiilooyinku qaybsanayaan xoolaha lasoo dhaco oo hab qabiil lagu qaysanayo iyaga laguma dari jirin tirada oo waxaa la oran jiray badh baatihiin matihiin qabiil buuxa halkaasay ku qadi jireen waxaana sidaa ugalay habqaybsiga 4.5 xiligaas!!!

Inagu na nihin umad diin laawayaal ah oo soomaaliya waxay diinta qaadatay sida ku cad taariikhda nabiga oo nool oo aysan gaarin maagaalooyin ku yaal sacuudiga dhexdiisa,maxaayeelay Asxaabadii rasuulku waxay yimaadeen geeska afrika xili hore waxaana dadka qaar qabaan inay saylac kasoo dageen markay yimaadeen ardul xabash.halkaa waxaad ka garan kartaa in aysan diini inagu yarayn. waxaa intaa dheer waxaynu ahayn dad waligoodba isa soo xukumi jiray hadana kamid ahaa dadkii ama dalalkii afrika uugu hor xoroobay oo waa naqaan nidaam dawladeed iyo ismaamul intaba. waxaa yaab ah,oo ama kaag ah in 1437 dii halkii la joogay aynu maanta joogno!!!

Waxaa jirta in boqorkii Eithiopia uu shirkii baarliin ee 1884 tii lagu qaybsanayay soomaaliya,uugeeyay fikir ah in uusan jirin qaran soomaaliyeed oo dawlad noqon kara balse waxaa jira beelo ama qabiilooyin soomaaliyeed oo ah Eithiopia kamid ah raaciyadayda,sidaa daraadeed ma orankartaan qaran soomaaliyeed. iyaguna waxay la hayeen sideen u qaybsanaa qaranka soomaaliyeed. waxaad moodaa inuu ogaa ninka maanta leh 4.5 ayaan rabaa!!! kasma xumada iyo maskaxda la nool boqolaal sanadood mugdigii aadamuhu ka soogudbay gaal iyo islaamba ayaa sababi karta mugdi ha dheeyay jiritaanka iyo madax banaanida qaranka soomaaliyeed. tani waxay argagax iyo anfariir iyo uurku taalo galisay wadaniga soomaaliyeed iyo dawladaha aduunka ee horumaray kuna jira casrigii ilbaxnimada iyo hormarka aqoonta aadimigu heer ka gaaray. dhab ahaan waa cabsi in uu jira caalamka maanta bashar sidan u fikiraya oo intaa dib dhacsan oo la nool xiligaa mugdiga ahaa.

Taariikh ayaa qormaysa maanta,hadaad sikasta u wareegto ood u baadho una raacdayso kama helaysid maktabadaha caalamka oo dhan galo iyo islaamba hab dawladnimo oo dal lagu maamulo oo qoran oo buug la raaco leh oo ah dawlad qabiil majiro mana helaysid ma helaysid 4.5 laakiinse waxaad helaysa nidaamyo dal lagu maamulo oo leh hab laraaco sida diin,dimuqradi,shuuci ama boqortooyo.

Waxan xasuustay marmasuuliyiin uu kamid ahaaTommy Franks iyo Genaraal maraykan ahi ay 2003 dii shir u qabteen dadka ciraaq oo ku kulmiyeen meel u jirta ciraaq 275 kiilomitir,waxay kulmiyeen dadkii oo u sheegeen in ay u dhisayaan dawlad ku dhisan in qabiil walba dad laga soo xulo oo sidaa dawlad lagu dhiso ku dhisan qabiil!! dadkii reer ciraaq ayaa kuligood iswada eegay! kadibna waxaa dadkii ka soo dhex istaagay oday reer miyi ah oo markaa ahaa dadka meesha fadhiyay ninka uugu aqoonta yar oo waliba iska ahaa reer miyi. waxa uu yiri halayga turjumo inaan u jawaabaan rabaa Genaraalka maraykan ka ah ee warkan noo sheegay. waxa uuyiri dalkaagu imasa sano ayuu dawlad ahaa? waxa uu yiri 300 oo sano. wuxuu yiri hadaba ciraaq waxay dawlad tahay 630 sanadood oo intaa dawladba dawlad badalaysay oo is xukumaynay inagoonba ka hadal taariikhda fog,kol haday sidaa tahay ogoow in taariikhda ciraaq aysan soomarin qabiil dawlad lagu qaybsado oo lagu dhisto waligeed markaa anga noo sheegi maysid sida dawlad loo dhiso kadibna laysu maamulo. Genaraalki maraykan oo dhidad san ayaa halkii ka dhaqaaqay isagoon eray soo celinin. waa taariikh qoran oo cad oo lawada ogyahay.bal dadkaasi siday u dhisan yihiin arag.

Dadka wata 4.5 maxaa cadayn ah oo ay u hayaan inay tahay cadaalad iyo sinaan,simaysa soomaali oo dan u ah? tusaale ma waxay leeyihiin beesha direed oo lasiiyay 61 xubnood iyo beesha raxan wayn baa siman oo iyana lasiiyay 61 xubnood,dhanka kale ma waxaa siman beesha daarood iyo tan hawiye oo mid walba lasiiyay 61 xubnood mise waxaa jira beel aan iyagu uba qalmin sad buuxa waayo waa haaf ama badh oo waa in lasiiyaa 30 xubnood.hadaba sidan miyaa cadaalad ah aqli ah soomaali u cuntami karta? hadaad leedahay ninka haafka ahi waa tiro yar yahay oo waa laga badan yahay isaga waa hagaage dir waa kabadan tahay raxan wayn ee maxaad isku si wax uugu siisay? saw maha in dir loo badiyo? dhanka kale waxan aad keenteen ee ah 4.5 xataa idinkii keenay ayaan aqoonba u lahayn oo garanayninba qabiilooyinka soomaaliyeed iyo siday u kala badan yihiin.waxaad keenteen waxaydaan garanayn soomaalina garanayn aduunkuna garanayn.

Dadka soomaaliyeed waxay leeyihiin dhulka soomaaliyeed qof aan tuulo,ama dagmo ama gobol aan daganayn majiro oo soomaali ah soomaaliya.hadii tuuladaan daganaa,dagmadaan daganaa,gobokaan daganaa ay soomaali wax la qaybsanayaan oo kamid noqonayaan maamul ahaan,difaac ahaan,dhaqaale ahaan,wadan ahaan maxaan ku diidayaa? dhulbaa la difaacaa oo loo dhintaaye maxaan difaacaa hadii qabiil laga hadlayo oo qaranba jirin?anigu isma lahayn waxaa jira dad soomaaliyeed oo dalkooda ka door bidaya qabiil inay dhaafsadaan oo dalka iyo diintaba qabiilku kala wayn yahay ilaa xadkaa isma lahayn maanta kahor.

Gunaanad

Aduunka maanta ceeb iyo calool xumaa utaal soomaali,caalamkii oo dhan baa yaaban dad la nool wax laga tagay qarniyaal iyo facyaal badan oo tagay ayaa soomaali haysataa oo wali ku doodayaan,oo ay dawlad u dhisan layihiin mudo 25 sanadood ah.waa yax yax iyo fadeexo qabiil baan rabaa ee dawlad marabo iyo dal waa qashiinimo iyo badawnimo tii u danbaysay weeye.anigu ma jecli in dadkamid ah dadka soomaaliyeed inay ka takoormaan,umada inteeda kale oo gabadhoodu guur beesho ayadoo looga cararayo gunimo facwayn iyo amarkan ay la yimaadeen ee ah 4.5 waa barta ay ka dhalato takoorka iyo gunimadu ogaada.waxay ilatahay in umada soomaaliyeed aan layska dhexsaarin oo shaabad aan waligeed harayn laysku dhigin.ayadoon umada qarniyaal dib loo celin oo waxaan suuro gal ahayn loo keenin ayaa le heli karaa in aynu dawladnimadeena ku dhisano hab ina deeqa kuligeen oo ah nidaamkaas caalamkuba kuwda yahay dawladaha.waa maxay cawaanimadu? waxaan u rajaynayaa walaaladay inay is daba qabtaan oo aysan ka hor imaan ilbaxnimada iyo hormarka soomaaliyeed iyo caalamkaba. in aysan la dagaalamin cilmiga,aqoonta,dhaqanka suuban,ilbaxnimada iyo wadaniyada ama hanaanka dawladnimo iyo kala danbaynta. qaar badan oo kamid ah qabiilka soomaaliyeed ee u keenay soomaaliya 4.5 hadana kuba doodaya in lagu sii jiro oo aan dawladnimaba loo gudbin waxaa kamid ah kuwo laleeyahay waxay ka soobeexeen jaamcad oo aqoon sare ayay leeyihiin,markaan sidaa maqlo waa farxaa waayo waa dadkaygii balse markaan arko in ayba garwadeen kayihiin in soomaaliya 4.5 lagu hayo ayaan iraahdaa aqoon kaa reebi waysay casri jaahiliyadii iyo zamankii mugdiga oo ku tusi waysay xumaanta qabiilka taa aqoon lama oran karo qofkaasina wali maha qaan gaar xaga garaadka iyo fahanka. ninka cilmiga lihi bulshada mugdiguu kasaaraa cilmiguu dhadhamiyaa oo macaan sadaa kamana horyimaado hormarka iyo ilbaxnimada badalkeeda waxa uu jecel yahay wax cusub barashadiis iyo tiigsiga hormarka nolasha.

