Quantcast
Channel: Somali RBC Radio » Bashiir Yuusuf
Viewing all articles
Browse latest Browse all 82

Horumarka iyo halbeegyada lagu cabiro. W/Q Cabdikariin balowbalow (caynte)

$
0
0

Horumarka iyo halbeegyada lagu cabiro
Cabdikariin balowbalow (caynte)
cabdicaynte@gmail.com
Sept 16 2015

Cabdikariim Balowbalow Caynte

Cabdikariim Balowbalow Caynte

Inbadan waxaa dhagaheena ku dhaca erayga “horumar” ama wadamada horumaray. Hadaba waa maxay horumar?. Maxayse wadamada horumaray kaga duwanyihiin kuwa aan horumarin? Maxaa ka caawiyay wadamada horumaray inay heerkaas gaaran? Maxaase udiiday kuwa aan horumarin inay horay usocdaan?. Kuwaani waa suaalo ku lifaaqan inaan qeexno micnaha erayga horumar ama aan tooshka ku`ifino farqiga udhexeeya horumar iyo horumar la`aan. Hadaad dib umilicsato tariikhda wadan walba waxaad arkaysaa marxalado kala duwan ee uu wadankaasi soomaray, dagaalo iyo colaado, gumaysi, xoriyad doon, iyo hanosho madaxbanaani oo intuba midkasta waqti qaatay. Hase ahaatee wadan baa dadkiisu ka faaidaystaa awoodaha iyo khayraadka kala duwan ee ALLAH (SW)siiyay .wadamana kama faaidaystaan ee khilaaf iyo colaado ayay baaqi ku ahaadaan.

Erayga “horumar” wuxaa lagu qeexaa micnoyaal faro badan, waxaanse kasoo qaadanaynaa labo kamid ah micnayaashaas: 1.” Harumarku waa in si isdaba jooga loo isticmaalo aqoonta sayniska iyo tan farsamo si loo gaaro ujeedooyin cayiman”. 2. “Horumarku waa hab lagu badalo dhaqaalaha iyo arimaha bulshada taasoo ku salaysan halbeegyo dhaqan iyo kuwo deegaanba”. Hadaad dhuuxdo labada qeexitaan ee aan soo sheegnay waxaad arkaysaa in horumar aan lagaaari Karin hadaf iyo ujeedooyin cayiman la`aantood. Waa muhiim inuu jiro hiraal meel fog ka bidhaamaya kaasoo aan lagaari Karin in marka hore lagaaro ujeedooyin kasokeeya maahane. Horumarku waa tilaabooyin isku xiran kuwaasoo midba mid kuu dhiibayo laakin maaahan shaqo mar laqabto oo halkaas lagu dhaafo. Tusaale, hadii wado laami laga dhigo maahan in wadadaas shaqadeedii dhamaatay laakiin waxay ubaahantahay dibu habayn joogto ah oo meeshii jabtaba dib loo kabo.

Heerka horumarka ee wadan walba waxaa saameeya dhowr garab kuwaas oo kala ah: taariikhda, dhaqaalaha, siyaasada, arimaha bulshada iyo bey`ada wadankaas. Kuwaani waa qaybo isla xiriira kuwaasoo ay adagtahay si lookala saaro, midba midka kale ayuu ku xiranyahay oo mid kaligiis meel istaagi kara majiro laakiin waxay ubaahanyihiin siyaasad furfuran oo hooyo unoqota kuwa kale ( taariikhda, dhaqaalaha, arimaha bulshada iyo bay`ada).

