Garowe (Puntland,Sept.09,2015): Siyaasiga Daahir Cabdulqaadir Muuse (Daahir-Ciiro) ayaa manta ku baaqay in dad-weynaha Puntland ay diidaan oo aysan qaadan lacag been abuur ah oo sida la sheegay ay daabacday dowladda Puntland, Daahir ciiro oo ka hadlay magaallada Garowe ayaa isagoo waraysi siinayay shabakadda Dunidaonline ee laga leeyahay Puntland sheegay inay isku dayeen inay dowladda Puntland ka waaniyaan daabacadda lacagtaas ilaa iyo madaxda ugu sareyso oo uu ku jiro Madax-weynaha Cabdi-wali Maxamed Cali Gaas.
Mudane Daahir Ciiro ayaa ku tilmaamay lacagtaas inay tahay mid la rabo in dadka xoolahooda lagu khayaano oo lagu dhaco, wuxuuna carabka ku dhuftay in lacagta ay ka samaysantahay xaashiyo A4 ah oo aad loo xabageeyay, sidaasoo kalana wuxuu shaqaalaha iyo ciidammada ugu baaqay inaysan lacagtaas mushaar ahaan u qaadan oo ay diidaan si ay u badbaadiyaan dadka dan-yarta ah iyo dhaqaalaha dalkaba. Waxaa horay lacagtan been-abuurka ah ee Puntland uga digay Bankiga Dhexe ee dowladda federal-ka oo ku baaqay in lacagtaan la xanibo isla markaasna laga hor tago si aysan uga soo gudbin xudduudaha Puntland.