(Galdogob Sbteembar 21 2015) Waxaa magaalada Galdogob ka bilowday shirar ay si khaas ah usoo abaabuleen dad lagu sheegay in ay yihiin odayaal dhaqameedyo.
Shirarka ay kooxdaas ka wado halkaas ayaan laga talo galin hogaamiyaasha beelaha leelkase ee Gobolada Bari, Gardafuu iyo Nugaal.
Wararka waxa ay sheegayaan in kulan lagu balansanaa oo ay beesha siyaasiyiintooda kula kulmi lahaayeen Madaxweynaha Puntland la marin habaabiyey.
Injineer Cabdulqaadir Muuse oo kamid ah waxgaradka Gobolka Mudug ayaa Raxanreeb u sheegay shirarka laga wado Galdogob ay wajiyo badan leeyihiin oo aysan wax shuqul ah isku laheyn.
Waxa uuna hadalkiisiii ku bilaabay
Waxaa magaalada ka socda 2 shir ama laba wada tashi oo iila eg in ay iskuba lid yihiin.
Kan koowaad oo ugu Muhiimsan waa arinka Ugaaska Guud.
Maadaama Ugaaskii Guud ee beesha AUN Ugaas Axmad uu geeriyooday waxaa hada jira ama socda kulamo ama dadaal lagu doonayo oo looga arinsanayo qofka ay beesha u duuban doonto Ugaaska Guud waxaana hada ku sugan degmada wiil uu dhalay AUN Ugaas Axmad iyo dhowr caailadiisa ah oo dibada nooga timid.
Waxaa kaas hareer socda shir si qaab daran ay u wadaan niman niman daba taagan oo la doonayo in lagu kala jabiyo isku duubnida beesha oo waxa ay iila ekaatay arinkii foosha xumeyd ee ay Maxamuud Ugaas, Suldaan Juunle, Subeyr kawada sameeyeen Magaalada Muqdisho kolkii lasoo xulayey Xildhibaanada Fedraalka hadii sida ay wax u socdaan hada loo aado Garoowe waxa laga filan karo ay tahay wixii xamar kasoo baxay sidii loogu kala fogaaday in si kasii weyn loogu kala fogaan doono.
Isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu yiri xagee lagu arkay odayaal dhaqameed ama nabadoono iyo Siyaasiyiin iyo mutacaliimta Puntland hada hogaamiya ay kawada hadlaan siyaasad iyo wixii la halmaala.
Wariyaasha Raxanreeb oo hada ku sugan Magaalooyinka Gaalkacyo, Bursaalax iyo Galdogob waxa ay baaritaan ka wadaan
1- Yaa hanan kara ama u qalma Ugaaska guud ee Beesha Leelkase?
2- Maxaa qaldan sidee ay wax u qaldan yihiin Yaase wax qaldaya?
3- Yaa marin habaabinaya kulanka lagu balansan yahay ee Madaxweyne Gaas?
4- Maxaa looga gol leeyahay Mara habaabintaas?
5- Gudi ku sheega Maxamed Cali, Generaal Axmad Taajir, iyo Cabdiwali Qurux ay hogaamiyaan maxaa loo hareer maray.
Yaase Burburinaya? Ma dhexdoodaa mise …..?
6- In beesha wax u wada hagaagsamaan maxaa loo diidan yahay, Yaase diidan?
Waxaa wararkeena uga hadli doonaa qodobada soo socda.
Malyuun Cali
Malyuuncali@gmail.com
@malyuuncali