Quantcast
Channel: Somali RBC Radio » Bashiir Yuusuf
Viewing all articles
Browse latest Browse all 82

Qabyaaladi qiil male!! W/Q Cabdinuur Faarax Maxamuud

$
0
0

Qabyaaladi qiil male!!
Cabdinuur Faarax Maxamuud
Email-abdinuur02@gmail.com
Ama guuleed72@hotmail.com
Oktooobar 13 2015

Cabdinuur Faarax Maxamuud

Cabdinuur Faarax Maxamuud

Sallamulahi caleykum Da,yarta Soomaali,iyo qof kastoo daris la ah qabyaalad Waxaan Alle weydiisanaya inuu wanaaga ii waafayo aniga iyo dhammaanteen-baa

Ujeedkeygu waa waano iyo dhiiri galin..

Qormadan waxaa igu kalifay markii aan marti u noqday Nin ila mida ama iga dal liita markii aan arkay heerka qabyaaladu ka gaartay da,yarta Soomaaliyeed & qorshe la,aanta dhallinta waa qormo si gaara ugu socta Dhallinta Soomaaliyeed.. Walaaleyaal Qur”aanka iyo Xaddiistuba waa ka Digeen qabyaalada` shaqsiga haku qaymayn qabiil ama qabyaalad ee ku qiimeeh shaqsi nimadiisa ku qiimeeh aqoontiisa iyo dadnimadiisa..

Maxay kubaday qabyaaladi? Maxay kusoo kordhisay? Maxaad ka faa“iiday? ma lasiman tahay Dhallinta adduunyada kale? ma tahay mid ku faana qaran? Mise waxaad ku faanta qabiil iyo qabyaalad?xaggeebay ku garsiisay qabyaaladi..

Haddii aad raadiso su”aalahas jawaabtooda u malayn maayo inaad si deg deg uga jawaabi kartid laakiin haddii aad jawaab deg deg ka bixiso waxay noqonaysaa, sidaan

Qabyaalad waxaan ka dhaxalay Qaran la,aan, waxan ka dhaxalay qabiil, qaxootinmo, kala qoqobka Qarankeygii, qoorsi qof walaalkaaya IWM..

Siyaasad ku dhisan qabyaalad ayaa dumisay qarankeenni danaysta doonaya inuu qabyaalad kaaga dhigo Qaran ayaa mugdi galiyey mastqabalkii dhalinta Soomaaliyeed wili dhallinta Soomaaliyeed kama fakarin halka ay ku socdaan waxaad (Qori) u qaaday qabqable kala qoqobay qarankaagii wax qiila oo ,uu ku hayana aan la aqoon qadarintii aad Qarada ku lahaydnaa ,kaa reebay dhallin yaro aan is daba qabano CAANO DAATAY DABADOOD LA QABTAAY…

Ummad waliba waxay guul iyo gobonimo ku gaarta dhalinyaradeeda xoogga dal Qarad ama qoys waa dhalinta Haddii dhallintu noqoto kuwo ku fikira hormarka iyo midnimadda ummaddooda waxaa xaqiiq in ummaddaasi guuleysto..

Dhallintii Soomaaliyeed waxaa kudhacay jaha wareer, laga soo bilaabo 1991, waxay marti u noqdeen qaran la,an taasoo meesha ka saartay in dhallinta Soomaaliyeed kala garan wayaan qaran iyo qabiil..

Qabyaalad aan qiilahayn dhalinta

Dhallinta Soomaaliyeed markii ay wayeen Qaran Soomaaliyeed waxay qiil ka dhigteen qabyaalad in kastoo qabyaaladu saamaysay dhammaan ummadda Soomaaliyeed intooda badan laakiin jiilashii soomaaliyeed ama da,yartii Soomaaliyeed waxay aad ugu milmeen qabyaalad taasi waxay meesha ka sartay quwadii iyo cududii dhallinta Soomaaliyeed, iyagoo u kala jajabay hannaan qabyaladeed` oo kala qoqobay da,yartii ummadda Soomaaliyeed..

Waxaad arkaysaa dhalinta jogta dalkii iyo kuwa joga qurbaha inay ka siman yihiin qabyaalada waxaad baraha ama goobaha bulshadu ku kulanto ku arkaysaa ra,yi qaldan kuna saleysan qabyaalad iyo qabiil tasoo curyaamisay in dhalinta Soomaaliyeed ku fikiraan midnimada ummaddooda..

Maxaan ka dhaxalay qabyaalada?

Maxaan ka dhaxalay qabyaalada?Waxaan ka dhaxalay ama aan ka faa” iidnay Qaran la, aan bahsan xaqootinimo qabqable loo adeego shaqo la,aan baahsan waxaan ka
faa’iidnay qorshe la,aan walaaleyaal qabyaaladu waa qurun aan qiilahayn ee aan ka fogaan..

Taas badalkeedna -an ku badalo inaan raadino qarankeennii Soomaaliyeed iyo aayo ka talinta dhulkeenna nin qabyaalad cuskaday walee inuusan qaran noqon (Nabigeenu Sallahu calayhi wasallam),,wuxuu yiri qabyaaladi waa qorun ee ka dheeraada..

Dardaran ku socda dhalinta soomaaliyeed

Dhammaan dhallinta soomaaliyeed ama da’ ayrta ummadda soomaaliyeed waxaan u soo jeedinaya inay iska daayaan qabyaalada iyo qabiilaysiga shaqsiga dhalinyarada ee jooga qurbaha waa inuu fiirsho qiimaha uu ku leeyahay qurbaha iyo dal uusan lahayn maxaa laguu yaqaan? haddii aan kaaga jawaabo waxaa laguu yaqaan Soomaali laguuma yaqaan rer) Qansax ama reer qurac sidaas darteed waa inaan ku fekero inaan ka fogaano qabiilaysiga iyo qabyalada..

Waxaan idin sheegaya dadka waweyn ee Soomaaliyeed wanaag iyo xumaanba wey soo qaateen waqtigoodii Maantana xilku ama mas ‘uuliyadu waxay saran tahay waa da ‘yarta Soomaaliyeed waxaa la,innaga sugayaa inaan Ummadeenna ka saaro silica iyo rafaadka ku habsaday qarankeenni..

Laakiin is weydiih waa goorma goorta aan ummdeenna hormarin karo? waa markii aan ka gudubno qabyaalada waa markii aan isku duubnaano kana guuro fekerka qabiilaysiga una gudubno fikir Qaran..

Ka xorow qabyaalad qabiilaysigu waa qaran la, aan

Inta aad qabyaalad dugsanaysid qaranimo kaa dheer

Waxaan ku soo koobaya Tuduc gabaya uu uu tiriyeye

DURRAAN A SHIRWAC

ü Hadaanaan isqabanoo- qoonyahow dhulkeenii

ü Qaranimo lasoo celin- in qariiradeenii

ü Qaaradoo dhan- laga jaro

ü Quwadaha shisheeyiyo- qowlaysataa weli
Qabanqaabinaysee- u istaaga qaranimo

Cabdinuur Faarax Maxamuud
Falanqeeye arrimaha bulshada
Midnimadu waa guul

Use Facebook to Comment on this Post

FacebookTwitterGoogle+Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 82

Trending Articles