Waxaan kusoo koobay warmiyaan qoomkaan laga helayn nin wax garta?? basharaadka aduunka bashar ilaahay uumay basharkii uugu kasmada xumaa ayaa ah qayb kamid ah umada soomaaliyeed waana nasiib daro.waxaanaanse yeelayn anagoo ah shacabka soomaaliyeed ee iska leh dhulkaan hodan ka ah in 4.5 nalagu sheego iyo dhaqan xiliyadii dadku qaawanaayeen oo aan dhar la qaadan jirin cawaanta la ahaa in aan 2016 nalagu sheego waxaan aqbalayno maha waana ka dagaalamaynaa oo la diriraynaa waxaas qurunka ah oo foosha xun oo aan u qalmin soomaaliya.abadan marna mayeelayno waa dagaalamaynaa oo u dhimanaynaa dhulkeena hooyo naftaan huraynaa gobonimo ayaan ku dhimanaynaa,kafara waxay rabaan in soomaaliya caruurteeda mustaqbalka ay waligodba jiilba jiil ka dhaxlo qabiil iyo 4.5 oo waligeedba aan lagaarin soomaalinimo iyo sharaf. s.y.l waxay ahaayeen dhalinyaro soomaaliyeed oo walaalo ah wadaniyiin ah ma ahayn 4.5 xasuuso waligaa kana fakar inbadan hadalkan NUURKU INTUUSAN IMAN KAHOR DUNIDA WAXAA KA JIRAY 4.5

Use Facebook to Comment on this Post

FacebookTwitterGoogle+Share


Gaas Puntland ha laga gaaro! W/Q Cali Soomow

$
0
0

Gaas Puntland ha laga gaaro!
Cali Soomow
calisoomow@yahoo.com
Janaayo 22 2015

maqaal3112122-300x3001-300x3004Anigu kolayba yaabay, ma anigaa waalan mise Cadan baa laga heesayaa?! Waxaa la yiri gabar baa nin indho la’ oo ilmo badan haysta oo qaarkood rajo yihiin, oo aan xoolo haysan oo cayr ah laga reebi waayay, waliba gabar inan ah, kaaga daranee ninku maadaama uu indhoole yahay haweenka inta ku soo dhego lugaha dhexdooda gashto si aysan uga baxsan buu garaaca, yaab! Bal ammarka Ilaahay! Hadda Cabdi Wali Gaas muxuu ku raacay Xasan, shacabka Puntlandse Maxay Gaas u haystaan, maan gurucnaanta inta ay la egtahay, bal la ii sheega! malaha dadku doqomo ma ahee anigaa waalan, war Puntland hanbadeeda ninkaan hadaan laga qaban dhibkeeda berri mid aad wax ka qaban kartaan ma aha, barlamankii laaluush buu qaatay kuwa Xamar bay ku daydeen, Xasan Shiikh maxamuud baa u soo xaluushay.

Gen. Cadde Muuse, Col. Cabdullaahi Saciid Samatar, iyo Muuse Cali Jaamac maxaa ku dhacay, aaway is-bedelkii ay raadinayeen, anigu waxaan qabaa cabdi wal gaas odayaashaas iyagaa inoo keenay, haddee waxaanan garanayn ma is bedelkii ay inoo rabeen baa midkaan ahaa, maxaase loo wada aamusay, hiilkii aad shalay Puntland u galayseen manta ayeey uga baahi badantahay, waliba is bedel doon ma aha maanta ee waa badbaado doon! Sida ii muuqato beelihii labo labo baa laysugu diray talo isuguma imaan karaan, meel kasta waa laysu dudayaa, marka manta ina hor kaca oo aan badbaadino Puntland, waxay u baahantahay waa badbaadin, Cabdi wali Gaas waa laynoo soo diray, labo sano gudahood waxba ugama tegin Puntland, Waase iga su’aalee Gaas, Cameey, wasiirada Puntland iyo xil-dhibaannada ma lacag bay ka qaataan xasan Shiikh maxmuud?! Waan hubaa inay wax jiraan laakiin maxay yihin?

Siyaasiyiintii odayaashii dhaqanka maxaa afka qabtay dhammaantood?! Dad shacabka ah maxay la aamusanyihiin?! Ciidammada Puntland see wax yihiin! War nimaan belo arag baa belo ka sheekeeya?! Islaan Bashiir Islaan iyo Boqor Burhaan Boqor way fiicnaan lahayd inay hor kacaan wax ka qabashada arri ntan, Islaan Ciise Islaan maxaa aamusiiyay? Aaway af hayeenkii Isimmada Puntland Cabdullaahi Cali Ciid? Allah waqtigu yaraa, war ma wax qarsoon baa jira?! War khatarta ummadda iyo dalka uu Gaas u geystay baa cidna ka qarsoon? Wali waa dacwoonaynaa, madaxdii ummadda inay u baxsato la rabay baad tihiin?! Sharaftiina waa sharafta dadka Soomaaliyeed in Xasan Shiikh iyo Cadi wali gaas ay sharftii ummadda ku ciyaaraan, aaway Suldaan Saciid Maxamed Garaase, waa hubaal oo markay talo faraha ka baxdo hadaad adinkoo dhan isu tagtaan waxba ka qaban kari maysaan, haday wax ka qabasho leedahay, Shacabka adinkay idinka war sugayaan. Balo madax la qabtay leedahayee dabo la qabto ma leh!

Khaa,inimmada halkay gaartay Gaas mar kasta wuxuu ka hadlayaa waa laysu tanaasulayaa, ragga kale oo dhan waxay ka hadlayaan sidaan baa dadkayga u dan ah “ninna 100% wuxuu rabo heli mayo” buu gaas ku waashay cabdi Kariim guuleed oo Cadaado keliya jooga inkastoo Gaas Mudug u hibeeyay wuxuu taaganyahay “waxaan 4.5 ahyan aqbali mayo” marka gaas maxaa qasbaya isaga? Bal ii sheega, beesha Caalamka miyaa qasbaysa? Oo maxaa ku gaar ah isaga? Dadkay ka jecelyihiin oo waa nin PHD ah miyaa?! Annaga beesha Caalamka inama qasbi karto wixii dhici lahaa unbaa dhacayee cidna qasab innaguma laha, laakiin Gaas walee taariikh fiican lagaama dhaxlo, walle magac ummadda kuma yeelatid! Wallee fursad ku soo martaa,wallee buugaag badan baan soo aqriyaa! walle aqoonyahan baan ahay dambaan laynagu sirin! Oo gaas hadda maxaan buugaagtiisii ka dheefnay oo aan ahayn inuu Soomaaliya ragadiyay iyo inuu reer Puntland isku diray?!

Cabdi Ha La Tanaasulo! cid kale oo tanaasul ka hadlaysa wali ma maqal, balse haddii uu tanaasulo ma wuxuu mooday in xal iyo wanaag ku imaanayo sidaas, anigu waxaan hubaa Xasan Shiikh inuu dalka burburiyo oo colaado hor leh abuuro waxaa uga dhiman inuu helo tanaasulka Gaas u faro baxsanayo, Xasan Shiikh ma jirto cid kale oo qaynuunka ku xakamayn karta oo aan ahayn midkaan Gaas ah ee quwadiisii laga qariyay, Xasan wuxuu marayaa inuu yiraahdo Sharci iga horeeyay sharci ma aha, anigaa wax kasta ah (Total Man), waxaana gaarsiiyay Gaas iyo siyaasad xumidiisa, qaynuunka oo Gaas ka baqayo oo Xasan uusan ka cabsanayn, wallee nimaan yaab arag baa yaab sheekeeya!

Gaas sida hadda muuqata wuxuu ka mid noqday shaqsiyaadka ay beesha caalamka u diyaarsatay inay ku dhacdo khayraadka ummada Soomaaliyeed, sababta uu u tanaasulayana wax kale ma ahee waxaa la oran karaa wuxuu ka mid noqday siyaasiyiinta uu Xasan Shiikh ugu horeeyo ee saxiixooda la rabo in laynagu dhaco, wuxuuna ka mid noqday Cabdi kariim Guuleed, camur cabdi rashiid, Maxamed cusmaan Jawaari, si loo celiyo Xasan sheikh, isla markaasna uu u dhameeyo sharciyeeynta boobka khayraadka dalka lagu hayo, sidaa daraadeed ciriqa xun ee guumeystaha ee Puntland ku jira waa gaas, waana in ummadda laga gaaraa.

