Quantcast
Channel: Somali RBC Radio » Bashiir Yuusuf
Viewing all articles
Browse latest Browse all 82

Soomaaliya mar kale dhiig waa loogu Wan-qali! ( Qaybtii IV-aad). W/Q Axmed-yaasiin Max’ed Sooyaan

$
0
0

Soomaaliya mar kale dhiig waa loogu Wan-qali! ( Qaybtii IV-aad)
Axmed-yaasiin Max’ed Sooyaan
Axmed-yaasiin Max’ed Sooyaan.
Maajo 15 2014

maqaalMalaha waxa dalkeena lagu samayniyo waxay tijaabo u yihiin hir gelinta waxaa loogu yeero Nidaamka Dunida Cusub(New World Order), mushaar baa lagu siinayaa, beero ma falanaysid, waa laguu falayaa, warshado ma yeelanaysid laakiin warshadaha Beesha Caalamka !…. Ciidan ma yeelanaysid, madaxdaada iyo xil-dhibaannadaada annaga ayaa mushaarka siinayna, laakiin dowlad baad tahay!…Waa Nidaamka Dunida Cusub! Fari kama qodna siyaasadda Beesha Caalamka ee ku wajahan Soomaaliya.

In intee la eg baad tuhmaysaa in Al-shabaab ay Beesha Caalamka adeegsadaan si uu burburku u sii socdo?! Bal ka waran dowladda Qadar! Waxaa aalaaba soo noqnoqda inuu jiro xiriir xooggan oo ay la leedahay Al-shabaab, Qadar waa dal aad u yar baaxad ahaan iyo dad ahaanba , rubuc qarnigii la soo dhaafay, Qadar waxay si aad ah iskugu mashquulinaysay inay saamayn muuqato ku yeelato wajiga cusub ee siyaasadda dunida waxayna u xuub siibatay dulaal caalami ah ee xagga sir-doonka dunida siiba Bariga-dhexe, waxaana jiray in Qadar ay xiriir aan qarsoonayn la yeelatay kooxda Al-shabaab, waxayna wada-shaqayn xagga sir-doonka ah oo aad u dhow la leedahay dalalka reer galbeedka ah ee iyagu sida aadka faraha ugula jira arrimaha Soomaaliya.

Waxaa jirta in Qadar ay dalalka reer galbeedka qaarkood siiba dowladda Maraykanka ay ku eedaysay inay gacan saar la leedahay kooxda Al-shabaab, xiriirkan oo sida la rumaysanyahay ah mid ay kula shaqaynayso sir-doonka caalamka, waxaana si weyn u soo if-baxay in Soomaaliya xataa saaxiibbadii danaha ay wadaageen aysan u soo joogsan inay caymiyaan, waxaana wali jira shaki weyn oo ah in dowladda Qadar ay dulaal ka tahay dhaqdhaqaaqa war-doonka aduunka ee ku wajahan Al-shabaab iyo guud ahaan Soomaaliya.

Maanta oo kale, May15, 1943kii ayeey ahayd markii ay dhallin yaro Soomaaliyeed oo ka kooban 13 wiil intay fariisteen go’aansadeen kuna dhawaaqeen waxa ay u doonayaan ummadda ay xoogga u yihiin! 71sano ka hor meeshii ay awoowayaasheen ka bilaabeen baad moodaa inay manta dib uu laabatay haddii aysan kaba fogeyn!….

{Alle ha u naxariistee gurigii DHeere Xaaji DHeere, wali waa aan xasuusnahay ee dabaqa ahaa ee jaraanjarada cariiriga ah lahaa, kuna yaalay afar-irdoodka Xamar-weyne, waana agagaarkaas meeshii ay ku taalay maktabaddii Cali Karaani ee ay imaan jireen Cabdul-Qaadir Sakhaawa-diin iyo Max’ed Xuseen…}

SYL (Somali Youth League) waxaa ay ku guuleysteen barnaamij weyn oo macnihiisu ahaa Soomaalinimo iyo gumeysi diidnimo, waxaa dhici jirtay in xubno Soomaali ah oo ka mid ahaa askarta Talyaaniga ay ay mushaarka ay qaateen ku deeqi jireen lacagaha uu baahanyahay xafiiska ururka …SYL, waa ay jireen xubno kale oo Soomaali ah oo la socday guumeysigii Talyaaniga ahaa, waxaase jiray….

Waxaa muuqatay guumaysttihii Talyaaniguna garowsaday inuu jiro faham siyaasadeed oo hoggaankiisii wata, fikradaas bilaabatay ee cajiibka ahayd waxay horseday in Qarammada midoobay ay garowshiinyo ka bixiso rabitaanka shacabkii Soomaaliyeed , waxaana golaha loo dhanyaay hadal ka jeediyay bishii maarso,1949 , Cabdullaahi Ciise Max’ud, waxaana xusid mudan in markii uu Cabdullaahi Ciise safriyay looga baahnaa inuu is talaalo, laakiin waxaa looga cabsday in la sumeeyo, waxaana la soo jeediyay inuu bedelkiisa in Max’ed Adan Muure (Nairobi buu hadda ku suganyahay!) meesha talaalka tago oo isaga talaalkii qaato haddii ay sun noqotana ….. Yaa yeeli lahaa manta, yaraase qof u qalma…..

Sida laga sheegay Alle ha u naxariistee Cabdi-Razaaq Xaaji Xuseen ayaa intuusan dhiman sheegay in isaga iyo madaxweynihii hore ee Soomaaliya Adan Cabdulle Cusmaan (Adan-cadde) ay ku balameen in hadba midkoodii dambeeyaa lagu dhinac xabaalo saaxiibkiis, sida hadda muuqatana waxaa uu oofiyay balntaas….jacaylka noocaas ah wuxuu salka ku hayay kifaaxii halgankii ay isla soo mareen….Adan Cabdulle Cusmaan, oo isagu uu doortay barlamankii ugu horeeyay ee ay ummadda Soomaaliyeed yeelato, xil-kasnimmadii iyo siduu ugu dhaqmay awoodda xafiiska loo dhibay waxay muujinaysay, xil-kasnimmada Barlamankaa iyo siday Alle hortii uga baqeen qofka ay u xuleen hogaanka ummadda!….

Axmed-yaasiin Max’ed Sooyaan.
alle_yaqaan99@yahoo.co.uk

_______________

Raxanreeb.com Waxa ay Tixgelin Gaara Siinaysaa Maqaaladaha Sida Gaarka ah Loogu soo Diro ee aan Lagu Daabicin Mareego kale.

QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM

Use Facebook to Comment on this Post

FacebookTwitterGoogle+Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 82

Trending Articles