Seddex sano ka dib DF ma garan doontaa waajibaadkeeda
Axmed-yaasiin Max’ed Sooyaan
alle_yaqaan99@yahoo.co.uk
Sabteembar 24 2015
Maashaa Allaah! Idankii Alle bay ku ahaatay shalay xujaydii Carrafo ayeey taagnaayeen, maantana waa Gowricitaankii weynaa!….Xujaydana intooda badan ama ha ku waajibto ama yeeysan ku waajibin Alle daraadii bay u gowracayaan, sidaas oo kale muslimiinta meel ay joogaanba iyaguna Alle daraadii iyo weynayntiisa bay u gowracayaan!….Ciid Mubaarak!….
Waagay Soomaaliya qaranka ahayd!….oraahdaydu waxay ku salaysantahay waxa maanta jira ee yaala Soomaaliya, waxaan garanayaa marka Ciid la gaaro iyadoo udxiyo la gowraco oo hilbaha cayriinka loogu qaybiyo xaafadaha deriska ah, oo aan maalintaas cidna kawaanka (Xero-DHiigta) hilbo ka soo gadan!….Allaahu Akbar!…..waxaan garanayaa iyadoo xaafadaha laysu socdo oo dadka qaraabo iyo asxaab laysu soo booqdo, caruuro si xarrago ah loogu soo labisay ay meel kasto damaashaadayaan iyagoo koox-koox isula socda…magaaladana muuqaalkeeda waxaa bedeli jiray oo bilic aysan lahayn u yeeli jiray muuqaalka farxadda badan ee mujtamaca iyo dabbaal degga weyn ee maalintaas iyadoo uusan qofna ka walaacsanayn ammaankiisa oo dhoolo cadayniyo ayaa gabbalku u dhici jiray!…..
Ciidda maanta quruxda ugu weyn ee ay yeelan karto waa iyadoo la quudiyo qaxootiga ka yimid dalka Yemen ee isugu jira kuwa reer Yemen iyo Soomaalida…..waa iyadoo dadka Bara-Kacayaasha ah iyo caruurahooda ay dherggaan ilmahoodana la dareensiiyo inaysan waxba dheerayn kuwa guryahoodii jooga, waa iyadoo ay dareemaan xuquuqdooda wadaninimo iyo ammaan…Ammaan?!
Ammaanka!… ammaankee?! …inta ciidu socoto waa arki jiray ilmo yar oo mid kale uu buufin ka dafay, ama ay isku qabsadeen hadiyad la wada siiyay oo dirira ama murma, hasa yeeshee ammaanku wuxuu ku sugnaa ama dadku uga walwal la’aayeen Qaranimmadii jirtay!….Qaranimmada innaga maqan maanta ee wali uu fahmi la’yahay Xasan SHiikh Max’ud haybaddii uu yeelan lahaa inay iyada la maqantahay sidaas daraadeedna uu iyada raadiyo!….laakiin wuxuusan shaki ku jirin cid kastaba ha iska hadasho, marka ammaan darrada dalka taalo laga hadlayo ama dibindaabyada iyo hagardaamooyinka hor taagan dib u soo celinta Qaranimmadeenii inay u simmanyihiin Xasan SHiikh Max’uud iyo Al-SHabaab!….bal adigu ka feker oo dhab u fiiri, Xasan SHiikh, Maxamed Jawaari iyo guud ahaan dowladda ay hoggaaminayaan xaggee bay u socdaan?!…bal adigu faham… Maraykankaa taageersan, EU-daa taageersan, Qarammada Midoobay baa taageersan, Carrabahaa taageersan, Afrikaankaa taageersan, IGAD baa taageersan….haye oo ma intaas bay dowlad inoogu yihiin?!….
Al-SHabaab waa dad xun, Maraykankaa liiska Argagixisada ku daray, waxa Beesha Caalamka loogu yeero ayaa argagixiso u yaqaan, Aajnabi bay dalkii soo gasheen, .. bal adigu qiyaas oo fiiri maxay ku kala duwanyihiin oo aan ku kala dooranaa Al-SHabaab iyo maamulka Xasan SHiikh Max’ud, iyo Jawaari hoggaaminayaan iyo kuwa iska daba socda, maalin kasta meelo nabad ahaa bay dagaal ka ridaan, waxay ku mashquulsanyihiin si ay iyaga wax u noqdaan inay dadkii kala qaybiyaan, waxay oggolyihiin wax kasta oo sharci iyo sharci darro ah dowladaha shisheeye ay weydiistaan si ay wax uga dhigaan….annagu haddii Waxa Beesha Caalamka loogu yeero Al-SHabaab keliya cadow u haysato annaga shacab ahaan labadaba waa inoo Al-SHabaab, waayo mid aan taladiisa wax ku leennahay ama wax ina weydiiya ma jiro…..