Soomaaliya Ha Noolaato! Puntland Ha noolaato!

Wa-bilaahi Towfiiq!

Cali Cilmi Soomow

Use Facebook to Comment on this Post

FacebookTwitterGoogle+Share

Gaas aan hubsano 7da February! W/Q Cali Soomow

$
0
0

Gaas aan hubsano 7da February!
Cali Soomow
calisoomow@yahoo.com
Febraayo 01 2016

maqaal3112122-300x3001-300x30041111Cabdi Wali Gaas, wali run inooma sheegin, waa dhab waa uu yimid asagoo isu ekeysiinaya nin dagaalsan, hasa yeeshee anigu u hadli mayo sidii nimankii siyaasiyiinta ahaa ama sidii ni Gaas jago ka raba, hasa yeeshee maxaa diidadaya inaan wax badan is weydiino, Gaas waa uu soo noqday, sida uu sheegay go’aan buum ka soo gaaraya xumaantii aguugnayd ee Xasan Shiikh Maxamuud dadka iyo dalka, Allah fiicannaa, waxaase weeye hadalka runtiisa waxyaabo lagu cabbiro ayaa jira gaas ma laha indho dagaalsan, wali sidii buu buuro faganayaa oo inta isku soo sawiro la leeyahay madax-weynihii shaqo ayuu ku jiraa, sidii u sii kacsanaa Boosaaso ayuu fariisttay, anigu ma aqaan xaqiiqdii Gaas waxa ka daacadda ah.

Gaas sababta u weyn ee hadda uu Boosaaso u warwareegayo waa khayaano hor leh, waa dhagar uu dalka Soomaaliya oo dhan uu ka galayo, beenta uu u sheegay Puntland ma u socon doontaa, reer Puntland bay u taal, balse indhaha ha la kala qaado, is weydii Xasan Shiikh muxuu la aamusanyahay? Wuxuu hubuu hayaa oo Gaas buu ogyahay inuusan waxba diidanayn, waxaana taas daliil u ah shirkii shalay midowga Arika Addis Ababa ugu dhammaaday oo uu kula kulmay Banki Moon ninka madaxda ka ah qarammada midoobay wuxuu u sheegay in dhamaan laysku af gartay 4.5 in wax lagu qaybsado.

Gaas, wuxuu khayaanay raggii wafdigiisa ahaa ee Puntland kala yimid oo aan ilaa iyo hadda ogeyn heshiiska ay wada galeen isaga iyo Cumar Cabdirasheed Cali Sharma arke oo isagu ahaa ninka sidii arrintaan Puntland loo oggoleysiin lahaa u xil saarnaa, xanta qaarkeed ayaa sheegaysa in xubno ka mid ah beesha caalamka ,Cumar Cabdirashiid iyo xasan Shiikh ay siiyeen Cabdi wali gaas lacag gaaraysa ilaa $4milion lacagta Maraykanka ah lacago kalana ay dhowaan soo gaarayaan, sida la ii sheegay lacagaha ayaa loo qoondeeyay in Gaas uu magacaabo gole been ah oo dhexdhexaadiya dowladda federalka iyo Puntland kuwaas oo lacgtaas uu u qaybinayo lagana ansixinayo oggolaanshaha habka foosha xun ee 4.5, waana sababta keentay in gaas uu hadda fariisto Boosaaso isagoo ka fogaanaya Garowe golaha mudanayaasha, iyo Gaalkacyo labadaba, waxaana hadda si hoose u socda xulasho uu Gaas samaynayo oo uu ku dhisayo golahaas uu ugu magac darayo golaha la xaajoodka dowladda federal-ka ee Puntland.

Siyaabaha loo xisaabtamay, kolayba nin caadhiifadaysan warkaygu ka daadegi maayo waxayse iga tahay xilka xogta is dhaafi oo dadka Soomaaliyeed ama reer Puntland yaan lagu hodin ama aan lagu khayaanin xog aad ogtahay, adinkana waxaan idinka codsanayaa inaydaan iga didin ee aad u toog haysaan warka iyo xogta aan idin sheegayo, aqriste waxaan kuu sheegayaa Cumar Cabdi rashiid inuu u ololeyniyo sidii uu mar kale Xasan Shiikh madaxwenenimada ugu soo noqon lahaa, wuxuuna ka haystaa baaln qaad ah jagada uu hadda hayo inuu sii haysanayo, Gaas, wuxuu ka hor tagayaa inuu nin ama qof ka soo jeeda Puntland uu soo fariisto xafiiska madaxnimmada Soomaaliya, wuxuuna run ahaan taas ka doo bidayaa inuu Xasan Shiikh Max,uud ku soo laabto xukunka, wuxuuna rumaysanyahay in habka keliya ee taasi ku imaan kartana ay tahay mudanayaasha lagu soo xulo 4.5, isagana uu soo xulo kuwa Puntland, waana nidaamka Xasan Shiikh laftiisa uu rumaysanyahay inuu mar kale u suuro gelin karo inuu ku soo noqdo xukunka, Galmudug oo Mudug ay ku jirto cabdikariim Xuseen Guuleed baa u soo xulaya, Koonfur galbeed Shariif Xasan baa u soo xulaya, inta kale 30% waa la gadanayaa, waa niman meel wax wada dhigtay.

Puntland golaheeda fulinta maxay go’aan ay xiriirka ugu jarayaan Xasan Shiikh iyo xukuumaddiisa u gaari waayeen oo loo sheegi waayay, muxuu Gaas irridaha wali ugu furayaa Xasan Shiikh Maxud iyo dhagar qabayaasha la socda haddii uusan ka mid ahayn? Reer Puntland, waa dad fiican, laakiin caadhiifad baa qaribtay, musuqmaasuq weyn baa galay barlamaankooda , ninka la yiraahdo Axmed Cali Xaashi muxuu barlamanka u fadhiisin waayay, maxay u jari waayeen xiriirka ilaa haddaba xiriir ma jiree, mise waxaas oo dhan waa is maahintii cabdiwali Gaas iyo aamusnaantii, iyo in xilkasnimada iyo waajibaadkii lagu dayaco eed iska fogeynta reer Puntland?! War nin sigtay ma noolo?! War ninkaan Ilaah baa idiin soo qabtay ee yuusan idinka baxsan, war adinkoo taagtaagan oo nool oo soo jeedo yuusan idin gadan, war Allah u mahad celiya oo yuusan mar kale idinkala baxsan talada aayihiin, Allow ma idin digay.

Cumar Cabdirasheed ninkaas warkiisa waa iska cadyahay, raggiisuu dhinaca ka raacay, laakiin marka aad fiiriso cumar waxa uu hadda leeyahay Jawaari baan hor dhigayaa maxay yihiin haddii Gaas aysan waxba isku ogeyn?! Tan kale Gaas muxuu xildhibaanada Puntland war bixin u sii waayay? Muxuu si cad xiriirka ugu jari waayay Xasan sheikh iyo inta daba socota oo uu u horeeyo ina Cabdirashiid Cali Sharmarke, muxuu xudduudaha ciidamo u dhigi waayay, muxuu beesha caalamka u siin waayay go,aan qoraal ah oo si rasmi ah uu ku xeeriyo qodobo ka mid ah dastuurka Puntland u yaal uuna si cad ugu qeexayo waxyaabaha uu diidanyahay oo sababaysan, war ma la hubiyayay Gaas inuusan safar dambe Muqdisho ugu socon? Waxaan leeyahay Gaas aan hubsano.

Waxaa arrin muhiim ah hadalka ka soo yeeray Cabdiraxmaan Jibriil Xoosh oo ahaa wasiirkii dastuurka markii uu Gaas ahaa wasiirka koowaad ee dowladdii ku meel gaarka, ee uu ku sheegay inuu Gaas been u sheegay reer Puntland, Nin kuu digay kuma dilin, warka Xoosh ma aha mid ciyaar ah, wax badan buuna ka war qabaa haday ahaan lahayd Xasan Shiikh iyo hadii ay ahaan lahayd Gaas ama beesha caalamka, xaaladda khayaannada Gaas inta ay la egtahay waan garan karaa oo wax uu qof weyn rumaysan karo ma aha, laakiin sida la soo qorsheeyay waa in golo been ah uu dhisaa, deedna shirar beenbeen ah la gala lacagna lagu qaybiyaa dadka reer Puntlandna la maqashiiyaa golahaas baa oggolaaday, warka wuxuu ku gaabanyahay talad maantay gacmihiina ku jirtaa, waxaana si gaar ah ula hadlayaa siyaasiyiinta uu u horeeyo Cali Xaaji Warsame, waxaan idinku dhiiri gelin lahaa inaad xubno ka ahaataan golaha uu Gaas u diyaarinayo la xaajoodka Michael Keating iyo Cumar cabdirasheed, iyo inaad Soomaaliya ka badbaadisaan ceelka loo qoday!

