Dhibaatooyinka iyo shirqooladda Suldaan Zubeyr uga digey Beelaha Puntland
Mohamed Ali Madhoodhe
madhoodhe_251@hotmail.de
Diseembar 31 2015
Waxaan saxaafadda halkan ugu soo gudbinayaa qoraal aan uga digayo beesha Leelkase iyo Guud ahaan Bulshooyinka ku nool geyiga Puntland Dhibaatooyinka iyo Shirqooladda uu maalin walba u maleegayo ninkaas Issinka ah ee Suldaan Zubeyr Xaaji Maxamuud. Waxaan halkan ku soo gudbinayaa dhowr qodob oo aan beesha leelkase iyo Ummadda Puntland ee walaalaha ah uga digayo waxa ay wadaan Suldaan Zubeyr iyo kooxo la socda oo meelo kale laga adeegsanayo dhibaatana ku ah Bulshada guud ahaan ku nool degaanka Puntland.
1. Waxaa Bil ka hor ay Waxgaradka iyo Aqooyahanadda Beesha Maxamuud Cali ee degta Goboladda Bari iyo Karkaar ay u soo gudbiyeen beelaha leelkase ee Nugaal iyo Mudug caabasho iyo qoraal cadeynaya inuu Suldan Zubeyr dhibaato iyo shirqoolo ka abuurayo beesha Maxamuud Cali dhexdooda iyo Beelaha ay wada deegaanba labadaba.
2. Waxaanu waxgaradkii walaalahayo Beesha Maxamuud Cali u sheegney inaysan guud ahaan Beesha Leelkase meel walba ha degtee inaysan ku garabsiineyn dhibaatadaas raalina laga noqondaanin haddii uu ku dhaqaaqo arrintaasna meel looga soo wada jeesan doono, balse nasiib darro waa uu ku dhiiradey kuna dhaqaaqey asaga iyo kooxdaas Muqdisho laga soo direy oo uu Xildhibaanku ku jiro, waxaa kaloo nasiib darro ah oo ay khayaamo iyo been abuur cad ay u sheegeen Nabadoonka Nugaal Cabdirashiid Garawan iyo ergo kale inay raacaan ayagoo u sheegay in laga marti qaadey magaaladda Banderbeyla oo ay casuumad ka heleen Guud ahaan Beesha Maxamuud Cali ee goboladaas degata. Waxaanu walaalahayo Maxamuud Cali u cadeynaynaa kana raali gelineynaa inaysan waxba kala socon Ergada uu Nabadoonku hogaaminayey ee Nugaal ka raacdey shirqooladda u qarsoon iyo dhibka uu idinkugu soo safrey Zubeyr.
3.Waxaa kale oo dhibaato, shirqool iyo wax isdaba-maris ah inuu Bulshadii uu kula kulmey Degmadda Banderbeyla iyo kuwo meelo kale uu been uga soo sheegay oo yimid Degmada uu ku yiraahdo Leelkase Ugaas iyo Issim kale ma lahan xilligan aniga ayaa DFS ay isoo wakiilatey inaan xulo 5 tii xubin ee beesha Leelkase uga mid noqon lahaa Baarlamaanka Federalka Soomaaliya 2016, kana wata cadeyn masuuliyiinta ugu sareysa DFS sida( Madaxweyne Xassan Sheekh , Odawa iyo Khadra).
4. Waxaa isweydiin mudan goorna ayaa Beesha Leelkase ka shirtay ama ay go`aan mideysan ka qaadatey wixii ay ka yeeli lahaayeen Doorashada 2016 ha noqoto 4.5 ama Degaan qaybsi,taas waxay cadeyn u tahay qayaamo iyo danbiyo uu ka gelayo Beesha leelkase iyo Ummadda Puntland degta guud ahaan asagoo u adeegaya dad cadow ku ah dadka iyo degaan Puntland, hore ayuu 2012kii uga mid ahaa Issimaddii Puntland uga qayb gashey soo xulista BFS wixii uu ku sameeyey Issimmaddii la socdey iyo beesha Leelkaseba waa la ogaa.
5. Waxaan shiki qofna uga jirin ama uusan caad ka saarneyn Suldaan Zubeyr wax uu Muqdisho ka sameeyo oo ay shaqadiisu tahay asagoo magaca Beesha xambaarsan kuna shaqeysanaya, waxa uu caan ku yahay Boono la gado inta wasiir laga soo qaado sida(Kaalimaha shidaal boonadeeda, boonooyinka qandaraasyada),boos Scholership oo la gato, dhul ummadda laga masuqmaasuqey iyo dhaqmo aad u xun oo hadda Muqdisho ka socda. haddaba qofka noocaas ku caan baxey sidee baa masiirka ummadda iyo deegaanba leedahay loogu aamini karaa, sow ma fiicna in la iska qabto ummaddana laga qabto , hore ayaa 2012 beelaha Tanade ee Nugaal dega kala laabteen xasaanadii ka dib markii uu dhibaatooyin iyo iska horkeen aad u badan kala dhexdhigey.
Waxaana qoraalkeyga aan kusoo gabagabeynaya Guud ahaan waxaan Beesha leelkase ku wargelinayaa uguna baaqayaa in Issimadda fiican ee aad doorataan iyo kuwa Isku caana shubey, kuwa Boobka isku magacaabey iyo kuwa magaca ku shaqeysta oo boonooyinka iyo boobka u isticmaala inaad kala saartaan mid walbana wax iyo meekhaanka uu leeyahay ku ekeysaan, koley waa dhibaato beelaha deriska nala ah iyo kuwa Soomaaliyeedba ku habsatey oo aan la qabno weeye waana model socda xilligan(Kooxo qowlaysato ah oo magac Issim la baxa, qaatana koofid,cimaamad iyo garguduudan) .
Hoos ka akhriso qoraalkii cadeynta ahaa ee ay bil ka hor noo soo direen waxgaradka Beesha Maxamuud Cali ee Goballadda Bari iyo Karkaar.