Quantcast
Channel: Somali RBC Radio » Bashiir Yuusuf
Viewing all articles
Browse latest Browse all 82

MINA/ SACUUDI CARABIYA: DHIMASHO 717 XUJAAJ & DHAAWAC GAARAYA 863

$
0
0

Thursday, September 24, 2015 Mina/Saudi Arabia:-Subaxnimadii Maanta 09:00 am, oo ahayd Maalmaha lagu Magacaabo Maalmaha Tashriiqa ee Koowaad isla Markaana Ahayd Ciidul-Adxaa Al-Mubaarak ka dib markii Xujaay Dhagaxii soo tuuratey ee dooneysey iney qabtaan Xaramka kolka ay xiirtaan Timaha & kuwa u socdey dhagax tuurka oo raxan raxan u socday ayaa isku-jiirey wadada 204 ee Mashcar Mina(Maka Al-Mukarrama) taasoo dhalisey iney halkaa ku Shahiidaan Xujay Gaareysa 717 Xujaay ah & Dhaawac Gaaraya 863 halka ay Dhimashadu ay ka ahayd Saakey 09:30am, 453 & 719 Dhaawac ah, taasoo laga yaabo iney tirada ay korodho Saacadaha soo socda.

Dhaawaca ayaa loo qaybiyey Cusbitaalada Muna & Cusbitaalka Al-Nuur ee Maka Al-Mukarrama iyagoo lagu Daad Gureynayey Dayaaradaha Qummaatiga u kaca ee Helicopters-ka, loo yaqaan ee Ciidamada Gurmadka Dadweynaha … wararka qaarkii waxay sheegayaan in halkaa wadadu ay meel ka xirnayd qaarna waxay leeyihiin Xujayda Afrikaanka ah oo kol walba uguta.

Xajkooda Nidaamka Xoog ah iyagoon uga dan lahayn iney wax dhimaan haddana Sababa dhibaatooyin wax u dhima Xujeyda kale.

Ali Sheikh Adam
adam783@hotmail.com

Use Facebook to Comment on this Post

FacebookTwitterGoogle+Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 82

Trending Articles