Soomaaliya Ha Noolaato! Puntland Ha Noolaato!

Wa-billaahi towfiiq

Use Facebook to Comment on this Post

FacebookTwitterGoogle+Share

Hormar ka ay gaartay iyo dhacdooyin kii ka dhacay dagmada Galdogob ee gobolka Mudug sanad kii la soo dhaafay ee 2015

$
0
0

Hordhac

Gudoomiyaha Degmada GaldogobDagmada Galdogob ee gobol ka mudug ayaa sanadkii la soo dhaafay ee 2015 gaartay hormaro kala duwan oo ay kamid yihiin waxbarshada, caafimaad ka, amniga, bilicda magaalada, dhaqaalaha ,caqabadaha.

Hormarka ay samaysay dagmadu waxaa uu kala yahay mid ay dawladda hoose ee dagmada iyo hay’adaha la shaqeeya ay ka hirgaliyeen iyo mid ay dadku si isku tashiya u qabsadeen.
Waxbarashada

Magaalada Galdogob oo ah magaalo aad ugu horaysa waxbarashada lehna iskuullo aad u fac wayn ayaa waxaa laga xusi karaa sanad kii tagay waxyaabihii ugu waaweeyna ee u hirgalay maamulka waxbarasha iyo kan degmada oo iskaashanaya in la kordhiyey qaar ka mid ah iskuullada oo la daalaa dhacayey fasal yari kuwo kalana loo dayactiray kuwii horay u jiray. Iskuullada dayactir ka iyo kordhinta fasallada helay waxaa kamid ahaa kuwaan soo socda.

Iskuul ka Hoose/Dhexe iyo Sare ee Cirro iskuul, Bursaalax waxaa lagu daray 3 fasal iyo qol gabdhaha khaas u ah.

Iskuul ka Hoose/Dhexe ee Dr: Axmed Xaaji waxaa lagu daray 2 fasal iyo barkad

Iskuul ka Hoose/Dhexe iyo Sare ee Einushamsi waxaa lagu daray 5 fasal iyo qol gabdhaha khaas u ah.

Iskuul ka Hoose/Dhexe ee Riigoomane waxaa loo dayactiray 6 fasal iyo 2 suuli.

Iskuul ka Hoose/Dhexe ee Imaamunawaawi waxaa lagu daray 2 fasal,barkad iyo 2 suuli.

Iskuul ka Hoose/Dhexe ee Imaamu-Shaafici waxaa lagu daray 2 fasal, barkad iyo 2 suuli.

Iskuul ka Hoose/Dhexe iyo Sare ee Galdogob Iskuul waxaa lagu daray 3 fasal iyo qol gabdhaha ugaara.

Xerajaalle waxaa loo dhisay iskuul hoose oo ka kooban 2 fasal iyo suuli.

Iskuul Bursaalax ku yaalla waxaa lagu daray 2 fasal, suuli iyo lix qol oo loo dayactiray

Daarusalaam waxaa loo dhisay iskuul Hoose/Dhexe oo ka kooban 5 fasal iyo 2 suuli.

ardayda degmada goldogob

05 September 2015 in ka badan 30 arday oo bachelor degree ah oo ka qalin jabisay Jaamacadda Bariga Africa faraca Galdogob oo ah abid ardayd degree ah oo jaamacad ka qalin jabisa Galdogob ku taal.

Waxaa sanad kan dabayaaqadiisi xaflad furitaan loo qabtay machad ka Imaamu-bukhaari ee barashada luqadda carabiga iyo daraasaad ka Islaam ka, Machad kaas oo dhismihiisu muddo soo jiitamayey ayey dad ka reer Galdogob ku guulaysteen dal iyo dibad inay dhistaan ayadoo cid ka caawisay aysan jirin.

Machad ka Imaamu-bukhaari oo ah machad aad u facwayn ayaa waxaa ka qalinbiyey arday aad u badan oo qaar kood ay immin ka yihiin macalimiin wax ka dhigta jaamacadaha iyo xarumaha kale ee lagu barto shareecada islaam ka.

Caafimaad ka

Sidaan wada ogsoonahay caafimaad ku waa lafdhabarta nolasha, caafimaad haduusan jirinna nolol ma jirteen. Galdogob waa magaalo hormar badan ka samaysay dhanka caafimaad ka waxaana ku yaalla isbitaal ka ugu wayn gobolka Mudug iyo qaybo kamid ah bartamaha Soomaaliya. Isbitaal Galdogob waxa uu u adeega dhammaan umadda Soomaaliyeed ee gobol ka Mudug iyo dawlad deegaan ka Soomaalida Ethopia.

Waxa magaalada ku yaalla xarumo caafimaad oo gaar loo leeyahay oo ay hirgaliyeen dhakhaatiir da’yar oo dadka iyo dalka wax u soo bartay.

Sidoo kale waxa ka jira magaalada labo MCH oo inta badan wax ka qabta hooyada iyo dhallaanka.

Cisbitaalka MCH degmada goldogob01/08/2014 waxaa si rasmiya ula wareegtay isbitaal ka Galdogob General Hospital, Bursalax Hospital iyo labada MCH ee degmada ha’yadda Save the children waxay ka faala qaaday mushaar ka 57 qof oo isbitaal ka Galdogob General Hospital, Bursalax Hosital iyo labada MCH ka shaqeeya iyo dhammaan daawada labada isbitaal iyo labada MCH.

Ayada oo ay degmada hoos yimaadaan deegaanno badan ayaa sanad kii la soo dhaafay waxaa deegaanada qaar kood laga hirgaliyey MCH yo la aaminsan yahay wax badan inay wax ka tari doonaan dhan ka caafimaad ka deegaanadaas waxaana kamid kuwaan soo socda.

Laanmadaw MCH
Riigoomane MCH
Xerajaalle MCH
Daarusalaam MCH iyo Qansaxle MCH

Biyaha

GEEL KA CABAYA degmada goldogobMagaalada Galdogob waxaa ku soo kordhaya sanadihii u dambeeyay ceelsha riigga ah ee biyaha laga cabo sanad kaan ka soo gudubnay waxaa lagu soo kordhiyey Galdogob iyo deegaanada hoos yimaada ceelal cusub kuwo horay u jirayna waxay heleen dayactir sida kuwan.
Waxaa ceel loo dhisay Xerojaalle

Dayactir ceel Ciid
Dayactir ceel Qorax
Dayactir ceel Booc
Dayactir Ceel ka Riigoomane

Amniga

Amnigu waa furaha nolosha haddi uusan amni jirina wax hormar ah oo la samayn karo ma jiraan.
Maamul ka dagmada Galdogob, waxgarad ka, cuqaasha iyo qaar ka mid qurbo joogta magaalada waxay wakhti iyo juhdi badan ku bixiyeen inay u sameeyaan ciidan Police ah oo ilaaliya nabad galyada dagmada.

Isla sanad kii la soo dhaafay dabayaaqadiisi waxa uu saxaafadda u soo bandhigay gudoomiyaha dagmada Galdogob Xasan Faarax Maxamed (Ayaxle) ciidan Police ah oo ay dagmadu leedahay oo ay u dhammaystiranyihiin wixii agab ahaa ee ciidan u baahna wuxuuna kula dardaarmay ciidan kaas inay waajibaad kooda u gutaan si hufan.

Waxaana si wayn looga dareemay magaalada shaqada amni ee ay ciidan kaas ka hayaan ayagoo habeen kii roondo ku sameeya xaafadaha kala duwan ee magaalada.

Sidoo kale waxaa dad ka magaalada iyo maamul kooda oo iskaashanaya ay dayactir ku sameeyeen istayshan kii degmada.

Bilicda, dib-u-dhiska iyo hormaka guud

Waxaa maalinba maalinta ka danbaysah sii hagaagayah bilicda guud ee degmada waxaana magaalada muddooyinkii danbe ka socday dib udhis xoogleh,dib u dhiskaas waxaa ka mid ah dabaq 4biyaano ah oo ay dhisatay shirkadda Tawakal kaas oo noqon doona bank tawakal ee galdogob. Xaflad wayn lagu qabtay magaalada laguna dhagaxdhigay,waxaana xafladdii lagu dhagaxdhigayay ka soo qayb galay dad badan oo bulshada magac kuleh waxaana kamid ahaa gudoomiyaha degmada, salaadiin, culimaa’udin iyo ururada bulshada waxaa xafladaas ugu horayn ka hadlay wakiilka shirkadda Tawakal ee Galdogob C/salan khalif xaashi asaga oo sheegay in dhismahaan oo kakooban 4 dabaq uu wax wayn kusoo kordhin doono bilicda magaalada waxaa kale oo intaas ku daray in dhismahaan looga faa’iidaysan doono qaybo badan sida hotel,xarumo ganacsi, iyo hoolal lagu shiro ama siminaarada lagu qabsado.