Wadan walba wuxuu leeyahay sooyaal, hidde iyo dhaqan ugaara. Kaasoo markii dib loo raaco taariikhda laga dhex helayo jiritaanka umadaas, dhaqashadoodii iyo dhaqanka ay lahaayeen.tani waxay kuu sahlaysaa inaad fahanto waxay umadaas jecelyihiin, xiriirka iyo darisnimada, xushmadda iyo wada shaqaynta iyo dabeecadaha kala duwan ee ay yeelan karaan. Sidoo kale xoogsiga iyo shaqooyinka ay ku wanaagsanyihiin ayaan ayaguna meesha ka maqnayn.hadaba inaad dib ujaleecdo khibradna ka qaadato sooyaalkii wadanka waxay qayb libaax ka qaadanaysaa horumarka iyo hiigsiga hiraalka aad cabiratay adoo usii maraya ujeedooyin kasokeeya. Iyo inaad iska ilaaliso caqabadihii horey kuusoo wajahay iyo marinkii aad uga leexan lahayd haday markale kugu yimaadan.

Micnaha erayga siyaasad waa “ilaalinta arimaha bulshada lagu ilaasho wadada saxda ah”. Tan waxaa soo hoos galaya dhamaan gudashada waajibaadka dowlada kasaaran arimaha bulshada, iyo yagleelida hay`adaha kala duwan ee dowlada iyo in hay`ad kasta gudato shaqada loo asteeyay. Si taas loo helo waxay ubaahantahay hogaamiye sax ah, markaan leeyahay hogaamiye sax waxaan ula jeedaa hogaamiye leh astaamihii hogaaminta. waa in hogaamiyuhu ku yimaada rabitaanka shacabka laakiin uusan ku imaan jeebkiisa iyo dano dadkale leeyihiin, waana inuu noqdaa shakhsi ka fakaraya danta umadda iyo dalka ee uusan ahayn shakhsi kafakaraya dantiisa iyo danta shakhsiyaad asaga ku meegaaran. Markii hogaamiyahaaas lahelo, asaguna uu layimaado siyaasadii uu ku hogaamin lahaa dalka, dadkuna uu raali uga noqdo, markaas ayaa lagaari karaa, yoolka iyo hiraalka loo socdo.

Dhaqaaluhu wuxuu sitoosa uga turjumayaa nolosho umadaas wuxuuna sawir ka bixinayaa heerka kobaca uu sameeyo wadanku iyo dibu dhaca haduu jiro. Kobcinta dhaqaalaha wadanka oo lagu dadaalo waxay sahlaysaa yaraanshaha fakhriga iyo macluusha. Waxaana muhiima in kobaca dhaqaaluhu uu siyaado sanadba sanadka kuxiga taasoo umuuqanaysa in mustaqbalka wadanku sii wanaagsanaanayo sanadba kan ka dambeeya. Waxaana dhaqaalaha lagu kobcin karaa in dowladu udajiso siyaasad lagu horumariyo dhaqaalaha, waa in dowladu samaysaa shaqo abuur dhamaan qaybaha kala duwan ee bulshada, islamar ahaantaasna ku dadaashaa kor uqaadida kaabayaasha dhaqaalaha sida wadooyinka, isbitaalada, goobaha waxbarashada iyo ilaha dhaqaalaha.

Ugu dambayntii, bey`ada oo looga faaidaysto sida saxda ah, waa bud-dhigaha kobcinta dhaqaalaha iyo horumarinta. Deegaanku wuxuu kamid yahay sadexda shay ee hadii laga faaidaysto saldhig u`ah horumar oo dhan Waa ( dhulka, dadka iyo waqtiga). Maskaxda dadka oo latuujiyo lagana soo saaro afkaar waxtarle iyo adeegsiga aqoonta ayaa looga faaidaystaa dhulka ay haystaan. Laakin hadii umadaas xirfadooda iyo aqoontoodu yartahay waa adagtahay inay ka faaidaystaan khayraadka ku jira dhulka ay daganyihiin, waana sababta keenta in dad kunool dhulka aduunka ugu khayraadka badan gaajo lajiifaan duleedka xeebaha iyo wabiyada dureeraya.

Use Facebook to Comment on this Post

FacebookTwitterGoogle+Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 82

Trending Articles