Waa Maxay Sifaha uu Gen Gabra ku joogo Soomaaliya ???
Abdallah Moallim Mahamud
Moallem10@hotmail.com
Sabteembar 10 2015
Gen Gabra ,waa magac aanan ku cusbeyn Soomaalida oo dhan meel walba oo ay joogto. Magacan waxaa xambaarsan Mas’uul Itoobiyaan ah oo caskari ah sida lagu sheego, oo marki ugu horeysay ee lagu arko saaxada Soomaaliya ay ahayd kolki ay Ciidamada xabashida dagaal kaga horyimaadeen Maamulki la magac baxay Maxaakimta Soomaaliya. waa taariikh dheer oo la wada yaqaan siday ciidamda Xabashida ku yimaadeen Muqadisho iyo siday uga baxeen labadaba.
Waxaasa weli in badan oo Soomaali ah mugdi kaga jiro Gen Gabra oo waagaas ka mid ahaa saraakiishi hogaamineysay ciidamada Xabashida ee duulaanka ku soo qaaday Xarunta Somaaliya,Muqadisho .
Waa maxay sifaha uu Generalkan haddeer ku joogo dalka Soomaaliya ??
1-Ma ahan Safiirka Itoobiya u fadhiya Soomaaliya, mana ahan masull xil kaga magaacaban Safaarada ay Itoobiya ku leedahay magaalada Muqadisho.
2-Ma ahan Mas’uul mansab magacaaban ka haayo IGAD.
3-Ma ahan mas’uul mansab magacaaban ka haayo AMISOM ,maamul ahaan iyo ciidan ahaan.
Gen Gabra laguma arko xafaladaha rasmiga ah ee beesha caalamka ka soo qeybgalaan ,sida caleema saarka madaxda maamulada federaalka, sida xafaldaha lagu unko maamul federal ah dhismihiisa, laguma arko xafladaha iyo munaasabooyinka u gaarka ah Beesha caalamka. xitaa kama soo muuqan heshiiska dhaxmaray DFS iyo maamulka Juba ee ka dhacay Addis-Ababab.
Gudaha dalka goobta kaliya ee uu si rasmi ah uga soo muuqday shakhsi ahaan waa heshiiski la dhax dhigay MW Juba iyo Col Barre hiiraale ee maamulkaas si xoogan u diidanaa,heshiiska aakhirkiisa wuxuu ku dhamaaday fashil,Gen Gabra wuxuu xirnaa Bistoolad kolki uu ka soo muuqanayay gogashaas, lamana sheegin mansabka ama mas’uuliyada uu xambaaarsanaa gogashaas.
Haddeer waxaa jiro in la leeyahay dhawr usbuuc ka hor wuxuu ka soo dhax muuqday heshiis la dhax dhigay maamulka Gobalka Gedo iyo MW Juba, oo isagana ku dhamaaday Fashil ,kolki Gudoomiyihi goablka Gedo ku gacan seyray jiritaanka heshiikaas ,sheegayna in si qasab ah uu Gen Gabra iyo ciidamda Xabashida kaga saxiixeen heshiiskaas ,keddibna loo soo masaafuriyay Muqdisho, haddeerna uu ku noqday Degmada Garbahaareey ee caasumada Gobalka Gedo ,halkaasna ay is horfadhiyaan Ciidamada xabashida oo ka soo horjeedo in guddoomiya Mudane Kaliil joogo magaaladaas, maadaama ay iyaga leeyihiin waa laga qaaday mansabkaas uu sheeganayo ee guddoomiyaha gobalka Gedo, halka uu Mudane Kaliil leeyahay in uu yahay guddoomiyaha sharciga ah ee gobalka Gedo.
Iyada oo intaas oo dhan ay jirto ,haddana ma jirto arrin Soomaaliyeed oo uunan faraha kula jirin,
Ninkan muxuu yahay??, maxay DFS u aqoonsan tahay?, ama mansabkee ayey kula tacaamushaa?? yaa awood u siiyay in uu joogo goob walba ,taladiisana ka shaqeynso iyada oo uunan lahayn mas’uuliyad cad oo uu xambaarsan yahay, kana aynan warheyn DFS???.
Fiira gaar ah ,waxaa jiro goob uu ka soo muuday ,waana shirki u dambeeyay ee lagu qabtay magaalada Brussels ee looga hadlayay hiigsiga cusub2016 ,ka soo muuqashadaasna rasmi ma ahayn ,waxaasa jirto in la helay suurad cadeyneyso in uu joogay goobtaas ,keddib kolki uu isla sawiray shakhsiyaad Soomaali ah.
Soomaaliya shaki kuma jiro in ay Soomaali leedahay,marnana aynan gacanteeda ka bixi doonin Haddii Allah idmo. waxaasa isweydiin mudan ,aaway DFS ee gaacanta ku heysay mas’uuliyada dalkan .DFS waxaan ka codsaneynaa in ay tafaasiil ka Bixiso ,muxuu yahay Gen Gabra iyo sifahiisa shaqo???? 9/Sep/2015
Abdallah Moallim Mahamud
Moallem10@hotmail.com