Waxaa sidoo kale munaasabaddaas ka hadlay guddoomiyaha degmada Xasan Farah (Ayaxle) waxuuna ugu horayn umahadceliyay shirkadda Tawakal qaybta lixaadka leh ee ay kaga jirto horumarinta deeganka iyo qurxinta bilicda magaalada.

Waxaa isbadal wayn laga dareemaya quruxda iyo bilicda magaalada gaar ahaan xarumaha ganacsiga oo laga dhisay dhismayaal fooqyaa.

BILICDA degmada goldogob

1 September 2015 wafdi ballaaran oo uu hogaaminayay Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa soo gaaray dagmada Galdogb ee gobolka Mudug, Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa si heer sare ah loogu soo dhaweeyay degmada Galdogob, waxaana wadooyinka magaaladaas safnaa dadweyne farabadan oo lulaya caleemo qoyan, sawirka madaxweynaha iyo calanka Puntland iyo kan Soomaaliya. .

Masuuliyiinta degmada iyo qaar ka mid ah odayaasha iyo waxgaradka Galdogob ayaa ka qeyb ahaa soo dhaweynta diiran ee loo sameeyay madaxweynaha Puntland Dr C/wali Maxamed Cali.

Dr :Gaas ayaa u tagay Degmada Galdogob hawlo shaqo oo ay ugu muhiim sanaayeen dhagaxdhig xarun cusub oo yeelan doonto dawladda hoose ee dagmada Galdogob,guriga hooyooyin ka, iyo garoon caalamiya ee kubadda cagta, sidoo kale waxa uu xariga ka jaray isbitaal ka dad ka dhimir ka qaba, isagoo inta uu ku sugnaau kuurgalay xaaladaha kala duwan ee ka jira, kulamana la qaatay qeybaha kala duwan ee bulshada, maamulka iyo odayasha.

Waxaa iyana xusid mudan in sanad kan gudihiisa uu maamul ka dagmada uu lahaa hirgalinta iyo dhaqan galinta mashaariicda uu madaxweynuhu dhagax dhigayiyadoo dhawaan la filayo in uu xariga ka jaro mashaariicdii uu horay madaxwaynuhu u dhagaxdhigay ayagoo imminka gabogabo ah.

Madaxweyne Gaas oo booqday degmada goldogob

July 29, 2015 waxaa Olole nadaafadeed ooloogu talagalay in qashinka looga nadiifiyo 4ta xaafadood ee Degmada Galdogob ay ka kooban tahay ayaa waxa uu degmada ka socdaymuddo sadex maalmood ah.

Ololahaas waxaa iska kaashanaya Dawlada Hoose Ee Degmada Galdogob , Hay’adda USAID iyo qaybaha kala duwan ee bulshada Degmada Galdogob.

Hay’adda USIADayaa bixinaysayqalabka lagu shaqaynayo sida , gaari gacamada , badeellada fuustooyinka qashinka lagu guro iyo wixii lamida, Dawlada Hoose Ee Degmada Galdogob ayaduna waxay bixinaysayshidaalka gawaarida qashinka qaadaya,halka bulshaduna ay si iskaa wax uqabso ah ku shaqaynayeen isla markaana ay xirnaayeen funaanado cad cad oo ay ku qornaayeen erayo lagu dhiiragalinayo kor uqaadida nadaafada.

Dhaqaalaha

Wufuud balaaran oo ka kala soctay Puntland iyo Ethiopia ayaa 12 January 2015 soo gaartay Degmadda Galdogob ee Gobalka,waxayna xariga ka jareen Kastam markii ugu horaysay laga hirgelinayo Degaanka Tuurdibi.

Degmadda Galdogob ee Gobalka Mudug waxaa soo gaaray ganacsato kala duwan,waxaana si wayn loogu soo dhaweeyey wafuudi ka kala socotay Puntland iyo dawlad deegaan ka Soomaalida Ethopia.

Mas’uuliyiin ka kala soccota Puntland iyo Ethiopia ayaa markay xariga ka jareen Kastam ka Tuurdibi ka dib waxaa xaflad furitaan lagu qabtay Galdogob oo ay ka soo qayb galeen dawladda Puntland iyo dawlad deegaan ka Soomaalida Ethopia iyo ganacsatada labada dhinac.

furitaankii kastamka Goldogob

Caqabadaha hortaagan dagmada

Dagmada Galdogob oo aad u koraysa ayaan lahayn wadooyin waaweyn oo dhexmara magaalada iyo xaafadaheeda, arrintaas oo ah caqabad ay wax ka qaban waayeen maamuladii soo maray dagmada,odayaasha iyo waxgarad ka magaalada. waana wax aad looga xumaado magaalada inaysan isku dhaafi kari labo gaari. Xiritaan ka wadooyin ka iyo isku qabqabsiga dhul ka ayaa waxay tahay Galdogob mushkilad aan dhammaan oo ay xal u la’yihiin dad ka deegaan ka.

Galdogob waa magaalo ka tirsan gobol ka mudug Puntland, Puntland waa dawlad jirsatay 17 sano oo haykal iyo dawladnimo ay ka jireen, magaalada Galdogob dad ka ku nool waa dad aan wax badan ka fahansanayn nidaam ka dawliga ah waa mushkiladda ay la shaqayn waayeen maamuladii hore ee dagmada soo maray iyo kan hadda jiraba.

Caqabadaha ugu waaweeyn ee maamuladu la shaqayn waayeen waxaa ka mid ah dad ka oo aan ogolayn inay cashuurta bixiyaan, kontorolada magaalada oo ay ka taliyaan malayshiyaad aan ka amar qaadan maamul ka dagmda.

Haddii aan la helin maamul, kala dambayn, haykal dawladnimo, magaaladu waxay u muuqanaysa magaalo fawdo ah oo aan dad keedu u bislayn hormar keeda.

Guul iyo barwaaqo ayaan u rajanaynaa sanadkaan 2016 gacmo wadajir bay wax ku go’yaan.

Mahadsanadiin
Xafiiska xiriirka dadweynaha dagamada Galdogob

Use Facebook to Comment on this Post

FacebookTwitterGoogle+Share

Puntland ma aha inay ka noqoto mowqifkeeda diidmo ee 4.5 W/Q Axmed-Yaasiin Max’ed Sooyaan

$
0
0

Puntland ma aha inay ka noqoto mowqifkeeda diidmo ee 4.5
Axmed-Yaasiin Max’ed Sooyaan
alle_yaqaan99@yahoo.co.uk
Febraayo 8 2016

maqaal3112122-300x3001-300x3004111Qofka mas’uulika ah dareenka mas’uuliyadda waa in laga arkaa, siduu dalka u burburay madaxdii ina soo martay intooda badan bal adigu qiimee, mid iska cayila, oo ma nin, maanta Soomaali mas’uul u ah baa ciyili kara?!…mid lacagaysta oo ganacsi yeesha, Allaah Akbar! xishood darradaas, lacag la soo baryay oo dadkii asalkeeda lahaaba ay ka xishoodeen inay naftooda u cunaan, bal midka aan lahayn ee cunaya ka waran isagoo waliba ka maarmi kara?! Mas’uuliyadd darradaas! Inta dalku burbursanaa madaxdii ina soo martay badankood eedaha iyo dhibaatooyinka laga soo sheego aqoon daro ma ahayn, farsamo xumo ma ahayn, laakiin waxay ahayd mas’uulid daro…wali ma aragtay waxa Beesha Caalamka lagu sheego oo soo saaray war bixin la xiriirta musuqmaasuq iyo xatooyo xoolihii ummadda oo ay sameeyeen madaxda Soomaalida, been ma aha, waayo iyagaa siiyay xoolihii ay Soomaalidaan ugu deeqnay yiraahdeen ama laaluush kalaba, bankiyada lacagtaas la dhiganayana iyagaa iska leh……maxaa intaas ka daran iyagoo sidaas loo ceebeeyay oo maradii ka dhacday bay sarriig la’aan isku sii adkayniyaan inay ummadda hoggaakeeda ahaadaan….laakiin Jawaari madaxiisa Alle ha ka shubo!

Mas’uulka noocaas ah ee raba inuu sidaas ku nolaado ma kula tahay inuu raali ka noqon karo nidaam dowladeed oo wanaagsan, ama aan ahayn 4.5?! nin kasta waa garan karaa jawaabta, ha la i soo doorto hadana yaan layla xisaabtamin, waana sida uu hadda Xasan SHiikh Max’ud qorshaystay, ha la i soo doorto waxaan doonana aan aniga keligay gooyo…..wali waxaa is weydiiyaa bal hal maalin oo uu ummadda ula dhaqmay sidii nin iyaga mas’uul u ah, ka soo bilow maalintii la doortay iyo hadda oo uu xilligiisii gabogabo yahay, Cabdi Faarax SHir-Doon (Saacid) waa la ogaa fool-xumaday ku kala tageen, Jawaari madaxiisa Alle ha ka shubo! Waa ninka dulmiga lagu sharciyeeysto, waana ninkii yiri Saacid ma hadli kartid mudanayaashana sooma hor joogsanaysid waa dacwo waligeed Max’ed Cusmaan Jawaari meel u taal taariikhdana ku qornaan doonta, godob dadka iyo dalkaba ay ka galeen isaga iyo mudanayaashii 4.5ka lagu keenay, waana sabab ka mid ah sababaha uu Xasan SHiikh Max’uud wali uga sabri la’yahay nidaamkaas 4.5ka ah.