Mase aragtay Jawaari oo ka hadlaya dan guud, oo dowlad goboleeddada ugu baaqaya inay ilaaliyaan danaha guud!….Waxayna is weydiin ka taagantahay Af-Hayeenka Barlamanka mar kasta oo mooshin laga Keeno Xasan SHiikh Max’uud wuxuu yiraahdaa waxaa laysla gartay in wada hadal lagu dhameeyo, ma cabsaa ka keenaysa?!….Saacid baa mooshin laga keenay isagoo waliba nin aad u adeecsan ah madax-weynaha Xasan SHiikh, xataa waxay u diideen inuu iyaga hadal ka hor jeediyo, waxayna u rideen si degdeg ah, Cabdi-Wali SH. Axmed baa mooshin laga keenay muddo baa Jawaari laga yurayniyay isagoo u haliilaya, ilaa aakhirkii uu ku guuleystay in la rido, hasa yeeshee Xasan SHiikh ma la soo hadal qaaday…..maxaa daacadnimo yari ka muuqata, mise wax kalaa jira?!
Mase aragtay wafdi in dhoweydba dibadaha wareegayay oo uu hor kacayay Cabdi-Rashiid Xiddig oo ku leh waxaan qurbo joogta kala tashanaynaa cidda ay ku haboontahay in la siiyo jinsiyadda Soomaaliya?!…..inkaari waxay ka dhacday waxa loogu yeero Xil-DHibaannada….war xataa maxaa looga waayay mid maalin carooda oo is cazila, si ay kuwa kale u fahmaan xilka laga sugayo weynaantiisa!…..Soomaaliya Islaam iyo Gaal ninna maanta diyaar uma aha inay jinsiyad siiso, dalalka deriska ahana iyaga warkooda iskaba dhaaf, dadka Itoobiya ka soo jeeda ee sida is maahinta ay Itoobiya dalka ugu soo guraysana waxaa loo baahanyahay in si degdeg ah gobollada la soo dhoobay looga celiyo, waliba dowladda federal-ka gaar ahaan raga jinsiyadda aajnabiga u raadinaya waa inay talaabo degdeg ka qaadaan arrintaas oo ay ogaadaan inaan jinsayad cidna ka rabin ee dalka mar hore layska soo degay.
Waa Ciid Weyneey! Ma qiyaasi karo nabad intee la eg buu dareemayaa qofka islaamka ah ee maanta ku ciidaya dalalka Muslimiinta! Ma Soomaaliyaa, ma Yemen baa, ma Masar baa, ma Liibiyaa, ma Suudaan baa, ma Sacuudigaa, ma Ciraaq baa, ma Suuriyaa, ma Lubnaan baa, ma Falasdhiin baa, ma Afghaanistaan baa, ma Bakistaan baa, ma Jejniyaa, ma Turkigaa, ma dalalka Maghrib laysku yiraahdo ee Marooko (Maghrib) Aljeriya, Tuuniisiya ee galbeedka Afrikaa, ma Maali baa…..
Waxa dalkeena ka socda waxay marqaati u yihiin inaan wali lagu caqliyeysan wixii inaka soo maray burburkii qaranimmadeenii ku luntay, madaxda ama ragga siyaasadda dalka hoggaankeeda haya waxay wali garan la’yihiin magacyada ay wataan; Madax-weyne, Ra’iisal-wazaare, Waziir, Guddoomiye Barlamaan iyo wixii la hal maala inay yihiin qolfo maran oo iyaga laga sugayay inay buuxiyaan macnana u yeelaan, waxaadna moodaa in wixii abbaartoodu ahayd ay ku halmaameen baahida ay u qabeen awoodda ay rabaan inay ka helaan magacyadaas, waxay iyagoo arkaaya fahmi la’yihiin in magacyadaas ay huwanyihiin awoodooda ay dad kale ka haystaan iyagana wax loogu yeeriyo!…..
Ifafaalaha hadda muuqda iyo guud ahaan natiijooyinkii ka soo baxay wixii loogu magac daray Shirkii Wada Tashiga waxay ku tusayaan iyagana sida khaldan ee uu Xasan SHiikh Max’ud u fahmay magaca uu huwanyahay, wuxuu garan waayay inuu isagoo ah oday Soomaaliyeed ka hor madax-weynenimada uu soo dhex fariisto madaxda dowlad goboladeeda oo uu yiraahdo maaxa inoo dan ah,…..wanaaggii Qaranimo iyo macaankii iyo sharftii dalka ee uu baadi goobi lahaana wuxuu ka jeclaystay siduu u heli lahaa awood uu wax ku muuquuniyo….waan mid aan dib dambe madax-weyne Soomaaliyeed u soo mari doonin midda uu raadinayo…..Aaabbbbow dambe waa riyo been ah!….Xil-DHibaannada, anigu wali waan sugayaa Xil ay gartaane Xasan iyo Jawaari ha ku qasbaan danta ummadda maalmaha ee lagu jiro xilliga kala guurka…..
Waxaana wanaagsanaan lahayd in Xasan SHiikh Max’ud iyo maamulkiisa garowsadaan inay wali halkoodii joogaan muddo 3sano ah doorashadoodii ka dib, in wax uu ku dabbaal dego seddex sano ka dib uusan samaysan, waqtigiisii intiisii badnaydna uu ku lumiyay inuu sii fogeeyo rajadii laga qabay soo celinta Qarankii Soomaaliyeed, waxaase nasiib darro tan u weyn noqonaysa inuu garan waayo ama qiyaasi kari waayo inaan Soomaaliya laga heli doonin ama ay adagatahay in madax-weyne dambe uu yeesho awood uu siduu doono ugu tagri falo!…
Axmed-yaasiin Max’ed Sooyaan
alle_yaqaan99@yahoo.co.uk