Xasan SHiikh Max’uud, waxaa madax-weyne loo doortay 2012 iyadoo run ahaantii siyaasiyiintii markaas joogay oo uu ugu horeeyay madax-weynihii dowladdii ku-meel-gaarka ahayd SHiikh SHariif Axmed aad moodaysay inay isu soo dhowaadeen soona gaaraan heer ay wada fariisan karaan, wada shaqayn karaan, wada hadli karaan, oo ay noqdeen dad saaxiibo ah, ayaa mar keliya si aan laga fiirsan laynoo keeno nin aan la aqoon, fikrad laga haysan, tijaabo aanla soo marin, Xasan SHiikh Max’uud, maxaan ka dhaxalnay inuu maanta yiraahdo si aniga laysoo doorto 4.5 waa in nidaamka dowladeed ee dalka uu noqdaa, waase hadii laga yeelo! Waa nidaam uu ku soo caano maalay, Cabdi-Wali SHiikh Axmed oo ah ra’sal wazaarihii dalka ayaa waziir ay Xasan Shiikh Max’ud saaxiibo ahaayeen/yihiin Faarax Cabd-ul-Qaadir Max’ed ka bedelay wazaaradda Cadaaladda iyo Dastuurka isagoo aan ka eryin golaha waziirrada una bedelay wazaaradda Xannaanada Xoolaha haddee maxaa dhacay?! Waa la ogaa Jawaari oo isagu malaha kursiga uu ku fadhiyo u haysta inuu Xasan SHiikh siiyay oo aan u haysanba inuu codka ummadda meesha ku yimid ayaa isna sidiisii la soo saftay ilaa ra’iisal wazaarihii sidaas xilkiisii ku waayay!….waa nidaamka 4.5 nidaamka dalka iyo ummadaba u garba duubay Xasan SHiikh Max’ud iyo saaxiibkiis Max’ed Cuthmaan Jawaari, waa nidaamka dowladnimadeenii iyo sharaftii ummadda Soomaaliyeed loo soo maray walina niman dan gaar ah leh ay rabaan inay innagu hayaan.

Waxaan aad uga xummahay in SHiikh Axmed Madoobe uu yiraahdo wax Beesha Caalamka loogu yeero baa innagu qasbay inaan oggolaano nidaamka 4.5, SHariif Xasan SHiikh Aadan madax-weynaha Koonfur-Galbeed isaga horay buu u sheegay inuu isagu sidaas door bidayo, Cabdi-Kariim Xuseen Guuleed markiisii horaba arrintiisa oo dhan baa waxay ku dhisnayd “Allow Xasan SHiikh Xoolaha u Kordhi Aan Ka Xoogsanee” marka dhammaan haddii aad dheb u qeex is tiraahdo nimanka hor ordaya in nidaamka 4.5 dalka ku sii jiro waxaa kuu soo baxaya inaysan dan ka lahayn waxa dadka iyo dalku u baahanyihiin dano shakhsiyadeedna ay u xisheen, waxaana u malayniyaa Cumar Cabd-Rashiid Cali SHar-Ma-Arke in asagana ay qasabtay waxa Beesha Caalamka loogu yeero.

Calaamadaha qofka Xil-kasnimmadiisa ku tusi kara waxaa ka mid ah inuu qofku wax ka tag leeyahay, inuu markuu gefo garowshiinyo ka bixiyo, waa labo calaamadood oo an wali lagu arag madax-weyne Xasan SHiikh Max’uud, khilaaf kasta oo isaga iyo siyaasiyiinta dhex marayna haddii aad dib u jaleecdo waxaad arkaysaa ama ha khaldanaado ama ha saxnaado (maba xasuusni mar uu saxnaa hadaysan aqristayaasha ii sheegayn) inuu ku soo dhammaaday in lagu kala adkaaday, tii waxaa u dambaysay maamulka loo samayniyo SHabeelaha-DHexe iyo Hiiraan, odayaashii reer Hiiran oo wixii uu waday oo dhan ka hor yimid buu Jawhar shir maqaar saar ah ku qabanayay, laakiin maanta nidaamkaan cayda ah ee 4.5 Puntland inay ka yeesho ma aha, goa’aankaas wuxuu runtii hiil u yahay qaranimo Soomaaliyeed.

Waxaan aad ula yaabay hadal uu Kismaayo ka jeediyay ninka la yiraahdo Michael Keating oo uu ku yiri “ ….Anngu waxba talo ah kuma lihin samaynta nidaamka siyaasadeed ee Soomaaliya, haba yaraatee, run ahaantii waxba talo kuma lihin, haa laga yaabo 20sano ka hor inay taas dhici jirtay, laakiin maanta waxaan taageerayaal keliya…..” Af-kala-hays iyo amakaag! Laakiin Nicholas Kay taas inooma sheegin wax kastana isagaa karkarinayay!….tan kale SHiikh Axmed Madoobe sababta ugu weyn ee uu u oggolaaday inuu taageero nidaamkaas waxaa ugu muhiimsanaa cadaadis iyo handadaad uga timid Keating iyo saaxiibbadiisa magacyada badan, oo isaga Xasan SHiikh Max’ud iyo ragga la socda barasho isaguma laabnayn. Runtii waa dhibaato iyo dib-u-dhac aad u weyn waxa ay ka shaqeeyeen Michael Keating iyo saaxiibadiis, waan qorshe wali lagu dhibaataynayo jirtaanka qaranimmada Soomaaliya, waana arrin u baahan in ummadda Soomaaliyeed ay si wada jir ah uga hor tagto, waana in shacabka Soomaaliyeed gartaa danaha ka dambeeya, waana inay gartaan dalka inay iyagu leeyihiin, danta burburaysana inay tahay dantooda iyo aayha Jiilkii 3aad ee hadda dhashay ilaa iyo intii uu dalka burburay.

Dowlad goboleedka Puntland iyo shacabkeeda waxaan ku dhiiri gelinayaa inay go’aankaas ay qaateen ee wadaniyadda ah, ee u adeegay aayaha qarankii Soomaaliyeed, ay ku adkaystaan, waxaan sidaasoo kale aan shacabka Soomaaliyeed ku baraarujinayaa inaysan talada ka hoosan, oo ay taageeraan mowqifka shacabka iyo maamulka Puntland, waxaana haboon in shacabka inay meesha loo guurayo ay iyagu tilmaamaan oo ay iyagoo isku kalsoon talada dalka kaalintooda ka muuqataa. Shacabka wax ka qarsoon ma jiraan, wax idinka qarsoon oo talo ahaan xaaladda khatarta ah ee dalkiinu ku suganyahay aad cid kale marti ugu noqotaan ma jirto, maalin kasta oo uu sii jiro nidaamka 4.5 waxaa sii kordhaya kala fogaantiina, waxayna fududaynaysaa in colaad dhexdiina cid kasta ka abuurto….Diida 4.5, una istaaga nidaam dowladeed oo dhidibo adag iyo inaad Qaranimadeenii soo ceshano.

Axmed-Yaasiin Max’ed Sooyaan
alle_yaqaan99@yahoo.co.uk

Use Facebook to Comment on this Post

FacebookTwitterGoogle+Share

Magaalada Galdogob ee gobol ka Mudug oo soo gaaray Wafuud ka socota Qurbajoogta Galdogob [Sawirrro]

$
0
0

1

Maalmahan danbe waxaa ku sugnaa degmada Galdogob ee gobol ka mudug qaar ka mid ah jaaliyadda ka soo jeeda degmada waxayna u yimaadeen degmada u kuur galka xaaladaha degmada iyo deegaanada hoosyimaada.

Xubnaha jaaliyadda ka socday iyo qaar ka mid ah golaha deegaan ka degmada Galdogob oo uu hogaaminayo gudoomiyaha degmada Xasan Farax (Ayaxle) iyo ku xigeen kiisa C/risaaq Tooxyare ayaa waxay booqasho ku kala bixiyeen xarumaha ay ka socdaan adeegga bulshada sida isbitaal ka Galdogob General Hospital, iskuul ka hoose/dhexe iyo sare ee Galdogob school, Xarunta cusub ee dawladda hoose ee degmada, guriga hooyooyin ka iyo garoon ka kubadda cagta oo si casriyaysan loo dhisay.

Waftidigaan oo isugu jira jaaliyadda iyo xubno ka mid ah golaha deegaan ka degmada ayaa markay gaareen isbitaal ka Galdogob General Hospital waxaa si weyn ugu soo dhaweeyey agaasimaha isbitaal ka Maxamed Cabdullahi asago oo qayb walba oo ka mid ah isbitaal ka geeyay waftiga kana siiyay warbixin dhinacyo badan taabanaysay sidoo kale waxaa ayana dhan kooda ka hadlay qaar ka mid ah jaaliyadda waxayna sheegeen inay ku faraxsanyihiin inuu isbitaal ku gaaray hormar la taaban karo waxayna dhankooda ballan qaadeen inay ka qayb qaadan doonaan wixii kaga aadan wax u qabashada isbitaal ka.

Sidoo kale waftigan waxay booqdeen xarumaha cusub sida xarunta dawladda hoose, xarunta hooyooin ka iyo garoon ka kubadda cagta waxaan warbixin tafaftiran ka siiyey gudoomiyaha degmada Xasan Farax maxamed (Ayexle) hadallo ubadnaa soo dhaweyn iyo mahadcelin kadib waxaa uu sheegay dadaal iyo juhdi dheer kadib inay ku guulaysteen xarumahan, waxaa uuna sheegay lacag dhan $450,000(afar boqol iyo konton kun oo dollar) inay ku baxday.

Waxaa ayana dhankooda boogaadiyey gudoomiyaha iyo shaqada wacan uu u hayo bulshada, afhayeen u hadlay jaaliyadda wuxuu uga mahadceliyey dhamman dadkii soo dhaweeyey oo u horreeyo gudoomiye Ayaxle iyo kuxigeen kiisa Tooxyare asagoo oo qiray inay indhahooda ku soo arkeen hormar badan oo dhan walba ah sida caafimaadka, waxbarashada iyo amniga.

Gabagabadii waxaa la islaqaatay in wada shaqayn rasmiya ay yeeshaan jaaliyadaha deegaan ka iyo maamul ka degmada.

1817131415191011951341216
24
23
22
21
20
7
8
6
4
3
2

Use Facebook to Comment on this Post

FacebookTwitterGoogle+Share

Bishaaro Bishaaro: Shirkada Isgaarsiinta Golis oo Qiimo Dhimis Balaaran ku Sameysay Adeega Internetka Mobilka Laga Isticmaalo.

Ogeysiis: PUNSAA oo shaqo ka Banaan

$
0
0

Job Description

Title: PUNSAA Program Coordinator

Location: Garowe

Reporting to: PUNSAA Executive Director

Key relations: Thematic Working Groups

PUNSAA Board of Directors

PUNSAA Secretariat

Safer-world Somalia Program Team

Duration: 12 months

BACKGROUND:

The Puntland Non-state Actors Association (PUNSAA), was formed in 2008 to provide a forum through which Puntland non-state actors (NSAs) can participate in and influence policy and decision-making processes at local, state, regional and international levels. PUNSAA brings together a wide range of non-state actors from across the regions of Puntland including non-governmental organizations, community-based organizations, business associations, and different categories of professionals, such as teachers, lawyers and doctors. Through its work, PUNSAA provides a venue in which people can debate views and organize themselves to promote shared objectives and values. PUNSAA helps citizens to raise their voices to be heard and to be participated in political arena and to make government more accountable. By doing so, the Platform complements and works closely with representative bodies such as Parliament, International Non-government Organizations (INGO), local Non-government Organizations, Community Representatives and News-Media quarters, etc.

Duties and Responsibilities:

The Program Coordinator shall among other duties, assume the following responsibilities;

  • Organize meetings with various internal (PUNSAA members) and external actors in and outside Puntland.

  • Implement and/or facilitate workshops, forums and consultations and dialogue exercises under taking by the PUNSAA

  • Assist in the development and implementation of a range of awareness raising and training activities for representatives from distinct NSA groups, government and donors

  • Contribute to the development and implementation of PUNSAA’s internal organizational development, policy dialogue and advocacy strategies.

  • Assist in the development of concept notes, implementation strategies and the corresponding budgets.

  • Set the agendas of the ordinary and extraordinary BoD and GA meeting

  • Conduct re-mapping exercises on the various NSAs/civil society groups in Puntland

  • Interface and collaborate with relevant non PUNSAA civil society representatives, government and donor community (particularly European Commission) to address the identified gaps timely and accordingly.

  • Develop public awareness materials and training manuals for TWGs in Puntland.

  • Carryout trainings on the respective thematic areas to the TWGs

  • Facilitate and document broad based public consultation meetings in the Nine regions of Puntland.

  • Lead, advice and facilitate all activities that TWGs are undertaking, and ensure all activities and plans are contributing to PUNSAA’s advocacy strategy

  • Ensure that the TWGs, secretariats and PUNSAA members have enough understanding on thematic areas status in Puntland and help to develop their strategies and action plans.

  • To carry out any other assignment that the executive director and/or chairperson reckon necessary.

  • Prepare monthly, quarterly progress reports and submit to the PUNSAA Executive Director in a timely manner.

  • To ensure that accurate and well written records of meetings and processes are kept and distributed to relevant actors.

  • With the support of the secretariats and the EWG/AWG the Program Coordinator will produce a final synthesized report in the last month of the project duration.

  • To assist thematic working groups to provide feedback to PUNSAA constituency organizations on PUNSAA thematic areas policy positions.

Competence

  • Ability to conduct results-based management and reporting;

  • Builds strong relationships with clients, focuses on impact and result for the client and responds positively to feedback;

  • Consistently approaches work with energy and a positive, constructive attitude; Demonstrates good oral and written communication skills;

  • Actively works towards continuing personal learning and development;

  • Demonstrates openness to change and ability to manage complexities;

  • Leads teams effectively and shows mentoring as well as conflict resolution skills;

  • Remains calm, in control and good humored even under pressure.

Requirements (Qualifications competences and Experience):   

  • Bachelor degree in Social Science, plus a minimum five years of relevant experience in the field of the civil society organizations and associations – work experience in conflict or post-conflict areas in Somalia – is an asset.

  • Demonstrated experience working with government and development partners in human development undertakings;

  • Familiarity with the situation in Somalia – political, socio-economic, government and research – would be an added value;

  • Demonstrated experience in qualitative and quantitative analysis as evidenced by types and scope of research studies, surveys, assessments conducted and reports prepared;

  • Computer skills in quantitative and qualitative analysis would be an asset;

  • In-depth knowledge of local conditions and developments in Somalia;

  • The candidate must have good team working skills.

  • Actively works towards continuing personal learning and development.

  • Demonstrates openness to change and ability to manage complexities,

Language skills:

  • Fluent Somali and English proficiency both oral and writing

How to apply:

PUNSAA is committed to achieving workforce diversity in terms of gender and culture. Individuals from minority groups and persons with disabilities are equally encouraged to apply. All applications will be treated with the strictest confidence.

To apply:  Please email covering letter detailing how you meet the selection criteria along with your CV to this e-mail address: punsaarecruitment1@gmail.com. Please do not attach any of your other supporting documents unless asked by the Panel.

Deadline for applications: 19th February 2016 12:00 am

Only shortlisted candidates will be contacted.

Thank you

END

Use Facebook to Comment on this Post

FacebookTwitterGoogle+Share


Xawlaadda Al Amal

DAAWO: Dood ku Saabsan 4.5 oo ay kawada qeyb qaateen Prof Xirsi Muuse Boqor iyo Wasiir Dowlihii Hore ee Amniga Puntland Eng Maxamed Maxamuud Cali (Godane)

Gaas daacadda waxaa uga dhow Sharmarke! W/Q Cali Soomow

$
0
0

Gaas daacadda waxaa uga dhow Sharmarke!
Cali Soomow
calisoomow@yahoo.com
Febraayo 24 2016

maqaal3112122-300x3001-300x300411113-300x300-300x3001112Waa isma dhaanto iyo dhasheed Cabd wali Gaas iyo Caumar Shamarke, Sida ay isugu egyihiin dhab ug fiirso, dabeecadana kaba daranba, Cumar wuxuu ku leeyahay “dowladda untand shirka waa joogtaa madaxweynaha waa ku cudur daartay laakiin wasiiro ayuu soo dirsaday!!” bal beentaas mase waa run, waxaan qiyaasiyaa inay been tahay, sababtoo ay tahay puntland federalka heshiis maba aha, mise Xasan Maxamuud iyo gaas baa hoos iskala socda oo annagaa layna siray, Cabdi wali Gaas muxuu hadalkaas shib uga yahay oo uga jawaabi waayay, ma u malaynee in nimankaas iska war haayaan oo anaga been laynoo sheegaayo?! Laakiin iyada nafteeda arrin shaki keeni karto ma ahoo sida uu uhadlay wasiirka dhalinyarrada iyo sport-iga Puntland oo wuxuu yiri “ waxay ahayd shirka inuu madaxweynaha yimaado laakiin wuu ka baaqday, wuxuu shirka u imaan waayay safar buu aday.’ Oo taas macnaheedu muxuu yahay, war maxaa hadal cad u diiday nimankan, war ma baqayaan nimanku, ku dar midkaan xun ee wasiirka sportiga isku sheegaaya, “Qaadacaad macne kale ayeey samayn kartaa!” war ileen adduun nin aan balaayaba waligiis arg baa ku oran balaayaan arkay, bal naftaas yar muxuu qarinayaa, muxuu eed uusan lahayn dusha u saaranayaa, muu si fudud u yiraahdo anigu waxaan kuu xaqiijin karaa annaga iyo dowladda federalka inaan hadda waxba inna dhexeyn, been in dadka loo sheego ayeey gaas iyo sharmarke heshiis ku yihiin.

Sharmarke si waa uga daacadsanyahay Gaas, oo labda nin waa laba liidata laakiin waa kala daranyihiin, Sharmarke usagu warkiisa waa cadyahay oo wuxuu innogu soo bareeray dagaal iyo colaad, laakiin midkaan nala yaal ee magaca qabiilka inagula jooga, laakiin markuu is rogaba aad leedahay maxaa ka soo yeeri doona?! Hadalkiisa oo dhanna uu yahay waan hadlayaa laakiin yaan la i fahmin, alla show waxay cuneen iyo laaluushka ay qaateen weynaa, show maxaa ceeb soo socda?! Laakiin hadii aan beeraleey nahay waxan ku maahmaahnaa “Aw Tuugow, hee Gurbaan aa xadidee intee hee ku tumee!” hadda laaluush qaata, telephone hoos ugu hadla, laakiin Puntland dadkeeda dhex jooga nina ma baryeyso xoogna wax looga qaadi mayo.

Shakiga ugu weyn waa sida Cumar Cabdi rashiid iyo Xasan Max’ud aysan waxba uga soo qaadin diidmada puntland iyo qaadacaadda 4.5, taas waa iska maan gaabnimmada Xasan Sh.Maxmuud oo caqligiisa u haysta qofka wax diiday inuu Gaas yahay rumaysana inuu ka noqon doono, siduu ku riyooniyana marka la doorto isaga marti qaada David Cameron ninka muxaafadka kibirka badan ee dhaca xoolaha dadow ku naaxay, markaasn ay labadooda xarrigga iskala jaraan mashruuca barista macdanta Soomaaliya, gabar wax jecel xataa sidaas uma riyooto! Gaas ma kula tahay inuu rabo dulaal inuu ka noqda arrintaas, wax kasta wuu dhiibi lahaa laakiin shacabkii baa soo jeeda caruur iyo ciroole, oo diiday in danaha Soomaaliyeed calooshood u shaqaystayaal uu Xasan Shiikh Maxamuud madax u yahay guumeyste hoos geeyaan, ee ma aha sida ay dadka qaarkii qaateen in siyaasiyiin iyo Balamaanka Macaan Jecelka ah ee Puntland ay arrintaan hor istaageen.

Turkiga wuxuu doono Xasan ha siiyo, wax cusub ma aha in maalin kasta dowlad dan leh ay qaarkeen isticmaasho oo lacag geliso, oo hubayso, waa wax aan iska baranay, Itoobiyaan aragnay oo ognahay inay burburkeena iyo baab,een keliya dalka u joogta maalin kastana qaarkeen hubaysa, Djabuuti baan aragnay oo waliba la leeyahay Soomaali baad isla tihiin oo rabta geerideena iyo dilkeena inay dulaal ka noqoto, marka Turkiga waxaad moodaa inuu ka soo daahay suuqaan furan, inkastoo aan ka xumahay oo aysan joogin niman macne leh oo shaxda la cayaari kara, mase Xasan Sh. Max’ud, ninkii baqtiga u rukuucayay baa shaxdaas fahmi kara, isumaba haysti inuu wax yeelan karo, dalka aad aragtay sida loogu soo qamaamayna madaxnimuu u sheeganayaa.

Shacabka puntland waxaan leeyahay, sida Gaas yiri 3 idinma furna, waxaa idin furan hal, oo muxuu yahay Soomaalinimo, taasoo ah inaan dowladnimadeena lagu salayn qaab beeleed noocuu doonaba ha ahaado magacuu donaba ha lahaadee, Michael Keating, wax buu iska dhaadhiciyay laakiin yaan laga yeelin, sida doqonimmada ah ee uu u fekeray waxay tahay waa markii ugu horeysay ee aad wax go,aamisay marka haddii aad ka noqotid waa ceeb ee xoog iyo qasab ku meel mari, waxaa kale oo uu ogyahay in haddii sida uu hadda u ololeynayo ay arrintu ku dhamaato inay Xasan Shiikh Maxmamuud mar kale xukunka ku soo celin karaan wixii ay doonaanana iyagoo adeegsanaya isaga ay dalka ka samaysan karaan, marka Michael Keating waan ognahay oo askar tiro badan oo Ingiriis ah Muqdisho waa ay joogaan, laakiin is xuuxin mayno, dalka Soomaaliya waa loo dhimanayaa, in kasta oo aan qaran jabay nahay hadana quursi yeeli mayno, qab nin kalana qaadan mayno.

Soomaaliya Ha Noolaato Puntland Ha Noolaato

Wa bilaahi towfiiq

Cali Cilmi Soomow

Use Facebook to Comment on this Post

FacebookTwitterGoogle+Share

XOG: Axmed Ciise, safiirka Soomaaliya ee Washington oo lagu wado inuu Puntland ku qanciyo 4.5

$
0
0

axmad ciise cawadIstanbul (RBC Radio) Sida aan ka soo xiganay ilo ku sugan mgaalada Istanbul ee dalka Turkiga, isla markaasna ka mid ahaa wafdigii dowladda ee uu madax-weyne Xasan Shiikh Max’ud hor kacayay ee ka qayb galay shirkii Soomaalida loogu qabtay magaaladaas, madax-weynaha ayaa Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Maraykanka, Axmed Ciise Cawad u xil saaray inuu madaxda iyo shacabka Puntland ku soo qanciyo inay ka tanaasulaan go’aanka ay ku diideen in wax lagu qaybsado nidaamka 4.5 ee ku salaysan beelaha, warkan ayaa intaas ku daraya in safiirka oo dabayaaqadii shirka ku soo biiray wafdiga dowladda oo ku hor mari doono isla markaasna uu gogol xaar u sii samayn doono wafdi balaaran ee sida lagu wado uu hor kacayo madax-weynaha madaxweyne-gaasXasan Shiikh Max’ud, oo doonaya inay Puntland kala xaajoodaan arintaas, warkan ayaa si cad loogu sheegay in Axmed Ciise loo soo dhiibay lacago iyo barnaamij loogu talo galay in lagu kala qaybiyo mowqifka Puntland ee ku aaddan arrimaha ay isku hayaan dowladda federalka.

Isla warkan ayaa lagu sheegay in booqashada madax-weynaha iyo wafdigiisa oo ku beegan marka uu soo laabto madax-weynaha Puntland, Cabdi wali Max’ed Gaas oo hadda dalka Maraykanka ku yimid booqasho gaaban oo uu ku soo gaaray qoyskiisa. Madax-weyne Gaas, oo February 22keedii soo gaaray dalka Maraykanka ayaa waxaa gigada diyaaradaha ee magaallada Washington ku soo dhoweyay safiirka Soomaaliya u jooga dalka Maraykanka Axmed Ciise Cawad, kaasoo madax-weyne Gaas iyo wafdigii la socdayba dejiyay hotel dalxiisayaasha loogu talo galay ee The Ritz Carlton, Axmed Ciise Cawad oo isla saacad iyo afartan shan daqiiqo ka dib soo Xassan Sheekhdhoweyntii Gaas u amba baxay magaallada Istanbul oo looga yeeray ayaa inuusan ka dhoofin Washington shir albaabada u xiranyihiin la qaatay madax-weyne Gaas iyadoo warar aan sugnaynna ay sheegayaan inuu wada hadalsiiyaya isaga iyo madax-weyne Xasan Shiikh Max’ud.

Axmed Ciise Cawad oo uu la socda taliyaha waaxda Socdaalka Soomaaliya Gen. Cabdullaahi Gaafow, ayaa bishii December 2015kii soo gaaray magaallada Minneapolis ee gobolka Minnesota, waxaana jiray warar horay u soo baxay oo sheegayay in Axmed Ciise Cawad uu kulan gaar ah la qaatay wax-garadka iyo odayaasha jaaliyadda Puntland ee ku dhaqan Minneapolis isagoo markaas ka codsaday inay gacan siiyaan una ololeeyaan sidii mar labaad dib loogu soo dooran lahaa madax-weyne Xasan Shiikh Max’ud.

__
RBC Radio

Use Facebook to Comment on this Post

FacebookTwitterGoogle+Share

Xaflad: Daryell Fundraising Maarso 12 2016

Viewing all 82 articles
Browse latest View live